site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GACAN KU DHIIGLAYAASHII DILAY, GEN. YUSUF TALLAN CALI, OO KENYA U BAXSADAY

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): GACAN KU DHIIGLAYAASHII DILAY, GEN. YUSUF TALLAN CALI, OO KENYA U BAXSADAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mujaahid

Wednesday, November 01, 2000 - 09:29 am
War an qaybta wararka ee Somalinet ku arkay ayaa sheegay in saddex nin oo ah kuwii dilay halyeeygii nabadda raadinayay ee Gen.Yusuf Tallan ay u baxsadeen dalka Kenya.
Somalinet waxay sheegtay in warkan laga soo xigtay muqdisho oo af-hayeenka dawladda Idris Xasan Diiriye uu sheegay. Af-hayeenku waxa kale oo uu sheegay ayay na leeyihiin in Gacan ku dhiiglayaashu ka tirsan yihiin koox argagixiso ah oo saldhig ku leh dalalka dariska, sida Kenya iyo Ethiopia.

Haddaba marka hore aniga waxay iila egtahay in Idiris lagu qasbay inuu hadalkan yidhaahdo si loogu qanciyo dadka reer AWDAL.
Marka xiga waxay ila tahay in nimankaasi haddiiba ay yihiin iyagii wax dilay lala ogaa baxsigooda oo la qabanqaabiyay.

Marka saddexaad in kasta oon ognahay in dalalka Kenya iyo Ethiopia ay yihiin cadawga soomaaliweyn lagana yaabo inay lug ku leeyihiin. Hadana waxa indhaha laga qarsan karin in Gacan ku dhiig layaashani ay ka danbeeyeen dad ku jira Dawladda Muqdisho iyo dawladda Hargeysa labadaba. Gacan ku dhiig layaashu waxay la jilib yihiin Galaal iyo C/Qaasim labadaba. Galaal iyo C/qaasim labaduba waa gacan ku dhiiglayaal aadna waan u tuhmayaa inay ka danbeeyeen dilka Generalka. Isla markaana inay iyagu nimankan dalka ka saareen, ama xitaa ay qarinayaanba si loo illaawo. Sidoo kale ina Cigaal oo lawada yaqaano inuu yahay dhiigyacab weyn oo dadkiisii gabraartay, arrintan raad ayuu ku leeyahay.

Ugu danbayn , haddii gacan ku dhiiglayaashu ay Kenya joogaan waxa suurto gal ah in loo qababqaabinayo sidii ay usoo dhoofi lahaayeen. Haddii ay soo dhoofaanna waxa xaqiiq ah in ay iman doonaan Yurub ama America. Haddii tani ay dhacdo, waxan ummadda Soomaaliyeed ee jecel nabadda iyo halyeey Yuusuf Tallan usoo jeedinayaa in gacan ku dhiiglayaashaasi kolleyba waa ehulu Naare, loo diro Aakhiro.

Dadka reer Awdalna waxan ku baraarujinayaa inay dhaayaha furaan ooy ogaadaan nacabkooda iyo sidiiqooda. Waxa loo col yahay waa aqoonteena, nabad jacaylkeena, Soomaalinnimadeena, dhaqankeena iyo Ilabaxeenna. Waa inaan baraarugno, oo Ilaahay mooyiye an aaminin cid kale. Waa inaan ku tashanno aayaheennna oon maamullo gobolkeena, dadkeenna la cuno qabateeyay ee macaluusha daraadeed ugu dhimanay cuduradana an u adeegno. Waa inaan u baaqno dhammaan meel kasta ooy joogaan aqoon yahaniinta reer Awdal ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisaba, oon u darerno dhismaha AWDAL.

Waa inaan marnaba Ilaawin oon had iyo jeer xusuusano halyeeyadeena sida Gen.Yusuf TALLAN.

