site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ANAKUBA MA JECLEEN INAAN SOOMAALI NOQONEE ALLAAH INAGA DHIGAY

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): ANAKUBA MA JECLEEN INAAN SOOMAALI NOQONEE ALLAAH INAGA DHIGAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Sunday, October 29, 2000 - 01:45 pm
Haddaan nahay Soomali waxaan cadeynay in shakigii uu aduunweynaha naga qabay inuu run noqday, kaasoo ah inaan nahay dad maskiin ah oo caqli liita, jaahilnimo darteedna is dhameeyay, qaarkoodna gaajo u dhinteen. Meelkasta oo aad joogtid, cilmi kasta oo aad leedahay, xoolo kasta oo aad leedahay taas aan kor ku soo sheegnay ayaa ku hor taala.

Aan ku hormaro kuwa dalka gudihiisa ku nool ee qabaa'ilada kala duwan isku sheegayo. Koleey dhamaateene, dhib iyo halaag idiin maharinee, adduunkiina saan ku tihiin aaqirana cadaabtii alla idiin taalee waxaa la idiin qaataa in aad sheydaanka iska naartaan oo waxyar oo caqli aad iska raadisaan, dhul idinka badan, xoola intaad u jeedaan tobanlaabkeed buu dalku leeyahay haddii nabad la helo. Ninkii awood badanoow tartiibso oo ilaah ka baq awoodaadana waxey tareeyso maleh haddii aan nabad iyo dowladnimo aadan haysan. Ninkii awood yaroow tartiibso oo isku day in aad wallaalkaa la heshiiso, xataa hadaadan hadda cadka uu ku dheeryahay oo kale heli karin ogoow haddii nabad iyo dawladnimo la helo xaqaada waa kuu soo baxayaa, balse si taas loo hello ha noqon mid heshiiskii taas lagu gaari lahaa diido.

Soomalida dibbada joogto inyar oo wax garad ah oo aan qabiilka jecleyn ma'ahane inteena badan qashin, maskaxda xoolaha wadata ayaan nahay, qaarkeen iyagoo wax bartay oo dibada xili dheer joogay ayaad arkeysaa in mid baadiyaha Soomaliya joogo inta telephone uu usoo diro maskaxda ka dhaqo dabadeedna maalinta xigta aad ku arkeysid ninkiiyoo cuqdad gashay cadiifad qabiil awgeed.

Kolka waxaan ku soo gabagabeynayaa
ILAAH NOO DARNAAYAA KOLKUU SOMAALI INAGA DHIGAY, MISNA CAQLIGII NAGU YAREEYAY, MISNA CADAAB NOOGU DARI DOONO....... ILAAHAYOOW DISCOUNT NOO SAMEEY, oo dhibka naga kala yareey... AAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL SOMALI

Sunday, October 29, 2000 - 02:03 pm
YOU FOOL YOU SHOULD RESPECT YOUR SELEF FORGET

ABOUT SOMALIA AND WE NOW YOURE NOT SOMALI

AND IF YOUR SOMALI YOU HAVE ALOW SELEF STEEM

MARKA WAXAAD GU FIICAN TAHAY AAMUSKA EE ISKA AAMUS

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, October 29, 2000 - 02:16 pm
intaan soomaali oo dhan la hadlaysid la hadal dadka waanadaada u baahan, Hawiye in general qaasatan habar gaajo, waxaas aad sheegaysid oo dhan iyagaa lagu yaqaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

true somali

Sunday, October 29, 2000 - 05:18 pm
to daacad

waad mahadsantahay sida hagar la aanta ah ee aad isu gu mashquulsay mawduucaan noona guubaabisay


maxaa yeelay umadi waxay ku faantaa horumarka ay gaarto laakiin hadaan somali nahay waxaan kufaanaa qabiilka iyo inta xun dad yar maahee intena kale

hadaba brother wad guubaabadaada aad somalida usoo jeedinaysid

dhibaatada jirtana waxay tahay kuweenii qurbaha soogalay arkayna dal ayaan lahayn inaan waxba ka ahayn ayaa wali taageerayna qabiil iyo qurun iyo wixii meesha na keenay

war hadaba qaxooti baa laydiin yaqaan oo baasabooro malihidin cayrbaa qadataan oo waad tuugsataan iska daaya qashinka iyo qabiilka wax barta si aynu dalkeenii dadkeena uga badbaadino dhibaatada qabiilka iyo qabqablayaasho kuhayaan

waad mahadsatihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

realsomali

Sunday, October 29, 2000 - 05:28 pm
i agree with you 100/% we have lowest IQ in the human race and whats far worst than that is we think we are the smartest people in the world
==============oops wrong again

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

smart dude

Sunday, October 29, 2000 - 05:42 pm
WAIT DUDE WHAT DID YOU SAY ABOUT IQ?
NO WAIT YOUR NO ONE TO JUDGE THAT YOU DON'T HAVE ANYTHING TO BACK THAT UP MANN LISTEN UP DUDE IF YOU THINK THAT THE SOMALI RACE HAS THE LOWEST IQ "YOU BETER THINK AGAIN"
BECAUSE A WISE ENGLISH SCHOLAR THAT STUDIED SOMALIAN HISTORY AN THERE CURRENT STATUS SAID THAT THE SOMALI PPL WERE THE MOST OPEN MINDED PPL HE'S EVER ENCOUNTERED..AND YOU A DUMB UNEDUCATED FOOL HAS THE GUTS TO SAY THAT TO YOUR OWN PPL...
IT'S NOT OUR IQ'S THAT MATTER MY FREIND BUT
THE WAY WE KEEP PUTTING DOWN OUR OWN..LET'S FACE THE FACTS PAL THIS STATEMENT OF YOUR'S HAS NO EDUCATIONAL BACKGROUND .IT'S NOT PROVEN AN YET CAN'T BE PROVEN...
OH AN IF YOUR WONDERING WHAT MY IQ IS
IT'S 145.. AND THAT WAS WHEN I WAS 18 (FRESHMAN IN COLLEGE ) !!!NO KIDDIN!!! 3YRS AGO


