site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ururada ka soo hor jeeda dawlada maanta ka dhalatay Somaliya

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): Ururada ka soo hor jeeda dawlada maanta ka dhalatay Somaliya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aflow

Monday, October 30, 2000 - 03:11 am
Walaalayaal maanta dalkeena wuxuu gaaray guul siyaasadeed oo caalamkii oo dhan lama filaan ku noqotay kadib markii ururaddii dalka kala googooyay mudo toban sanadood la sugaayay in ay wax xal ah keenaan oo ay diideen in ay isku yimaadaan oo ay dalkii maamul ka dhisaan. Marka waxaan aad ula yaabsanahay oo aan doonayaa haddii aad iga qancin kartaan in aad iga qancisaan sababta maanta isku keentay oo midaysay si ay u hor istaagaan dawladda cusub ee lagu doortay 2000 oo qof hortooda oo matalaayey Somaali weeyn oo dhan. maxay yihiin shaqsiyaadkaan maanta hor istaagan dalkoodii in nabad ay ka dhacdo ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galhareeri

Monday, October 30, 2000 - 03:34 am
Waa caadaqaatayaal, qaainu-wadaniin ah, ogow maalintii xoriyada loo dagaalamayayba rag ayaa lahaa hanala sii gumaysto, waliba waqtigaan la joogo, dad ayaa aaminsan in soomaaliya gaalo u taliso oo la gumaysto. waxaad kaloo ogaataa, maalinta ay diintu islaamku xaagaysato oo la yiraahdo diinta hala isku xakumo inaay soo baxayaan MUNAAFIQIINTU, inta ka horaysa waa is qarinayan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.