site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Somalia ma ka maarmi kartaa Somaliland?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Somalia ma ka maarmi kartaa Somaliland?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 08, 2000 - 06:32 am
Fadlan adigoo fikradaada si cilmiyaysan u dhiibanaya aflagaadona gaysanayn kasoo jawaab su'aashan ku saabsan sababta ay Somalida koonfureed uga soo horjeedaan go'itaanka Somaliland iyo sababta ay uga maarmi la'yihiin.
Mahadsanidin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAROOR

Wednesday, November 08, 2000 - 05:27 pm
REER SHEEKH ISXAAQ IYO DHAMAAN UMADDA SOOMAALIYEED
MA AHA DAD KALA MAARMI KARA,QOF WALBANA WAA OG YAHAY TAA,HADII HADALKAAGU UU U DHACAYO REER WAQOOYI WAXAY ILA TAHAY IN AAD RAADINEYSO QORAALO XUN XUN WAAYO XILIYADAN DANBE WAXA AYNU CAADEYSANAY WAX WALBA OO DHAQANKEENA KA BAXSAN.WAXAAN IDIN ORAN LAHAA HALGA HARO ISAAQ,HANA LAGU TIXGELIYO DOONIDA AY DOONAYAAN GOONI ISU TAAGA WAAYO MA JIRO ILAA IYO HADA CID KA HADASHAY DHAAWACYADII SOO GAARAY INTII AY JIRTAY DOWLADII MILATARIGA AHAYD.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 09, 2000 - 02:48 am
ASXB DHAROOR: AYAAD DOONAYASAY INUU KA RAALI GALIYO DHAAWACYADII SOO GAADHAY REER SH. ISXAAQ, MA DKMG MA BARLAMANKA,MA PM ,MA QABAAILKA, MA QABQABLEYAASHA AYO? WAAYO WAXAAN GARANEYN CIDDA XILKAAS U YAALO,MAXAAEYEELEY MA JIRIN CID XIL HAYSAYBA HADDA KA HOR, WAXA KALOO KU WEYDIIN MAXAA IDIN DEEQA AMA SIDEE AYAAD RAALI KU NOQON KARTAAN? WAXAAN BALAN QAADAYAA HADDAAN KU QANCO JAWAABTAADA INAANNWALIGEY KAALA MID AHAANAYO SIDII LOO FULIN LAHAA! UGU YARAAN RAYI AHAAN AAN SIDAA QABAYO!!ANIGU REER WOQOOYI MA AHI LAAKIIN INAY GO,AANA MA TAAGEERSANI, LAAKIIN IN LAGULA DAGAALAMO AMA LAYSKU NACO GO,IDOODA ILAMA QUMANA, HADAY MAARMAAN WAA LAGA MAARMI UUN !!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 09, 2000 - 03:48 pm
Anigu waxay ila tahay su'aasha ah Somalida konfureed ma ka maarmaan go'itaanka Somaliland waa marna haa marna maya,mar ahaa weey ka maarmaan sababtoo ah wax sidaa u weyn oo waqooyi nooga xiran ma jiro waxaan ka hadlayaa xaga dhaqaalaha,marna maya oo maxaa yeelaya cadawgeena Ithiopia iyo Kenya oo midaysan lagana yaabo in ay ka faa'idaystaan kala go'eena iyo umadaha Somaliyeed ee ku hoos nool labadaas wadan oo rajadooda iyo garabkoodii ay isku halaynayeen kala burburay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAROOR

Thursday, November 09, 2000 - 04:25 pm
ANON1
WAXAAN JECLAAN LAHAA INAAD MAGAC LA SOO BAXDO,TEEDA KALE ANIGU MA AHI REER WAQOOYI AMA ISAAQ TOONA,ARINTA AH YAA QANCINAYA JAWAABTEEDU WAA DADKII KU DABREEYNAAYAY SIDA DUUL AMXAARA AH.
WAXAAD TIDHI MAANTA KA HOR MA JIRIN CID XIL HAYSAY
XILKA YAABAYE AAD SHEEGEYSO MA DKMG AHBAA?HADEY SU'AASHAADU TAHAY HAA SOW MA OGID C/QAASIN INUU AHAA CIYAALKII AFWEYNE,SOW MA OGID INI KHALIIF INUU AHAA NACAMLAYAASHII SIYAAD,MA DOWLADA GAANI IYO MORGAN AY KU JIRAAN AYAAD I LEEDAHAY WAA MAAMUL JIRA,ANIGU WAXAAN KU ORAN LAHAA HADII AAD SOOMAALI SAXA TAHAY DIB UGU LAABO DHIBAATADA SOO GAADHAY REER WAQOOYI,OO ADOON CAADIFAD QABIIL KU QAADIN DARAASAD KU SAMEE SIDA AY DHIBAATADU KU BILAABANTAY HADAAD GARANEYNA ANAA KUU SHEEGI DOONA ILA SOO SOCODSII.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.222

