site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAXAAN LA YAABAY FEKRADDA ORANAYSA MIDEYNTA AFRICA INA SALAAD BOYNA SAXEEXAY

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): WAXAAN LA YAABAY FEKRADDA ORANAYSA MIDEYNTA AFRICA INA SALAAD BOYNA SAXEEXAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Sunday, October 29, 2000 - 05:27 am
somalida waxay ku maah-maahdaa waxaad ceebta u
taqaan qof bay camalkiisa tahay, waxaan la yaaba-
nahay fekradda oranaysa mideynta africa taas oo
uu fekradeeda lahaa hoggaamiyaha LIBIYA MR.QADAFI.
marka hore waxaan oran lahaa qadaafi ma aha nin
go,aan leh wuxuuna ka mid yahay dawladihii somalia
burburiyey sababtoo ah wuxuu marna hub siin jiray
ururadii SSDF, SNM marna wuxuu hubsiin jiray
dawladdii Mohamed siyaad barre, qadaafi marba qof
urur ama dawladda uu doono ayuu tageeraa waana nin
waalan, haddaan u soo noqdo arrinta ina salaad boy
waxaad ka mid aheyd dawladdii maxamed siyaad barre
waxaadna ku dhaaratay in aad dawladda iyo dalkaba
daacad u tahay maantana waxaad ku dhaaraneysaa in
aad dalka iyo shacabka soomaaliiyeed daacad u
tahay.
dawladdii maxmed siyaad barre iyo tan aad hoggaa-
minayso midkee daacad ah labada dhaarood ee
aad martay maxay ku kala duwan yihiin ma haddaad
xaq ku socotaa mise markii aad wasiirka ka aheyd
dawladii siyaad, marka labaad hub ayaad dalka ku
soo daldalaysaa wadanka ma waxaad rabtaa in aad
mar kale shacabka soomaaliyeed hub isugu dhiibtid
adigoo wax ku soo bartay kulliyaddii ay ka soo
bixi jireen ardaydii maxamed siyaad barre si aad
usii haysatid xukunka intii aad doonto qaybi oo
xukun inagga daa africa isu imaatinkeeda sxb waxan
isu keeni lanahay shacabkii soomaaliyeed ee aad
hubka isugu dhiibteen xasuuqdeen, hantidiisii
dhacdeen inba meel ka tuurteen dhibaatadii aad
geysateen nimankiina xukunka doonka ah ayaa
soomaalia ka dhigtay in aan qabiilna qabiil
dabka ka qaadan, dhibaatadiina waxay usii dhaadha-
cday in daarood is dilo, isak is dilo. hawie is
dilo oon midna midka kale waxba u ogolaan illeyn
xaq-darro ayaa lagu wada socdaaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ganey

Sunday, October 29, 2000 - 06:20 am
Cabdikarim

Ina Salad sababtuu u saxiisey Qorshaha Qadaafi waxey u muuqataa in ay tahey arrin uu Qadafi ku soo xirey taageerada maal ee uu u balan qaadey dowlada ku meel gaarka.

Ganey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

boorame

Sunday, October 29, 2000 - 07:59 am
walaal Cabdikarimhassan.
waxaan kala aqoon waayey in dad aan aqoon lahayn magacaaga isticmaalaan si ay kuu baabi`yaan,iyo in aad adigu tahay nin aan sii fogeeyn oo fartu gaadho. taas waxaan ula jeedaa mar kasta oo aan magacaaga arko waxaan asxaabteeyda ila joogta u sii sheegaa inta aanan aqrin fikirkaada in aad tahay ninka ugu warxumo-tashiilsan bahda soomaali-weeyn gudaha iyo dibaddaba, markii aan wada aqrinno fikirkaada ayeey wada qoslaan oo yiraahdaan ,war ninkan oo kale ayaa illeen soomaalinimo kula sheeganaya...nasiib darro waxaa ah in aan go`aan sannay in aan si caam ah kuu guddoonsiinno koobka aad xaqa u leedahay oo ah ( Mr NegatiVE).waxaan si qaas ah dhegta kuugu sheegi lahaa in aad ka wantoowdid dabadhilifnimada iyo warxumo-tashiilka oo aad isqabatid inta aan ummaddu ku qaban,si aad si kalsooni leh uga dhex xaragootid walaalahaaga si caafimaad ku jiro.intii aad fikirka noocaan ah keeni lahayd soow ma haboonaateen in aad keento mid wax uun laga dheefayo.sow wax lagu faano ma`ahan in uu hoggaaamiyahaagu saxiixo UNATED AFRICA.adigaba sowdigaasiba hadda qaxooti kama tihid UNATED STATES...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suuban

