site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Heshiis Punland iyo....................

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): Heshiis Punland iyo....................
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Concerned Somali

Tuesday, October 31, 2000 - 12:48 am
Heshiis dhexmaray shirkad Thailand iyo maamulka Puntland

Bosaaso, Axad 29 Okt - Wararka ka soo baxay magaalada Bosaaso ee maamul goboleedka soomaaliyeed, Puntland, ayaa sheegaya in khilaaf weyn soo dhexgalay maamulka goboleedka Puntland iyo shirkadda la yiraahdo Hart Group.

Khilaafkan wuxuu ka dambeeyey markii uu soo shaacbaxay heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray maamulka Puntland iyo shirkad laga leeyahay dalka Thailand oo si sharci darro ah uga kalluumeystan doonta xeebaha ay ka taliso Puntland.

Shirkadda Hart Group oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa bartamihii 1999 la gashay heshiis kalluumeysi maamulka Puntland.

Heshiiskaas wuxuu qorayey in Hart Group ka ilaaliso markiibta kalluumeysiga ee ka kalluumeysta biyaha degaankaas, isla markaana ay ka kalluumeysan karaan xeebaha Puntland iyagoo waliba siinaya ruqsaha kalluumeysiga shirkadaha kale ee gacansaarka la leh Harti Group.

Bishan bilowgeedii ayaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi uu ka soo laabtay booqasho uu ku tegay dalka Thailand.

Shirkaddaan Thailand oo leh ilaa 53 markab oo u diyaar u ah inay ka kalluumeystaan xeebaha ama biyaha degaankaan. Dadka degaanka siiba kalluumeysatadda Soomaalida ayaa aad uga careysan xaalufinta khayraadka badda ee dhulkooda.

War looma hayo inta markab ee ku jira xeebaha Puntland waxaase lagu qiyaasay in ku dhow 150 markab oo badani laga leeyahay dalka Taiwan, Korie, Japan,Thailand, Spain iyo Russia.

Dhanka kale madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdillaahi Yusuf Axmed iyo wafti ka socda Puntland ayaa berrito u dhoofaya magaalada Dubia ee dalka Imaaradka Carabta, oo ay halkaas ku ballansan yihiin qaar ka mid ah madaxda shirkhadda Hart Group iyo tan kale dalka Thailand.

Ilaa iyo iminka lagama yaqaan inta uu le’eg yahay xiriir lacageed ee dhexmaray shirkadda laga leeyahay dalka Thailand iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed Puntland.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.