Live an learn ametuer idiot!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Monday, October 30, 2000 - 02:24 am
Qasadan haddaanu nahay boqoradii reer majerten ilaah qalad buu naga galay markuu naga soosaaray wallaalaheyn JIBIRTI ISMAACIIL oo uu noo keeney yaahiddaan hawiye oo naga dhigay somali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

habargidir

Monday, October 30, 2000 - 02:30 am
war heedhe ILAAHEY ka baq wax lagu jawaabo malihidde xaaran yahay, war walaalayaalow ha u jawaabina, waxa kaftanka ahay baad run mooday war ILAAHEY ka baq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Monday, October 30, 2000 - 02:51 am
Run ahaantii Somaalidu waxaad moodaa caqli ahaan in ay ka liitaan africaanka kale maxaa yeelay 100,000 oo Soomali ah waxaad ka heli kartaa hal nin oo wadani ah oo dalkiisa ka jecel qabiilka. Taas waan wada ognahay waxaan kaloo wada ognahay caalamkaan maanta ee casriga ah ma jiro dal 10 sanadood dawlad la'aan ahaa aan ka aheyn somaali taasi waa daliil cad in Soomaalidu ay dad illahay inta uu abuuray kuwa ugu liita in ay yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad Ninkii mowduuca bilaabay

Monday, October 30, 2000 - 07:33 am
From: ninka mowduuca bilaabay

To:Ninkan magaceeyga sita "Daacad" ee isku
tilmaamay JABARTA ISMAACIIL.

Wallaal waxa ilaahey magac badiyay ma magac kalaad weyday kedib markaad isticmaaleysid magac uu horey qof u isticmaalay, Mise waxaad leedahay ninka mawduuca uu soo qoray iyo fikradiisa ka wasaqee. Haddii uu caqli noocaas ah kugu jiro Ilaah baan kuu baryayaa in xanuunkaas alla kaa kala yareeyo wax kaloon kuu qaban karo ma leh.

Soomaliyey waxaan ahay ninkii topica furay, qabiilna ma rumeysni, fikradeheygana waa kuwaan kor ku qoray.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guul wade

Monday, October 30, 2000 - 09:21 am
walaad daacad,
waano abuuris baa ka horreeysey.
ma rabtaa in soomaali ku ammaanto oo wanaagsanaato?.waxaad ku saliddaa guulwadeyaal, HANGASH,SNN.HUUNYO,JIRAC,KUWA DADKA JILBAHA KA TUMA,KUWA INTA MADAXA BAC DADKA U GELIYA,BIYAHANA KU RIDA IYAGA OO GACMAHA KA XIRAN,haddii aad intaas sameeysid waxay si kal iyo laab ah u qaadayaan..hugunku waa hugunku waa hayaankii bulshada cusub,xoogsatada is haysatee horukac tiigsanaysee hanti wadaaga soomaaliyeed ee na hogaami aaboow,ee na hogaami adeeroow,ee na hogaami,daacadaoow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Labagusle

Monday, October 30, 2000 - 08:57 pm
To: dhamaan asxaabta saaxibayal waxaan umalaynayaa in nika mawduuca bilaabay uu kaxanuun saday xaaalada soomaalida maanta haysata waana runtii meelkasta ooy soomaali joogto way ka liidataa dadka kale sida Kenya, Ethiopia iyo qurbahaba taas waaruntii hadii uu is waydiiyay maxaa soomaalida kaduway umadaha aduunka oo dulsaaray dhibkan mucjisada leh?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Silic&Saxariir

Tuesday, October 31, 2000 - 01:54 pm
Daacad waa runtaa waan kugu raacsanahay, kol hadaan aduun caqli ku heeynin, Aaqirana Jahanama na sugeeyso hadda aan is qadimno oo Suicide sameeyno,.... is daldalno dhamaanteen.. saasaa naloo qaataaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mandela

Tuesday, October 31, 2000 - 08:51 pm
Daacad ninka sheeganayoo waxba ha ka nixin soomaalida ee adigu taada ka adkow. Dunida sidii loogu talagalay bay ku socotaa hadii fiicnaato arag hadii xumaato arag. ha is wareerin. somaliya marna waa jiilaal marna waa gu. haddii gugu raago wixii hadha ayaa ka noolaan, haddi la wada dhintona waa la arki oo la yaab ma leh umado badan baan dunidan dhammaaday.
Ha werwerin saaxiib let the nature take its course.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dooli

Wednesday, November 01, 2000 - 08:35 pm
Silic iyo Saxariir

Waad iga qosolsiisay adiga noo bilaaw inaan isdilno, anaa kugu xugsanaayee. Kadibna Soomaloo dhan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maalin

Friday, November 03, 2000 - 11:38 am
Dooli, lol@@@@@@@ aniga maku jiro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xumaandiid

Friday, November 03, 2000 - 02:31 pm
To DAACAD
soomaalidu waxay jeceshahay inay hadalka ku danbeyso, ninkii hadal fiican sheegana mid xun oo jaahil ah oo munaafaq ah ayaa xaar kaga wareegaya.

Marka keep your good faith the trueth and honest will eventually prefail, markaas ayaan wuxuushtaan qurmisay ra,yiga fiican u bilaabaynaa qorista talooyinka.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.