site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

RIYADA MAAMULKA MUQDISHO

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): RIYADA MAAMULKA MUQDISHO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAMAC

Monday, November 06, 2000 - 02:48 am
SomaliNet Somalia's Internet Gateway - the largest Somalia related portal!



SOOMAALI
Search WEBNEWSBUSINESS Options


Internet News Business Communities Discussions Chat


SUGGEST THIS PAGE ABOUT US
ADVERTISEMENTS


Latest News - Panorama - Forum:Your Opinion : Ra'yiga Dadweynaha - VChat
H
O
M
E C
H
A
T
SomaliNet Valet: Yellow Pages City Guides Jobs White Pages Web Direcotry

411Web.com Target your search with the fastest growing on-line directory

BARNAAMIJKA DOWLADA IYO DHAQAALAHA KU KACAYA 2000/2001 06 Nov 2000 at 00:18 Jamhuuriyadda Soomaaliya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Somali Republic Prime Minister’s Office

Mogadishu

BARNAAMIJKA DAWLADDA November 5, 2000

I. HORDHAC

Sida la ogsoon yahay dalka waxaa ka dhacay dagaal sokeeye oo socday muddo dheer; wuxuuna geystey burbur lixaad leh oo saameeyay dhinac kasta nolosha bulshada Soomaaliyeed. Waxaa ku naf waayey boqolaal kun oo qof , waxaa ku naafoobay in intaa ka badan. Waxaa ku barakacay dad gaaraya hal malyuun (1 000,000) oo dacdaro wali ku heehaabaya dalka gudihiisa, halka qaar kalena ay weydiisteen magangalyo qaxooti dalalka shisheeyaha ah. Waxaa kuwaa ka mid ah dadka ku jira xeryaha qaxootiga ee dalalka deriska ah.

Dagaalkii sokeeye waxba looguma aabo yeelin. Waxaana meesha ka baxay habkii dawladnimo iyo kala danbeyntii. Waxaa kale oo dhashay qas, jahawareer iyo dagaal kooxeed oo kala qoqobay goboladda dalku ka kooban yahay. Waxaa la burburiyey dhammaan warshadihii, adeegyadii bulshada iyo hay’adihii halbowlaha u ahaa adeegga dhaqaalaha, gaar ahaan kuwii dawladda.

Waxaa kale oo burburay ama dhibaato weyn la gaarsiiyey kaabayaashii dhaqaalaha ummadda sida jidadka, garoommada diyaaradaha, dekedaha, buundooyinka, kanaalada, telefoonnada, korontada iyo biyaha. Waxaa iyana la burburiyey dhammaan dhismayaashii xafiisyada dawladda oo lagala baxay albaabadii, daaqadihii iyo gabi’ ahaan qalabkii hoos yaalley. Waxaa dhulka lala simay in badan oo ka mid ah dhismayaashii dawladda. Sidaas oo kale waxaa dhibaato aan la koobi karin la gaarsiiyey Dugisyadii, Cisbitaalladii, xarumihii caafimaadka daryeelka qoyska iyo caruurta, iyo xarumihii waaweynaa ee Jaamacadda Ummadda.

Waxaa la baabi’iyay dhammaan waraaqihii qaranku lahaa, mid taariikheed, mid diiwaan iyo kuwo kaleba. Maantana waxaa adag sidii lagu heli lahaa wax raad raac ah oo lagu kala furdaamiyo dhibaatooyinka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhashay dagaalkii sokeeye.


Waxaa xirmay safaaradihii Soomaliya ku lahayd dalka dibaddiisa, waxaana goleyaasha adduunka ka maqnaa magaca iyo kaalinta qaranka Soomaliyeed, halkaas oo ay ku raad beeshay siyaasaddii dibedda iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya la lahayd dalalka adduunka.

Shirkii Carta ee Dib-u -Heshiisiinta iyo nabadaynta Soomaaliyeed, wuxuu ahaa gurmad lagu samata bixinayey ummadda Soomaaliyeed. Waa tii ay isugu yimaadeen dad ku dhow saddex kun (3000) oo qof oo isugu jiray duubab, culumaa’udiin, haween, waxgarad, ganacsato, iyo in kale oo badan oo ka socota bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Dood dheer, isu-garaabid, is-cafis iyo wadatashi socday muddo ku dhow shan bilood, kaddib waxaa shirku ku guuleystey in la xulo ergooyin gaaraya 650 qof oo ansixiyey Axdi Qarameed ku-meel gaar ah, doortayna Gole Shacab oo dhan 245 xildhibaan, kuwaas oo ka kala socday beelaha, gobolada iyo degmooyinka Soomaaliyeed oo dhan, iyadoo 25 ka mid ah loo qoondeeyey haweenka Soomaaliyeed. 26-kii Ogosto (26/8/00) Madaxweyne ayay Golaha Shacbigu ku doorteen hab dimuqraaddi ah oo muran ma doonto ah, adduunka oo dhanina daawanayey.

