site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Saldanadii Waynayd ee DIR oo boodhkii laga jafay.

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): Saldanadii Waynayd ee DIR oo boodhkii laga jafay.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dir

Thursday, November 02, 2000 - 04:42 am
Taariikhdu waa dhaxal aan duugoobin,waxa ay hore u xustay in ay jireen Maamul balaadhan oo ay lahaayeen Dir kaas oo saldhig u ahaa magaalada Harar ee gobolka shanaad hada loo yaqaano,waxay taariikhdu xusaysaa in ay wakhtigaa dagaal culus kula jireen dawladii dada waynayd ee amxaarda oo markii danbe ka faaidaystay shirkii Barlin 1884 ee lagu qaybinayay somaalida, taa oo lagu furfuray qawmiyadii balaadhnayd ee dir una kala baxeen qabiilalda kala ah.Isaaq.Gadabuursi,Biyomaal,Gaadsan,Akisho,Ciise iyo Dir oo ay wali ku dhagan yihiin qaar ka mid ahi.

Dirtu waa qawmiyada ugu balaadhan geeska afrika lehna dagaano aad muhiim ugu ah nolosha iyo khayraadka bad iyo bari.

Waxa marag ma doonta ah in shirkii carta ee somaalidu ku heshiinaysay ay dib u xuseen magac waynihii dir oo ay talisyadii hore ee somaaliya dabargaynta ku hayeen oo ay kala ilaalin jireen in ay mar kale soo if baxaan.
Dad ka badan 2500 oo somaliyeed oo ka kooban aqoonyhano iyo salaadiin ayaa waxa ay ogoladeen in la israaciyo qawmiyada Dirta ah waxayn ogaayeen in ay hore sidaa u ahaan jireen.
Mahadi ha ka gaadhee Imaciil cumar geele oo laftiisu nin DIr ah waxa uu shirkaa ka soo hooyay guul dhaxal gal ah oo taariikh wanaagsan u abuurtay bulshad dada yar ee dir ku abtirsata kuwaas oo ka sii wadi doona qaybtooda sidii ay qarankii dumay ee dir wayne dib ugu oo noolayn lahaayeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

leel

Thursday, November 02, 2000 - 04:49 am
somaliya waxey ku fiican tahay in ay noqoto afar gobol oo federal ah....oo kala ah: 1)Dir 2)Daarood 3) Hawiye 4) Mirifle Digil maxaa ka qabtaan aqayaarta arintaas?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.