Friday, November 10, 2000 - 02:39 pm
Jawaabtu waa maya, waayo kala go'u kuma imaan rabitaan reer waqooyi ee waxuu ka yimid: burburkii Soomaaliya, Ina Cigaal iyo dantiisa, Amxaarada oo xodxodo iyo caga jugleyn ku heysa si Barbaro u noqoto Casmaradii shaley.
Dadka reer waqooyi oo aan ogahey wadaninimadooda iyo xammaasadooda, barri markey la kacaan dareen shisheeye oo dhagaxyo qaataan sida Falastiin, Koofuri ma ku daawaneysaa intii ayana looga soo gudbo.

Ha sii maqnaadeen intay ka caro baaba'aayaan, balse shisheeye soo daaqila ma ogola qof kasta oo caqli iyo aqoon leh ee Soomaaliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabadh

Sunday, November 12, 2000 - 08:04 pm
Waxaan u jawaabaya A222. Ina cigaal kuma dhawaaqin
Kala go'a. Waxa ku dhawaaqay Cabdiraxman Tuur(1991)Kagana dhawaaqay magalada Burco. Cabdirahmaan tuurna go'aankisa may aheyn ee waxay aheyd go'an ka yimid shicibka reer Somaliland ee
dhibatadu sameysay, waxana ta ku cadeynaysa wakii
isagu xamar tagey ee dawladi ina caydiid ka qayb qaatay iminkana ina cigaal ma hortaagna ee shicibka diidan. intaasi waa war bixin.Midka aad
tidhi ma ku daawaneyna amxaaro markay beri sida falstiin dhagaxa tuuran,su'aal baan ka qabaa walaa
shalay marki diyaarada iyo madfaca igu dalbayey afwyneh iyo cali samater maxaad igu fiirsanaysay.
Horta in dooda sidaan o kale ah lagu wada hadlo wey ficantahay, iyadoon la is cayin. dad badan ba si xaqdaro ku jirto loola dhaqmay laakin dawadu
waxay ku jirta in la isku qiro. ki xumana meel looga so wada jeedsado, lakiin inta mid waliba leeyahay maxa reer hebel loo geystay waxba hagaagi mayaan.Kii danbiilaha ahaana weli is daba wadaan.
Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sool

Monday, November 13, 2000 - 04:15 pm
Anigu waxaan qabaa habka dimoqraadiga ah ee ogol qofka in arrintiisa loo daayo,lana khasbin.

Haddanse dhinac kale ka eego waxaan ra'yi ahaan qabaa in Soomaliya ku wanaagsantahay isku duubni.sababtuna waxa weeye innaga oo dad yar ah wax dhaqan ah ama, diin,ama af ahina inoo dhaxayn. Tan keliya ee ina haysataa waa maamul xumo soo jirtey tan iyo intaan xorriyadda qaadanay.Taasna waan sixi karnaa oo ilaahay dad buu inaka dhigay ee innagaan qolana dulmin sidii hore u dhici jirtey, laguna xadgudbin aan sharci iyo hab dimoqraadi ah oo gobol waliba iskii isuxukumo(federal) sida USA samaysanno. Maaha inaynu sida jaahiliinta u dhaqanno ee waa inaan nolosheenna iyo siyaasaddeena wax ka beddello.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QalDaan-Fucker

Monday, November 13, 2000 - 11:27 pm
waryaa who need somalilanders....
qaldaamintaas/.......
ABOOOWE........WALAALO Damn whats this bull
Xamar Macaaneey iyo somalia oo dhanbo shib u mahoreen markay Hargeysa burburtay//////

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mataan

Tuesday, November 14, 2000 - 12:17 am
Haddey su'aashu tahay Hargeysa iyo Waqooyi galbeed Koonfuri ma ka maarantaa Jawwabtu waxay ila tahay waa Maya. Maxaa yeelay jidhka bani'aadamka qaybina qaybta kale kama maaranto. Sidoo kale, ayeyna waqooyina koonfur uga maarmin. Tan oranaysa dhibaatadii soo gaadhay lagama xaal marin waxay su'aashu tahay maamul xun inuu dalka ka jirey weynu ognahay, dad badanna dhibaato wey ka soo gaadhay ee yaa ka faa'idey? Haddii loo hadlayo qabiil ahaan, Majeerteen inee in le'eg ayey dhibaato saamaysey. Hawiyase ma nabad qabey. Bal eeg dhibaatada lagu hayey Ogaadeenka waamo oon waxanba xog ogaal u ahayn.

