site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAY DHALINYARADU MAAMULKA WADANKA ULA WAREEGI WAAYEEN?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): MAXAY DHALINYARADU MAAMULKA WADANKA ULA WAREEGI WAAYEEN?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SYL

Wednesday, November 01, 2000 - 08:05 pm
SIDEYNU LA SOCONO WAXAA WADANKEENA HOOYO KA JIRAY KHILAAF BULSHO TAN IYO INTII AYNU QAADANAY QARANIMADANA WAXAA MUUQDAY IFAFAALE AH INUU SII XOOGOOBAYO KHILAAFKAA BULSHO KAASOO MARLKII DANBE ABUURAY IN LA DILO MADAXWEYNIHII DALKA ,INQILAAB DHACO KA DIBNA UU MAAMULKII DALKA NOQDO MID QOF UU ISKA YEESHO,ARINTU SI WALBABA HA AHAATEE 21SANO
EE UU JIRAY MAAMULKII MILATARIGA AHAA IYO SAGAALKII SANO EE DOWLADII RAYIDKA AHAYD WAXAA AY SIYAASIYIINTII MAAMULADAA AWOODOODII SIYAASADEED U ADEEGSADEEN 1-INAY KALA QEYBIYAAN UMADDA SOOMAALIYEED 2-ABUURAAN JEWI SHAKI GALIN KARA NABADGELYADA QOF KASTA OO SOOMAALI AH 3-BURSADAAN HANTIDII GUUD EE DADWEYNAHA 4-LUMIYAAN KALSOONIDII U DHAXEEYSAY UMADDA IYAGOO ADEEGSANAYA SHAKHSIYAAD BULSHADA DHEXDEEDA SHARAF KU LEH 5-WAXAY AWOODII KA QAADEEN HAY'ADIHII SHARCIGA KA DIB WAXAA FAAFAY CADAALAD DARO IYO SAD BURSI 5-WAXAY WADANKII U HORSEEDEEN DAGAAL SOKEEYE OO MARKII DANBE SAAMEEYAY SOOMAALIYA OO DHAN.HADABA SHAKHSIYAADKAASI WAXAY GAARAYAAN 300 OO QOF WADANA 300 MA ROGI KARTO WAXAANU NAHAY XOOGII WADANKOODII DUMIYAY WAXAANA AAMINSANAHAY INAYNU UMADDEENA KA SAARI KARNO MUGDIGA AY KU JIRAAN MAANTA.HADABA SU'AASHEYDU WAA SOO MA HABOONA INAYNU LA WAREEGNO TALADA DALKA SI AYNU U BADBAADINO UMADDA SOOMAALIYEED.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARTAAG

Thursday, November 02, 2000 - 08:45 pm
YAA KULA KASAAYO WALAALKIIS WAXAAD KA HADLAYSO,WAXAAD KA HADLAYSO HADAY KASAYAAN SOMALIDU MEESHAY MANTA JOOGTO MAYSAN JIIFTEEN,OO ANIGAA REER KOOMBO AH IYO ANIGAA REER DHAGAX AH KAMA AY SHEEKAYSATEEN,ODAYAAL XAARKU KA DA,AYO AYAA U QAYILAY KUWAN EE ISKA DAA ODAYAASHAASU HA KU SHAQAYSTAANE,ANIGA IYO ADIGA OO KALE U MALEEN MAAYO INAY KU SHAQAYSAN KARAAN MARKA SAXIIB OGADAYAASHA AAD SHEEGAYSO WAXAY ISTICMAALAN DHALINYARADA BAADIYAHA KA TIMAADA EE MA ISTICMAALAN NIN REER MAGAAL AH EE WAXAY HELAAN NIN ISAGUBA KU CUSUB MAGAALADA OO QOF KA GARANAYNIN CIDNA U AABO YEELAYN AYAY ISTICMAALAN ISAGANA MAALIN AYUUNBAA MEEL LAGA QAADIN WAXAANAN DILI MID KALE OO ISNA MAGAALADA KU CUSUB OO AAN CIDNA KA GARANAN EE DHALIN YARAD BAADIYAHA AYAA MEESHA KU JABTAY ISNA KII MAGAALADA KU DHASHAY EE NALKU U SHIDNAA AYUU KA NECEB YAHAY QOLODUU DOONO HA NOQDEE WUU DILI OO MAGALUUDUU QASI SI UU ISAGU MEESHA ATOORE UGA NOQDO,TUSAALE AHAAN MEELKASTA SOMALIYA MAANTA MAGAALO KASTA WAXAA HAYSTA DADKII MIYIGA QABIIL KASTA HA AHAADEEN MARKA KUWIINAN REER MAGAALKA AH SAXIIBAYAAL WAA LA IDIN INQILAABAY OO QABIIL KAADOONTO NOQO MAGAALADII WAA LAGAALA WAREEGAY,EE SIDAA IYO NABAD GELYO,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali Scholar

