site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Shirkii Daaroodka iyo wixii ka soo baxay

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): Shirkii Daaroodka iyo wixii ka soo baxay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daarood

Monday, October 30, 2000 - 03:40 am
SHIRKA SADDEX GEESOODKA AH EE PUNTLAND, RRA & SPM

Shir ay isugu yimaadeen waftiga RRA oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Dr. Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo dhawaan yimid Puntland, Guddoomiyaha SPM Aadan C/llaahi Nuur (Gabyow) iyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu go'aamiyey in laga wada hadlo mustaqbalka iyo horumarka Somaaliya. <?XML:NAMESPACE PREFIX = O />

Waxaa Madaxdu isku raacday in si faahfaahsan loo guda galo Ajendaha hoos ku xusan: -

AJENDAHA
DHISMO MAAMUL GOBOLEEDYO IYO HIRGALINTA HANAANKA FEDERAALKA.
KA BIXITAANKA GOBOLADA LA HAYSTO.
QABASHO GUDDI FARSAMO OO U GOGOL XAARA SHIRWEYNE SOOMAALIYEED IYO DIYAARINTA DASTUURKA SHIRWEYNAHA.
SHIRWEYNE LOO DHANYAHAY EE DIB-U-HESHIISIINEED OO LAGU QABTO WADANKA GUDIHIISA.
CIDA SHEEGANKARTA MAS'UULIYADDA GUUD EE SOOMAALIYA.
RRA, SPM, SNF & SSNM OO SAMAYNDOONO MAAMUL GOBOLLEED.
JOOGTAYNTA XIRIIRKA PUNTLAND, RRA IYO SPM.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 26-10-2000 waxaa shir isugu yimid Dawlad Goboleedka Puntland iyo ururada RRA iyo SPM, waxayna ka wada hadleen Ajendaha kor ku xusan.

Waxaa fadhiga shirka shir-gudoon loogu doortay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md. C/llaahi Yuusuf Axmed

GO'AANNADA SHIRKA SADDEX GEESOODKA AH EE PL, RRA & SPM
1. Dhismaha Dawladda federaalka ah ee Soomaaliyeed, waa inuu ka soo bilowdaa Dawlad goboleedyo sidan ah: -

a. Dawlad Goboleedka Puntland.

b. Dawlad Goboleedka Waqooyi-galbeed (Somaliland)

c. Dawlad Goboleedka gobolada dhexe, iyo

d. Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed

q Dawlad Goboleedka Koonfur-galbeed, wuxuu ka koobnaan doonaa:

; Shabeelada hoose

; Bay

; Bakool

; Gedo

; Jubada hoose, iyo

; Jubada dhexe.

q Dhismaha Dawlad goboleedka Koonfur-galbeed waxaa ka qayb qaadan doona Ururada RRA, SPM, SNF iyo SSNM, iyadoo la tixgelinayo xuquuqda dadka deegaanadaas ku nool oo dhan.

q Ka hor dhismaha Dawlad Goboleedka Koonfur-galbeed, waa in shacabka ku nool goboladaas oo dhan la wacyi-galiyaa, loona diyaariyaa, lagalana tashadaa dhismaha Dawlad goboleedka.

2. - In la qabto shirweyne dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed.

- Shirweynaha ka horna la magacaabo guddi farsamo oo soo diyaariya dastuurka Dawladda federaalka ah.

- Shirweynaha waxaa ka soo qaybgalaya ergooyin ka socda Dawlad Goboleedyada.

- Dawlad Goboleedyaduna waa in ay noqdaan kuwa shacabkoodu soo doortay.

- Shirweynaha dib-u-heshiisiinta waa in lagu qabtaa dalka gudihiisa.

3. Inta laga gaarayo, shir ay u dhan yihiin Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed ee hadda jira iyo kuwa dhawaan la dhisi doono, shirkaasna lagu dooran doono dawlad dhexe ee federaali ah, cid sheegan karta mas'uuliyad guud ee Soomaaliya ma jirto.

4. Waxaa la magacaabay xoghayn joogta ah, oo ka shaqaynaysa hawlaha xiriirka iyo shirarka Dawlad Goboleedka Puntland iyo ururada RRA, SPM, SSNM iyo SNF.

Baaq Gaar ahaaneed
Waxaan beelaha Soomaaliyeed ee xoogga ku haysta deegaan/deegaamada aysan lahayn ugu baaqaynaa in ay si nabad ah uga baxaan, kuna noqdaan deegaamadooda, si uu u abuurmo jawi is-aaminaad iyo wada shaqayn ah, la isagana ilaaliyo inuu dagaal sokeeye dib u bilowdo-taasoo fududaynaysa dhismo dawlad dhexe oo federaali ah ee Soomaaliyeed.

Waxaan kaloo ugu baaqaynaa in si dhakhso ah looga dhiso Dawlad Goboleedyo meelaha aysan wali ka jirin.

