site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waa loo dhashaa wadaninimo

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Waa loo dhashaa wadaninimo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAKIM

Tuesday, November 07, 2000 - 02:20 pm
Dadka sunta wata aka skunks qolka la didiin dhisay oo lagu magacaabo PEST isugu taga.

Waxaan soo dhoweynayaa dadka fahamsan micnaha wadaninimo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 07, 2000 - 03:02 pm
Diintu ma qabto wadaninimo qof walba oo muslim ahina waa walaalkaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacal

Tuesday, November 07, 2000 - 04:19 pm
religion and Politics are Different...You guys are not having any Common things..

Wadaninimo waa jirtaa Islaanimana waa Jirtaa..kala saara..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Tuesday, November 07, 2000 - 09:51 pm
waaruntiin labadiinaba wadani nimada marna ma reebayso diinta. diintuna ma diidana inuu qofka u dadaalo horumarka dhalkiisa iyo dantiisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Wednesday, November 08, 2000 - 12:47 am
waxaad soo qaadeen wadani somali kama dhalan
qof wadani ah, sababta aan sidaas u leeyahay
soomaaliya waxaan ka tegay gobolo fara badan
siyaad barre ka dib intoodii badneyd waa la
fiiqday waxaana fiiqdey dad soomaali sheeganaya
sidaas darteed wadanka somalia dadkii lahaa
weli ma dhalan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadaad

Wednesday, November 08, 2000 - 12:52 am
Walaalayaal,diintu waa daawo wax tarwayn u leh bini,aadamka.Laakiin daawo haddii si qaldan loo isticmaalo waxaa ka dhasha cudurro kale oo laga yaabo inay ka qatarsanyihiin wixii lagu daawaynayay.
Diintu ma qabtu wadaninimo xagay uga qorantahay diinta Islaamka.
Diintu wadaninimada ay diidantahay waa midda ku salaysan gardarrada oo xataa hadda ceeb ka ah westiga oo waa kuwa yiraahda "far nationalistic party".
Waxaan layaabanahay in wadaadeena oo ah xoog balaaran oo bulshada kamid ah,ahna kuwo wadankooda iyo dalkoodaba wax utari kara hadday usoo jeestaan,in ay iyaga qudhooda haysato waxa loogu yeero qazwul fikri,iyagoo ku mashquulsan si xad dhaaf inay taageeraan dadka reer falastiin oo u dagaallamaya qadiyad tooda ah oo waddani ah.
In ay udagaallamaan xaqbay u leeyihiin,inaan taageernana waa sax oo waa dad dulman,laakiin waa aqoon darro inaan teenna garanwayno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadaad

Wednesday, November 08, 2000 - 01:02 am
Wadaninimadu waa in laga shaqeeyo wixii dadka wadanka deggan faa,iido ugu jirto adduun iyo aakhiraba.
Midda kale walaaltinnimada islaamka adigoo ilaalinaya haddana danahaaga ka shaqee,waayo walaalahaa qof kastaa waddan isaga ugaar ah buu leeyahay.
Waxaad qayrkaa wax ku tari kartaa markaad taada wax tarto.Hadday timaaddo walaalaha muslimiintu inay wax isku darsadaan waa ok,inta ka horraysana nin kastaa ha u dadaalo wax utarka tiisa gaarka ah,isagoo wax utaraya ciddii kale oo uu wax utari karayo bishardi inuusan tiisa illoobin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jareer

Thursday, November 09, 2000 - 04:24 am
Wadanimo waa dhamaatay Somalia waxaa wanagsan ineynu dadkii lahaa loo celiyo yacni jareerta, Midgaanta iyo Reer xamarka ayaa wadankaa dhisay sharafna u yeelay lakiin darood, Hawiye iyo Isaaq waa kuwaa wadankii bur'buriyay maxeyse wadanimo ka yaqaanan waa tuugo fiirasayo dantoda oo keliya

Long live the people of true Somalis which is Jareer,Midgaan and Reer Xamar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hassan jurijuri

