site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

EXCERPTS FROM GAARIYE'S "KEENADIID": TO ALL FAQASH TIME DOESN"T CHANGE 1988 ALL OVER AGAIN

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): EXCERPTS FROM GAARIYE'S "KEENADIID": TO ALL FAQASH TIME DOESN"T CHANGE 1988 ALL OVER AGAIN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAANTA

Friday, November 03, 2000 - 06:11 pm
Kuwa nabada inay doonayaan dunida gaadhsiiyey,
Dar kaloon aqoonbay wiglada ula dan leeyiine,
Midhaa Daado iigama fadhiyin dib u heshiisiine,
Hadday nabadi doocaan ahayd la isku dacareeye,
Waxa lala dardaarmaa nimay wax u dambeeyaane,
Israella waa loo dalbaday dabargo'aygiiye,
Digxaadhka waatay marsheen dulublahaygiiye,
Mar haddaan doc ii nooli jirin wawga darayaaye,
Iyagaa dardaar werin jireen yaan la dacaroone,

Dab wax guba dayuurad iyo jiib doobta ka higooda,
Inta dawlad taagteedu tahay waa naloo dumaye,
Wixiiyoo dubaabado onkoda nala dul gawdiidshay,
Dhulka cidi ma daaqdeen siday damacsanaayeene,
Rabbi doobirtii iyo ragbaa lagaga doogaaye,
Sidii duur la gubay bay carriga qaraf ku daareene,
Lama dega waxaa Herer ka dhigay dil iyo laystaane,
Imikay dameeruhu galaan dabaqyadaydiiye,

Dummaddooda weeyaan wixii amuura duun dhacaye
Iyagaa khalqiga dayriyee yaan la daydayine,
Raggii calanka dayrka u ahaa dide Cubayshoowe,
Kolkii loo dub nixi waayey bay dabarka goosteene,

Dubur iyo wuxuu hawd ka xulay shicibku daadayse,
Dulcadbaa xeryaha looga dhigay dumarkay boobeene,
Ninna iima diir nixin kolkaan daallanaa shalaye
Anigaa daruuraha u koray roobka ii da'aye
Dirirradu haday tooda tahay nooma darareene,
Ducana nooma kicin jeer warmaha la isku daadamaye,
Haddaannaan dagaalamin nafluhu nama daneeyeene,
Dawo laguma raadsheen raggii loo darraan jiraye,
Dubbahaygii weeyaan hadduu dumay gidaarkiiye,
Dermo lay fidshaa kama horreyn weerarkaan dumaye

Intii baan dad iisoo shiriyo deenyo qaad helaye
Intii baan dulsaarkii ka baxay laygu duudsiyaye
Intii baa sidii dawladeed lay dabaal degaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Saturday, November 04, 2000 - 02:30 pm
hadda sxb ma dagaal doon baad tahay.
maad iska deyn laguma faa,iidee.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.