site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAY HOGAAMIYAYAASHA SOOMALIDU U AADAA N ITOOBIYA?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): MAXAY HOGAAMIYAYAASHA SOOMALIDU U AADAA N ITOOBIYA?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/FANAX

Wednesday, November 01, 2000 - 07:07 pm
WAXAAN GARAN WAAYAY SABTA AY U AADAAN HOGAAMIYAYAASHA SOOMALIDU ITOOBIYA,WAXAAN MAQLAA MAALINKASTA WAXAA AADADAY MORGAN,ABDULAHHI YUSUF.CIGAAL, SHAADHGUDUUD, IYO KUWO KALE MASE UMALAYNASAAN IN ITOOBIYA KA TALINAYSO MASLAXADA SOOMAALIDA? HADAYSE KA TALINAYSO MASLAXADA SOOMALIDA MAXAY U BAABI'ISAY SOOMALIDA DAGAN ITOOBIYA, AMA OGADEENYA?
TEL ME MORE?
THANKS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warya

Thursday, November 02, 2000 - 12:07 am
To bro Fabax

aad ayaad u mahadsan tahay su`aasha muhiimka ah eed keentay.Figrad ahaanna waxaan u maleynaa sababta kaliftay iney tahay,


1. Somali waa muslim kuligeed quraankana waan naqaanaa waana naqaanaa macnahiissa, sidaa daraadeed tuug kasta wuxuu u macneystay sidduu rabo,tusaale ahaan waxaan niraa qof muslim ah cadaabta kuma waarayo iyo ILAAHEY waa dambi dhaafe oo xumaato kasta ood kasho waad ka toobat keeni kartaa iwm, sidaa daraadeet ragga aad magacowday saas camal ayey aaminsan yihiin, marka ey somaliya joogaan waxay galaan heshiisyo waxeyna isku dhaarsaddaan KUTUBKA QURAANKA haddana wey isaga baxaan,so sad.

melle-sanaawise waa gaal mar alla markey heshiis kalagalaa ragga aad sheegtey waxay isku dhaarsaddaan BIBLEka sidaa daraadeet kama bixi karaan heshiiska waayo ma yaqaanaan bibleka waxa ku qoran marka sidey rabaan uma turjuman karaan,

sudaa daraadeet hala baro in bibleka uu waxba aheyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 02, 2000 - 12:15 am
To warya

Waakukaa adigii hogaamiyayaasha gaalada la kulmay ku sheegay inay yihiin gaalo. Bal kawarran kuwii aad kadhalatay oo dadka masaakiinta ah oo aan waxba u dhimin laynayey. Bal maxaa ku tilmaami kartaa hawiyaha???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warya

Thursday, November 02, 2000 - 12:41 am
Hawiye Bibleka wuu yaqaana inuu been yahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 02, 2000 - 03:11 am
WAXAY U AADAAN ARIMAHAN SOOSOCDA DARTOOD.
1-waxa kuwada balansanyihiin inay baabi,iyaan dalka iyo dadka Somalida melkasta oo ay joogaanba
2-Inay ka soo qaataan rasaas ælagu gumaado shacabka Somalia
3-Inay ka soo qaataan biilkii JAAJUUSNIMADA
4-Inay geeyaan warbixintii bishii htagtay iyo sida uu u fuliyey qorshihii Itobiya ee midwalba loo xilsaaray.
5-Haddeerna waxay geenayaan xogta Dawlada waxayna fulinyaan sidii lo dumin lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gal-gaduud

Thursday, November 02, 2000 - 08:34 am
su`aashan waxaa is weeydiiyey daka soomaaliyed,qaaasatan kuwa daneeya danta wadankooda,iyo dadkooda.waxaa laysku muransanaa sababta kaliftey in raggani u xusul duubaan una indho-caddeeyaan mar-kasta oo ay u socdaan ethiopia?..ha inoo sharaxo DR.DopE.wuxuna ku billaabay:-
-waxaad la socotaan in jirka bini`aadmigu ku nool yahay kuna shaqeeyo dhiigga,dhiiguna wuxuu ka kooban yahay kimikaalis kala nooc ah oo marba midda ku quwad badataahi la wareegto xukun ka iyo habka qofku ama maskaxdiisuba u shaqeeyso.haddaba waxaan war cad ku haynaa in nimankani marka ay itoobiya tagaan su`aasha koowaad ee la weeydiin jirey ahayd (how are you feeling)sida noo caadada ah waxaan jecelnahay in mar kasta caafimaadkeenna la baaro si aan kalsooni nololeed u helno,haddaba raggani qaarkood waxay sheegtaan cudurro,sida dharaboiow,sonkorow,malariyo,oof,neef iyo waxyaabo kale..haddaba doowladda itoobiya oo aan marnaba daacad iyo walaal nimo ka rebin qof soomaali ah,ayaa mid kasta sinta ka durta raggaan oo aaminsan in ay jaanis daawo oo lacag la`aan ah helen,laakiin waxaa inoo caddaatay in waxa lagu duray ee ay u maleeyaan caanihii hashii maandeq ay tahay nooc xun oo ka mida boqortooyada coccainta oo la yiraahdo hard rock..hadaba mar allaale iyo marka muddo ay ku moogaato ayaa laguuguy kacayaa oo aad meel aad fariisatoi weeyneysa illaa ad itoobiya caga dhigato daqtarkii la oranjirey tjdhagena ku duro...hadaba ha la yaabin haddii aad maqasho iyagopo leh caafimaad ahaan ayaan u joogaa itoobiya.
(waxaa inoo turjumey Zio Tom.)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/FANAX