Thursday, November 09, 2000 - 10:16 am
waan ka xunnahay,wax yaabaha yahuuddu,ku aafaynayso ummadda islaamka ah.waxaa muhiim ah in horta adigu wax is tarto intii aadan cid kale u hanqal-taagin,laab la`kac wax ma tarayo,soomaaliya aan toosinno,hagaajinno,awood buuxda markii aan yeelanno,waxaan wax teri karnaa,wadammada kale ee islaamka ah.laakiin bariiskeennii ayaa miiska saarnayn,amase nabad aan ku cunno la`nahay,markaas waxaa habboon aan soomaaliya ka hadalno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

al-khartuum

Friday, November 10, 2000 - 06:53 pm
Wadanimada waa maseer ama "giira", si aad wadani u noqoto waa inaad u maseerto wadankaaga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOYAAL

Saturday, November 11, 2000 - 11:49 pm
TO HAKIM.
Walaal waxaad tiri waa loo dhashaa,waxa jiray hees soomaali ah oo oran jirtay ma loo dhashaa wadani mise waa la iska dhigi karaa?jawaabta abwaankii sameeyay waxay ahayd waa loo dhashaa balse xaqiiqda jirta waxa ay tahay inaan loo dhalan balse la iska dhigi karo,waayo wadaninimadu ma aha uun inaad soomaali tahay,balse waxaa jira xikmad ka danbeysa taa,oo ah hadba qaabdhismeedkaaga dowladeed waxa uu yahay,oo hadii aad leedahay dowlad u taagan danaha umaddeeda waxaad noqoneysaa wadani, hadiise aad leedahay dowlad dadkeeda leysa ma waxaad noqoneysaa wadani?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Wednesday, November 22, 2000 - 09:46 am
nin dabkii-hura baqtiiyoo
xaqa hoos-u-eegoo,
garta-hubinyaqaanoo,collaadaha iyo halisaha,
dhiig-ku-hagoogtoo,dadka-kala-hagaajoo,
kala-habeyn-yaqaanaa hooyo lugu-xusuustaa.
ninkaas-hadrawi-sheegey-ayuunbaa
wadani noqonkara.iminkana lamahayo-ninkaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Wednesday, November 22, 2000 - 02:33 pm
lama hayo, garanay, haddaba sideebaa lagu helayaa aynu baadi goobnee? yaa ah Wadani?

mise maba dhalan weli ayaad leedahay?

Waxaa wadani ah, ninkasto 20X20,ka cabirtay,wadanka gudahiisa, haddana ka difaacday, gudaha iyo dibedda meel kasto oo looga soo duulayba.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohammed awil

Monday, December 04, 2000 - 08:40 am
hakiim waa runtaa wadaninimo waaloo dhashaa waxaan hakaan ku sii darayaa waxaan maanta aragnaa dad aan habayaraatee magaca somalinimada ka horaysiinayo waxalayiraahdo dantiisa suaashu waxay tahay kaasookale miyaan aaminikarnaa oo aan masuul oga dhigikarnaa soamliwaynay waa inaan dib isugunoqonaa oo aan sifaynaa waxan aanu waligayn arag eekadhacaya wadankeena kusoobiir hakiim (SDVP)taas oo macnaheedun tahay xisbiga demokaratikabarwaaqosooranka soamliyeed
lo.kvmnynas@samhall.se