Madaxweynuhuna bishii Oktoobar 8-dii ayaa waxa uu magacaabay Wasiirka 1-aad oo isna soo xulay xubnaha dawladda oo ka kooban Wasiirro, Wasiiru-dowlayaal iyo Wasiir ku-xigeenno, kuwaas oo u badan dhalinyaro jaamiciyiin ah, kana kala socda degmooyinka iyo gobolada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Waxa uu shirkii Carta ku guuleystey dhisidda Golaha Shacabka, doorashada iyo dhisidda Dawladda, waxaase harsan dhisidda maxkamadaha oo ah xubinta saddexaad ee hay’adaha waaweyn ee Qaranka. Waxaa hadda gacanta lagu hayaa sidii loo dhisi lahaa maxkamadaha, si ay u dhamaystiranto una dheelli tirto hay’adaha Qaranku ka kooban yahay.

Guulaha lagu gaaray Carta ee weli ay tahay in la sii amba qaado, waxaa sal ama laf dhabar u ahaa ducada, bogaadinta, iyo taageerada shacbiga Soomaaliyeed, ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, kuwaas oo u oomanaa muddo toban sano ah nabadayn, jiritaanka sharaf Qaranimo iyo horumar. Waxa hadda gacanta lagu hayo ee ah hay’adaha la dhisay iyo kuwa dhamaystirka u baahan, iyo wixii kale ee lama huraan ah in la hindiso, waxaa mar walba ay u baahan doonaan rabitaanka, taageerada iyo difaaca shacabiga Soomaaliyeed.

Siyaasadda nabadaynta iyo dib u heshiisiinta, dhismaha hay’adaha Qaranka iyo Qorshaha dib u dhisidda iyo dib u dejinta waxay u baahan doonaan wada tashiga Golaha Shacabka iyo Dawladda, si loo dejiyo siyaasad cad. Waxaa kale oo lama huraan ah in loo baahan doono dhaqaale badan oo lagu fuliyo howlahaas ballaaraan. Waxaanna ku dadaali doonnaa in aan ummad ahaan, dowlad iyo shacbiba aynu isku tashanno, awoodi in kastaba ha noqotee, lana kaashanno dowladaha iyo umadaha walaaleheen iyo saaxiibadeen ah.

II. HIMILOOYINKA

Himilooyinka ay dawladdu u aragto in Jamhuuriyadda Saddexaad iyo Shacbiguba hiigsadaan waxa ay yihiin kuwa soo socda:

In xilligaan kala guurka loo baahan yahay nabadayn iyo wada hadal looga gudbo ummadda Soomaaliyeed oo nabad ku wada nool, kulana nool nabad dariskeeda Geeska Afrika iyo Badda Cas. Ahna ummad qiimaysa una hiillisa dhaqanka nabadda.

Ummadda Soomaaliyeed oo ah kuwo 100% Muslim ah, in ay noqoto mid dhaqanka wanaagsan ee Islaamku ka dhex muuqdo, tusaallena u noqota beelaha caalamka.

In ay Soomaaliya noqoto Qaran aamminsan is-xukun dimuqraaddi ah, maamul baahsan iyo siyaasad furfuran oo bulshada Soomaaliyeed si buuxda uga qayb qaadan karaan.

In ay Soomaaliya ku tilmaanaato mid ku dhaqanta Axdigeeda, ka danbaynta xukunka sharciga ah, iyo sinnaanta muwaadiniinta sharciga hortiisa.

Caddaaladda bulshada dhexdeeda iyo dhawrista xuquuqda bini’aadamka ayaan iyadana u aragnaa in ay noqoto mid ay ku tilmaaman tahay Soomaalida cusub.

Dhaqaalaha xorta ah ama furfuran oo ay siyaasad dejintiisa wada tashi joogto ah ka yeelan doonaan dawladda, baayac mushtarka, xoogsatada iyo xarumaha cilmi baarista Soomaaliyeed ayaa isaguna ka mid noqon doona himilooyinka Dawladda.

Waxay noqon doontaa in wada tashi buuxa ay ka yeeshaan siyaasad-dejinta guud ee dalka, Golaha Shacabka, dawladda, iyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Waxaa mudnaanta koowaad ee maal gelinta la siin doonaa Aqoonta, Cilmi Baarista iyo Waxbarashada, laguna baahin doonaa dalka oo dhan.