Haddaba walaalayaal, waxaa xaqiiqo ah in aynu nahay dad aan sina u kala maarmin. Marka la helo dawlad habboon shakhsi kasta oo dhibaato soo gaadhayna waa laga xaal marin karaa kii dhibaato gaysteyna waa laga gooyn. Haddase maxaynu haynaa oo la isku diliba.

Ta kale, way jirtaa in maamulka cusub ee xilligan lagu dhawaaqay ay ku jiraan una badan yihiin dadkii Siyaad Barre la soo shaqeeyey. Aniga agteyda wax taageero ah kuma laha xubnahaasi. Balse waxaan ogsoonahay in dawlad la'aantu wax walba ka sii xuntahay.

Haddii la dhaliilayo Moorgan iyo kuwo kaleba, bal ogaada in iyaga oo la socda Xabashida ay rabaan in ay dawlad khasab ku dhistaan. Haddaba, kan diidan xubnahasi sidee ayey haddana isku mawqif u ahaan karaan. Wax xun ayaa dhaama wax la'aan. Weynu aragnay daciifnimada qurbo taalla. Sidaa darteed, Waxaan kula talin lahaa Isaaq iyaga oo aanay kaligood dagganayn Gobollada Waqooyi in ay ogaadaan in dhibka Siyaad Barre aanay jirin cd ka qaday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Barkhad

Tuesday, November 14, 2000 - 01:03 am
Waxaan si fiican u taageersanahay A222.
Kala go's wadankeena waxaa ka faaideysanay shisheeye, gaar ahaan Amxaar oo doonaya Dekadda, maanta waxaa ku yaala waraka Netka in ay kala saxeexdeen Somaliland iny Amxaar iskaashi, taaso ah kala fogeynta soomaliya iyo isgoo si xada aan laheyn u isticmaali doona Dekedda Berbera, waxaanu ku tala jira in Somaliland Qaato sida Ogadeenyo uu u haysto ee dadkeena wadanka maqan degen u gumeysto.
marka taarikhda hore loo raaco ama la maskaxihii madaxdii hore ee SYL( Somali Youth Leagu )hawo soomalinimo ah ayaa ku jirtey sidii Great Somalia loo heli lahaa taaso ahay Jabuuti isku sheega, NFD(Somali northern Frontier Districts ) iyo Ogaadeeniya... Laakin se weli lama xaqiijin Riyoodkii madaxdeeni hore, sababtoo ah tushuush ka yimid Dawlad xumo iyo siyaasadii afweyn oo aan jeho hagaagsan lahey ( Ka bacdi dagaalkii amhaarka 1977)oo aynu ingu isku jeesaney( Like Iraq after Iraq -Iran war The Invation of Kuwait and the distruction of the Kurds by saddam's army )
markaa waxaa fiican in la heshiiyo laysa saamaxo,Isaaq oo qudha afweyne mauu ba'abiin ee Soomali oo dhan ayuu baa'biiyey, soomali oo dhan maanta qabiil ama reer aan dhibaato ku dhicin ma jirro, dhamaan qaxooti iyo ayaan daran, waa siyaasad xumo afwyn dhigey waxa uu ku talo galeyna ma ahayn ee waa nasiib darro, maanta waxaa inala gudboon in la hashiiyo, Alxamdulilaah wadan fiican oo balaara, Khayraad dhamaanteen inaga badan ayaa Ilaah in siiyeye wadanku waa in qaaday dhamaanteen, dabadeedna dalkeen waa Walaalheey la gueysanaayo hala doono oo hala Xoreeyo.
Waqooyi Dhaqaale ahaan isma taagi Karo Kunfur la'aantii,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kulmiye