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 05, 2000 - 09:47 pm
waar nimanyahow sheekadiina waan aqristay,macona ii samayn wayday,mid baan idin sheegayaa,horta wadanimadan aan imika xasuusateen oo aad la qaylinaysaan umad ayaa 1960 xornimo qaadatay oo tiri walaalahayo koonfur ayaan donaynaa oo ka diiday isticmaarkii inay galaan commonwealth-ka,markii ay u yimaadeena wixii lagu sameeyay waa la wada ogyahay,markaa tan aad imika ka hadlaysaan way dhamaatee,waxa kaliya oo la samayn karaa nin walbow degaankaa u dhalatay dhiso,markaa wixii kale ee jira markaa ha la isugu yimaado,taasna meelo fara badan ayay ka jirtaa in federal goverment la isugu yimaado,laakiin waa haddii dadku raali ka yahay,hadii kalese choice-ka dadka lama qasbo.
Markaa sxb imika waa la is bartay,somalina reer walba reerka kale ayuu iska ilaalinayaa,ama ku tuhmayaa colaad inta ay taasi jirtana wadanimo ma jirto,marbaa jirtay somalidu ay gacmaha is haysteen oo jirtay walaaltinimo iyo somalinimo,markii lagu jiray dagaalkii xabashida 1977,taasna midhaheedii waan wada ognahay waxa ka dhashay,waana ta ilaa maant haysta geeska africa,horaana loo yidhi bab ha shidin,hadaad shididna ha dheereen ku guban doontaana mooyee,maanta inagaa ku danbaynay dhibaatadii,wax aan u faa'iidaynayna ma jiraan dadyawga ku nool Itoobiya(ogadeen)inaan iyaga iyo dadkii la deganaa isku dirnay mooyee,waad aragtaan maalintay Jabuuti qaadatay xornimada sida ay u diiday inay ku soo darsanto somali wayn,maantana kumay qasaarin go'aankeedaas waayo kuwii isku darsaday ayaa maanta aan aragnaa halka ay taagan yihiin,markaa runta ha la isu sheego oo nin walowba degaankaad u dhalatay dhiso sida dowladaha waawayn ee usa,canada...etc ha la isugu yimaado Federalka(dowlad dhexe),laakiin inta uu nin leeyahay anaa somalia ka ah madaxweyne xal ma yeelanayso,laakiin dadku haday iyagu soo samaystaan dowladooda hoose oo xoriyadooda ku dhistaan wax waa la wada qabsan karaa bay aniga ila tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lajecel

Monday, December 11, 2000 - 02:24 pm
DEAR ALL SOMALIANS

WADANI NIMADA WAALOO DHASHHAA EE LAISKAMA YEELO TAASI WAXAA II CADEYN KARA ARIN AAN LAKULMAY MUDO HADA LAGA JOOGO 7 BILOOD ARINTAAS OO AH

IN ANIGA OO MAALIN LASHEEKEEYSANAYA INAN YAR AAN WAAALO NAHAY OO 10 JIR AH KUNA NOOL MIDLE EAST IGU YIRI WALAAL MAALIN KASTA MARKAAN ISKOOLKA TAGO OO AAN U ISTAAGNO IN AAN QAADNO HEESTA CALANKA WAAN OOYAA MARKAAS AYAAN SUAALAY SAWABTA UU U OOYO MARKAAS AYUU IGU YIRI,

ANIGA WALIGAY MAANAN ARAG WADANKAYGA ISKA DAA HEES CALAN LEEDAHAY EE AANQAADO MAALINKASTANA CALAN ISLAAMEED AYAAN U ISTAAGAA MARKAAS AYAAN U HEESAA TAAS OO AAN U ARKO IN AY AYAAN DARO TAHAY.

RUNTII DHAGAHAYGA WAXA AY MAQLAYEEN WAAN AAMINI WAAYAY,ANIGA OO INDHAHAYGA ILIN KUSOO ISTAAGEEN XAADANA AY I ISTAAGAN TAHAY AYAAN DIB USII RAACAY WAXYAABAHAY WADANKAYGA KA DHACAYA OO U SAWAB YIHIIN DAD WAAWEYN OO QAANGAAR WADA AH IYO SIDA WIIL 10 JIR AH UU U CISHOONAYA WAA LABA ARIN OO AAD UKALA FOG.

