site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

FROM : AWDAL LIBERATION FRONT, TO: C/QAASIM AND HIS GOVERNMENT

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): FROM : AWDAL LIBERATION FRONT, TO: C/QAASIM AND HIS GOVERNMENT
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALIF

Saturday, November 04, 2000 - 12:28 pm
KU: C/QAASIM SALAAD XASAN
MADAXWEYNAHA MUQDISHO, IYO
DAWLADDA MUQDISHO

KA: AWDAL LIBERATION FRONT.."ALIF"

UJ: CADDAALAD LOO SUGO, MARXUUM GEN.
YUUSUF TALLAN CALI.


Mudanayaal ku meel gaadh,

Waxa murugo iyo maroora dillaac noo ah inaan ogaano inaad ilaa haatan wax dhaqdhaqaaq ah ka samaynin dilkii halyeeyga soomaaliyeed ee qaaliga ah Marxuun Yuusuf Tallan Cali, oo lagu gabraartay caasimada dawladiina. Waxan warar is dhaaf ah ku maqalay inay Gacan ku dhiiglayaashii dilka gaystay dalka ka baxsadeen, ama ay wali joogaan oo la qarinayo.

Tani waa nasiib darro, ayaan darro, sharaf darro dadnimo xumi iyo maamul diciifnimo,dhammaantiinba idin haysata. Dadka reer Awdal iyo Ummadda Soomaaliyeed ee sharafta lihina idinkama cafini doonto idinkamana saamixi doonaan. General Tallan wuxu ahaa "Simply the best General" soo mara dalka Soomaaliyeed, ee ku hela darajadiisa khibrad, aqoon iyo sharaf. General Yuusuf Tallan, nin lagu badali karo kama dhalan doono ummadda soomaaliyeed ilaa muddooyin badan. Wuxu ahaa, halyeey u dooda xaqa, oo an wax danbi ah ka galin dadkiisa iyo dalkiisa. Halyeey, Tallan waxa loo tobabaray inuu difaaco dalkiisa lana dagaalamo cadaw shisheeye, taasi ayuuna darajadiisa ku helay. Dilka isaga la dilayna wuxu u yahay Ummmadda soomaaliyeed dhabar jab iyo dhaayo la'aan. Waxanan tabi doonaa General Tallan, maalinta cadaw shisheeye kusoo duulo Dalkeena, maalintaasina ma dheera ee ogaada.

Haddii ad tihiin dawladda cusub, gaar ahaan Madaxweynaha Dawladda cusub ee Muqdisho, C/Qaasim. Waxad ogaataa in haddii anad sida ugu dhakhso badan u magacaabin Gacan ku dhiiglayaashii dilka gaystay magacdooda,iyo sobabta loo dilay Gen. Tallan ad taariikhda ka gali doonto baal madaw oo murug badan. Dadka reer Awdal waa dad samir iyo dulqaad badan, jecelna nabadda iyo Soomaalinimmada, ninka danbi iyo godob ka galaana ma aflaxo ee taa ogsoonoow.
Ninka daacadda ah Ilaahay ayaa u diran oo xaqiisa u doona. Waxana la arkaa maalin dhoow, in kuwii xaq darrada ku heshiiyay ee dilay Halyeeyga qaaliga ahi, ay iyagu isku dili doonaan xaqa ooy is madhini doonaan.

Aamusnaanta Dawladdaadu waxay qiraysaa, qaddarid la'aanta iyo qiimayn la'aanta, dadka sharafta leh ee ku dhimanaya gacantiina. Tanina waxay dhaawacaysaa niyaddayada iyo qalbigayaga. Falalkii ad ku ku kacday iyadoo lagu jiro geeridan murgadan leh waxay nagu reebeen boog an waligeed bogsanaynin.