Sunday, October 29, 2000 - 08:19 am
cabdikarim xasan walaalow sow anigii wasiir kaga dhigaya walferte ama cayrta inaa madax ka noqotid,madama aad cayr qadatid adan rajo kale lahayn inaad dadka isku dirtid oo ka shaqaysid somaliwayn burburkeeda.Waxaana ku waydiiyaya melkasta oo aad wax ku qortid waxaad uun leedahay qabiilo hub la isugu dhiibaya walaalow ma dadkaa ka dhalataa dad kale hub loogu dhiibay oo la xasuuqay? taas hadaa ka baqaysidna ma dhici doonto markale ee baqdinta badan iska daa qof yohow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shilke

Sunday, October 29, 2000 - 08:41 am
allaah,suuban waa xaakin....anigu arkaye adinkuna ila arka..dadoow....ninkan tolkiis ha xirxireen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Democrat

Sunday, October 29, 2000 - 11:16 am
abdilkariim fikirkiisa qaddarin weynbey mudan tahay, in la ixtiraamuu xaq u leeyahay. Dooddiisu waa mid caafimaad qabta. in la dhiirri geliyo ayuu leeyahay. In la iscaburiyo maaha. I have been impressed by his articulate and educated method of argument. All of his opponenets are ignorant, dogmatic punch who are sick with intellectual cowardism. Grow up and learn how to debate and leave the bright young man alone with his burgeoning constructive ideas. Congrats A/karim!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Democrat

Sunday, October 29, 2000 - 11:34 am
To abdikarim:"A drowned man grabs every straw", says the saying. President of Somalia is typical of that. He has given a hasty apology to America with regard to the U.S. marines killed in Somalia while apparently ignoring the thousands of unarmed civilians massacred by their brutal force(most of the victims were his fellow Hawiyas)in Mogadishu.
He is so desperate by signing lunatic Qadafi's "document of unification " in the faint hope that libya pours in arms and assistance. Don't forget this suicidal policy alienates not only the west but also moderate arab governments.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daljir

Sunday, October 29, 2000 - 12:42 pm
Dear AbdiKariim, waxaad ka midtahay tirada yar ee aan ku raaxeysto qoraalkooda. Sida Democrat sheegay waxaa kugu dambeysa maskax caafimaad qabta. Waa maskax ka madax banaan munaafiqnimada qabiilka iyo xaasidnimada ummadeenu caanka ku tahay.

Waxaa dhacday sanadkii 1983dii in jabhadda SNM/SSDF iyo ciidanka qalabka sida labada dad kaga dhinteen dagaal. labada dhinacba waxay adeegsanyeen hub isku nooca oo uu u dhiibay Qadaafi. Waqtigaas InaSalaadboy waxuu hubka ka soo gadi jiray Libiya.

Haddii uu soomaalinimo ku jirto hub cusub iyo "phony Bills" dhawaan ma keeneen Xamar. Mar kasta oo lacag faalso ah la soo geliyo wadanka waxaa suuqa ka baxa ama bankrupcy ku dhacaa kuwa ugu dantayar ee koriya orphan kids.

Ma garan waayey inuu ka gato hubka suuqa bakaaraha?

Qofkaan garaadkiisu dhameeyn inuu dib u fiiriyo taariikhda fadlan fariiso oo waxbaro intaadan caytamin.

