site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Tayada soomaalida boggan wax ku qorta oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaaneysa: Qabiil iyo Jaahilnimo baa isku soo haray, maxaa ka tiraahdaan

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): Tayada soomaalida boggan wax ku qorta oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaaneysa: Qabiil iyo Jaahilnimo baa isku soo haray, maxaa ka tiraahdaan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burhaan

Friday, November 03, 2000 - 12:43 pm
Qabiil mid faansha iyo mid ku caaytama iyo mid wax jaahilnimo ku saleysan qora ayaa buuxiyay Somalinet boga ay ugu deeqday ineey Soomalida fikradahooda isku dhaafsadaan.

War Soomaliyeey intaas miyaa inaga dhab ah mise wanaag iyo caqli kalaa inoo qarsoon?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 03, 2000 - 02:19 pm
Caqli iyo cilmi badan baa noo qarsoon.

Waxaase la waayey firaaqo lagula soo baxo, ilaa intaas inta yar ee xumaanta jecel, baa dadka xumaan ku weyrixinaya(ku waalaya, ku qasaya, ku labaya).

Sidaan waxaan u iri, waxaan arkey sida loo badan yahay, qofku marbuu qorayaa wax fiican oo aad jecleysatid, haddana isla qofkii baad arkeysaa oo meel kale ku qorey wax aadan ka fileyn xitaa qof waalan.

Markaan baarey waxaan ogaadey dadka intiisa badan waxay daba galaan oo u ekaadaan qofkii ka horeeyey. Haddii horti wax fiican la qoro, wax fiican ama iska roon buu qorayaa, haddii horti wax xun laga hadlayna, wixii iyo wax u dhow buu ka hadlaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.