Tuesday, November 14, 2000 - 10:46 am
Hadii aan ka jawaabo su'aashen Koonfuna Woqqooyi kama maarmi karto, woqooyina Koonfur kama maar mi karo. Kala maarmid marka laga hadlo maaha in la eego Dhaqaale laakiin dhaqan. Anintu si kastiba ha ahaatee waxyaalo fara badan ayyaan dhamaan teen inaga hor iman hadii SADEXLOO QAYBO WADANKA:
1.Waxey noqon in aan sedex visa iyo sadex baasaboor la isticmaalo.
2.Kismaayo iyo Saylac inta u dhaxeysana sadex dal oo midba dad shesheeye meel kala socdo ayaa soo bixi.
3.Tan ugu sii daranina waxey noqon in sadexdaa dawladoon hadana sadex dawladood oo kale ka soo dhex baxaan.
Su'aashe kale hadii aan kaaga jawaabo ma aha dadka koonfurta uun dadka go itaanka rabin laakiin qofkastoo Somali United rumaysan baa doonayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 17, 2000 - 12:26 am
TO. DHAROOR
Salan kadib DKG ayaan sheegi,waan ogahay inuu ahaa wisiir laakiin adna soo matihid shacabkii S.Barre xiligii sii noolaa qofkasta oo barigaa noolaa ma waxaan ku xukunaa inuu xasuuqay reer woqooyi ama Soomaalida kaleba, markuu ahaa C/Qasim W/Ganacsiga Cigaal Rugta ganacsiga ayuu haystay.horta xagee laga keenay ina Siyad barre xiligiisii buu waxaa ahaa waxaan u qaataa uun qof marmarsiinyo kale waayey iyo qof marmarsino kale loo waayey.
SXB ma aadan sheegin cidda ku dabreynaysay,ma Siyad Barre ayad ka wadda mise cid kale? maad magacawdid cid klaga rabo Raali galinta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAACAD

Saturday, November 18, 2000 - 07:44 pm
WARWAAWAREEY,WAXANBA LAISWAYDIIN ISAAQ WAXAY UDOONAYAAN DOWLADNIMO INAY HELAAN. WAXAAN LASHEEKAYSTAY SAAXIIBO ISAAQA WAXAANA HADALKOODA KA DHANDHANSADAY INAY DOWLADNIMADA URABAAN SIDAY XOR UGU NOQON LAHAAYEEN.QAADKOODA, GEERASHEEYNTOODA,IYO DIIN CAYGABA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcaawi

Sunday, November 19, 2000 - 07:31 am
Dhamaan
dood xiiso leh. Jawaabtaydu waxaa weeye way kala maarmaan waqtida dhow(short-term) mase kala maarmaan waqtiga dheer, sabab istraatijiyi darteed.

Dhaqaale ahaan waxa iskaga xirani waa yaryahay. Run ahaan waxaa jira muran xoog leh oo oranaya bacdamaa aanay jirin isgaarsiin casri ahi, dalka juquraafiyadiisuna ay tahay sida ay tahay waxaa habboon in ugu yaraan laba dawladood dalka ka jiraan. Taasi macneheedu ma aha in dalka baasboor loo kala qaato. Qofkii Soomaali ahi wuxuu tegi karaa halki uu doono.

Waxaa run ah in dadka reer waqooyi dareemay in aan isku darsigii xorriyadda kaddib dhacay waxba usoo kordhin. Waxay kale oo dareemeen in Soomaaliyi iska raacday markay Siyaad Barre la dagaalameen. Waa run in Majeerteen la iska raacay markat dagaalka bilaabeen, laakiin dadka Isaaq taasi uma muuqato. Waxay arkaan magaalooyinkoodii la burburiyay, waxayna yidhaahdaan : Never again!

Ha yeeshee waxaynnu ognahay in dadka Soomaliyeed aanu cadhada in badan hayn. Toban sano ha la daayo, dad badan oo reer S/land ayaa dhihi doona "war maxaa walaalaheen naga reebay"

Sabab istraatiji ah ayaa isku qasbi doona dalka, ugu dambayn. Reer waqooyigu hadda Itoobiya colaad uma qabaan, in fact abaal weyn bay u qabaan waayo hal Milyan oo Isaq ah ayey Itoobiya nabad gelisay. Runtuse waxaa weeye in Itoobiya hungurayn doonto maray noqotaba inay badda cas ku yeelato deked. S/land keligeed Itoobiya uma babac dhigi karto, Soomaali mideysani se way iska celin kartaa.

War kooban : S/land hadda faraha ha laga qaado oo yaan Soomaaliyi colaad u muujin, waayo taasi way sii fogeyn doontaa.