Soomaalida cusub in ay noqoto mid la jaan qaadda Teknoolajiyada Casriga ah, siiba Isgaarsiinta iyo Kombiyuutarka (Information Technology, IT).

In Soomaaliya noqoto Qaran lagu barto taageerada nabadda, caddaaladda iyo xasiloonida adduunka.

III. Qorshaha 100-ka Maalmood Ee Soo Socda

Dawladdan cusub ee dalka waxaa ku soo fool leh wax aan dowlad kale horay u soo marin oo ah xafiisyo la’aan, shaqaale la’aan, gaadiid la’aan, dhaqaale la’aan iyo siyaasad la tixraaco oo hore oo aan jirin. Waxaa markaa lama huraan ah in dib loo abaabulo oo loo dhiso hay’adihii dawladda iyo is xukun dimuqraaddi ah oo ay tahay in lagu baahiyo dalka oo dhan iyo in la dejiyo qorshayaasha siyaasaddeed, dhaqaale iyo mid bulshaba. Sidaas darteed, waxaa boqolka maalmood ee inagu soo aaddan la qaban doonaa arrimaha soo socda:

In bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto la gaarsiiyo lagana haqab tiro guulihii Carta ka dhashay oo ah Axdiga Qaranka, Golaha Shacabka iyo Dawladda, iyo in dadka la dareensiiyo in dawladdu wada hadalkii iyo nabadaynta ay sii wadayso. Gaarsiintaas oo ay ka qayb qaadan doonaan, wafuud ka tirsan ergooyinkii Carta, Xubnaha Golaha Shacbiga, Madaxweynaha iyo Xubnaha Dawladda. Waxaa kale oo ka qayb qaadan doona warfaafinta, masaajidda iyo fagaarayaasha lagu kulmo.

Inaga oo adeegsanayna mabda’a wadahadalka, wadatashiga iyo qiimaynta nabadda, ayaan ku dadaalaynaa sidii xal loogu heli lahaa nabadgelyada iyo xasiloonida magaalo madaxda Muqdisho, Gobolka Banaadir iyo gobolada dalka ee xasilooni la’aantu ka taagan tahay. Taas waxaan ku gaaraynaa in la uruuriyo, lana xareeyo maleeshiyooyinka hubaysan, lana siiyo tababarro. Kuwaas oo tababaradaas kaddib qaybi ku biiro doonto ciidamada Jamhuuriyadda, inta kalena la bari doono xirfado ay ku shaqaystaan. Maleeshiyooyinkaas oo laga uruurin doono Gobolada Banaadir, Shabeellada Hoose, Bay, Bakool, Jubada Hoose, Hiiraan iyo Gobolkii kale ee munaasab loo arko. Waxa ay noqon doonaan kuwo la qarameeyey, la iskuna dhaffi doono, loona adeegsan doono nabadgalyada iyo difaaca Qaranka.

Waxaay dawladdu diyaar u tahay, mudnaanna siinaysaa, haddana wax uga bilowdeen in ay wadahadal iyo wada xaajood walaalnimo oo xilkasnimo leh la yeelato kooxaha Muqdisho, iyo maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari.

In si deg deg ah loo dhiso oo loo dhammaystiro hay’adaha Qaranka iyo kuwa dawladdaba, gaar ahaan maxkamadaha iyo wasaaradaha, loona helo shaqaale, xafiisyo, gaadiid iyo qalab. Iyo in la dejiyo hab-maamul kooban oo tayo leh, una adeega danta bulshada. Maamulkaas oo salka ku haya qorshe isku duwid sugan.

In daraasad deg deg ah lagu sameeyo sidii lagu gaarsiin lahaa maamul baahsan gobolada, degmooyinka iyo magaalooyinka dalka.

In si deg deg ah loo qorsheeyo, loona soo bandhigo baahida dhaqaale ee deg-degga ah, taas oo hadda ku cad lifaaqa 1-aad. Baahidaas dhaqaale oo wixii awooddeennu tahay aanu ku tuuntuunsan doonno, wixii kalana aynu warsan doonno caalamka.

In deg deg loo dejiyo siyaasadda dhaqaale ee dawladda, gaar ahaan wixii la xiriira siyaasadda lacagta, cashuuraha, siyaasadda habtusmeynta (regulatory policy), dib u dhisidda iyo hurumarka. Siyaasadda dhaqaalaha waxa kale oo loo dejinayaa ilaha dhaqaale ee Qaranka sida Xoolaha, Beeraha, Kaluumaysiga, Dhismaha iyo kuwa adeegga sida Ganacsiga iyo Bangiyada.