"DAACADI NINKEEDII DISHEE, DAAWO GADABUURSI"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 01, 2000 - 01:35 pm
Dawlad kusheegu haday run sheegeyso magacyada iyo sawirada gacanku dhiiglayaasha dadka ha la qaybsto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/Yoonis Boy

Wednesday, November 01, 2000 - 03:17 pm
Dalkan lagu sheegaya Awdal sow Isaaq ma laha. Sow tii Xaji sharmaarke ka talinayay Seylac uu inankiisuna (Moxamed sharmarke ) uga dambeeyay. Ma ingiriis baa joogay markaa. way Ka horaysay Ingiriis.Waxay ahayd 1854. Xaaji sharmarke wuxu ahaa nin Habar Yoonisa, Muse carre(See First Footsteps in East Africa or the Exploration of Harar: by Richard Burton. Hadday guda biirsi lahaayeen Awdal maxaa dusha looga haystay. markaa gumesiba muu joogine.

Waxaan idiin sheegayaa Awdal waa dal Isaaq. Waannu ognahay. Ina Tallan(alla ha u naxariisto. Laakiin S/land wuu ku ballan furay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mujaahid

Thursday, November 02, 2000 - 07:02 am
TO: H/Yoonis

Saaxiib kuguma diidani in Awdal ay kasoo taliyeen dad badani, waanan kuu qirayaa inuu mar soo maray nin Habar Yoonis ah oo taariikhda uu ku xusan yahay, inkasta oo magaciisu iga siibtay. Dadka Awdal ka taliyay xitaa waxa ku jiray carab. waxa la isku hayana ma aha maamul marti ah, ee waa mudnaan deganaansho iyo lahaansho.

Waxad halkan ku sheegtay in TALLAN ku gacmo furay Somaliland, tani macnaheedu ma waxa weeyi inaad disheen idinku.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maal dadow

Thursday, November 02, 2000 - 07:58 am
waxaan idin sheegayaa ninka ladilay maxaa xamar kayaala mais waydiiseen nimanka wax dilay mabaxsan waxay joogaan muqdisho waana mujaahidiintii wadanka kaxureeyay marjuun siyaad waxaa inlaga fiirsada ubaahan yaa waaye nimanka larabo inhubka lagadhigo ayaga ayaa wax dilay nin walba oo doonaayo inow dad hub kadhigo waainow kasoo bilaabaa gurigiisa iyo cida oo matalo hadii kale waa sideedii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NATURAL

Thursday, November 02, 2000 - 09:12 am
TO:MUJAAHID:

saaxiib izaaqu wey ogyihiin ninkii wax u taray waagii lalaynayay dadka rayidka ah,tallan waxa uu ka mid ahaa raga aanan weligayo ilaawi doonin,sababta oo ah dad badan oo izaaqa ayuu ku badbaadiyay berbera sanadkii 1988kii,wuxuu nin geesi ah oo kala garanaya xumaanta iyo samaanta,walaahi anigu waxaan la kulmay tallan iyo dadkii uu soo badbaadiyay oo qado sharaf kuwada cunaya hudheel caan ah oo xamar kuyaala sanadkii 1989kii.markaas saaxiib alla hu naxariisto tallan.man iloobi doono hadaanu nahay reer sheekh izaxaaq.wixii dilayna ilaahay ifka iyo aakhiraba ha ku cadaabo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mujaahid

Thursday, November 02, 2000 - 09:26 am
TO: MAAL DADAW,

Waxan filayaa inaad tahay jaahil Mooryaan ah oo wax magarad ah.
Muqdisho waxay ahayd caasimadda dalka cid walibana way lahayd. Ninka ad disheena wuu ku dhaqday kuna dhistay Muqdisho, oo guryo xalaal ah ayuu ku lahaa oon ahayn xatooyo xoolo dadwayne. Tallan waligii danbi kama galin dadkiisa iyo dalkiisa mana daadin dhiig Islaam.
Taariikhdu Illaawo mayso kuwii dilay, Gadabuursina Ilaawi maayo,Soomaalina Ilaawi mayso.
Haddii Hawiye wada noqday dugaag dad qalad ah, waa looga tagi Muqdisho, waana laga maarmi idaylkood. Soomaali waxba u noqon mayso Mooryaan uraysa. Caasimad cusub ayaan dalka u samaynaynaa, Hawiyana iyagaa is dhammayni doona.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/Yoonis

Thursday, November 02, 2000 - 02:32 pm
To Mujahid:(cid dishay ma garanayo. Ilaahbaa og. cidna ha xukumin. Hubso!

