site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GACAN KU DHIIGLAYAASHII DILAY GEN. TALAN WAA IN MAGACYADOODA LOO SHEEGAA SOOMAALIWEEN

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): GACAN KU DHIIGLAYAASHII DILAY GEN. TALAN WAA IN MAGACYADOODA LOO SHEEGAA SOOMAALIWEEN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamar

Wednesday, November 01, 2000 - 09:18 am
Waxaan ka codsaneenaa dowlada cusub ee Soomaaliya in ay inoo soo sheegto magacyada iyo tilmaamaha (qabiilka iyo lafta ay dhasheen, sida ay u egyihiin, etc) gacan ku dhiiglayaasha dilay Allaha u naxariistee General Talan. Meel Alla meesha ay adduunka tagaan in aysan ku baxsan doonin. Shaqadaasi waa mid u taalaa Soomaalida oo dhan sidii gacan ku dhiig layaashani loo soo qaban lahaa loogana abaal marin lahaa sida foolxumada leh oo ay u gowraceen Allaha u naxariistee marxuunka ka shaqeenayey nabada Soomaaliyeed ee aan marnaba denbi ka gelin qabiilada kala duwan ee wadanka ku nool.

GACANKU DHIIGLEYAASHII DILEY GEN.YUUSUF TALAN IN AY U BAXSADEEN KEENYA 31 Oct 2000 at 19:19 (SomaliNet)
Afhayeenka dowlada KMG ah ee Soomaaliya Idiris Xassan Diiriye ayaa saxaafada u sheegey in gacan ku dhiigle yaashii toogtey gudoomyihii gudiga hubka dhigista Gen. Yuusuf Talan Axmed ay u baxsadeen dalka Keenya.

Afhayeenku wuxuu sheegey in gacan ku dhiigle yaashaas oo sadex ahaa ayna ka tirsan yihiin koox argagixiso ah oo xarun keh dalka Keenya iyo dalalka dariska ah. Wuxuuna ka codsadey dalka Keenya in Soomaaliya loosoo gacan galiyo argagixisadan.

Qoreyaasha: Saciid Axmed Cabdulwaxid - Maxamed Muxudiin Cali
Sweden -Muqdisho

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RUN SHEEG

Wednesday, November 01, 2000 - 09:23 am
Waa arin run ah. Waa in si deg deg ah magacyadaasi loogu soo qoraa jaraa'idka adduunka. Dhiigcabayaashaasi waa in ay soomaali oo dhan ku tusaale qaadataa in ninkii nin dilaa aysan jiri doonin meel adduunka uu ku baxsan doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUJAAHID

Wednesday, November 01, 2000 - 09:37 am
U malaynmaayo in marnaba Dawladdu sheegi doonto, magacda Gacan ku dhiiglayaasha, waayo qaar ka mid ah Dawladda sida Galaal iyo C/qaasim ayaa ku jira ogna dilka Tallan, kana danbeeyay.
Waxan ugu baaqayaa idiris Xasan iyo dhammaan aqoonyahaniinta reer Awdal ee ku jira dawladdan dhiig yacabka ah inay kusoo laabtaan AWDAL. Farahana kala baxaan C/Qaasim iyo taliskiisa.

Gacan ku dhiig layaashu haddii ay usoo dhoofaan yurub iyo Ameerica waxan ugu bishaaraynayaa in loo diro diino Cadaabtii Aakhiro. Oon lafahooda karin doonno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAHANAMA

Thursday, November 02, 2000 - 04:20 am
Waan kugu raacsanahay in gacan ku dhiiglayaashaasi adduunka cadaab looga dhigo inta aanan aakhiro lagaarinba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

habargidir

Friday, November 03, 2000 - 01:20 am
waxaan sidoo kale ku talinayaa in gacanku-dhiiglayaasha magacyadoodda nala siiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mujaahid

Friday, November 03, 2000 - 01:56 am
TO: DHAMMAAN REER AWDAL.