Waxay dawladdu taageeraysa taakulaynta ah mucaawinooyinka deg degga ah ee ay u fidiyaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Samafalka danyarteenna iyo kuwii ku bara kacay dagaaladii sokeeye.

Waxay kaloo dawladdu aad uga fiirsanaynsaa sida ugu habboon ee lagu soo celinayo, dibna loogu dejinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu hayo dalalka aynu jaarka nahay. Waxay dawladdu kala tashan doontaa Qaramada Midoobey, Dalalka aynu saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka sidii hawshaas dib u dejinta ay u taabbo geli lahayd.

Iyada oo Dawladdu ka shidaal qaadanaysa Axdiga Qaranka iyo Qawaaniinta Caalamiga ah, waxay hir- gelindoontaa mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha, is xurmaynta iyo faragelin la’aanta. Waxay dawladdu xoojin doontaa kaalinta ay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed kaga jirto ururrada Caalamiga ah, sida Qaramada Midoobey, Ururka Dowladaha Carabta, Ururka Midowga Afrika (OAU), IGAD, iyo Ururka Dalalka Islaamka.

Inta laga heli doono dhaqaale lagu furo safaaradaheennii, waxay dawladdu adeegsan doontaa Danjirayaal kooban oo ka shaqeeya arrimaha la xiriira siyaasaddeenna dibadda.

IV Qorshaha Muddada Dhexe (Saddexda Sano)

Kaddib markaan ka gudubno barnaamijka boqolka casho, waxaan guda galaynaa qorshaha saddexda sano ee soo socota. Qorshahaas oo ka koobnaan doona, barnaamijka siyaasadda, midka dhaqaalaha iyo kan arrimaha bulshada.

b) BARNAAMIJKA SIYAASADDA

Barnaamijka siyaasaddu waxa uu ku salaysnaan doonaa sii wadidda wadahadalka, wada tashiga, dib u heshiisiinta iyo nabadaynta ummadda Soomaaliyeed. Siyaasadda dawladdu waxay noqon doontaa mid dhawraysa, qaybinta awoodda hay’adaha qaranka oo kala ah: Golaha Shacabka, Xukuumadda iyo Maxkamadaha, hab dowladeedkaas awooddu u-qaybsan tahay oo ku abtirsanaya is-xukun dimuqraadi ah, maamul baahsan iyo shacabka oo mar walba talada iyo go’aanada siyaasadeed qayb ku leh.

Si loo sugo u jajabnaanta Axdiga, qaddarinta, dhawridda iyo ku dhaqanka sharciga, waxay dawladdu taabba galin doontaa abuurista hay’adaha iyo dhismaha maamul, waxayna kordhin doontaa mugga hay’adahaas iyo maamulkooda. Arrimaha ahmiyadda gaarka la siin doono waxaa ka mid ah:

Dib u dhisidda ciidamada ( Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta) dib u dhisidda maxkamadaha; waxaa loo diyarin doonaa sidii ay u gudan lahaayeen waajibkooda ah, dhawrista shuruucda iyo badbaadada amniga, hantida iyo xasiloonida bulshada.

Waxaa gobolada iyo degmooyinka la gaarsiin doona habka is-xukunka dimuqraadiga ah iyo ismaamulka baahsan. Waxaa la qeexi doonaa qaab dhismeedka siyaasadeed iyo maamulka baahsan ee isku xiraya dawladda dhexe iyo gobolada iyo degmooyinka dalka. Is-xukunkaas dimoqraadiga ah iyo maamulkaas baahsani wuxuu saldhig u noqon doonaa qorshaha iyo barnaamijyada hurumarinta dalka.

Iyada oo lala kaashanayo Golaha Shacabka iyo bulshada rayadka ah, waxaa la diyaarin doonaa Axdigii Qaranka. Waxaa la hirgelin doonaa tirokoobka bulshada Soomaaliyeed, waxaana la diyaarin doonaa shuruucda doorashada iyo kuwa axsaabta siyaasiga ah, si loo fuliyo ballanqaadyadii Axdiga ku meel gaarka ah.

Waxaa la dejin doonaa siyaasad dibadeed oo lagu ilaaliyo danaha Istiraatiijiga ah ee Qaranka Soomaaliyeed. Waxaa la furi doonaa safaaradaheennii, iyada oo la tixgalinayo siday inoogu kala mudan yihiin iyo awooddeenna dhaqaale.

T) BARNAAMIJKA DHAQAALAHA.