Sidoo kale waxaan Dawladdaha daneeya arrimaha Soomaaliyeed & ururada IGAD, Arab league, OIC, OAU, UN & dhammaan bulshada caalamku inay gacan siiyaan Dawlad Goboleedyada hadda jira iyo kuwa dhawaan la dhisi doono, si ay u suurtogasho in la dhiso Dawlad Soomaaliyeed ee Federaali ah, oo loo dhan yahay.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Madaxweynaha Dawladda



Dr. Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud)

Guddoomiyaha Ururka RRA




Gen. Aadan C/llaahi Nuur (Gabyow)

Guddoomiyaha Ururka SPM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hawiye

Monday, October 30, 2000 - 03:45 am
Hawiyihii tashay maanta waxa aad kalakaxayn kartaan iyo cid aad isku dirtaan ha sugina.
Wakhtigiinii wuu dhacay dawaana noloshaan idinku qaqaban doona.Doofaaroyahaw xabshidu ku adeeganaysaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

S/land

Monday, October 30, 2000 - 03:47 am
Xaar xaardhalay caqli xumaa wali miyaanay fahansanayn in aanu nahay dawlad madax banaan oo ka heer saraysay qurunkan fikrada xunleh ha nagu habsaamin ee dantiina qabsada.hadii kale 24 ayaan dhulk idiinkula simaynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Monday, October 30, 2000 - 03:56 am
Waryaa dawlad baa dhisan shirka la qabanaayo muxuu yahay ma ii sheegi kartaa? anaa kaaga jawaabaaya waa shir ku sheeg ay ka danbeeyaan Kenya iyo Ithiopia. ee waxaad tahay duli aan jeclayn dalkiisa nacabyahow nacabku dhalay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

human rights group

Tuesday, October 31, 2000 - 04:50 am
war xaarka iska duwa, waxaan umalanayaa haddii baaqa kur uk xusan soomaali uu uhirgalo in somalipoliticalcrises uu u si rasmi u dhammaan doono, dib loo arki doonin koox danbe oo xukun maroorsata,soomaalina dad jira ianay yihhin aduunka laga aqoonsan doono,taa waxaa diidan salaadbooy iyo tuuggii lacagta inagala baxsaday galayr iyo somaliland oo iyadu doonaysa wax intaa kasii badan, oo ah..................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DARWISH

Tuesday, October 31, 2000 - 06:17 am
WAR MAXAA MEESHA SHAQO LA AAAN KAJIRTA WAA YAAB????
WAXAAN NIMANKAN SHIRE LEEYAHAY SOOMALIYA SOMAALI BAA LEH OO TIGRE INJIRLEH MA LAHA WE KNOW ALL WAR LORDS WAXAAY MUSHAAR KAQAATAAN NABADSUGIDDA ETHIOPIA LAAKIN HA OGAADEEN IN SOMAALI TASHATAY OO ARINKAN AY SAMEEYEEN AY LAMID TAHAY WAXAA AFKA ENGLISHKA LAGU YIRAHDHO; "THE LAST KICKS OF A DYING HORSE" HA HA HA.
SOMAALIYA HANOOLATO OO HA MIDOWDO. BULSHO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Tuesday, October 31, 2000 - 03:36 pm
Dhulloos ha la waso. habar gidir oo keliyi inay kiraysato maaha oo wasto ee soomaliyoo dhami ha dhabeen way istaahilaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

real somali

Wednesday, November 01, 2000 - 03:30 am
ku; somali
somaalidu waxaay ku maahmaahdaa khanis maahmaahe wuxuu maldahaa meheradiisuyee. marka i am very sorry there are no gay rights in somalia and there will never be any. so stick your stinking ass in the western world.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Wednesday, November 01, 2000 - 06:52 am
soomaaliya waa mid mana jirto cid kala googayn karta.
Puntland baabkeedii waa la laabay,waxaa looga gudbay soomaali weyn.
C/llaahi yuusuf iyo inta raacsanba daadkaa qaadaya siduu u qaaday ina caydiid,caato iyo wixii soo raaca.
Anagu hadaanu nahay dadka dega gobalada Bari,Nugaal,Sanaag,iyo SOOL waxaanu si toos ah u taagersanay dawlada ku meelgaarka ah ee soomaali dooratay.
C/LLaahi yuusuf maalmihiisu waa tirsan yihiin,maantana waxaa loola caray dhakhtar ku yaal London.
Ha noolaado KING KONG, XASAN ABSHIR,C/QAASIN,IYO CALI KHALIIF,geesiyaasha soomaaliyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

galgaduud

Wednesday, November 01, 2000 - 10:11 am
waxaa maantay meeshaan ka dhacay ciyaar aad loo xiisaynayey,ciyaartaan oo ay foodda isku dareen labada kooxood ee ugu kul-kulul kooxaha soomaaliya, waxayna kala yihiin
1-kooxda midnimo.
2-kooxda daba-dhilif amxaar
ciyaartaas waxaa ka soo qaygalay dadweeyne aad iyo aad u tiro-badan oo xiiseya ciyaarahan,dadkaas intooda badan ama 93% waxay taageerayaal u ahayeen kooxda midnimo,ciyaar xiiso leh ka dib waxay ciyaartii ku dhammaatay midnimo-3 iyo kooxdii dabadhilif- amxaar oo aan waxba dhalin. weriyaha- yaga garoonka weriye juri-juri ayaa inoo soo sheegay in markii ciyaartii dhammaatay taageerayaashii midnimo oo aad ugu caraysnaa kooxdaasi daba-dhilif- amxaaro ayaa iyaga iyo taageerayaashoodiiba la`kor qaaday,kooxdaas oo ah koox wadanka soomaaliya aad looga necebyahay ayaa dhaawac iyo dhimasho soo gaartay,waxaana shir degdeg ah ka qaatay arrintaas, wasiirka isportiga,iyo wasiirka arrimaha gudaha, oo sheegay in kooxdaasi lagu magacaabo dabadhili-amxaaro, inta badbaadey laga mamnuuco in ay mar danbe ka ciyaaraan gudaha iyo ciidda wadankan soomaaliya.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.