site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MA QABQABLAA NA LEH MiSSE ÝLAAH

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): MA QABQABLAA NA LEH MiSSE ÝLAAH
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hassan

Wednesday, November 01, 2000 - 01:09 am
salaamu calaykum

qabqable waa maxay??
ma isweydiinay danta ay leeyihiin?
ma qiyaasnay faa,iidadooda ama qasaarahooda?
qof walboow qiyaase maxaa kuu soo baxay?
markaa dabadeed ma isweydiinay maxaan ka qaban karnaa?
dowladda cusub ayaa waxay ku dhawaaqday in dekadda iyo garoonka diyaaraddaha la furo.
qabqablayaashuna waxay ku dhawaaqeen in aan la furi karin.
haddii la isku dayana waxaa daadanaya dhiig taasoo ay masuul ka tahay ciddii furta.
hadaba aan isweydiinee soomaali ma garan la nahay danteena cidda wadda
dekadda waxaa u baahan dadka soomaaliyeed ee gaajadda la liita ninkii is yiraahda u daneena jawaabtiisu waxay noqonaysaa dhiigbaad daadinaysaa .
hadaan hadalnana waa afsalax ku dheg haddii kalana arigga sida lagama deeynayo.
soomaaliyeey qabqable maxaan ka sameeynaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Wednesday, November 01, 2000 - 01:42 am
TO hassan

sxb somaliya waxay hagaagi doonataa marka ilaahay
loo noqdo isla markanaa layska qabto munaafaqinta
qabiil kasta leh ee soomaaliya burburiyey nimankas
waxaan qabaa anigu inay yihiin niman daneystayaal
ah mana jirto wax faa,iido ah oo shacabka soomaal-
iyeed u hayaan waxay ka shaqeeyaan inay isku-keen
diraan si ay u gaaraan danahooda gaarka ah waana
kuwo la kowsada dawlad kasta oo ka dhalata somali-
ya iyagaoo ku beerlaxawsada shacabkan taagta daran
inay yihiin kuwii dhibaatada ka saari lahaa,
aniguse nimankaas aad baan uga soo horjeedaa waayo
wixii ay hore u qaban kari waayeen ma filayo inay
maanta qabanaayaan 10 sanno ee la soo dhaafay ee
aynu dawlad la,aanta aheyn nimankaas waxay ku
foognaayeen xasuuqa soomaaliya iyadoo nin waliba
amar ku bixiye kumaan-kun soomaaliya in la dilo
markii ay arkeen in aynu daalay una baahanahay
dawlad ayey shirkii jabuuti u kala ordeen.
maantana waan aragnaa inay u kala qeybsan yihiin
laba qaybood qayb raacsan ina salaad boy iyo qaar
ka soo horjeeda, nimankaas ma filayo inay shacabka
soomaaliyeed wax faa,iido ah u soo wadaan waxay
doonayaan inay mar kale dhiig daadiyaan mana =====
wadaan dan soomaaliyeed ee waxay wadaan dano iyaga
u gaar ah, ugu dambeystii xassanaw haddaad run
doonayso qabiil kastaa ha soo qabto munaafaqa ku
adeeganaya haddii kalena weligeen aan ciida jiifno
xaqdaradana hala sii wado iyo daadinta dhiiga
shacabka soomaaliyeed, ma heysano sharci muslin
iyo mid gaalo, aan su,aal ku wadiiyee xassanaw
adigu haddaad doonayso in aad qof daarato sidee
u dooraneysaa ma waxaad u doorenaysaa qabiil ahaan
mise qofkani muxuu u qaban karaa shacabka soomaal-
iyeed muxuu ka qaban karaa dhinaca waxbarashada,
caafimaadka, dhismaha dalka muxuu hore u ahaan
jiray qofkan aan doonayo in aan doorto ma yahay
daacad, ma yahay qof aan faraha dhiig la gelin

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.