Dhaqaalihii ummudda waxaa si weyn wax u yeelay dagaaladii sokeeye ee tobanka sano ahaa. Waxaa la burburiyey hantidii ma guurtada ahayd ee dawladda iyo tii shacbigaba. Waxaa kale oo la dhaawacay kaabayaashii dhaqaalaha sida jidadka, garoomadii diyaaradaha, dekadaha, dhaliyayaasha korontada iyo ceelashii iyo dhuumihii biyaha.

Burburkaas ballaaran waxaa iyana ka mid ahaa burburkii hay’adaha iyo wax allaale iyo wixii waraaqo ahaa. Burburadaas iyo dhaawacyadaas waxay waxyeello weyn gaarsiiyeen tacab soo saarkii beeraha, warshadaha iyo kaluumaysiga. Waxay kaloo hakad weyn geliyeen horumarkii dhaqan dhaqaale ee la gaari lahaa. Si looga soo kabto burburkaas iyo dhaawacyadii dhaqaalaha dalka naafeeyey, waxay dawladdu ku dhaqaaqi doontaa:

Barnaamij dib u dhisid, kaas oo si gaar ah wax uga qaban doona kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekadaha, Garoomada diyaaradaha, waddooyinka, Buundooyinka, Korontada iyo Biyaha.

Waxaa kaloo dawladdu u hawl geli doontaa dib u dhiska, dayactirka iyo qalabaynta xarumaha iyo xafiisyadii dawladda. Waxay dawladdu dejin doontaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha dalka, iyada oo fiiro gaar ah la siin doono hal- bowlayaasha iyo ilaha dhaqaalaha, gaar ahaan Xoolaha, Beeraha, Kaluumaysiga, iyo Macdanta. Iyadoo laga duulayo siyaasad ganacsi oo la baratami karta suuqa aduuunka waxaa lagu mintidi doonaa dhiirri gelinta suuqaynta wax soosaarka.

Waxaa kale oo dawladdu dejin doontaa barnaamij siyaasadeed dhaqaale oo salka ku haya dhaqaalaha furfuran ee xorta ah, isla markaana leh siyaasadaha ugu habboon ee xaga lacagta, cashuuraha, miisaaniyadda iyo habtusmeynta (regulatory).

Iyada oo dawladdu la kaashan doonto baayacmushtarka Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeyaha ahba, waxay dawladdu qorshayn doontaa horumarka dhaqaale ee dalka. Fiiro gaar ah waxay dawladdu siin doontaa iskaashiga iyo wadashaqaynta baayac mushtarka Soomaaliyeed oo hadda horumar muuqda ka gaarey Isgaarsiinta, Sarrifka iyo Xawaaladaha lagacta iyo socdaalka Diyaaradaha. Waxay dawladdu soo dhaweyneysaa maalgelinta shirkadaha shisheeyaha ah, iyada oo dawladdu tilmaami doonto meelaha la siinayo mudnaanta, oo hubin doontana in maalgelintaasi la jaan qaadayso shuruucda dalka. Waxay dawladdu dhiiri gelin doontaa iskaashiga shirkadaha ajnabiga ah iyo baayac mushtarka Soomaaliyeed.

Waxay dawladdu qorshayn doontaa baaxadda baahida, iyada oo qaabayn doonta, iskuna duwi doonta macaawinada iyo takulaynta dibadda ka imaanaysa.


J) Barnaamijka Arrimaha Bulshada

Sida la og yahay ummadda Soomaaliyeed waa ummad ku caan baxday in ay isku diin tahay, isku af tahay, isku dhaqan tahay, isku taariikh tahay.

Waxaase dhacday muddadii tobanka sanadood ahayd, ee dagaalka sokeeye socdey, in intaasba la xeerin waayey oo uu dadka indha tiray kursi jacayl iyo damac siyaasadeed.

Ilaah mahaddii, Carta waxaa ka hirgalay is-cafis iyo u-wada gurmad badbaadada qaranka Soomaaliyeed. Waxaa ummadda Soomaaliyeed u horseeday, heshiiska dib u nabadaynta iyo wada dhisidda hay’adihii qaranka duubabka, wax-garadka, indheer garadka, culumada, haweenka, abwaanada suugaanta iyo xubnaha kale ee bulshada rayadka ah ee Soomaaliyeed.

Haddii aan ka soo toosnay suuxdintii inagu habsatey, waxay dawladdu aaminsan tahay in dib loo abuuro dhaqan-nabadeedkii ummadda Soomaaliyeed taariikhda u lahayd, isku kalsooni, isku tiirsi iyo u jajabnaanta khilaafaadka iyo is maandhaafka oo hab nabaddeed lagu dhammeeyo.

