site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAA BAAHI AH OO LOO QABAA JABHADDAHA MAANTA ?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Jabhadaha - Somali Factions: MAXAA BAAHI AH OO LOO QABAA JABHADDAHA MAANTA ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 08, 2000 - 12:55 am
Waxaa wax la isweydiiya ah maxaa baahi ah oo loo qabaa Jabhaddaha maanta jira? waxaan jeclahay bal in taa laga doodo, laakiin si miyir qabta oo aan cytan ahayn, internetka waxaan ku arkay Somalidu waxay ka qalin jabisay kuliyadda cayatanka iyo af xumada. Haddaan u noqdo Cinwaanka doodan, waxaan wada ognahay in Jabhaddo gobanimodoon ah dunida ka jiraan ayna tahay diirqo ummadaha la gumeysto ku raadiyaan is xoreyntooda, haddaba maxay xoreynayaan jabhaddaheenu maanta ama kuwa ka jira Jamhuuriyadda Somalia? waxay ka xoreynayaan xukunka cid aan iyaga ahayn!! koodee xoreyn oo xukumi haddaba? kii u xoog badan!! waa kee kaasuna? waa qabqabkaha reer kayaga!! goor muu ka adkaan doonaa soo tii Soomaali kala adkaan kari weydey? dee qof isagu iska adkaada miyaa jiri kara, waayo waa ummad kaliya oo tidhi anigaa iska adkaan!!Jabhaddnimo J.Somalia dhexedeeda ah waa dhurwaa dhraarciyey ama ciyi waa ka baryey suuq iyo xiiso toona ma leh. Is dhariijinta qabqableyaashuna waxay muujinaysaa uun diciifsanida qabiilku uu san waxba iska difaaci karin, oo iska qaban karin nin rogaya,waana tii la isugu dhammeeyey dadweynha Somlida iyagoo dan hal nin difaacaya oo ilowsan dantooda. Waxay is leeyihiin hoyga dulmiga iyo rugta dulmi u gargaarka G/Afrika (Xabashi) ayaa maanta lugta idiin qaban shacabka Soomaalida ee jilicsan!! Se bilaabay dhacdaa Atobiya intayna dartood u burburin dawladda cusub ee Somlia!! intee in le,eg bayse wax uga qaban karaa inay khasab ku raacsiiso D/naha Soomaaliyeed ee yidhi Jabhaddayn BES!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 08, 2000 - 03:12 am
Waligoodba bahi maloo qabin ee dadka xoog, afmiishaarnimo iyo lacag ayey ka haystaan dadka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 08, 2000 - 03:42 am
Waa runtiin, aan codkeena gaarsiino in dadku nacay! nacay!oo nacay! oo nacay! oo aan la arki karin cid dambe oo qabiil isu dilina aysan jirin
qabiilooyinkuna inay been is dhaadhiciyaan dhalinyaroy ma barateen oo been la hayste loo yahay? inaan ka xorowno reer hebel baa colkuu ah ayaa waajib ah oo waajib muqadas ah ooSoomaalinimo ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 08, 2000 - 09:10 am
waxa nagadaaya dadmahee waxay ka fa'iidaysanayaan sharci darada ka daagan soomaaliya waxayna kau shaqaysanayaan dil oo dhac ookufso si maxaa kaa galay ah.markaa waxaa haboon in shacbika soomaaliyeed uu ka ilbaxo arinka ah qabqablayaasha ku maydha dhiika dumarka iyo caruurta ay ladhasheen waxayna ku ilaaween walaaldinimadii xoogaga yar ee ay siiyaan dadka an rabin soomaaliya wanaag ka dhasho markaa waxaa lagahadlaba maha nimankanu iga daaya ilma nacas sheegadooda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOINMAN

Wednesday, November 15, 2000 - 05:20 pm
nimankaa hadalkoodu ma banaana,dilkoodaa banaan.
in laga hadlana waa fiican tahay waayo waxaa laga yaabaa in nacas moodaya in ayn fiican yihiin nimankani in uu wax ku fahmo oo iskaga tago.
soomaleeyay mid iga gunud qofna qabiil ha ku raacin aduukii wuxuu isku raacayaa midab diin iyo intii isku dan iyo siyaasad ah, waxaan isku raacaynaa balaayo iyo qabiil iyo wax laga soo tagay 400 oo sano.???????????????????????????????
nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR-TROUBLEBOY

Friday, November 17, 2000 - 09:39 am
MAXAA BAAHI AH OO LOO QABAA JABHADAHA MAANTA?
JAWAABTU WAA WAXBA HORE LOOGUMA BAAHNAYN MAANTA HABA SHEEGIN.
MAALIN BAA JIRI DOONTA SOOMAALI ILOOBI DOONTO WAX KASTOO DHACAY!
ILOOBI DOONTO QABIIL IYO QABYAALAD.
ILOOBI DOONTO NIN DAN GAAR WATTA U HIILIS.
MAALIN BAA JIRI DOONTA AY LEEDAHAY MADAX WEYNE LA MID AH ADAM CABDULLE ISMAN DAACAD AH.
WAA GOORMA?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MIDNIMO

Monday, January 01, 2001 - 05:06 pm
To:Dhamaan

Maxaa baahi oo looqabaa jabhadaha ?

Runtii marxlada maanta lagu jiro baahi looma qabo balse
waxaa jirta bilawgii in ay jirtay baahi weyn sidii wadanka iyo dalka looga xoreen lahaa dawladii musuqmaasuqa ahayd taasoo ahayd mid u baahan halgan hubaysan oo mideysan, si kastaba ha noqotee waa lagu guulaystay in Dawladii Regimka in wadanka laga saaro maxay ahayd talaabada xigtaahi markaa ?

Waxay ahayd xoogagii ka saarey qabsadey qeybaha kala duwan ee wadanka in la mideeyo la isu keeno lana dhiso dawlad loo dhan yahay.

Su'aashu waa ma dhacdey arintaas ?
Run ahaantii ma aysan dhicin waayo

1- Siyaasadii wadanka iyo weliba Kacdoonkii shacabku ay ka gadoodeen Regimkii oo mideysnayd baa la kala dhantaaley iyadoo la qabiileeyey
Sida Daarood iyo Hawiye maxaa gooni ah oo ay isku haystaan amaba kala dhex galay maxay kala difaacdaan ?

Soo duuduub waxaa dadkii lagu riday confusion jahwareer iyadoo ay kala garan waayeen qilaafku ma siyaasadbaa mise waa qilaaf qabiileed ?

Macnaha meeshatan ku jira waa fiiri muxuu ahaa kacdoonka shacabku ay bilaabeen maxey ahayd Halganka jabhada ma waxay rabeen in ay ka sii daraan fool xumadii Ragimka misa ay sameeyaan wax ka fiican oo ah in la xoroobo lagana xoroobo Mafia dii kala qabiilka ahayd iskuna danta ahayd.

Dabcan waaxey rabeen in ay sameeyaan wax ka fiican.

Arintuse waa ka weyntahay meesha aanu ka fiirinayno waayo inagoo idil baa dawlado nagu gorgor tamayaan inagaa xaq u leh maamulida iyo manopol ku haysashada Somalia iyo anagaa ku leh markaasbaa la isku dirir san yahay.

Taasi waxey keentay in dawladihii u arkay in jabhadahan oo aan ku xirnayn aysana ka dambeyn reer galbeed in laga hortago waayo waxay wadaan natinalism iyo ka xoroobid reer galbeed tuugsashadood iyagoo aaminsan ISKU FILAASHO

Hadaba reer galbeed waxey ku guulaysteen in ay kala qaybiyaan xoogageenii kuwana la soo dhaweeyo si kuwa kale loogu laayo DEVIDE AND RULE

Hadaba maxaa shacabkeena la gudboon ?