Dhammaan dadka reer Awdal ee ku nool Caalam weynha, waxan ugu baaqayaa inay qaban qaabiyaan, mudaharaad weyn.
Mudaharaadkaas oo lagaga dalbay ninka la yiraahdo C/QAASIM ee u taliya Muqdisho, inuu sheego magacdii Gacan ku dhiiglayaasha. Isla markaana meelkasta ooy joogaanba la soo qabto oo la xukumo.
Haddii C/QAASIM arintaa fulin karin, waa in lagu qasbo inuu is casilo, reer Awdalna ku soo laabtaan dhulkooda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 03, 2000 - 02:00 am
WAAN kugu racsanahay in ay habboontahay in soomaali oo dhan ogaato DHagarqabyaashii dilay Geesigii Soomaaliyeed ee nabada Gen.Talan,waxaan hubaa inay u aayi doonaan dhagtaas ay geysteen helina doonaan Abaalmarintooda oo ah Raas Kulul iyo Cadaabkii oo aakhrina ku sugaya waana in Soomaali oodhan barataa Raggaas rar galayaasha ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 03, 2000 - 02:03 am
WAAN kugu racsanahay in ay habboontahay in soomaali oo dhan ogaato DHagarqabyaashii dilay Geesigii Soomaaliyeed ee nabada Gen.Talan,waxaan hubaa inay u aayi doonaan dhagtaas ay geysteen helina doonaan Abaalmarintooda oo ah Rasaas Kulul iyo Cadaabkii oo aakhrina ku sugaya waana in Soomaali oodhan barataa Raggaas nar galayaasha ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AliF

Friday, November 03, 2000 - 02:30 am
TO: C/QAASIM SALAAD XASAN
MADAXWEYNHA DAWLADDA KU MEEL GAARKA AH
EE MUQDISHO.

FROM: AWDAL LIBERATION FRONT--"ALIF"

Mr. President,

Waxan nahay ururka u halgama xuquuqda iyo xorriyadda Awdal ee daakhiliga ah.
Horey waan u taageernay shirka carta iyo himilada soomaali weyn oo lagu dhaqo sinaan iyo Caddaalad.
Ilaa iyo intii ad hawsha biloowdayna waan ku garab taagnayn.

Waxa Awdal kaaga yimid qaar ka mid ah aqoon yahaniinta ugu caansan dalka dibadiisa iyo gudihiisaba, uguna nabadda jecel. Kuwaasi oo himiladoodu ahayd inay dhaliyaan Nabagelyo dhaxal waarta iyo Dawlad soomaaliyeed.

Hase yeeshee waxa nasiib darro ah, naguna noqotay argagax, fajaciso, iyo amakaag in halyeey ka mid ah dadkii an soo diranay, lagu dilo hortaada, lagana dhaqaaqo. Gen. Tallan oo ah Marxuumka la dilay kama go'o, Soomaaliweyn iyo Awdal midna,
Lagama maarmi karo , mana Illaawi doono inta noloshayada ka hadhay.

Dilka Tallan , adiga oo ah Madaxweynaha dalka ayaan kaala xisaabtamaynaa kuuna haysanaa if Aakhiraba. Waayo falalkii ad ku kacday iyadoo lagu jiro xaaladdan geeriyaysan ee murugada badan ayaa tuhun weyn na galiyay.

(1). Waxad ku dhaqaaqday inaad hal habeen kadib geeridii Tallan, ad ku dhawaaqdo golaha wasiirada. Tani macnaheedu mas waxay ahayd inaad sugaysay geerida Tallan.

(2). Qaar ka mid ah madaxda sare ee kula taliya, ee uu ka mid yahay Galaal, waxa laga soo xigtay inuu ku warramay in la garanayo nimanka dilka gaystay oo la qabtay. Maxaa ka danbeeyay arrintaasi, waxay u muqataa in Galaal, laftarkiisu ka mid yahay dadka ka danbeeyay Dilka Tallan, adna ad la, ogayd.

(3). Iyadoo wali lagu jiro Tacsidii Halyeeyga qaaliga ah, ayaad dalka ka dhooftay, ood ka qaybgashay shir an lagaaga baahnayn.

Waxan kuu aqoonsannahay inaad tahay nin aad ugu dhicisoobay, maamulka gudaha ee dalka, oo u muuqda inuu yahay danayste weyn.
Waan kaala noqonay taageradayadii, waxanan kaa codsanaynaa, inaad dadkayaga ku jira Dawaladdaada ad iyagoo nabadqaba ad kusoo celiso, Gobolkooda.
Waxad ogaataa inaan diyaarinayno bannaabaxyo ballaadhan. Haddii ad qurbaha usoo baxdana an kugu mudaharaadi doonno. Nasiib ayaanad yeelan doontaa haddii an gacan laguu gaysan.

