site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ururka midaynta shanta somaaliyeed

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Ururka midaynta shanta somaaliyeed
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalaha Shanta

Wednesday, November 08, 2000 - 04:59 am
Waxa aan aad u xisaynaynaa in an dib u soo noolayno somali wayn anaga oo ah dhalinyaro degan yurub oo isugu jirta dhamaan gobolada somaalidu degto.
Wixi fikrad iyo talo ah way u furantahay dhamaan somaalida.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 08, 2000 - 02:15 pm
Walaalo shana doonoyaalow fikradiina waan ku diirsaday aadna ayey u wanaagsantahay laakiinse waxa kasokeeya dadaal iyo dulqaad mudo qaadanaya. waxaana qabaa dadkeena aqoonta leh oo dhami waa rabaa in ay soomaal wayn lahelo runtuna iyada ayey tekaysaa. Markaas caqabada ina hortaagani waa in aynu dadwaynaha la isku diray ee lakala dilay mabda'a qabyaaladana sida malabka cantuugtay, wax laga dhaadhiciyo wanaagna lag dhex dhaliyo. kadibna soomali midowdo.

waad mahadsantihiin dhalinyarooy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 09, 2000 - 03:28 am
WAY IMAN DOONTAA SOOMAALIWEYN EE HORTA SOMALIA DHISA, ninkii kara inuu badbaadiyo Qaranka Somalia
ayaa keeni kara Somaliweyn,anigu waxaan kasoo jeedaa Gobolda Soomaalida ee lagumeysto waxaan idiin hayaa eed badan Somliweyney maxaa dhacay? waxaad burburiseen J.Somalia,waxaad faraha ka saarteen Sirtii dalka Cadawyada Amxaro & Kenya, waxaad kala disheen xataa Ubadakii yaryaraa ee Soomaalida,waxad ku disheen sharaftii Soomaalida Dunida,wazxaa la dhaawacay karaamadii Somaliga lagu yiqiinay. waxan ku soo gabagabayn waad fiicantihiin ee is cafiya dhisana Qaran Somali ah
anana ha ilaawina,allana tala saarta.
(Wallaahu waliyutowfiiq)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Thursday, November 09, 2000 - 08:15 am
qof waliba waa jeclaan lahaa inuu arko somaliweyn
hala raadiyo wadadii loo mari lahaa, haddiise aan
been isku maaweelinayno qabiilna aan caabudeyno
way fog tahay arrinta soomaliweyn waaba hadoy
kuwii hore somalia u burburiyey ay xukunkii dib
ugu soo noqdeen ama ay kala hoggaaminayaan qabiil-
ooyinka somalida meel kastoo ay degaan.
halla raadiyo dad caafimaad qaba intaad dabada ka
wadaan dad cudur qaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYWALINJO

Friday, November 10, 2000 - 02:24 pm
ar waa duceesan tihiin dadaalkaas noo xoojiya aan laga caajisin yaa, walaahi sidii ugu farxiu lahaa inii somali weyn la helo ilaahey aa og wax la sheegi karaa ma hin , mugooo sanadkaan wixii la arki wax yar maahin dadkayni qurbaha soo gali oo dhan waa ogsoonaadeen dhibka na haysto lakiin ilaahey qaatumada ha na waafijo oo shantaany oo shireeso oo shareero tumaheeso ilaahey ha noo kaso
AAMIN AAMIIN AAMIIN .......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qarri-jiqood

Monday, November 13, 2000 - 02:13 am
In la helo Soomaali weyn waa arrin aad muhiim ah.

Waana hubaall inaynan Soomaali kala maarmi karin.

Maxaa yeelay anigu waxaan hadda joogaan Ethiopia. Waxaan ka shaqeeeyaa Maamulka Degaanka. Waxaa xaqiiqo ah in dad badan oo deggan gobolkan ay isi arkaan inay yihiin Soomaalida Jamhuuriyadda in kabadan inta ay isu arkaan inay yihiin dad ka tirsan Ethiopia.

Sidaa darteed, waa arrin muhiim ah in xal loo raadiyo dadkan walaalaha ah ee uu gumaysigu kala qoqobay.

Waxaase is weydiin leh dhibaato walba oo ka jirta gobolkan aan hadda ku sugnahay waxaa loo aanayn karaa xoog kale. War dhibaatada ka jirta Soomaaliya aan u eersadaa?

Miyaanay niyad jab ahayn nin aad u soo socotey oo isagii is cunaya haddii aad aragto?