Walaal(Alla ha naxariistee)Tallan Ruux fiican inuu ahaa anigu halkan oo qudha kama maqal inuu dad badan oo Issaaqa ka badbaadiyay dadqalatadii reer Faqash. Ninkii wanaagsani ma qarsoomo. Dilkiisana kuma faraxsani bal se Somalidu waxay tidhaahdaa: Haddii aad taliso oo la diido in la jabo ma jeceshahay. Waa wax dabiiciya inuu qofku maankiisa iska yidhaahdo maxaan sheegayay. Gabagabo: Xammar dawladnimo uma bisla.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciidagale

Thursday, November 02, 2000 - 03:02 pm
mujaahidow, tallan ninka diley dowlada KMG weydii waa ayagii yiri waa la yaqaanaa.............saaxib marxuumka laha u naxariisto cida disheyna waa nimankuu doortey hadey doonaan ayaga in nadiif ah iyo in xunba ha isku kala saaraan hadey doonaa........waa haber gedir.......waana cismaan caato oo la wada og yahay, cid la hadli kartana ma leh waa kaa xamar xoog ku joogaa............hadii tallan hargeysa ama boorama mise somaliland lagu dili lahaa mar hore ayaa shaaca laga qaadi lahaa cida dishey maxkamadna la keeni lahaa.......ileen qof bini aadin ah in la iska dilo micno laaan waa qald...no matter what tribe or clan........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HOMBARO

Friday, November 03, 2000 - 01:13 am
TO: Habaryoonis
Saaxiib taariikhdu iyada ayaa istilmaanta
adigu ma akhriday buugan
THE THIRD WORLD GUIDE BOOK
ninkaad sheekday tukaan ayuu
ku lahaa magaalada Zaylac
waa goobta ay hadda ku taalo
makhaayada uu leeyahay ninka la yiraahdo
Daad... lakiin dadka somaliyeed ee
meesha xukumi jirray
waxay u badnaayeen dadka lagu
tilmaamo
in ay yihiin lafah ugu xadaarada dheer leh
ee loo yaqaan BAHABAR_CELI
uu ka soo jeedo ninkii ragii ugu dambeeyey
ee ka talin jiray DJIBOUTI
XAAJI DIIDE iyo ISMAIL ZEYLICI.
ninkaad sheegtay wuu jirray laakiin wuxuu
haystey gayba ganacsiga ee magaalada
waxoogana waxaa laguxaman jirray in ay
diintu ku yarey..hadana wuxuu ku
aasanyahay
magaalda Harer oo uu ku lahaa TUkaamo iyo
bakhaaro.......ANNigu waxaan ahay reer
ZAYLAC ha iska hadlin...taariikhada
dadka iyi dalkeena ha dumin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous

Friday, November 03, 2000 - 01:32 am
to habaryoonis

magaalaan ka taliyey macna maahee magaaladda yaa leh weeye macnahu qofkaan rabno ayaan shaqo ka siin karnaa marti galin karnaana ee doqonyahow haddaan kugu casunay hoygayaga maaha macnaheedda inaad leedahey
hargeysa waqtigii gaani iyo moorgan ma xuquuq baad ku lahayd slave baad ka aheyde huurayahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ZAYLICI

Friday, November 03, 2000 - 01:48 am
TO: HOMBARO,


Afkaaga caano lagu qabay.
BAHABAR-CELI xadaaraddeda
iyo inay yihiin Masuuliyiintii
iyo mudanayaashii Saylac
cidina ku murmi mayso.

Wax u sheeg nimanka Habar Yoonis
in Bahabar-Celi, magacooda wayni yahay
HABAR XUSEEN, ooy ka fac weyn yihiin
Isaaq oo idil.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 03, 2000 - 02:37 am
Ha dhaco C/Qaasim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANONYMOUS

Monday, November 06, 2000 - 12:03 am
GALAAL IYO INA SALAAD BOY HALA WAYDIIYO DILKII
ALLA HAW NAXARIISTEE GENERAAL TALAN MAXAY U KALA
HADLEYAAN WAY QARINAYAAN WAYNA OGYIHIIN, GACAN
KU DHIIGLE MA QARSOOMI DOONO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 06, 2000 - 12:55 am
HA DHACO C/QAASIM

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.