Thursday, November 02, 2000 - 04:19 pm
dhamaantii waad mahadsantihiin sababta aan topic gan u bilaabayna waa jacayl aan u qabo dadkayga iyo dhulkaygaba,waxaan kale oo aan aad ula yaabay
itoobiya hadii ay daacad tahay waxaan arki lahayn nimanka u tagaya oo iyagu heshiis ah iskadaa kuwa aan utagin itoobiya,waxaan maalin dhawayd maqlay 8 gaari oo goday laga soo raray oo hub ah ayaa soo galay soomaaliya.waxaan ka wadaa inagu soomaali baan ahay waligeena waan isdili jiray waana ka heshiin jiray waxaase aad iidhibaysa in ay fahmiwaayaan masuuliyiinta soomaalidu 10 sano oo dagaal socday ayeey tagayeen itoobiya wanaag haday wado itoobiya maxay u heshiisiin waayeen mas'uuliyiinteena kuwa saaxiibka la ah.
marka aniga waxay ila tahay itoobiya ninka aada in uuna waxba inoo haynin u jeedadiisu ay tahay maxaa kaagalay wixii baaba'ya waayo waxaan aaminsanahay in dhamaan mas;uuliyiinta soomalida xaasaskoodii iyo caruutoodii ay jiraan dibada waxa jooga somaliya waa isaga oo kaliya wuxuuna rabaa madaxnimo hadii uu waayana soomaali oo dhan baa lawaayi.
marka somali intii wax garad ah haka tashato nimankaa ninkii dhalasho ku raacina yeelkii balse anigu diiday aabahayna ha ahaadee.

dhamaatiin waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 02, 2000 - 07:26 pm
A/FANAX mawduuca waxaad ku dartaa tan:

CAYDIID iyo kuwa taageersan maxay marwalba u aadaan ERETRIA soo ma'aha dalkale oo gaalo xukunto?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

daarood

Friday, November 03, 2000 - 04:57 am
hortra jaale hawiye mawuxuu doo nayaa in loo dhiso dalka si uu u bililiqaysto mar kale ilow waanu ognahay wuxuu gudo iyo wuxuu galaba ee.
Anigase rayi ahaan waxaan oran lahaa nin walbow iskajir tii hore oo kale hubna doono kaagana xagso saa waa dugaag wuxuye saas awgeed eithopia baatiriye yahuudna waan u doonan hub aan naftayda iyo maalkayga aan ku difaacdo oo aan iskaga difaacayo hawiye inta mooryaanta ah dawlada dhalatay waa hawiye daarood tasho oo la imow waxaad ku gorgortanto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

diini

Friday, November 03, 2000 - 09:14 am
alla maxaa nacas buuxa bal kan kor wax ku qorey eegga,war5 nin kastaa tisa ayuu wax u doonayaaye nacasyahow dantaada ka feker hawiye iyo daarood waxba kuuma taraane.topiggan waxa ku qoran waa hadal muhiim ah ee sida iqyaarta kore u hadal haddii kale afka haabo saar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/FANAX

Friday, November 03, 2000 - 03:42 pm
dhamaatii waad mahadsantihiin gaar ahaan waxaa mahadsan dadka fahmaya waxaan ka hadlayo.
waxaan doonayaa in aan u jawaabo ninka aan magaca isticmaalin walaal waa runtaa kuwa ERETRIA aadana waa lamid laakiin sababta aan u soo qaatay IToobiya waxay tahay itoobiya waad la socotaa in ay haysato dhul soomaaliyeed waana ognahay in uu ina dhexmaray dagaal aad u culus wayna ogyihiin hadii dowlad ka dhalato in ay kala hadli doonto dhulkaa marka anigu sababta aan u soo qaatay itoobiya waa taa wayo way jiraan dad badan oo aada wadamo kale laakiin waxaa dhul inaga hayta itoobiya iyo keenya, waxaanse u malaynayaa colaada itoobiya inoo qabto in ayna kenya inoo qabin.
MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jibriil

Saturday, November 04, 2000 - 10:38 am
War Majeerteen iyo Isaaq uunbaa tage eh dadka kale ee Soomaaliyeed yaan meel looga dhicin.

Labadaba gaalo jeceyl baa lagu ibtileeyey gaalo kasoo jooga oo wadankiina iyo dadkiina wax la qabsadaa laga la'yahay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.