Waxan kugula talinaynaa inaad deg-deg isku casisho, ama ad si deg-deg ah maxkamad usoo saarto Gacanku dhiiglayaashii dilay Gen.Tallan, haddii anad adigu ka danbayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 03, 2000 - 06:54 pm
Waxaan rabaa in aan marka hore runta u sheego ninka lagu sheegay inuu yahay Madaxweyne, marka hore miyaadan ahayn qof dhimanaya oo uu ka dambeeyo qabrigii madoobaa ee aanan cidna kuu raaci doonin, maxaad ku keentay in aad soomaali dumisteedii aad ahayd kii abaabulay hadana tidhaahdid waxaan u noqon madaxweyne maamula haddaba taasi kuu suuroobi meyso waayo soomaalida ayaa ku maahmaada habar karis xumi iyaduna ku kaala, hadaba waxaan garaneeynin ma waxaa kuu harsan baabinta iyo dabar gonta Soomaalida. Haweye toban sano ayuu ku dhexjiray dhiig waxaana ii muuqata inuusan wali ka dhargin. Waxaa la yaable ma wuxuu ismoodayaa inuu la dagaalamayo yuhuud waxa uu daadinayo waa dhiig Islaam. Adiguna ninkoow waxaad soo deysay waa wax laga sheekeendoono waxaan jeclaan laa in aan ku hortaaganahay intaasi ka badan ayaan kuu hayaa oo aan kuu sheegi lahaa amaba ku xasuusin laa waqtigaa igu yaraaday ee intaas ayaan hadalkeeygii ku deysanayaa, inta uunan Ilaahay ifka kugu cinqaabin ka noqo Soomaali dhiig dambe oo aad ka daadiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Saturday, November 04, 2000 - 12:08 am
Aad Baan u waafaqayaa in Nimankaa dilay Alle haw naxariistee G.Talan la gu soo qoro magacyadooda iyo tacriiftooda oo dhan jaraaida iyo meelaha dadwaynuhu wax ka akhriyaan, waxaana qabaa haddii ay dawladu arintaas ka gaabiso inay tahay mid aan kala xisaabtami doono, waxaan kale oo soo dhowaynayaa in adduunkoo dhan laga dhigo banaan baxyo dawlada KMG lagu dhaliilayo sida ay uga jawaabtay dilkii G.Talen, waxaan ka soo horjeedaa inay arintan keli ku ahaadaan reer Awdal, waayo G. Talen uma adeegayn markii uu dhinta reer Awdal ee wuxuu u adeegayaaye shacbiga Somaliyeed, waxaan kale oo aad uga digayaa in aan cid aan denbi lagu caday lagu xukumo inay denbiile tahay sida raga qoraya in G.Galaal iyo Abdulqaasin lug ku leeyihiin arintaas, waayo taasi waxay taageeraysaa gacan ku dhiig la yaasha, waxaana idiin sheegayaa inaanan G.Talana wax aan Somalinimo ahayn la wadaagin Galal iyo Abdulqaasina aanan la wadaagin, waxaanse u arkaa in arinta sida ugu xaqsan loo baadho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, November 04, 2000 - 09:03 am
TO: SOMALI

WAA RUNTAADA, GEN.TALLAN WUXU KA DHINTAY SOOMAALIWEYN.

WAA IN SOOMAALIWEYN MUDAHARAAD SAMAYSO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Saturday, November 04, 2000 - 12:59 pm
ina salaad boy iyo galaal hore ayey u cuneen
dad aqoon-yahano ah oon waxba galabsan sida
abyan, markaa dambiba haygu ahaatee malaha
waxbay ka ogyihiin dilkii ilaahay haw naxariistee
General Talan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, November 04, 2000 - 02:15 pm
GALAAL
Waa ninkii dilay, C/laahi maxamad Faadil.