Dib u abuurista dhaqan waxaa door weyn ku yeelan doona intii Carta ku soo curisay dhaqan nabadeedka iyo dib u abuurista hay’adihii qaranka iyo intii kale ee diyaar ah ee ka tirsan bulshada rayadka ah. Waxaa ka mid ah qodobada ugu mihiimsan ee barnaamijka Bulshada ee dawladda:


In la fuliyo wixii shuruuc ah ee hadda jira ee sugaya xuquuqda muwaaddinka Soomaaliga ah, haddii loo baahdana la dejiyo wixii shuruuc ah ee kaabaya dhawrsita xuquuqda muwaaddinka.

In laga hawl galo oo la dejiyo shuruuc ilaalinaysa xuquuqda kooxaha laga badan yahay ama la dulmiyo, xuquuqdaasi ha noqoto mid siyaasadeed, mid bulsho iyo mid dhaqaalaba.

In ay dowaddu ka hortagto dulminta danyarta iyo xoogsatada Soomaaliyeed.

Haweenka Soomaaliyeed ee ah laf dhabarta bulshada, oo dhibaato iyo dhaawac badanna ka soo gaareen burburkii iyo dagaaladii sokeeye, waxay dawladdu ku dadaali doontaa in laga ilaaliyo dulmi iyo xuquuqdooda oo la duudsiyo.


Waxayna dawladdu ka hawl-geli doontaa in xil layska saaro xuquuqdooda siyaasadeed, dhaqaale, bulsho (caafimaad, waxbarasho iwm).

Dawladdu waxay mudnaan siin doontaa, abuurista dhaqan qiimeeya waxbarashada, waxayna dejin doontaa barnaamij qorshe waxbarasho, laga bilaabo dugsiga hoose ilaa Jaamcad. Waxaa kale oo dawladdu maalgalinaysaa tababarrada xirfadleyda. Waxaa iyadana ahmiyad gaar ah la siin doonaa waxbarashada Tiknoolajiyada Casriga ah ee la xiriirta Kumbiyuutarada iyo Isgaarsiinta. Barnaamijkaas waxbarasho waxa uu u baahan doonaa dib u dhisid, dayactir iyo qalabayn iskuuladii iyo xarumihii waxbarashada. Waxay dawladdu kala kaashan doontaa bahweynta adduunka, baayac mushtarka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Dawladdu waxay hormuud ka noqonaysaa dejinta Manhajka barnaamijka waxbarashada, waxayna ogoshahay in la furto dugsiyo, macaahid iyo jaamacado gaar ah. Dhammaan barnaamijyadaa waxbarasho iyo manaahijtiisa waxaa ka dhex muuqan doona mabaadii’da, dhaqanka iyo argatida Islaamiga ah.


Barnaamijka Caafimaadka

Bulshadu waxay u wiiqantay mudadii tobanka sanadood ee ina soo dhaafay dacdarooyin ka dhashay dawo la’aan, dhakhaatiir la’aan iyo agaasin caafimaad la’aan. Waxaa soo batay cudarada faafa sida qaaxada, cagaarshowga (indha-caseeyaha), iyo cudarada caruurta iyo haweenka.

Waxa dawladda siyaasad u noqon doona in lagu dadaal dejinta barnaamij caafimaad oo deg deg ah, tayana leh oo mudnaanta siiya cudurada faafa, kuwa caruurta iyo haweenka. Waxaa dawladdu si gaar ah xil isaga saaraysaa arrimahan:

Waxay dowladdu daraasad deg deg ah ku samaynaysaa sida ay tahay xaaladda daryeelka Caafimaadka dalka. Dawladdu waxay dhiiri galin doontaa abuuritaanka, cisbitaallo iyo xarumo caafimaad oo gaar ah, waxayse xil gaar ah iska saari doontaa daryeelka caafimaad ee danyarta.

Dawladdu waxay ka hawl galaysaa dib u dhisidda, dayactirka iyo qalabaynta cisbitaaladii jirey ee dalka.

Dawladdu waxay dejin doontaa siyaasadda, keenista, kaydinta iyo qaybinta daawooyinka iyo qalabka caafimaadka si loo hubiyo in ganacsiga daawooyinku waafaqsan yahay qaababka iyo shuruucda dalka, si loo daryeelo caafimaadka dadka.

Dadladdu waxay dejin doontaa barnaamijyo tababar loogu tala galay shaqaalaha caafimaadka, si ay u noqdaan kuwo ay aqoontoodu sarrayso xilkoodana u guta si la socota horumarka adduunku ka gaarey dhinaca caafimaadka.