(1). Ka dib markii uu dilkan wax shinimadan lihi dhacay, mid ka mid ah Masuuliyiinta sare ee Dawladdaada oo ah Gen. GALAAL ayaa ku dhawaaqay in la hayo oo la qabtay, Gacan ku dhiiglayaashii dilka gaystay. Haddana tii waa la waayay, sidaa daraadeed aad iyo aad ayaan u tuhmaynaa, in GALAAL uu isaga laftarkiisu gacan weyn ku leeyahay dilka GEN. TALLAN.

(2). Iyadoo labo habeen laga joogo geeridan ayaad ku dhawaaqday golaha wasiirada ee dawladdaada. Tanina shaki badan ayay xagayaga ku leedahay, waxayna u muuqataa inaad inaad sugaysay dhimashada General Tallan. Adiga laftarkaaga inaan ku tuhunana xaqa ayaan u leenahay.

(3). Iyada oo wali lagu jiro Tacsidii, oo Soomaali oo dhani murugaysan yihiin ayaad ka dhooftay dalka, ood ka qayb gashay shir carbeed oon lagugu macsuumin. Tani waxay ka tarjumaysaa diciifnimadaada shaqsiyad ahaaneed, iyo qadarid la'aantaada geerida dhacday.

(4). Ilaa iyo imika lagaama hayo adiga iyo dawladdaadaba wax hadal ah oo ku saabsan halka ay marayso, baadhistii dilka waxshinnimada ah.

Mudane Madaxweyne ku meel gaadh, waxad ogaataa, in Gen.Tallan uu maanta ka galay taariikhda Soomaaliyeed baal dahab ah, oo cid waliba xusuusan doonto. Waayo waa ninkii ugu horreeyay ee ku dhinta Dawlad nabad raadin ah oo la dhisay. Waana Generalka qudha een dhiig ka daadin ummaddiisa. Waxad ogsoonaataa inaan waligayo Ilaawi doonin, oon ka hadli doonno, Gen.Tallan, maalin kasta, subax kasta, galab kasta habeen kasta, iyo saacad kasta. Waxanad ogsoonaataa in mar kasta oon ka haddalo qiimaha General Yuusuf Tallan Cali, an adiga iyo Dawladda Muqdishana ka hadli doonno qaab xumidooda. Ugu danbaynna waxad ogsoonaataa in Ummadda an matallo, ee reer Awdal ay yihiin dad aqoon iyo ilbax dheeraad ah leh oon marnaba la yasi karin, hoosna loo eegi karin. Maalinta ummadda soomaaliyeed isku raacaan inay isku maamulaan Cilmi iyo aqoona inay tahay maalinta loo baahan doono maamulka iyo maskaxda reer AWDAL.

Mudane Madaxweyne iyo Mudanayaal ku meel gaadh, hadalka waxan ku gabagabaynayaa. Haddii ad Ilaahay iyo Rasuulkii Maxamad qiraysaan, haddii ad sharaf iyo qiimo leedihiin. Haddii ad dhiig iyo damiir leedihiin. Haddii dhag xumo iyo fadeexadi idin dhibaynin ood dawlad Soomaaliyeed oo dhaba ad tihiin.

WAA INAAD TALAABO SHARCI KA QAADAAN DHAMAAN DADKII GAYSTAY DILKAN WAXSHINNIMADA AH IYO DHAMAAN DADKII KA DANBEEYAY.

