site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waar ilayn walawayntu ma xishoodaan

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): Waar ilayn walawayntu ma xishoodaan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Monday, November 06, 2000 - 03:00 am
Lacag faalsa ah oo la soo been abuuray oo masaakiinta lagu dhiigmiiranayo oo xaaraan ayaa layidhi waxa loo qaybinayaa wasiiro ku sheega ina salaad boy.Iimaanka ilaahay kaa qaad waar miyaanu xishoonay. Caada lojoojiyaa cadho Allah ayayleedahay ayuunbaan maqli jiray,wuxu qalibi adagaa ma waxa ay garan waayeen hadii aysan lacag haysan badwaynta ka kireeya maraakiibta kaluunka sida Cabdillahi Yuusuf. Horay majeerteen u sheegeen in aan hawiye caqli iyo caaqiibo toona lahayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kahortage

Monday, November 06, 2000 - 03:13 am
daacad nacad buko yaad tahay ee ha fadarayn umada soomaaliyeed. waxaan u bugnaa dowlad iyo hogaan. wax walbana waxay u baahan yihiin dhaqaale lagu hogaamiyo. badeena iyo dhulkeenana mana gadanayno mana kiraynayno.mida kale waa jaahil nimo ku hayso inaad cay iyo dacaayad ku samaysid qabsoomaaliyeed duqaysidna dowlaha shacabka soomaaliyeed. aniga hawiye ma ahi lakiin waxaan ogahay in dowlada cabdiqaasin aysan ahay wax qabiil ku lugleh ee way naga wada dhexeysaa.

waxaan ka codsanayaa wax garadka soomaaliyeed in aysan waxba u arkin ula jeeda la aanta mowduuca. waqtina isaga lumin.
mahad sanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 06, 2000 - 03:35 am
Qumayo inta aadan qumayo ku odhan ayey ayey qumayo ku tidhaahdaa!! dadka taageersan Qabqableyaasha rogey Somali waxaan layaabanahay ceebta ay ku caanbaxeen Dagaal oogayaashu ee ay dusha ka saarayaan dawlada Somaliyed ee cusub,hadday ceeb u arkaan maxay u samaynayeen tobankii sano ee tagtay? lacag been ah,xil been ah, dawlad been,madaxweynenimo been ah,waxqabad been ah,horumar been ah ayey intaas sheegayeen hadday 50% ka jiri lahayd looma baahdeen dawlad kale iyo shirkii Carta toona.Ina Cigaal iyo ina Yuusuf iyo Jawaasiista Cadawgu kolla guulaysan mahayaane yeyna la hadhin qabiiladooda ee ha iskaga hadhaan hormuud beensheege ah oo danayste magac jecel ee aan Ummadda jeclayn waxba ku kordhinmaayo,e.Away Ina Caydiidki lahaa Habargidirbaan u halgameyaa ama Hawiyenimo,soo madaxweynuhu ma ah H/gidir iyo Hawiyeba aaway muu taageero mise wuxuu Hawiye madaxyahay uun marka isaga la dhigo madax ku sheeg? goor muu qancayaa isaaq ma marka Ina Cigaal uun madaxweyne u noqdo Soomaali? Majeerteen ma la qadiyey mar haddaan Ina Yuusuf laga dhigin wisiir,goormayna Raxanweyn dulmanayn yaabnaye? war ileen af nooli hadal ma daayo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi Salah