Barnaamijka Dawladda ee Deegaanka (Bii’adda)

Deegaanku wuxuu qayb ka yahay nolsha iyo khayraadka dalka, waxaana dhacday in aan horrayna la isaga xil saari jirin, tobankii sanana dhinac kasta dhibaato ka gaadhay, ayna noqotay looma ooyaan. Waxaa muuqata in dhirtii iyo kaymihii qaranka, khaasatan kuwii Jubbooyinka, Sool, Sanaag iyo degmooyin kelaba ay ku dhow yihiin in laga dhigo lama dagaan.

Waxaa iyana ku dhow in la dabar gooyo ugaadhii qaranka; waxaa si ba’an looga kaluumaystaa iyada oo aan loo aabayeelayn xiliyada iyo qaabka kaluumaysiga xeebaha dalka oo dhan. Xeebihii oo sida la sheegayo noqday qashin-qubka sunta warshadaha, haraaga hubka nukliyeerka iyo qasharka batroolka, kuwaas oo dhammaan khatar toos ah ku haya, khayraadka badaheenna iyo caafimaadkeennaba.

Xoolaha oo iyaguna ah laf dhabarka dhaqaalaha ummaddeenna ayaa sanooyinkaan danbe noqday kuwo baylah u noqday ganacsato bahalowdey aanna ka dhawrsan dhoofinta xoolaha dheddiga ah, taas oo aan ka suurtoobin xitaa isitcmaarkii. Si deegaanka loo dhawro, kaas oo dayacaaddiisu keenayso dhibaato toos ah, dawladda waxaa siyaasad u noqonaya:

Iney dejiso siyaasad Deegaan iyo shuruuc dalka oo dhan ku baahsan, si loo badbaadiyo bii’addeenna.

Waxaa la fulin doonaa, xeerarkii mamnuucayey dhoofinta xoolaha dhediga ah, iyada oo sharciga lala tiigsan doono ciddii ku xad gudubta shuruucdaas.

Waxaa la mamnuucayaa gubidda dhirta iyo dhoofinta dhuxusha.

Waxaa laga hortagayaa ku xadgudubka xeebaha Soomaaliyeed, ka kaluumaysiga xaqdarada ah iyada oo lala kaashanayo hay’adaha caalamiga ah iyo dowladaha aan saaxiibka nahay.

Waxaa loo gurmanayaa sidii loo badbaadin lahaa ugaadha qaranka intii ka hartay, waxaana sidii horaba mamnuuc noqnaysa ka ugaarsiga duur joogta khatarta ugu sugan dabar go’a.

Gunaanad iyo Gabagabo

Mudanayaasha Golaha Shacbiga, waxaa intaa ku dhan Barnaamijkii Dawladda oo u kala qaybsan 100-ka casho oo hore iyo qorshaha dhexe ee Dowladda.

In kasta oo aan la hayn tiro koobyo iyo Waraaqihii (Docoments) loo baahnaa; siyaasad hore oo la tix raacana aanay jirin, haddana waxay noola muuqataa barnaamijkan dawladda oo ka kooban himilooyin, barnaamijka boqolka casho iyo kan muddada sadexda sanno ee xiga, in lagaga gudbi karo dhibaatooyinka waaweyn ee ina hortaagan.

Waxaa loo baahanyahay in xal si degdeg ah loogu helo arrinta nabadgelyadda, isla markaana loo tabaabusheysto wada hadaladda lala yeelanyo kooxaha aan shirka Carta ka qeyb galin, laguna mintido dib u heshiisiinta iyo nabadeynta.

Barnaamijka Dawladu wuxuu qeexayaa abuuridda hanaan Dimuqraadi isku-xukun iyo maamul baahsan, cadaaladda, ku dhaqanka iyo qaddarinta sharciga. Dhinaca dhaqaalaha waxaa barnaamijku tilmaamayaa baahida loo qabo dib u dhisida kaabayaasha dhaqaale iyo dib u hagaajinta xafiisaydii iyo xarumihii dawlada.

Siyaasadda dhaqaale ee dalku waxay ahaan doontaa mid ku dhisan suuqa furfuran ee xorta ah, wada tashiga iyo iskaashiga dawladda iyo baayac mushtarka. Barnaamijka dhaqaale waxaa kale oo ka mid ah dejinta siyaasadda guud ee dhaqaale ee dawladda, taas oo saameyndoonta dhinacyada maalgelinta, Lacagta, Cashuuraha, Miisaaniyadda iyo habtusmeynta (Regulatory).