Friday, November 03, 2000 - 12:07 am
To: SYL

Walaal marka hore waxaan kaaga mahadcelinayaa mawduucan muhiimka ah ee aad furtay. Marka xiga waxaan dadka meeshan wax ku qora kula dardaarmayaa inay iska dhaafaan mawaadiicda maalaayacniga ama diradiraalaha ah ee ay meesha ku soo qorayaan ayna soo qoraan mawduuc ama qoraal dadka wax u faa,iidaynaya, ogaadana haddii aad isleedihiin laydinma arkee waxaad doontaan qora, waxaa jira cid marwalba idiin jeeda welibana idinka ka abaal marindoonta(hadduudoonno) waxii xun ee aad qorteen ama ku hadasheen waana (Allaah s.w.t.)

Haddaan ka jawaabo su,aashii SYL jawaabteeda oo kooban waa HAA. Laakiin waxaan isna ka codsanaynaa inuu sida uu mawduucaba u soo qadimay uu/ay soo raaciyo nadaamkii ama habkii aynu nimankaa ina Haligay iyaguna is haligay ugu raaxayn lahayn. Kaas baana u baahan inaan wax iska waydiino, laakiin nimanka in laga leexo meesha cidwaliba waa rabaan, xataa iyaga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Friday, November 03, 2000 - 01:27 am
Waa salaamantihiin kuligiin,

to Syl,
waxaad ka bixisay "masawir sax" ah, mas`uuliyiintii soo martey wadanka, badan-kooda in ay ka danbeeyaan waxa wadanka maanta haysta, walina xalkeeda fari ka qodneeyn.

Laakiin, aniga waxaan aaminsanahay in aan helno sharci ama "Dastuur" dhab ah ee aan isku raacno, ka dibna qof walba uu dhowra.
Qof, hadii uu dalkiisa "Xuquuq" siiyo, waa in uu asnna "Waajib" kii, uu wadankiisa ku lahaa ka soo
baxaa.
Aniga ma qabo; in bani`aadamka , kala fiicanyahay ee mar walba waxeey ku xirantahay xaaladda uu ku sugan yahay, sida:
-waqtiga;
-meesha uu joogo;
-iyo xaaladda uu ku sugan yahay.

Dhalinyardda soomaaliyeed, ilaa iyo hadda wey ku adagtahay in ey ka baxaan wadada ey u jeexeen, kuwa ka horeeyey.

Laakiin, waxaa muuqata in uu dalka Soomaaliya iyo dadkiisaba, is-badal weyn ku socdo , ma mid xun baa mise waa mid fiican , waqtiga ayaa sheegi doona.


ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 03, 2000 - 04:17 am
odayaashii nadhalay ayaa wadanka gubey oo qaxooti nagadhigay dhalinyaro intey joogtaa, kii noogu soo dhowaa xaaraan cunihii XUSEEN CAYDIID ayuu ahaa oo ladoonayey inuu dhalinyarada wax u qabto waad aragteen siduu isugu xaarey,hase-ahaatee waxaan aaminsanahay inuu waqtigeena uu imandoono goor ay noqotaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WADANI MURUGAYSAN

Friday, November 03, 2000 - 05:24 am
ARRINTANI WAA ARIN AAD MUHIIM U AH OO UBAAHAN IN LAGA HADLO. ANIGA WAXAY ILA TAHAY HADDA AYAY UGU DHOW DAHAY IN DHALINYARADU LA WAREEGTO XUKUNKA. HADAAD U FIIRSATO GOLAHA WASIIRADA CUSUB 90% WAA DHALINYARO AAN HORE MAGACOODA LOO MAQAL WAXAANA RAJAYNAYAA IN AY WAX QABAN DOONAAN. MARKAA IYAGA AAN TAAGEERO. OO GACAN WAYN AAN SIINO. SIDAN AYAYNU GACAN USIIN KARAA: 1)IN LAGU NOQDO DALKII 2) IN LAGA QAYB QAATO DHISMAHA DALKA 3) IN AAN LA EEGI YAA REER HEBEL AH EE LA EEGO DANTA GUUD 4) IN DADKA DHALINTA YAR WAX LABARO LANA WACYI GELIYO 5) ODAYAASHA AAN TALO GUUD LAGALA TASHAN OO LA GO'DOOMIYO. iNTAA MARKA AYNU SAMAYNO WAXAAN FILAYAA IN WAX IS BEDELI DOONAAN.
NABAD GELYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 03, 2000 - 06:20 am
ODAYAASHA WAA NADHALEEN KULINA MA WADA QALTANA
EE HADALKIINA U FIIRSADA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali Scholar

Saturday, November 04, 2000 - 06:08 am
Marka hore waad salaaman tihiin dhamaantii. Marka xiga waxaan ku taageersanahay ninka lamagac baxay WADANI MURUGSAN in maanta ay ugu dhowdahay ama ugu fudud dahay sidii xukunka ay cidii xaqa u lahayd u hantiyi lahayd, waxaanse ku talin lahaa intii aynaan mashruucaas u tafa xaydan inaan ka horay siino dhawr arimood:
1. Inaan wax barano inta aynaan ka fekerin sidii aynu hogaan u la wareegi lahayn,waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada Somaliyeed ee debedaha joogaa inay wax bartaan, waxaan qabaa waxbarashada dhalin yaradu waa furaha kowaad ee xal u helid hogaanka qaribmay ee Somaliya.
2. Inta wax baratay inay dalka ku noqdaan,kuna dedaalaan sida ay hogaanka u haleeli lahaayeen.
3. In Shacbiga Soomaaliyeed laga dhaadhiciyo inaanay jirin wax wadanka la dhaafsankaro ama lagu bedelan karo marka laga reebo Allaah iyo Diintiisa.
2. Shacbiga ama Qabiilka uu mid waliba ka dhashay waa inuu isku dayaa inuu ka dhaadhiciyo walaaltinimada qofka Soomaaliyeed, uuna u tuso in aanu haysan cidkale oo u bedesha, haddii uu dilo ama dalka ka caydhiyana ay berito isaga AMXAARO cidla ka helayso.
ugu danbayn waxaan idiin sheegayaa inaan anigu diyaar u ahay inaan ka mid noqdo raga hada fursada u haysta inay noqdaan

Waad salaamantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Saturday, November 04, 2000 - 06:36 am
Salaan dhamaantiin

Mowducaan oo kale hadii mar walba laga wada hadli lahaa, Soomalida gudo iyo dibadba ha joogaane waxbaa uu kordhi lahaa....
Hadalkaan oran lahaa badankiis idinkaa yiri,.. balse aan sameeyo su'aalo iyo aragtiyo kale.

