site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ururadda iyo shaqsiyaadka ka soo hor jeeda dawladda cusub.

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): Ururadda iyo shaqsiyaadka ka soo hor jeeda dawladda cusub.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aflow

Sunday, October 29, 2000 - 03:35 am
Walaalayaal dhawaan Somaliya waxa ay gaartay guul siyaasadeed oo aduunyaddii lama fillaan ku noqotay ka dib markii ay wax natiijo ah ay keeni waayeen ururaddii dalka goobgoob u kala jaray mudo toban sanadood,run ahantii waxaa mahad balaaran iska leh shacabka iyo dawlada jabuuti oo suurta geliyay in Somali weyn iyadoon u kala harin shir isugu timaado oo wax dhisato. Su'aasha aan idin weeydiinayo waxa ay tahay siday idiinla muuqataa dadkii 10ka sano wax xal ah keeni waayey in ay maanta hor istaagaan dawladnimada Somali maxaan ku tilmaami karnaa ururaddaas ama shaqsiyaadkaas?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali1

Sunday, October 29, 2000 - 08:16 am
Aflow,

Horta waad mahadsan tahay sxb. aniga waxay iila muuqataa inaan iska ilowno urur iyo shaqsiyaadka dowlada ka soo horjeedaa oo aan xooga saarno taageerada dawlada cusub. ogowna ururada waxa xukumaa waa shaqsiyaad aan ku hadlin magaca dadka aya xukumaan. hal tusaale aan ku siiyo. C/laahi yusuf-ka puntland maalin dhawayd waxaa looga mudaharaaday qardho oo aan magalaada 2aad ee gobolka bari. Ina cigaal ma tegi karo meelo badan oo uu sheego inuu xukumo oo ka mid ah soomaliland cida ceerigaabo iyo dhulka hartiga oo dhami dego. marka yeynaan maqlin dad urur sheegta ee aan aragno dadweynaha dantooda. dhanka kale yuu wataa ina caydiid? laba wiil oo mooryaan ah. habargidir ma wato. yuu metelaa caato? sidoo kale laba mooryaan ah oo sacad ah. qanyare ma aha hogaamiya murusade . suudi abgaal lama socdaan ee dhowr wiil oo uu masruufo ayuu wataa. marka walaal aanba iska ilowno ayaan soomalida dhihi lahaa anigu.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.