Hats off to you A/Karim
Dempcrat...nice piece!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garyaqaan

Sunday, October 29, 2000 - 11:39 pm
waxaan qabaa in uu cabdi kariin figradiisu aay tahay mid qadarin iyo xishmadba mudan taas oo uu ka hadlay mid qof aqoon iyo waaya aragnimo u leh siyaasada soomaalida. sida aaynu wada ognahayba soomaalida aqoonteedu waa qabiil kuraac balse waxay ka shalaysaa markay dhibi ku timaado taa waxaan uga jeedaa sida uu sheegay cabdi kariin soomaalidu waxay mar labaad halis u tahay in uu ka dhaco dagaal sokeeye oo ka xun kii aan soomarnay iyadoo uu sababta c/kariin soo sheegay waxaan ku kor dhinayaa in uu cabdi qaasin hub tiro badan wadanka ku soo dal dalayo kaas oo uu ku balan qaaday in kooxaha ka soo hor jeeda xukunkiisa aanu wax wada hadala la yeelan ee uu qori caaradii wax kaga qaban doono iyo isagoo ku hanjabay in dawlada s/land uu weerari doono soomaalilaand iyaguna ay ciidamadeedii soo dejisay xuduudaha ay la leedahay soomaaliya oo ay difaac u diyaar garoobeen
markaa soomaaliyeey waxa halkaa ka muuqata laba arimood oo waawayn kuwaas oo keeni kara in aay timaado dagaal sokeeye ookii hore inoo soomaray mid ka xun oo maanta aanay dani inoogujirin labada arimood waxay kalayihiin
1-in cabdi qaasin uu doonayo in aan xukunkiisa cidi ka hor iman oo loo hogaansanaado
2- in hadii xukunkiisa laga hor yimaado uu qori caaradii wax ku xaliyo

hadaba soomaaliyeey labadaa arimoodba maanta xal uma aha nabadraadinta soomaaliya oohore ayaa guul looga gaari lahaa ee sidee dani inoogu jirtaa ???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Monday, October 30, 2000 - 12:38 am
TO Boorame.

haddaan dhawr qaybood u kala qaado qoraalka
marka hore anigu warxumatashiil ma ahi arrintaasna
siyaad ayaa isticmaali jiray markuu xukunka dalka
haystay waxaadna ka midkuwi tahay siyaad ababiyey.
arrinta dabadhilifnimada adiga reerkeena ayaa
saaxiib dabadhilif lagu sheegi jiray waxaadna
aheydeen nimankii idinkoon mareexan waxba wadaagin
yiri mareexaan ayaan wada dhalaney si siyaad
kharash iyo xukunkiisii wax idiinka siiyo.
arrinta mideynta africa saaxiib haddaad taas ku
riyoonayso waxaad tahay nin aan habeena jirin
sababtoo aha africa ma jiro dal dhexdiisa dagaal
sokeeye ka socon dal walibana wuxuu la ciirciiraya
dhibkiisa gudaha kan deriska la ah haku daalin tas
saaxiib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Monday, October 30, 2000 - 01:13 am
TO Suuban

ha sugin in soomaaliya horumar gaarto isla markana
caawiso dadkeeda inta waagii beryaba tuug hub uso
iibsanayo si uu u laayo(xasuuqo), suuban malaha
waad hurudaaye ma waxaad moodeysaa in qof kasta
oo yurub ama north america joogaa ceyr qaato miy-
aanad ogeyn in dad badani maalaan muruqooda iyo
maskaxdooda weligoodna aanay arag ama tegin meel
ceyr lagu qaato, soomaalinimaduna ma ah wax layska
dhigi karo ama laga tegi karo, kama soo horjeedo
soomaaliweyn ee waxaan diidanahay kuwii axmaqii
shalay soomaaliya cunay ayaa maanta hoggaaminaaya
ma waxay shalay soomaaliya u qaban waayey ayey
maanta leeyihiin waan qabanaynaa ma filayo taas
suuban hana ku daalin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Monday, October 30, 2000 - 01:27 am
TO SHILKE