Monday, November 06, 2000 - 04:59 am
Waxaan aad ugu faraxsanahay in weli dareenkii geesinimadda,caqligga iyo soomaalinimaddu uusan wada raacin burburkii ku habsaday ummadda walaalaha ah ee soomaaliyeed, waxaa guul ah in maanta ay u dhalatay dawlad difaacda codka iyo afkaarta nabad-jeclaha,horumar-doonaha,dadkiisa daneeyaha una horseeda umadda walaalaha ah inay dib boodhka uga jaftaan qaranimadoodii lagaga ciyaaray, waxaa farxad ah in maanta bulshada soomaaliyeed ay ka qaangaadhay danayste iyo ujeedooyinkiisa gurucan, waxaa la gudboon shaqsi kasta oo rajaynaya horumar if iyo aakhiroba inuu taageero hiil iyo hooba la garab istaago walaalaha soomaaliyeed ee u guntaday inay soo celiyaan sharafkii, kala danbeyntii, walaaltinimaddii iyo qaranimaddii soomaaliyeed. Waxaa hubinti ah in mar walba ummadda laga helayo kuwo maan guracan oo waxa ay doonayaan iyo waxa ay diidayaan aan la garanayn,kumana koobna waqti iyo deegaan ee waa kuwo bulsho walba laga helo, laakiin nasiib wanaag bulshooyinka karaamadda lehi kuwaa iyaga ah hangool ayey iskaga qabteen, waxaan aad ugu han weynahay inaynu gaari doono waqti aynaan danbiilaha buunbuunin ee aynu gacmo bir ah ku qabano. Waxaan ka boorinayaa walaalaha soomaaliyeed inay garab iyo gaashaanba u noqdaan walaalaha maanta heeganka u ah inay badbaadiyaan ummaddii soomaaliyeed oo maanta noqotay wax caalamka xaqiro oo ayba dhacdo in heerkii biniàadanimadda laga hoos mariyo sababtuna ay tahay dad aan garanayn waxay waddankoodii iyo dadkoodii ku baabi`iyeen. Waxaan kusoo gabagabaynayaa nabaddu ha inoo noqoto halbeegga aynu isticmaalayno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dawlad

Monday, November 06, 2000 - 09:10 am
Maxaa nacas dhiigya cab ah oo biliiqo ku soo dhoofay wadamada dibad isugu yimid.
Dawladi waa maxay,qaranimo isyo daacad ma waxa aad u taqaanaan munaafiqiintan huteelada lagu soo ururiyay ee inkaaraha ka galabsaday agoonta iyo maatida.
Somaali wali runtii may gaadhin sidan ku iman mayso hadii aad toban sano ku calaacalaysi labaatan kale ayaad dhulka sii jiifi doontaa ilaa inta aad xaqiiqda ka hadlaysio.
Somaali yaa heerkaa gaadhsiiyay wwa kuwa labada huteel ee muqdisho iska buuxiyay,qof taageersan oo qabiilkiisu ogalaysiiyay iyo mid aan waxba oagayn ayaa u arka dawalad.
RUNTA GADAALBAAD KA OGAAN.

Ka tasho inta aanay kula guinqabtu dawladnomao kaa dheer hadaad u naagayso ina Salaadboy iyo Galayr oo tuugnimo ku waynaaday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dawlad

Monday, November 06, 2000 - 09:13 am
Maxaa nacas dhiigya cab ah oo biliiqo ku soo dhoofay wadamada dibad isugu yimid.
Dawladi waa maxay,qaranimo isyo daacad ma waxa aad u taqaanaan munaafiqiintan huteelada lagu soo ururiyay ee inkaaraha ka galabsaday agoonta iyo maatida.
Somaali wali runtii may gaadhin sidan ku iman mayso hadii aad toban sano ku calaacalaysi labaatan kale ayaad dhulka sii jiifi doontaa ilaa inta aad xaqiiqda ka hadlaysio.
Somaali yaa heerkaa gaadhsiiyay wwa kuwa labada huteel ee muqdisho iska buuxiyay,qof taageersan oo qabiilkiisu ogalaysiiyay iyo mid aan waxba oagayn ayaa u arka dawalad.
RUNTA GADAALBAAD KA OGAAN.

Ka tasho inta aanay kula guinqabtu dawladnomao kaa dheer hadaad u naagayso ina Salaadboy iyo Galayr oo tuugnimo ku waynaaday.