MORE INFO lajecel1@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Monday, December 11, 2000 - 05:58 pm
lajecel,
walaal aniga xaataa markaan aqriyey qiiro iyo ilin ayaa igusoo istaagtay, arinta nagudhacday mid laga sheekeen karo maaha ee aan illaah usoo wada noqono oon iscafino soomaali waa walaal dhamaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 12, 2000 - 02:26 pm
Salam,:)
waxaan doonayaa inaan wax yar halkan ku darsado oo aan la hadlo,La-Jecel iy Farxaan:
Aan ku horeeye La-Jecel ee waxaan ku leeyahay,wadanimadda aad sheegtay ee inanka yari gartay,ee aan kuwii ka maskax waynaa aanay garaninana maxay tahay?
Shalayto markii dad aan waxba galabsan la xasuuqayey,mxay ahayd,ee sida arxan darada loo laynayey,dumarka la kufsanayey,caruurta(inamada yar-yar la laynayey ee la lahaa waa cadow soo koraya),miinooyinka lagu aasayey dhulka si xaasidnimo ah,taas oo maalin kasta qof miskiin ah lugaha goysa ama dhibato u keenta dad masaakiina oo aan waxba galabsan,waxaas oo dhan markii la samaynayey miyaan la ogsoonayn wadanimada aad hadda la qaylinaysaan??
Aan isuu noqdo sxb Farxaan..horta ilaahay subxaana watacaalaa wuu jiray,waxuuna yidhi qofkii qof muslima dila(dhiig gala),cafis malaha ee waa ehlu naar,hadaba maalin kasta waxaa la soo helaa dad aan waxba galabsan oo lagu laayay magac reereed,hadaba sxb ilaahay wuu jiray,wuuna jiri doonaa ee qof dhagar galay cidna saamixi mayso,ta kale walaaltinimada aad maanta wadaa xagay ka timi shalayna qori ayaad ila dhacayseenee,walaalatinimo shalay hadaanay kugu jirin ma maanta ayaad garatay?
waxaan uga baxayaa arinta imika ku siii dheeraan maayee....laga yaabaa inaan saamaxno waxyaalaha qaarkood laakiin ma ilaabayno,markaa sxb beerlaxawsigii dhamaa,walaaltinimo waa halkeeda oo xabashigaa ayaa qaar badan noo dhaamay,markii dadkayagu qaxeen si fiican u soo dhaweyay,aana hubaa kuwo badan oo isku sheegayey country-man ay taas ka fikirin..markaa sxb iga daa yaanan sii furfurminee markaan waxas oo kale maqlo waa wax laga xanaaqaaye:(.
Sincerely Jabhad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani2

Tuesday, January 09, 2001 - 10:37 am
waxa aad soomaalida ku aragteen waa aqoonxumo,hay-
sata mana yaqaanaan dhibaatada ay wadankooda iyo
dadkooda ugeysteen, laakiin qofkasta waa wadani,
hadii aad su'aashan weydiiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C.C.cumar

Wednesday, January 24, 2001 - 04:57 am
Waaloo dhashaa waadani-waaloodhashaayee sideeba laysaga dhigika rawadani,waalalayal waxan idinodhanlaha inaynu ku dadaalo wadaninimada oo aynu iska dhaafno wax xun ee qabyalada layidhaa
aniga soomali waa i soomali waana waalalka ilahba igu ogee.hadaba walalayaal aynu waxaa san katalino xumahana dhaafno

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacayo

Tuesday, February 13, 2001 - 10:09 am
Waryaa waa ninka ka hadlaya xornimada 1960.

Horay ayaa waxa loo yiri. Bulsho nooc kasta ayaa ku jirta. You guy the nameless man. I'am talking to you. You mention commonwealth...and the British decolonilistion organisation. You never understand the meaning of xornimo. You still want want to wash English ass,for join commonwealth. You sound like you setting somewhere in England or Hargeysa and chewing Qaad. There is only one thing that I would like to say to you "wake up"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacayo

Tuesday, February 13, 2001 - 10:09 am
Waryaa waa ninka ka hadlaya xornimada 1960.

Horay ayaa waxa loo yiri. Bulsho nooc kasta ayaa ku jirta. You guy the nameless man. I'am talking to you. You mention commonwealth...and the British decolonilistion organisation. You never understand the meaning of xornimo. You still want want to wash English ass,for join commonwealth. You sound like you setting somewhere in England or Hargeysa and chewing Qaad. There is only one thing that I would like to say to you "wake up"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 31, 2001 - 12:39 pm
Wadaniyadu waa wax jira waan jecelhay dhulkayga,laakiin dhul badan oo la yidhaahdo waa soomaali ayaa xaqiiqdii iila mida sida shiinaha keeniya ama meeshii kalee la doono Soomaalinimo cidii lumisaay aday shaqadaa tahay inaad raadiso anigu Somaliland ama waqooyiga dalka waan difaacayaa af iyo adin waan udhimanayaa laakiin xamar iwm uma haysto wadan aan leeyahay jacaylkuna sidaad ogtihiin qalbiguu ka yimaadaa oo qofku ma xukumi karo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.