Barnaamijku wuxuu kale oo qeexayaa siyaasadda dawladda ee arrimaha bulshada oo ku jaan go’an abaabul bulsho qiimeysa dhaqanka, nabadda, sinaanta, qaddarinta, xuquuqda muwaadinka, danyarta, haweenka iyo kooxaha laga tiro badan yahay. Dawladda Jamhuuriyada saddexaad waxay mudnaan gaar ah siineysaa waxbarashada iyo Teknolajiyada casriga ah.

Daryeelka caafimaadka ayaa isaguna ah mid la siinayo ahmiyad gaar ah. Dawladdu waxay ku dadaali doontaa ka hortagga cuduradda faafa iyo kuwa sida gaarka ah u waxyeeleeya haweenka iyo caruurta. Waxaa iyana aan la ilaawi karin muhiimadda ay leedahay iyo sida ay bii’adu u taabaneyso nolosheena.

Dawladdu waxay diyaar u tahay inay taabba galiso siyaasad ku habboon daryeelka bii’adda. Ugu danbeyntii, dawladdu waxay qabtaa wakhtigan adag ee lagu jiro, in baarnaaamijkani naga saari karo; xukuumaddan aan soo dhisayna ay tahay mid fulin karta barnaamijkan. Sidaa awgeed waxaan idinka codsaneynaa inaad kalsoonidiina na siisaan, anniguna waxaan ballan qaadaynaa inaan si wad jir ah u fulin doono.

Sidaa iyo wada shaqayn wacan.

Wabillaahi Tawfiiq

Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Baahida Miisaaniyadeed ee Dawladda, Sanadka 2000 / 2001

Dib u Dhiska iyo Dayactirka Xarumaha Dawladda Dhexe
US$ 71, 550, 000

Gaadiid, Qalab Xafiiseed iyo Daabacaadda Lacagta
US$ 32, 050, 000

Dib u Dejinta Dadka Bara Kacay
US$ 60, 000, 000

Dib u Dhiska & Dayactirka Xarumaha Gobolada & Degmooyinka
US$ 46, 700, 000

Mushaarka Shaqaalaha Dawladda Dhexe
US$ 14, 020,200

Mushaarka Shaqaalaha Gobolada & Degmooyinka
US$ 34, 699,440

Dib u Furidda iyo Dayactirka Safaaradaha
US$ 48, 271, 600

________________________________________________
Isugeyn = US$ 307, 291, 240

- E-Mail This Story -





· Latest News
· Wargeyska


Dhegeyso (SOOMAALI)
BBC (through Dahabshiil)
(On Demand)
Radio Sweden, Stockholm
(On Demand)
Codka Beesha, Toronto
(On Demand)
Somali Voice, MN
(On Demand)
Somali Voice, Ottawa
LIVE (Sun. 6:00pm - 7:00pm)

SomaliNet Forum
· Over 58,000 Somali and somalia related messages.
· General, Jokes, Religion, Women, Communities, News & Notices, Careers, SchoolNet, Missing Persons, Short Stories, Poetry
· Much More

SomaliNet Chat
· The largest Somalia and its peope specific chat rooms!
· Voice Chat - You can participate real time live voice and text chat with Somalis from around the globe! Why spend money on overseas calls while you can talk to your friends and family members privately!
· Text Only Chat - Where Somalis from Canada to Australia hang out! Many different rooms to choose from.

Somali Business Exchange
· Somalia's free Internet business directory.
· We are upgrading our database system and user interface to serve you better.



Somali Related News
·






--------------------------------------------------------------------------------

Search WEBNEWSBUSINESS Options
Art Gallery Arts & Culture Business Careers Chat Country Study Diaspora Discussions Education Entertainment Environment Get Local Health History Humor Internet Islam Literature Multimedia News Organizations Personal Pages Politics Reference Regional Science Sports Technology
SomaliNet World - Somalia's Internet Gateway! About SomaliNet Interact With SomaliNet Inside SomaliNet SomaliNet Valet
· Privacy
· Guidelines
· Advertisements
· Terms & Conditions · Contacts
· Add Your Site
· Suggest This Page
· Publish on SomaliNet · News
· Business
· Forum · Chat
· Power Search · Yellow Pages
· City Guides · Jobs
· White Pages
· Web Direcotry




Contact info@somalinet.com for more information.
Copyright © 1998 - 2000 SomaliNet. All Rights Reserved.
SomaliNettm is a trademark of Somali Network Services.
webmaster@somalinet.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAMAC

Monday, November 06, 2000 - 02:50 am
Waar waligiin miyaad aragteen riyo ka waalan tan
tii Cali mahdina ka daran tani.bal ila eega waxgaradaw waalidan cusub.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.