Adiga sida magaacaga ka muuqata waxaad tahay
kuwii soomaaliya baabi,iyey, bililiqaystay,
kufsaday qaatayna wax kasta oo shacab ama
dawlad laheyd adeerkana waxaa uu doonayaa in
uu soo iibsado shilkayaal kale si uu soomaaliya
u baabi,iyo wax uu u qabto iska daayee, ina salaad
boy waxaa uu ka mid ah intii soomaaliya hoggaamin
jirtay dawladii siyaad waxuu berigaas qaban waayey
miyuu maanta qabanayaa reerkuu ka dhashayna ceyr
ayaa la dhahaa waana kuwii soomaaliya oo dhan
sakhiir, waayeel,culimo, aqoonyahan iyo taajir
ka dhigay waxay dilaan, kufsadaan bililiqaystaan
reer bililiqo wax rajo ah ma soo wadaan ee ma
waxaad doonaysaan inaad sii xasuuqdaan soomaaliya
wixii hore uga badbaaday masiibadii soomaaliya ku
habsatay, maalintii la dilay abyan oo weligii ka
soo horjeeday dawladdii siyaad ahaana nin aqoon-
yahan daacad ah ina salaad boy waa uu joogay halki
lagu dilay haddii uu yahay nin daacad ah muxuu u
badbaadin waayey maalintaas abyan iyo raggii kale
ee ay dileen habargidir gaar ahaan ceyr haddii uu
yahay nin daacad ah muslin ah soomaali ah.
saaxiib adiga iyo waxa aad aaminsan tahay waa hal
bacaad lagu lisay taariikhduna wax ma ilawdo
wakhtigeeda ayaan sugayaa in maxkamad la soo taago
dadkii geystay xasuuqii soomaaliya ka dhacay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BS Boy

Monday, October 30, 2000 - 01:50 am
Anigoo ah dadkii soo dhaweeyey markii dawladan cusub lagu dhisay Jabuuti hadana markaan arkay sida ay wax u wadaan shaki wayn baa iga galey in dawladani noqon doonto tii Soomaali ka saari lahayd dhibaatadan ay maanta ku jirto.Sabubtuna iyagoo aad culays u saaraya inay dhaqaale degdega ka helaan dawladaha adduunka.

Anigoo og baahida iyo burburka maanta soomaaliya yaala in aan waxba laga qaban karin iyadoo dhaqaale la helo mooyee laakiin wadada ay u marayaan dhaqaale raadintaas yaa ila khaldan oo ay ka mid tahay inay wax kastoo wadamadaasi wataan aad moodid inay hore ka saxeexayaan.

Dawladiiba weli lama dhisine yaa mas'uul ka noqon doona dhaqaalahan ay wadamadani bixin doonaan.Ma shandada ina Buubaa sitaa Soomaali khasnad guud u noqon doonta waa yaabe. Maba Dhalane dhowrteysan ogaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdikarin /hassan

Monday, October 30, 2000 - 09:45 am
waxaa muhiim ah oo baahi loo qabaa waa dowlad dowladduna dhaqaale dhaqaaluhuna dad aamin ah ooku shaqeeya,taasina waa mahmaahdii habar-gidir ee ahayd harag shabeel amaano ma galo. haddaba in aan dhul bahante iyo habar gidir aaminno,waa wax la yaab leh,waa in hantidaas magaca soomaaliyeed lagu soo daabulayo noqotaa mid danta qaaska ah ka ammaanhesha.waa in dhaqaalaha soo gala doowladda soomaaliya ee cabdulkasim madaxa u yahay loo qaybiyaa sedex qaybood,oo kala ah.1-xoogaagii puntlan,2-xoogaagii somaliland,3-iyo xoogaagii doowladda xamar degen.taas ayaa xaq iyo caddaalad lagu gaari karaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shilke