1- In aanu garano maslaxadeena guud kii naga jira iyo kii nala jira ha ahaado ajnabi iyo somaliba.

2- In aanu garano wacyi galino shacabkeena una hiigsano midnimo taasina waxaey u baahan tahay Leadership waxaana lagu heli karaa in dhamaan qeybaha hogaamiya siyaasada maamulada iyo ururada iyo weliba Regimkii hore ragiisii oo weli hardamaya in la isu yimaado la isu tanaa sulo la mideeyo xoogagayaga maamuladeena lana sameeyo maamul loo wada dhan yahay.

Waxaa jira dad badan oo mar kasta ku qiyaasa isna barbar dhiga Europe iyo Somalia ama westernka marnaba isku meel ma iman karaan waayo NINA WUXUU AAMINSAN YAHAY IN UU KU LEE YAHAY ADIGOO/INAGOO IDIL INANA WAXAAN RABNAA IN AAN KA XOR NOQONO GAARNANA HORUMAR LA MIDA MIDKA WESTERNKA taasu ma dhici kartaa ?

WAA LABA BARIDAY KALA WAR LA

Gunaanadkii waxaan oran lahaa walaal waxaan nahay dad isku diina isku af ah isku dhaqan ah tariiqna wadaaga iskuna ah hal qowmiyad oo Somali la yiraahdo halgu dadaalo in la mideeyo xoogageena maamuladeena shacabkeena, aqoonteena, Caqligeena dhamaan.

Waxaan ilaah uga baryayaa in umadeena ilaah u fududeeyo midnimadeeda iyo iskaa shigeedaba kalana badbaadiyo dhiigeeda inta muslinana ilaah korka yeelo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saalax

Tuesday, January 30, 2001 - 11:31 pm
asalaamu calaykum
salaan ka dib walalayaal waad mahadsan tihiin sidaa mawduucaan uga doodeen oo aragtida uu qof walba uu leeyahay.
aniga haddii aan ka hadlo aragtideyda nimankan jabhada ah oo kukala qaybiyey umadda magac qabiil
nin walba oo anaga kamid ah oo caaaqil ah waa og yahay in ay wataan danahooda gaarka ah,ee anigu waxaan oran lahaa in laga taxadaro khayaamadooda iyo maro habaabintooda,waxayna u adeegayaan danaha cadowga.
nimANKAAN JABHADA WAXY YAQAANIIN OO KALIYA SIDA DADKA LOO LAAYO MA YAQQAANIIN SIDA LOO BADBAADIYO
HADABA WALAALAYAAL HALAGA TASHADO NIMANKAAS. NIMANKAAS WAA DABIILAYAAL,WAA DHIIGYO CABAYAAL,WAA ARGA GAXISO,AFDUUBAYAAL.
SIDA CISMAAN CAATO WAA AFDUUBE WAA ARGA GIXIYE WAANA QAATIL ,KAASOO KALE MA NOQONKARAA HOGAAMIYE
QARAN IYO BADBAADIYE BULSHO?
ANIGU SANADKII HORE MARKII AAN MAQLEY IN UU CISMAAN CAATO UU AFDUUBEY DIYAARAD U SOCOTEY DJABUUTI UU KU DAJIYAY BERBERA ARINTAA SOO SOOMALIYEY SOO LAYAAB MAHA!!!
SIDEE NIN NOOCAAS OO AFDUUBE AH XUKUN UDOONI KARAA
KULI GOOD OO DHAN WAA ISKU MID EE SOOMAALIYEEY KA TAXA DARA WAAN IN AAN KATAXA DARNAA OO AAN RAADINAA HOGAAMIYE NADIIF AH OO DIIN NAKU DHAQA OO SUMCADA SOOMAALI WAY SOO NOO LEEYA.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.