La iskuma hayo, in haddii labadooduba isla ogayn, ugu yaraan uu midkood dilka General Tallan ka danbeeyay.
Markaa sideey nooga dhaadhacin karaan inaan taageerno dawladdan dad qaladka ah. Madaxna ka dhigano, dhiig yacabadan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

awes

Saturday, November 04, 2000 - 03:24 pm
malada beenta ah haleyska daayo talaan soomaali oo dhan ayuu ka dhintay dowladan waxba yaan la xag xagan iyaduba shan biloow ayey jirtayye nimanka dilay hadii aanan la dilin iyagaa iskood u dhimanay inta ay noolyihiina xumaato ayey ku noolaanayaan caadaab aakhirana waa sugayaa hadii aan alla cafin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Saturday, November 04, 2000 - 10:41 pm
To.Abdirisaq Hassan iyo Anonymous,

Walaalayaal idinka oo salaaman waxaan idin xasuusinayaa in Allaah uu yidhi ""dani qaarkii waa xaaraan"". Marka dani uma baahnin, laakiin haddii aad haysaan wax raad ah oo lagu dilay Alle hawnaxariistee profosor Abyan iyo Genaral talan noo soo qora si aanu jawaajibaad ka yaga u gudano hadaan nahay shacab waynaha Soomaaliyeed, waayo, labada ninba waxaa ay ahaayeen HAL-YAYO ay ummadayadu aanay mara ilaawayn, hadana aanaan garanayn waxaanu geeridoodii waxa kelifay ku sharaxno marka laga yimaado qadarta Alle.

Mr Awes waxaan ku leeyahay walaal dawlada xaq-xagan mayno, waxaanuna nahay shacabkeedii anaga ayaana dooranay, taas macnaheedu ma,aha inaanan khaladkeeda sheegay, waxa cad oo aanu hada ku haysanaana waxaa ay tahay inaanay weli naga qancin waxa uu ku dhintay sida uu u dhintay G.Talan, hana u qaadan inaan duulaanku nahay dilka nimanka dilay Generalka oo keliya ee waxaan doonaynaa inaan joojino HAL-YAYADA HAADA LOO WADHAYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Sunday, November 05, 2000 - 07:52 am
Shacbiweynaha Soomaaliyeed, muddo badan ayuu habaq ku noolaa oo hilbahooda la halbsanayay.
Maanta oon doorannay dawlad cusubna wali xaalku wuuka sii daran yahay.
Kuwii an dooranay kuwii ugu qaalisanaa ayaa la dilay, cidna kama hadlayso.
Haddii inta kale la madhiyana waa sidoo kale, oo cidna hadli mayso.

Waaryaa Allihiisa iyo rasuulkiisa yaqaana oo sidan noo dhaama. Waar haddii dawladan cusubi, sidaa kaga aamusto dilka General Tallan markaa cidina saamixi mayso, cidina ku biiri mayso.
Waana lakala guuriye sidaa halloo ogaado.

Walaalayaal akhrista warqadda qiimaha badan ee ururka ALIF u diray Dawladda KMG ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 09, 2000 - 12:45 am
To Shacbiga Xamar degan ama u dhashay

Waxaad sheegteen inaad nabada Somalia ee maanta diyaar u tihiin, taas ayaana keentay in ragbadan oo Ummada Soomaaliyeed qiime ku dhexlihi inay xamar yimaadaanm iyaga oo aan wadan Hub iyo waardiye toona, Hadaba hadii kii u horeeyey la dilay (G.Talan), Dawladii aan dooranaynay aad u jeedaa, Maxaa ay ku dhacday inaan shacab ahaan,idina ka Aamustaan, xataa maxaa ay ku dhacday inaad magac yadooda iyo tacriiftooda kaleba soo gudbin waydaan, taas oo ugu yaraan keeni karta in nin waliba ogaado hadduu wax dilo inaanaanu qarsoomayn. Ugu danbayn waxaan idiin rajaynayaa inaad xil gaar ah iska saartaan sidii aad cidii dishay G.Talan aad magacyadooda iyo Qabiilka iyo Lafta ay yihiin soo qortaan, waayo, waxaan qabnaa nimanka Talan dilay inay yihiin niman u dhashay dadka maanta Xamar awooda kuleh, sidaa daraadeed waa garanaysaane soo sheega.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali-yaqaan

Thursday, November 09, 2000 - 01:33 pm
Aad baan ugu faraxsanahay intii mooryaanta daba ordaysay inay halkaan cataw iyo calaacal la fadhido. Talan dhimay soona noqonmaayo ee waxaad sugtaan kuwa wasiiro isku sheega ah oo dhawaan midmid looga takhaluso. Qorshaha mooryaan cabdi-qaasim waxaan u rajaynayaa inuu u fududaado oo iimaan laawayaashaas Talan dilkiisii ku cabir qaadan waayey uu mid mid u quuto

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.