Soomali badan oo waxbartay, niyad fiican ayaan ku arkay qurbahan, su'aasha waxey tayay kii wadanka ku laabtaaba maxuu ooga mid noqdaa kuwii horey wax u qasay? Jawaab raqiis ah waxeey noqon kartaa "dad kaa badan iyo biyo kaa badanba waa ku harqiyaan". Hadaba sidee taas looga hortegi karaa?. Waxeey ila tahay in marka hore intaan wadanka lagu noqon dhalinyaradda inii diyaar ah ay qorsho cad sameeystaan, kaasoo ku wajahan waxeey damacsan yihiin iney sameeyaan, inteey ku qaadaneeyso, sideey dadka u wacdigalin lahaayeen, barnaamijyadii ay dadka fikradahooda ku badali lahaayeen, dhismaha urur ama xisbi haddii ay suurtogaleyso,.. iyo ineey inteeysan laaban ay la sameeystaan iskaashi fiican dhalinyarada kale ee aan diyaarka u aheeyn ineey noqdaan balse qalbi fiican si caawinaad hanti iyo maskaxba la isugu xirnaado.

Omar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maryan

Saturday, November 04, 2000 - 08:03 am
to syl.
walaal aad ayaad ugu mahadsan tahay mowduucan qiimaha badan ee aad soo bandhigtay.Runa ahaantii maanta wadankii Soomaalia wuxuu noqday meel mugdi ah oo nolosha aadamaha ay raqiis ka tahay taas cida loo anaanaynaayo marwalba waa laysku qilaafaa.
Dadbaa waxay aaminsan yihiin in dowladihii dalka ka talin jiray dhibaatadu katimid.
Kuwa kalana dalal shisheeye .Isku soo wada duuboo cid kasta haka timaadee dhibaatadu waxay haysataa waa dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed.
hadaba aniga fikrad ahaan waxay ila tahay in ay suura gal tahay in la badbaadin karo mustalbilka Soomaaliya haddii la helo nidaam wax lagu badalo iyadoo dhalin yaro iyo adayaalba lays kaashanayaayo.
Waxaan la wada socnaa inaan ka figrad duwanayn saan maanta qabno markaan dalkii joognay oo wax badan noo kal baxeen markaan qurbaha usoo baxnay.
Marka dadku inay ubaahan yihiin wacyi galin waa laysla wada raacay laakiin su'aasha ayaa waxay tahay: xagee wax ka bilownaa?????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAAHIN

Saturday, November 04, 2000 - 12:03 pm
SIDA AYNU WADA GAROWSAN NAHAY AWOODII LAGU BURBURIYAY DALKA WAA DHALINYARADA AWOODA BADBAADIN KARTA JIRITAANKA UMADDA SOOMAALIYEEDNA WAA DHALINYARADA,HDABA SU'AASHA ISWEYDIINTA LEH WAXAY TAHAY QAAB NOOCEE AH AMA WADO SIDEE AYAY U MARI KARAAN DHALINYARADA.QOF WALBA OO INAGA MID AH WUU GARAN KARAA INAYSAN AHAYN MID SAHLAN WAAYO DHALINYARADII AYAA U KALA QEYBSAN LABA QEYBOOD QEYBTA HORE WAA DHALINYARADA MIYIGA QEYBTA LABAADNA WAA DHALINYARADII SCHOLERKA AHAYD
HADABA SIDA AAN KA WARQABNO HOGAANKA WADANKA WUXUU GACANTA UGU JIRAA DAD ASALKOODU UU KA SOO JEEDO MIYIGA,DHALINYARADII MIYIGANA WAXAY KA DHIGTEEN AWOOD GAAR AH OO AY DANAHOODA KU FUSHADAAN,HADABA WAXAYNU WADA GARAN KARAA MIDNIMADA DHALINYARADA SOOMAALIYEED IN AY TAHAY WAA CUSUB OO U BARYAY UMADDA SOOMAALIYEED SI TAAS LOO HELANA WAA INEYNU U HURNAA NAFTEENA QAALIGA AH SIDII AYNU U WACYI GALIN LAHAYN UMADDA SOOMAALIYEED SI GUUD SI GAAR AHNA DHALINYATRADA SOOMAALIYEED,QOF WALBA OO INAGA MID AH WUU KA DHEREG SAN YAHAY TAARIIKHDIISA UMADDEED MARKA WAXAAN IDIN ORAN LAHAA ISBEDELKA NOLOSHA UMADDA SOOMAALIYEED GACANTIINA AYUU KU JIRAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Saturday, November 04, 2000 - 12:29 pm
TO DHAMMAAN DADKA KA HADLEY MAWDUUCAN,

