site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Hawiye iyo daarood ma laga yaabaa inay heshiiyaan

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): Hawiye iyo daarood ma laga yaabaa inay heshiiyaan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 01, 2000 - 02:21 am
walaalayaal waxaan garan la,hay xiliga ay heshiin doonaan hawiye iyo daarood mise laga yaabaa in dowlada cusub ay isu soo dhawayso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 01, 2000 - 02:25 am
walaalayaal ma laga yaabaa in hawiye iyo daarood ay heshiiyaan oo si laab furan oo daacad ah u heshiiyaan mise laga yaabaa in dowlada cusubi ay isu soo dhaweyn samayso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamsuumo

Wednesday, November 01, 2000 - 06:52 am
To Somali people.
Walaalayaal Soomliyeey yaanan u heshiini qabiil
qabiil ee aan u heshiino in aduunyada dib dambe
cunug yar oo soomaliyeed oo gaajonaayo in aan
tv laga soosaarin ciyaalka aan dhalno yaay
ku dhicin dhibaatada Soomali aay soo martey.
Arintaas hadii aan ka fikirno waxaan aaminsanahay
in naceebka qabiil oo aay as aseen nimanka qabqablayaasha dagaalka si aay magac oogu helaan
iyo hantiba.
Umada Soomaliyeed waalaqayaameeyey oo waxaa qayaamey niman xukun jacel una adeegsadey qabiilka. Ilaahey hanaga dhigo kuwii kuwaansa qaato wixii fool xuma ah oo ka dhacdey
from north to south.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Wednesday, November 01, 2000 - 07:08 am
hawiye iyo daarood waxaa isku diray Caydiid,c/llaahi yuusuf,iyo Siyaad Barre colaadiina dhamaatay.
Waa walaao isku diin aaah, isku midab ah ,is wada dhalay oo ay ka dhaxayso wax kasta oo laba qof oo bini,aadam ahi ka dhaxayn karo.
SOOMAALIYA HA IS RAACDO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

true somal

Wednesday, November 01, 2000 - 03:44 pm
hawiye iyodaarood waa heshiinayaa somaaliduna waa diridhaa waana heshiisaa oo taasi waa caadadeed

waxa isku dirayna sida laguu sheegay waa niman dana khaasa watay ,oo ka faa iidaystay dad cawaana oo waxay ku dhimanayaan iyowaxay dilayaan aan midna garanayn

ILLAAHOW somali nabad waarta dhex dhig munaafiqiintana ka qabo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GUNERY

Thursday, November 02, 2000 - 10:07 am
waxaan ku jirey dhalinyaradii la jaah-wareeriyey oo la cabsiiyey in haddii an dilo ama wax yeelo reer hebel taallo la`ii dhisayo,waxaan sedex mar ku dhaawacmay dagaallo kala duwan.ugu danbeeys waxaa xabbaddii iga galaafatay lugta bidix,iyo mid iiga jirta sinta oo aan la`bixin karin.reer tolkeey iyo familkeeygu waa ii dadaleen laakiin waxaa iga maqan xubno muhiim ah,ma shaqayn karo,waayo cuuryaan ayaan noqday,naag i rabta ma leh oo waxay ogtahay in carruurteeda aabbo u shaqeeya lahayn.waxaan maalin maalmaha ka mid ah go`aansaday in aan weeydiisto in yururb ama ameerica la`ii soo dhoofiyo ninkii qabiilkeeyga ku hor boodayey.markii aan soo gaarey meeshii uu degenaa ayaa stffkiisii i joojiyeen ,waan isu sheegay maadaaba aan ahaan jirey nin gunnery ah caan ayaan ahaa ,waxay iigu jawaabeen in aysan macquul ahayn in uu i arko,..waan iska soo labty maalin kale yaan soo watay kaabe-qabiilkii gala-gala i oranjirey berigii aan wiil hoogga ahaanjirey.raggii maalintii i celiyey ayaa markii ay rkeen ninkii igu horsocdey jidka noo banneeyey waxaan soo galnay dhismihii,waxan sugno,sugno,dhoowr saacadood ka dib ayaan u galnay ninkii oo air condition u shidan yahay oo miiska tufaax iyo caanab u saaran yahay,arrinkii ayaan sheegtay,markaas ayuu inta istagey yiri:-war dhoowr kun oo jeer ayaa sheekadan oo kale l`iila yimid macquulna ma`ahan ee markii aan doowlad noqonno am wax aan naqaan doowlad noqdaan ayaan arrinkiinna fiirin doonna,dhulka ayaa ila waregey waxaan soo xasuustay maalintii aan u malaynayey in aan yahuud kacbadii illaahey ka xoraynayey ee xabbadda seekaa uugu i leefta...haddii aan awood u leeyahy waxaan dhihi lha yaan loo dagaalmin kufaartaas..haddii y dagaal raban labadooda brxadda ha laysu geeyo...hawiye iyo darood waa labada qabiil ee soomaliya ka mas`uulka ah.waana hishiin doonan insha allah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

habargidir

Friday, November 03, 2000 - 01:11 am
wixii dagaalo aa heshiis raadiya ee yaa dagaalay
bro this a game it is our way of living and our way of loving

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mareexaan,

Sunday, November 05, 2000 - 08:24 pm
to: bro habargidir wax is dagaalay ma leh,ee meeshaas ka wad arinta,is our way of living and love too,

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.