Monday, October 30, 2000 - 09:59 am
waryaa cabdikarm hassan.
war ninyahow maxaad sida haweeney odeygeedii geeriyoodey u baroorataa horta?.haddii aad qabiil wacantahay ama aad malaa`ig ka dhalatay jannada ayaad joogi-lahayd ee north america baraf lama aadan jareyseene,dadka caytanka iyo hoogayeeyda kala dhex-bax,midda kale carruur iyo haween la goowraco,cidina kuma faanto, dilkii Abyanna wuxuu ku dhacay si kama ah oo nin burursan oo dadkiisii la bireeyey ayaa maqlay ninkaasi waa D.ninkasta oo caqli lahaana waa ka xumaaday,waxaadna ogaataa hawiye markaas waxay guryaha ku hayeen kumannaan magaca la wadaaga ninkaas soomaliyeed. haddii aan jawaabtaada u soo laabto, bililaqo waxay ka dhacdaa meel kasta oo ..law and order laga waayo tusaale aan kuugu soo qaado markii dhul gariirku ka dhacay magaalo ka mid ah maraykanka,dukaamadii iyo bankiyadii waa la bililaqaystay.qabiilka cabdiqasim anigu waan maqlay laakiin ma arag meel ay degaana ma tegin,laakiin dabcan waxay 100% isku mid yihiin soomaalidaas kale. hadaba ama talo keen noqo ama talo raac.afkana dhaabo saar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Monday, October 30, 2000 - 10:35 am
TO Shilke

saaxiib anigu ma barooranayo waxaan caddeynayaa
dilkii abyan in aanu kama u dhicin ee uu ahaa kas
iyo ulakac markaas sxb xamar booqasho ayaan ku
joogay waana la socdaa wixii dhacay, waxaana
abyan iyo raggii la socday tageen shir u socday
hawiyaha dhexdiisa waxaana loogu yeeray galaal oo
loo sheegay in niman sugayaan ka dibna wuxuu way-
diiyey cida ay yihiin waana loo sheegay ka dibna
waxaa uu amar ku bixiyey in la dilo beentaadana
sxb ma jirto cid rumeysanaysaa raali ahaw sxb.
wax kasta oo soomaaliya ka dhacay talaabo talaabo
ayaan ula socdaa qaarkood goob joog ayaan u ahaa
qaarkoodna dad wax-garad aha ayaa iiga sheekeeyey.
xitaa aniga waa laygu dili gaaray saaxiibkey oo
ila socday waa la dilay waxayna aheyd jannaayo 28
1991 markaan arkey siday wax socdaan waxay igu
kaliftay inaan si dhaqso ah ugu soo noqdo halka
aan ku noolahay maanta, haddaad tahay nin daacad
ah markii aad xukunka qabsateen maxaad dalka u
dejin weydeen dawlad u dhisi weydeen halkaad ka
dhigteen dadkii soomaaliyeed wax aad dishaan,
kufsaraan ama bililiqaysataan iyo qaar aad silci-
seen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr hassan

Tuesday, October 31, 2000 - 02:05 am
walaleyaa.
waan wada aqriyey wahaad qorteen oo kuligiinaba meel ku sahan.c-qasim hubka oo codsaday wuhuu ugu bahan yahay sida stabilization uu ku suubiyo hamar ka dibna gobolodka kale.wali siyad saaa bu yiri mise saa buu dhahay oo markastabna aa past history ka ha dleena while aduunka kale ay raadinayaan in ay moonka degaan. it is important not to forget the past but at same time we should not stick at it.evry day is a new day with out forgeting the past we have to fine a way to build somaaliya so who ever triy to do so we should give chance and pray to succeed it.most of us these or that way dowladii siyaad bare reerkena waa la shaqeeyen oo aan iska deyno cudkada waayo kuligeena dad baa nooga dhintay .siyaad bare was a reality of us we accap or not but it is . wake up and try to descuss which solution is the best but lets not atac each ather/

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.