saaxiibayaal arrintani aad bey u adag tahay
waxay u baahan tahay doodo, dhaqaaale fara badan
waxa ugu weyni waa dhaqaale, dhaqaalena ma heyno.
sxb yaan calalada leynaga furane innaga daaya
arrintaas, somaliya talo ama hadal waxba ka tari
maayo dhaqaale mooye, haddii dhaqaale la helo
wax kasta waa la kala furfuri karaa waa shabakada
dhiigyacabyada daacadna la helo, haddaan arko ama
helo dhallinyaro arrintan u ololeynaysa waan
taageeri doonaa haddii ilaahay idmo si ummadda
looga badbaadiyo dhiigyacabyada munaafaqiinta.
somaliduna hal dheg ayey wax ka maqlaan dhegtiina
munaafaqiinta ayaa heysta maanta oo ay maqlayaan
markaa dhalinyaro warkeed laguma jiro wakhtigan
xaadirka ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali scholar

Saturday, November 04, 2000 - 11:05 pm
Salaan ka dib waxaan odhan lahaa inaan arintan xal keeda ka bilowno meesha uu ku soo ururiyey mr Omar, waxaan marka soo jeedin lahaa inaan hada waan hadlaynaaye, u bedelo ficil, ficilkana aan ugu horaysiino inaan tira koobno inta dhalin yaro ah ee hasata degree jaamacadeed(Bachelar<:O, isla markaana u diyaar ah inay isu taagto inay umadeeda daba qabato, muhiim maaha inuu qofku diyaar u yahay inuu hadan ba dalka ku noqdo, waxaana uba arkaa inuusan maanta dalku ina qaadaynba, hase yeeshee waxaa lagama maar-maan ah inuu qofku diyaar u yahay wax Alla waxii dalkaa lagu badbaadinayo. Waxaa aniga ila tahay in tira koobkaasi uu noqdo meesha aan ka bilaabayno wax ka qabadka dhibka ina haysta, waayo, haddii aadan adigu wax badan iska ogayn way adag tahay inaad qorshe samayso. Tira koobka sida loo samaynayo waxaa aan ka wada hadli doonaa haddii aad igu raacdaan inaan halkaa arinta ka bilawno.

Waad Salaamantihii dhamaantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runlow

Sunday, November 05, 2000 - 01:40 am
Asalaama Calaykum.
In Soomaaliya ay isku gurmato waaa wax muhiim ah, laakiin xaggee arrinta laga bilaabayaa, qaar idiin ka mid ah bay waxay qoreen in aan wax la qabsano C/qaasim iyo ragguu wato, walaalayaal hadaad halkaas ka bilowdaan waxaad la kulmi doontaan jab, jahwareer iyo iyadoo Soomaali si fiican dhiiga faraha u sii darsadaan. C/qaasim iyo dadkuu wato mataqaanaan, sida Galayr, Galaal, xasan Abshir iyo kuwo badan oo kale oo u sii ciilqaba jabka iyo baaba ummada Soomaaliyeed, waxaa soo ababiyey macalinkii kacaanka. waxayna u haraadan yihiin xukun iyo dhaqaale, ma jecli in aan ceebahooda sii dhexgalo, laakiin dadkaas ha ku
hodmina. dawladda ku meel gaarka dhibtay soo wadato ilaahow ummadda Soomaaliyeed dhinac kawada mari.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

