site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DIB U DHOOFA-BY DT-TROUBLEBOY

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): DIB U DHOOFA-BY DT-TROUBLEBOY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Saturday, November 04, 2000 - 04:08 pm
DIB U DHOOFA
______________

dul ahaanba soomaalidii dibadda soo aaday
duqaydiyo barbaartuba ku lume dagalo shaydaane
dayow iyo wareer baa ku dhacay duulashii tagaye
dawgiyo jidkaad martaba ragbaa jiifa oo dadane

kuman doorsan kumanyaal dibjiray kuman dugaagoobay
kuman qaad daliigoo sidii adhiga daaqaaya
iyo kuman khamrigu daashadoo daasad wada haysta
iyo kuman xashiishadi dishoo wada daroogaysan
iyo kuman khamaar laguu diroo farasku daandaamay
iyo kuman dalooshaday dhagtoo dahab ka laadlaadshay

iyo kuman timaha loo daboo dumar la moodaayo
iyo kuman naftoodana dayacay ehela doonaynin
iyo kuman dafiray aabe iyo hooyadii dihatay
iyo kuman duriyaday dhaleen dub u xanuunaynin
iyo kuman dalaaqoo ka tagay dahabdii xaaska
iyo kuman damiinoon fahmayn dariska loo meero
iyo kuman aqoonkale ka dama diinna garanayn

iyo kuman sidii awr da'furay dacayda taagaaya
iyo kuman dareenkiyo shakiga doqonimow raacdo
iyo kuman iblays duufsadoo gaal ku dayanaaya
iyo kuman dalkoodiyo afkiyo diida dhaqankooda
iyo kuman xil iyo dowlad iyo qaran danaynaynin
iyo kuman siyaasad u dawakhay dabin u qool keeda

iyo kuman darraatoiyo wax tagay ka sheekeeya
iyo kuman degaankiyo bulshada deyr u kala ooda
iyo kuman belaayada dab iyo digo ku nooleeya
iyo kuman dil iyo xaasid iyo diradiroow yeelan
iyo kuman dadaalkoodu yahay doorkan qudha taajir

intaasaa dadkiinnii ku jira dibadda dhoobnaaye
doog raaca geediga rarmay meella dagi waayay
dib baa looga sheekayn haddaan laga diktoonaane
dulli aan ilaah idinku qaban yaa la daa'imine
dalkeeniyo dalkeennii qabtoo dib uga soo dhoofa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anisa

Saturday, November 04, 2000 - 05:16 pm
dr-troubleboy
imisay kugu qaadatay in aad intaas oo dhan aad soo ogaatid?
walaahay waaruntaa intaad sheegtay oo dhan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saed

Saturday, November 04, 2000 - 05:18 pm
funny and true

kuman dalaaqoo ka tagay dahabadii xaaska.lol.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslin

Saturday, November 04, 2000 - 05:19 pm
waraa waxba maadan reebine?why.
kolay anigu kuwo aad sheegtay aan ku jiraa,runta lagama gabado.
magacaa ha jiro dr-troubleboy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiilwaal

Saturday, November 04, 2000 - 05:21 pm
dumarkiina?caddaali aan waligay kuu haystay,maxaa kugu dhacay dictoorka sideey kaa noqotay?

anaa ku daraayo
kuman 911 ku waashay 911-kiina caawin waayay inay ragooda ka furaan mooyee.
gabay ma samayn karo.
dictoore ku dar dee dumarkana.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khamriyacab&khamaarwale

Saturday, November 04, 2000 - 05:25 pm
khamradaydana maxaa kaa galay wacal yahoow.
hooyadii wase kasta afka ha'ila soo doonto waraa wallaahay afkaan kugu dhufanaa.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Saturday, November 04, 2000 - 06:36 pm
dr trouble-boy.
lol!!!! you are the man. please get us an other one, this was so Cooooooooooooool!!lol!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fatma

Monday, November 06, 2000 - 08:54 am
school-kee gabayda uga soo baxday sxb?
this is real.ilaahoow aadan na sheegin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Laascaanood

Monday, November 06, 2000 - 09:06 am
Dr-Troubleboy waa Dhulbahante? Nin kale ma noqon karo. xikmadaa ku dhan.lambar 2ga Cali khaliif dheh. Dhulloos! Dhulloos!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LAS_ANOD#2

Monday, November 06, 2000 - 10:00 am
NINKA LAASCAANOOD SHEEGTAY XAAL AYAAN KA BIXIYAY HADALKUNA WAA KA XIDHANYAHAY. WAAYO IN SOOMAALI KALA GURGURID AAN NALOOGA BARAN UU MEESHA KEENO MAY AAHAYN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kkkkk

Thursday, November 09, 2000 - 04:57 am
you did all bro. you the man, but how do you know all this? smart guy but who give a ••••. lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekhulbaxar

Saturday, November 11, 2000 - 04:52 pm
hooyadaa siilkeed,wacal wacal dhalay,ina qaxbo dr-troubleboy,sharmuutadii walaashaa u sheeg iyo kii doofaarka ahaa ee walaalkaa,iyo garacaad dhashay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmin

Friday, November 17, 2000 - 09:20 am
dr-troubleboy
you are the man!!!!
wallee nin caqli badan baad tahay,good job,next time we will elect you to be our prisedent

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.