Dalku se midbuu ugu dambayn noqon doonaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Monday, November 27, 2000 - 02:37 am
wadanio:
saaxiib waxay ilatahey suaasha ah koonfur ma ka maarantaa woqooyi waxaa ka fiicnaa inaad traahdo soomaalidu ma kala maarantaa, hadiise aan kaaga jawaabo sidaad ii weydiisey xagga dhaqaalaha koonfur waa ka maarantaa woqooyi sababtoo ah koonfur waa dhul iyo dadba badantahey,dhul ahaan dhul beereed,xoolo macdan kufilan ayey leedahaey
oo hadii laba dowladood la noqdo woqooyi aad iyo aad ayey ugu baahnaaneysaa walaalkooda ka weyn tusaale ahaan sida jabuuti ugu baahantahey somaaliya ileyn jabuuti dhaqaalaheeda oo dhan farasiiska ayaa bixiya markaa saaxiib runtii woqooyiga soomaliya danweyn ayaa ugu jirta iney ka mid ahaadaan somaaliya.
xagga siyaasada runtii labadeenu waaa isku baahanahey sababtoo ah wadanba intuu waddanka kale ka weyn yahey oo ka dad badanyahey waa laga tixgaliyaa markaa saaxiib hadii aan kala tagno midba gees ayaa loo cunayaa ama waxaaba laga shaqeynayaa in cadaawad dhexdeena laga abuuro oo dagaal goboleedka hadda socdaa uu isku badalo mid laba waddan oo khasaaraha maanta jira midkaweyn yimaado waxaan hdalkeyga kusoo gababeynayaa dhibaatadii xukuumadii hore geysatey cidwalba waa loo geystey waxaase ka dhibaato badneyd middii ay noo geysteen qabqablayaashu markaa daciifada qabiilnimo oo na gashey aan iska iloowno oo tii wadaninimo u soo jeeesano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi

Wednesday, November 29, 2000 - 11:18 am
The people somaliland have showed time after time that they can ran their affairs, while the south of somali people are still killing and looting. If the people of somalia can't ran their business, we cant as the somalilanders solve your problems for you. So wake up and small the coffeee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salaxleey

Wednesday, November 29, 2000 - 01:26 pm
waxay ilatahay aniga in qof waliba ka hadley dhibaatada soo gaadhay reerkiisa,balse hadii aynu ka hadalno xaqiiqda dhabta ah.reer waqooyi markii ay qateen xornimada waxay u jilboonayeen inay soo celiyaan 5somaliyeed.waxayna ka bilaaben ama ku guuleysteen inay isku daraan labadii gobol(south)iyo(north)iyagoo ogaa in ay wax yaalo badan ku kala duwan yihiin (south),oo ay ka midyihiin,
administration system,education,and law,hadana umada waqooyi wey u badheedhay inay ku biiraan walaaladooda koonfureed,iyaga oo doonayey inay kordhiyaan awooda iyo magaca somaaliyed,balse 30sano kadib,halkii ay horumar ka gaadhi-lahaayeen iska daayoo,waxay noqotay inay dib 30sano u noqdaan,asaagoodna ka hadhaan.iminkana
umada s/land 30sano wixii ay qabsan kari waayeen ayey ku qabsadeen 10sano ooy ka madax banaan yihiin(south),maanta cagaheeda ayey s/land ku taagan tahay,iyadoon cidna caawin,bulse waxaa la yaableh in umada (south)ku aanay ilaa-iminka wax heshiiis ah kala gaadhin,iyadoo lacagtii UNka iyo tii internatiol community sida biyaha loogu waaribinayo.markaa koonfureey haddii ay run
kaa-tahay somaliweyn wadaa jirta loo maro,wadadiina ma haysaan.maantana koonfureey idinka ayey idin taalaa sidii aad midnimo ku keeni lahaydeen,waayo waqooyi markoodii keene(1960)macaankeedii iyo qadhaadhkeediina dhadhamiye
.Hortiina waa la shubi jirey,ogaada taana.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Wednesday, November 29, 2000 - 03:02 pm
Salaxleey,

ooraah degan, cilmiyeeysan,runta u dhaw, qofka kaliyah ee ku hadlay inaad tahay ayaan u arkaa anigu, waayo, qabiil, caro,ciil, cuqdad, iwm kuma aadan hadal,waxaana u arkaa in wadaninimo ay kugu jirto, somali wayn, waqooyiga ayeey ra'yigeedu ka timid shalay, sababkastaba ha ku saleesnaatee, waxaase been ahayn in somali wayn la helay ama la soo dhaweeyay isku darkoodi,tan ah jidkeedi reer koonfur baa lumiyay, ee haddii ay dhab ka tahay oo ay rabaan somali wayn wadada loo maro ha barteen oo halaga helo,wax garadnimo ka wanaagsan weli maanan arag, waqooyi ama koonfur qof uga dhawaajiyo, ee way soo socdaan reer konfur waxna way soo sidaan ee suga,gooreey xukunkaba idiin keenaane.
haddii aan ka jawaabo su'aasha aragtideeyda waxay noqon:
kala maarmid oo ay kala maarmaan labada dhanba waa
somali oo iska deeyso qaad,khamri iyo dhilo, ee miyeey dhici taasi? waa maya,mana filaayo,
midkoodba allaha ka dhigee.
jawaabtaas oo kaleh somalidu waxay tiraahdaa,
waa baabacada oo timo ka soo baxay, miyeey dhici?
mooooooooooooooooooji.
nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali

Saturday, December 02, 2000 - 01:26 am
isaaq xaq ayay u leeyihiin in ay go´aan hadday sidaas jecelihiin laakiin ma ogolyhiin isaaqu xaqa qabiiladda kale ee dhulkaas ku nool sida ciise, gadabuursi, dhulmahante, warsangali...etc. Isaaqu ma ogolyihiin in qabiiladdani aayahooga ka tashaddaan meeshay rabaana ay ku biiraan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHALOW

Saturday, December 02, 2000 - 11:29 am
Assallaamu caleykum..
horta waxaa haboon in nin wax og uu hadlo, hadii kale waxmaoge waxbuu khaldaa, yaanan la dhihin (isaaq)oo kaliya, meeqa qabiil baa meesha ku nool, mise tirada ayaa laga raacaa?
horta nimanyahow aniga waa idin ka fikir duwanahay, somaliland, waxba ma diidana, ee reer koonfur iyaga ha soo hishiiyaa, sidaa waxaa laga dhadhansaday cigaal dhowr jeer, xaqqiqna waxaa ah in cidaas wax weyn sameysteen 10 sano ee la soo dhaafay, hadii ey hadda ka tanaasulaan waxa ey sheeganayaana taas macnaheedu waa "waan socon weynee aan orodno" oo reer koonfur hadda in lagu soo biiro maba istaahilaan, somalilana waxaa qasbaya ineey koonfu ku soo biiraan, macnaha dowladnimo o rasmiga ah eyeeyba heysan, sida aqoonsi, baasaboor iyo lacag dunida ka socota, halka DKMG ah oo 3bilood jirta dunida oo dhan(approx) aqqonsatay, oo waa kuwa shirar caalami ah soomaliya matalaya, waxaan dhihi lahaa dadkaas yaan la burin hadda, inta hadalkooda meelaha kusoo qorqortaan!
dhinaca dhibaatadii loo geystay somaliland, horta nin waagaas somalilaaneey wax idinka dhicin karaanaba jirin, qof walbana waa la dhibay, aadba ugu darnaataane, dadka idin weerarayna hadii eysan yeelin waa dhiman lahaayeen(hadii alle u qoro)
reer koonfur adinka isa soo habeeya dedna wax layaaqan ula yimaada ciddaan!
waa intaas waxa meesha yaal,
mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, December 06, 2000 - 05:11 am
WAXAAN DHICIKAREEN IN QOF KASTA OO FIGRADIISA KA HADLAA INUU XAL U KEENI KARAAYO GUUD AHAAN WAXA SOOMAALIA KA DHACAAYA GAAR AHAAN GO,ITAANKA SOMALILAND. SOOMALI'NA NIN NIN UDANAYNAAYA IYO QABIIL QABIIL KALEETO HORUMAR LADOONAAYA KUMA JIRO WAXA WADAN DHAN BUR BURIYEY WAA XAASIDNIMO.
WAYHAAN DANBANA WAXAA BATAY DAD ISKA HADLA OON OGAYN WAXAY KU HADLAAYAAN,NAFSADOODII AY TALO UBAAHANTAHAY INTAAN WAQOOYI SOOMAALIA KA GO,IN AMA KU DARSAMIN .FIGRAD WAA LADHIIBTAA LAAKIIN WHEN?.MARKA AAD TAADA MEEL U HESHO.
SOMAALIA IYO WAQOOYIGA SOOMAALIYANA QOFKII OG AYAA OG TALO SHACBI LEEYAHAY MID QABIIL LEEYAHAY IYO MID QABQABLE MIDNA KU SOCOTO MANA KUSOCON DOONTO ENGENEERS AYAA HAWSHAAN GACNTA KUHAYEE SUGA INTA AY KA DHAMAYNAAYAAN YAANAYNA WAQTI IDINKALUMINE DANTIINA QABSADA HADAA DAN LEEDIHIIN HADIINAAD LAHAYN ISKA SUGA INTA AAD KA DHIMANAYSAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Halyey

Wednesday, December 06, 2000 - 02:03 pm
Sahalow

Ma caqli xumid. Wax ay maanta S/land uga baahantahay Soomaali kale ma jiro. Soomaali kalena wax ugama baahna S/Land. Markii dhibaato dhacday koonfur aa gaajo u baqtiday oo adduunweyne dhammaan arkay. Waa xaqiiq. reer waqooyi wax ma noqon.