Haddaba, walaal waxaan dhihi lahaa horta aynnu xal u raadinno Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmad

Monday, November 13, 2000 - 11:55 am
Waa ficrad fiican laakiin aad u adag. Intaan hadaba taa dhexgalin aniga waxey illa tahey dadka Somalida ee qurbaha ku nool isku daya inaad wallaaleyno. Sababtoo ah guri hoostaa laga dhisaa ee korka lagama billaab. Markaan dadka qurbaha ku nool wallaalayno hadana waxaa wallaaleydoonaa kuwa dhulkii ku nool kadibna Shanta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

koofidhuub

Tuesday, November 14, 2000 - 09:01 am
aniga waxaan hubaa in haddii la doono suurtoobayso,inkastoo cadowgu aad u necebyahay magaca (greatsomalia).laakiin waxaa loo baahan yahay in la sameeyo dad xagga mediaha ku dhgeereeya oo caalaamad u suubiya magaca lagu aqoonsado.lana sameeyo waxa afka qalaad lagu yiraahd (rally) waa in la tago degmooyinka ay soomaalidu degto ee wadamadu gumaystaan ama la maamulo,iyada oo la` waxay u noqon doontaan wax ay ku hammiyaan tiigsadaanna.calaamaddu waxay noqon kartaa wax kasta uu la jeclaan karo qaasatan dhalin yarada,tusaalle,shan qof oo isla fadhisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KOSHIN

Friday, November 17, 2000 - 04:02 pm
WALAAL WAA FIKRAD AAD UWANAAGSAN. SOMALI WAA HAL, DHIBAADAN WAA DHAMEYSAA, ISHA'ALLAHU WATACAALA. WAANA LA HELIDOONA SOMAALI IS RABTA OO IS JECEL. SII WADA DADAALKA, WALALIHII KALENA WAA IDINKU SOO BIIRAYAAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHANTA

Wednesday, November 22, 2000 - 09:30 am
way salaaman yihiin inta doodan ka qeyb qaadatay, waa arin la isku wada raacsan yahay in ay lama-huraan tahay helitaanka Soomaali-weyn , waxaanan qabaa in ay tahay uun mid soomaalida ku xidhan,iyo waliba sida hadda loo sii qorsheeyo, taas waxaan uga jeedaa haddii inta maqan meel loo sii baneeyo inta joogtaana is wanaajiso, waa la heli doonaa waxa l hiigsanayo, su.aashu se waxay tahay san-saanteedii ma muuqataa? jawaabta oo kooban waa MAYA, sababta oo ah labadii hore u middoobeyba waxba iskuma ogola, waxana jira qeyb ku qadhaabata in ay Soomalinida jecel yihiin hase ahaatee cadawga koowaad u ah, waana qeybta Koonfureed iyo dadkeeda , waayo maba garayaan, qiimaha ay midnimada iyo is-qadarintu leedahay, waxa u muuqda uun waxa ay maanta arkayaan iyo hungurigooda waxa lagu kari la'.a yahay waar walaaldiin idinka soo siman wax wada-qabsada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi

Thursday, November 23, 2000 - 05:05 am
If you guys read or follows the histroy of the world you would have different view. I am not critising your views, and everybody can say his or her view, but i have to say you are using wrong method. Look in EU there were many attempted to made united EU which base upon political issues, but they have never success, samething has happened in Africa where it has been tried time after time to made united Africa but they too never forfilled that dream. In EU they changed their approach and they have used economic issues and it work and still work for them eg freedom of movement etc, and thanks to their educated people. Unfortunitely in Africa nobody have learn why the unity was not working and what they can do to achieve that gold. All they wanted is to make united, which was not that bad, but they never said to themselves what they can do to make this idea forward.

Samething is happening in somalia now, if we can't identify the tasks a head we can not find a solution for them, because none of us, can say or mention we have a great deal of problem which is extremelly hard to solve. The problem is political, unless we divert the attention away from political issues we will never forfill the dream which is to find united somalia. This need a time and educate people who are honest about the tasks need to be done. And i must say it won't be in our time when somalia united again, if you think united somalia is coming again in our time my friends think again.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LAL

Thursday, November 23, 2000 - 10:21 am
Shanta isn't the same as what some brothers think it is. It isn't like creating O.A.U. but we are talking about ppl who have same culture and background. In my opinion, you can't compare E.U. and Somali Five because they are different. Most of all we are not here to united samething out of reach but something isn't too hard and that is SHANTA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHANTA

Saturday, December 16, 2000 - 10:33 am
dhamaantiin waad salaaman tihiin, waxaan ku soo dhawynayaa saaxiibadeyda fikradan qaba meel ay joogaanba in ay ka soo qeyb-galaan asaasaasida ama dhismaha urur Soomaliyeed oo qadiyada ay sida weyn iskuugu waafaqney hawsheeda wada, waxaaanay aniga ila tahay in amuurtani noqon karto talaabada kowaad oo aynu qaadi doono jidka aan ku gaadhi karno hadafkeen aynu isla meel-dhigney inuu yahay mid aad loogu baahan yahay, waxaanan si ku meel-gaadha ah ururka ugu magacaabi lahaa ururka SHANTA waa sida ay sheekadu ku bilaaban taye, fikradeydani waa mid wali u baahan in laga doodo, ee ku soo dhawaada kana soo qeyb-gala

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.