--------------------------------------------------------------------------------

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi Salah

Monday, November 06, 2000 - 10:57 am
Dear Dawlad
walaal marka hore waad salaaman tahay marka xiga bil-xaqiiqa waxaad tahay nin wax tebaya aanna garanayn meel uu u doono, waa sida aan hadalkaagga ka fahmayo. Walaal waa marka hore`e ogow waxaynu nahay biniaadam oo Illaahay baa inoo sheegay inaynu mar walba nusqaan nahay oo biniaadan haddaynu nahay aynaan kaamil ahayn, taasna waxaa kuu caddaynaya dunidan aynu ku noolnahay waxaad arkaysaa inaysan jirin meel caddaaladdii oo dhamaystiran ay taallo,balse ay kukala duwan yihiin qaybta caddaaladda lahirgeliyo,tusaale waxaad usoo qaadan kartaa waddamada yurub iyo waqooyiga Amerika oo iyagu ku faana inay caddaalad gaareen, haddana waxaa jirta in weli dadku wax tabanayaan. Haddaad usoo noqoto qaaradda afrika oo aynu ka mid nahay waxaad arkaysaa inay aad uga fogtahay oo caddaalad daro aad u badan ay jirto, haddaan usoo noqdo waddamada carabta waxaan arkayaa in taladda waddankaba ay reero boqoro ahi hor taagan yihiin oo caddaalad daro tii ugu darayd ah. U dhaqaaq oo waxaad aadaa barigga fog waxaad dareemaysaa sidaa iyo si la mid ah, markaa saaxiiboow intaas aan soo tiriyey inagga hoos ayey inoo eegaan oo waxaynu ula muuqanaa inaynaan istaahilin qaranimo dawladnimo waxa aynu samaynay daraadeed. Adigga oo intaa og oo ay kuu dheertahay afkaarta dagaal oogayaasha iyo weliba maatada soomaaliyeed ee aan daryeel aasaasi ah helin mudadii 10ka sano aheyd ma waxaad ku talin lahayd inaan la taageerin dadka reer walba oo soomaaliyeed ka kooban oo ah kuwa keliya oo soomaali magaceed si xaq ah ugu hadli kara anigga waxay iila muuqataa inay jawaabtu iska cadahay. Waxaan kuu sheegayaa haddii aad ku riyoonayso maamul 1oo% caddalad ah ayaa la helayaa waxaan kuu sheegayaa meesha aad ku nooshahay dhulkan maaha ee malaa meere kale ayaad joogtaa.Waxa dhici karta inaad ku qanci doontid qoraalkaa isla markaasna walaalahaa gacmaha qabsanaysid oo waxa aad tabanaysid aad iyagga dhexdooda ka sheegatid inay kula raadiyaan baaba la arkaaye haddii uu yahay wax ay danteennu ku jirto.


Waad salaaman tahya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dawlad

Monday, November 06, 2000 - 12:26 pm
CAbdi Saalax

Horta waad mahadsantahay hadii aad isku dayday in aad i qanciso laakiin runtii igumaad qancin.
Aduunka waan ka war hayaa, intan aad ka soo sheekaysay iyo kuwa kalaba cid xukunka hadiyad lagu siiyay ma jirto,waa dad wakhtiyo hore awood maroorsi ku hantay,caddaalad daradana way kala dhaxleen,taasina waa tii ay somaali diiday heerkaana gaarsiisay hadii aan yeelayo maanta maxaan 20 kii ano ee i dhaafay u leeleelayay,maan iska ogolaado,hada waxa aan sheegnay in aan xaqii soo celinayno miyaad argtaa Abdi saalaxaw wax xaqa oo meesha yaala adiga oo aan u hadlayn sidii reer diini.
Aniga shakhsiyan waxaba ma tabayo hadii aan iskagaa waramo,waxaan ku noolahay wadan nabad ah kumana qanacsani oo waxaan ka doorbidaa kaa duligu ka muuqdo oo aan u dhashay hadii aan waraabayaasha yur ka oranwaayana dib loo arki maaayo,waanan oranayaa qabiil ahaana uma doodayao waayo qabiilakaygu somaali kuwa ugu ladan ayay ku jiraan waxbase igama galin.iyagaa isku dibiro wayn xaq udirir baan ahay cadaalad doon baan ahay cadaw nacayab baan leeyahay saomaalidu ha sinaataan aaminsanahay qolokastaa xaqeeda ha lamariyo qolana lagama wanaagsna.
Waaanan kuugu dhaaranayaa in aanan ahayn qolooyinka la quursado oo aan ahay kuwa ay dadku kuwa uguwanaagsan ugu arkaan waa sida ay iyaga la tahay mase jirto waxaasi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi-salah