Aqoonsi iyo baryo la wareeg walaalahayaga koofur ayaan u dhaafeynaa. Adinku adinkaa baaquliga baryada sitay tobankii sano ee u dambeeyay ee haddana sita oo la wareega yaa alle wax siiyay ee alle ha idinku gargaaro.

Wax noogama baahnidin. Annakana wax idinkiima baahnin. Lakum diinakum wa liya diin. Ceeb miyaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Halyey

Wednesday, December 06, 2000 - 02:09 pm
Sool

Sharaf baad leedahay. Dalku inuu mar dal isku duuban noqon doono shaki ma leh. Haddase inta u badan dalka la baxay S/land waxay ila tahay in kasta oo aan afti laga qaadin, inaanay oggolayn inay ku biiraan Soomaali weyn.

Markaa afti ha laga qaado dadka, hana la aqbalo go'aanka dadka. Maxaa taa ku jira?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

No.3.

Saturday, December 09, 2000 - 09:55 am
Somalia is one nation.The North is part and parcel of that.
We the the Somalis need them to build a strong nation with strong economy.To be economically strong nation you have to have bigger market and larger population.
We need the North,because we want to built new democratic Somalia.We as Somalis struggled together to achieve our independence from England ,Italy ,France and Ethiopians.Our Northern brothers were spearheading all these strugles.Sh Bashir is our national hero.We all remember Timo Cadde and the other famous Northern Nationalists .
We need the North ,because if the north secedes the South will disintegrate to.Look Puntland and the South west which the Ethiopian gov is encouraging.
If the North separates Ethiopia will eventually swallow both the North and the South.Separetly they can't resist Ethiopia's desire to control the Somali Coasts.
Its now not secret that Ethiopia is trying to create mini-states in Somalia to make it easier for them to take over all Somalia later.
Today Ethiopia's population is over 70 million.Their plan is to flood Northern Somalia with 10 million people and in 20 years take All Somalia .
This is not just a theory.Blieve me that plan of Ethiopia has already has a 'yes' from USA and some other western Powers.Thates why Ethiopia is so strongly opposed to the DKMG(Salat's gov) which has shown some Somali nationalism.The Ethiopians are the greatest threat we ,North or South have now and in the near future.
We Somalis South or North ,East or West need each other.If we don't unite ,believe me your grandchildren will not see Somalia .They will see just extensions of Ethiopia

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Halyey

Saturday, December 09, 2000 - 10:10 am
N03
Thanks for your contribution. I do not share your concerns although I understand your aspirations. I am sorry, but I am not one for conspiracy theories. If people want to live in Somalia they are welcome. They don't need to invade it. If Ethiopia can transfer 10 million of its population, wouldn't that just create more of the markets you are talking about?

If Ethiopia wanted to swallow parts of Somalia, then it surely had missed its best chance to do so. Somalia had no state, army, institutions, or laws for the last ten years. Why didn't the Ethiopians just march towards Zeila or Mogadishu or Kismayu? Logistically speaking, it would not have taken them much effort to do so. But they didn't.

If people wish to secede from any particular country, they should be able to do so - provided a majority of the population clearly expresses in a fair and free referendum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