Haddii ad arrintan ku guul darraysataan, waxan Ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay ku kala dareeraan dawladdan ku meel gaadhka ah, oo nin waliba qooyskiisii ku laabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Saturday, November 04, 2000 - 12:45 pm
waxaan mar labaad tacsi u dirayaa qoyskii iyo
eheladii uu ka geeryoodey General Talan oo
annan weligiis ilaawi doonin inta aan noolahey,
waxaan u sheegi lahaa ninka maqaalkan qorey
saaxiib marka hore ilaahay samir iyo iimaan
heynaga wada siiyo geerida General Talan, anigu
kuma dambaabi karo cida ka dambeysay dilka Talan.
laakiinse waxaa ii muuqata dawlad ku sheegtaasi
inaysan wax dan ah ka leheyn waana wax laga
xumaado,waxaana filayaa inuu ahaa arrin si
weyn looga soo shaqeeyey loona soo abaabuley,
sida ka muuqatana waxaa ka dambeeya ayaan filayaa
dilka General Talan xubno ka tirsan dawladda ina
salaad boy, gaar ahaan galaal waan aqaan shakhsi
ahaan hore ayuu ugu dilay magaalada muqdisho rag
aan waxba galabsan oo aqoonyahano ahaa sida abyan
oo ummadda soomaaliyeed aanay marnaba ilaawin
doonin, weliba waxaan caddeynayaa in halkii lagu
dilay abyan iyo raggii la socdey uu goob joog ka
ahaa ninka aad maanta madaxweynaha ku sheegayso
waa ina salaad boy waa haddaad run dooneyso waxaan
joogey xamar maalintaas la dilay abyan ilaahay haw
naxariistee iyo raggii la socdey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Sunday, November 05, 2000 - 09:24 am
TO:Abdikariim Hasan

Walaal

Xaqu wuu dillaaci, runtuna way soo bixi.
Reer Awdal ninkii godob ka gali ma liibaano.
SNM waa tii Boorama xasuuqday, iyadoo dadkii hubka iska dhigeen dagaalna iska dhaafeen.
Kadibna waxa u danbaysay inay iyagu is dilaan, oo isaaq is madhiyo.
Imikana sidoo kale, waxa soo bixi doonta kuwii dilay General Tallan oo iyagu kala safta isna madhiya.
Dhawaan eeg waxa dhaca.

Haddii an Tallan u dilno hawiye oo dhan, uma dhigmaan. Nin la sharaf ahina kama dhalan doono.
Waan wadaynaa, dadaalka iyo dooda, kana daali mayno.
Soomaali way kala guuri ama way isku guuri, midkay u dhacgdana, geerida Tallan marnaba ka gu'i mayso laabtayada.

Warqadda ururka ALIF qoray, way gaadhi doontaa madaxweynaha Sooomaaliya ee ku meel gaadhka ah.
Web Site, an ku xusno Gen. Tallan oon ku ururinno taariikhdiisii iyo dilkiisan waan samay doonaa.
Soomaali oo dhanna waan ku macsuumi doonna.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Monday, November 06, 2000 - 01:19 am
TALLAN MARKAAD DISHEEN
WAAD NA TUMAATIDEENE
TAAH AN HADHAYNINIYO
TOWSBAAD NAGU REEBTENE
TALO SEEGAYAALOOW
TIIRAANYAAD NABADEENE

SUMXAAN WA TACAAL
TAAG RABIBAA LEHE
TAAJIROOW ILAAHBANAN
IDINKAGA TAGAYNAAYE
IFKA KU TACDIIBNAADA
AAKHIRANA TAGA CADAAB.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 07, 2000 - 02:31 am
Waa in la helo magacdii Gacan ku dhiiglayaasha.

WaxaN war haloosi ah an ku helay, in nin kamid ah Gacan ku dhiiglayaasha uu magaciisa ka mid yahay magac la yiraahdo DAYIB.
SOMETHING DAYIB??????

Markaa halla baadho wixii Dayib ka bilabma.
Mana laga yaabaa in magacani yahay reer Woqooyi, oo niman Isaaq ahi ka mid yihiin Gacan ku dhiiglayaasha??????????????????????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

La soco

Friday, November 10, 2000 - 12:48 am
WAXAAN UKEENEY arintaa qaaliga ah ;waxaan idiin hayaa war sun iyo waabey idiku noqota dhamaan dadka necab S\LANd hadaba dhageysta ciidankii qaranka oo nidaamsan hubkiina udhanyey ayaanu xuduudaha cadawga dhignee waa inoo dagaal faqshey hadhaagay shaley anoo jabhadaa ku cunee ma maanta oon haysto 10.000 ciidan iyo waliba mujaahidiintii snm intta ka noolayaan idiin hakanaynaa waa hadii aad nasoo gardeysataan ,

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.