S.Y.L

Sunday, November 05, 2000 - 02:30 pm
Waan idinla socdaa anigoo ah SYL waana ku faraxsanahay sida qiirada leh ee iila garateen dhibka umad ahaan ina haysta iyo xalka dhibaatada umaddeena waxa uu yahay.waxay ila tahai 14keena iyo inta daneen doonta bogan iney bilow u noqon karaan dhisme urur bulsho oo wacyi geliya umadda soomaaliyeed inkasta oo ay haboon tahay aasaas iyo qorshaha ururku inaynu bilowno inteena dibada joogta ka dibna mas'uuliyadii ururka iyo howlgalkiisiina lagu wareejiyo dhalinyarada soomaaliyeed ee weli ku jira marxalada adag ee ay umaddoodu ku jiraan.anagoo mar walba taageero dhaqaale iyo mid aqooneedba la daba taagnaanaya ururka.hadaba si aynu xaqiijino hadafka aynu leenahay waa ineynu abaabulnaa shirar aynu kaga hadleyno kaalinta ay dhalinyarada soomaaliyeed kaga jiraan bulshada soomaaliyeed iyo saameynta ay ku yeelan karaan siyaasada soomaaliya,waayo waxaynu ognahay intii aynu haysanay qaranimadan aynu burburinay in arimaha siyaasadeed ee wadan ay gacanta ugu jirtay ragga hada ku hardamaya sidii mar labaad ay u dhoob dhoobi lahaayeen maamul aan aasaaskiisu ahayn bulshada,HADABA SI AYNU TAA UGA HOR TAGNO 1-WAA INEYNU AASAASNAA URUR DHALINYARO OO U JEEDADIISU TAHAY SIDII UMADDA SOOMAALIYEED LOOGA XOREYN LAHAA GUMEYSIGA 2-INEYU DHISMAHA URURKU UU NOQDO MID AAN CID GAAR AH MAS'UULIYADIISU AYSAN SAARNEEN BAL UU YAHAY MID UU BILAABI KARO QOF WALBA OO SOOMAALI AH OO AY DA'DIISU KA YAR TAHAY 45 SANO OO KUNA LUG LAHAHYN LABADII MAAMUL EE SOOMARA WADANKA.WIXII ARAGTI AH OO INTAA DHEERNA WAXAAN JECLAHAY INAAD ISWEYDAARSANO.MAHADSANIDIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMED FARAH

Sunday, November 05, 2000 - 03:21 pm
Tolow ma ka runbaa?
DHAMAANTIIN WAAD SALAAMAN TIHIIN, WAXAADNA KA HADASHEEN WAX YAALO AAN IS WAYDIIN JIRAY ILAA IYO INTAAAN QURBAHA IMID OO AY KAMID AHAAYEEN WELIGEEN MA RUUG CADAA AYAA INOO TALIN DOONA, MEEYE DHALIN YARADII IYO MUSTAQBALKII SOOMAALIYEED? HADABA MA IDNKA RUNBAA ARIMAHANI WAAYO ISMAAN LAHAYN DHALINTU MARBAY HANBAABIRI DOONAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Sunday, November 05, 2000 - 03:40 pm
Waa salaamantihiin kuligiin...
Aniga, oo mar hore ka qeyb qaatey fikrad isweydaarsigaan , ayaan mar labaad hadana ku soo laabanaayaa.
Aniga, qof ahaan kama soo horjeedo dowladda cusub Carta, Jabuuti lagu dhisay.
Siyaasad ahaan, waxaa ka door-bidi lahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo hanaan ka duwan siyaasadahaan dalka ka socda oo dhan, oo dowlad dhisto.

Laakiin, xaqiiqda dhabta ah ee dalka Soomaaliyeed taal waa mid jahawareersan ee Qaran wanaagsan soo celintiisa ka muuqan kuligood, marka aniga waxaan ka door- biday midaas aan sheegay.

Dhalinyaradda Soomaaliyeed, xaaladaan lagu jiro gacanta awood uguma jirto mana ka muuqato mid urursan.

Aniga, qof ahaan ma qabo in aan kuligeen isku "hal urur ama xisbi" noqono, wanaaga wuxuu ku jiraa intii isku ujeeda ah-ba, meel ey wax ka wataan, midse laga sinaado in xuquuda qofka soomaaliga ah , sida ugu wanaagsan wax loogu raadiyo.

ciao

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.