Monday, November 06, 2000 - 01:11 pm
Dear Dawlad
Saaxiib waad ku mahadsan tahay qoraalkaaga sharafta iyo hufnaanta u saaxiibka ah, intaa ka bacdi saaxiib waxaa laga yaabaa inaynu isku waddo saaranahay laakiin aynu ku kala duwanahay wadada xalka,inkasta oo aynaan sidaa ugu kala fogayn, haddana Dawladow anigga waxay iila muuqataa inay wax walbaaba ka horeeyaan nabadgelyaddu mar haddii aysan nabadi jirin wax wanaag ah haba yaraatee ma jirayso, aniga halkaa ka duulaya ayaan waxaan aaminsanahay, anigga oo aad u tixgelinaya goboladda nabadda iyo maamulka sameeyey, ay haddana mudan tahay in xooggeena oo dhan aan isugu geyno taageeradda dawladdan cusub oo aan ka rajaynayno inay soo celiso qaranimaddii soomaaliyeed wada xaajoodkii lafagurkii arimaha qof walba oo mawaadin ahi tabanayo oo xalaal ah waxa aynu ku gaari karnaa maaha Dawladow inaynu gobolo kala ood-oodano oo aynu ummaddii walaalaha ahayd cadaw loo ciilo oo tamarteeda la kala dhantaalo ee waa inaynu ka fikirnaa sixitaanka khaladaadka iyo mustaqbalka fog maxaa dan u ah soomaali weyn. Waxaadna ogaataa halgan walba oo xalaal ahi waa kii miro dhala laakiin macnaheedu maaha inuu soo degdego tusaalayaashuna wey badan yihiin waxaan soo qaadan karnaa dadka hadda nool Nielsen Mandella oo taariikhdiisa aad loo wada ogsoon yahay. Waxaan leeyahay Dawladow waxa waddankeena ka jira hadda maaha wax uu halgan keenay ee waa wax jahli foorara kasoo butaacay oo garan waayey ummaddan inta dad wadaagi karo wadaagta walaaltinimaddeeda ha la ilaaliyo, adiga oo og in dadyaw boqolaal af ku kala hadla oo diimo iyo dhaqamo kal duwan lihi inay ku midaysan yihiin qaran ayna wada ilaashadaan waayo waa dantooda guud maxaa taas inagga inoo diiday iyada oo waxaynu ku kala duwanahay aysan jirin haba yaraatee. Waxaan qirsanahay in ay jiri karaan dad badan oo nadiif iyo aqoonba usaaxiib ahi inay mucaaradi karaan dawladan cusub ee soomaali u dhalatay, laakiin waxaan leeyahay walaalayaal dawladan waxa diidan dagaal oogayaasha marka ma ka hiilinaa xaqa udhowayaasha oo waxaynu u gargaarnaa xa-ka dheerayaasha jawaabtu waa iska cadahay.Gebagebaddii waxaan leeyahay Dawladow ma ihi cida aan kuula hadal ekaaday mana aaminsani waxa aad igu malaynaysid duniddan aan jooganna waxaan ku leeyahay waalid,walaalo,qaraabo iyo saaxiibo qaali ah waxa kale waa cirka u tuur,soomaalinimo-islaanimio ayaan ku camal falaa


Waad mahadsan tahay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.