No.3

Saturday, December 09, 2000 - 08:17 pm
My fried :Believe me this is not conspiracy theory.Today this is real.
Let us go back to 91 when central gov of Siad disintegrated.
In Ethiopia Mungistu was overthrown by the Wayanis(Tigre Liberation Front).
The original aim of the Tigre organization was to secede from Ethiopia.The Western Countries did not want Tegre to secede.They advised their leaders to replace Menistu(he was a Marxist,the West did not like him).Meles accepted the advice of the West.The west saved Ethiopia from a civil war.
Canada arranged asylum for Mengistu in Zimbabwe.
The new Tigre dominated Regime of Ethiopia needed the support of Ethiopian Somali support.They welcomed the Ethiopian Somalis.They named the Somali State Region ,an autonomous for Somali Ethiopians.
The new regime of Ethiopia allowed Ereterae to become independent.
That was the begginning.Today the Somali State Region is ruled by the Tigre appointed general.
Today the Ethiopian regime is trying to take back Eraeteria.Last year there was a war.
Today the Tigre regime realized that they can permanently occupy Somalia ,because the Somalis are not united.
The Ethiopian Gov is the super-power of the Horn of Africa.
Ethiopia went to war to take back the coasts of Ereterae.The western nations interfered.They don't want two Christian nations fighting.
Ethiopia needs a door to the sea for obvious economical reasons.
If they can't take Asab or Masawa ,how about Berbera,Bosaso ????
The Ethiopians never thought they can occupy Somalia.But ,today we Somalis made easier for them.
They studied this theory.They have our tribal chiefs in their pocket.They have already enough so called leader who signed friendly agreements with them.
For the first time today Ethiopia is looking to the East and South East to reach the waters of Red Sea and Indian Ocean.
In 1884 when Europe was dividing Africa in between themselves,Minelik ,the king of Abyssinia(Xabashida)wrote to his Christian brothers that All Somalia belongs to Abyssinia.
Then it was just dream.
Today this is possible.
If don't unite,we will all loose.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Y,DOOXAJOOG

Wednesday, December 20, 2000 - 04:15 am
SOOMAALILAND IYADAAN KA MAARMI KARIN SOOMAALIYA INTEEDA KALE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Y,DOOXAJOOG

Wednesday, December 20, 2000 - 04:15 am
SOOMAALILAND IYADAAN KA MAARMI KARIN SOOMAALIYA INTEEDA KALE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Halyey

Thursday, December 21, 2000 - 12:12 pm
N0.3

I am still baffled by your theory. You provided no evidence whatsoever for your assertions. While I understand Ethiopia may have aspirations for an access to the Red Sea, I believe it is a mightily big jump to conclude from that that it wants to invade it's neighbours. After all Ethiopia was, and is, the first country in the world to make itself intentionally land-locked.

Moreover, your aggressive nationalism is misplaced. Most Somalis have nothing but respect and gratitude for this neighborly country. Let us not forget that Ethiopia saved hundreds of thousands of Somalis from an almost certain death over the last 15 years or so.

Ethiopians are welcome to Somalia. They can live, work, export and import their goods at will; and Somalis will gain nothing but peace and prosperity from their endeavour.

Chauvinism of that kind should be a thing of the past in the new World.

Thanks.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Prince of Peace

Sunday, December 31, 2000 - 11:51 pm
Economy

Somaliland has the biggest livestock trade.
Somalia has the lucrative banana trade.

Somaliland has Berbera port.
Somalia has Mogadishu, Kismayo and Bossasso ports.

Somalia has bigger population than Somaliland so it has more expenditures.

Both Somalia and Somaliland have costlines but none of them have explored the fishing market seriously.

Education

Somalia has Mogadishu university.
Somaliland has Amoud and Hargeysa universities.

Somalia has no school ministry.
Somaliland does.


Military

Somalia has no organized standing army.
Somaliland does.

None of the groups or regional states in Somalia have tanks and artillery pices.

Somaliland has both tanks and artillery pieces.


It is proven that Somaliland can survive and function without Somalia, but what remains to be proven is if Somalia can survive and function whithout Somaliland.

So the appropriate question should have been can we survive without Somaliland?

Lets pray that all Somalis and Muslims can live a life that we here in Europe and America are living instead of asking stupid questions.

The reasons why you should disscuss the lives of the great people of Somaliland is for me funny they do not even know you are alive lool. They will defend their nation with blood and not talk, they are battlehardened and ready for their enemies the faqashin.

Somalia kalagoynteda wa muqadis!!!!!!!!!!!!

Somaliland ha nolato faqash ha dhacdo!!!!!!!

Guul iyo Gobanimo For Somaliland!!!!!!!!!!!!!

Happy new year to all Muslims!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirashid

Monday, January 08, 2001 - 02:42 am
Fikaradda ah koonfuri ma ka maarantaa waxay aniga ila tahay waa maya, sababtoo ah: midina midka kale kama maarmo waxaana ka dhexeeya wax wayn oo ka wayn muranka laysku hayo, dhinaca dhaqaalaha dadbadan ayaa waxay u haystaan in koonfurtu ay dhinaca dhaqaalaha ka roon tahay oo u haysta in waqooyigu yahay meel laga guuray oo lama degaan ah, taasna waxaan dhihi lahaa waa male been ah, oo way isku fillaan karaan haddii dhinacaas laga eego, laakiin arrinta meesha taallaa ma aha dhaqaale, ee waxyaabihii dhacay intii dawladdii milleteriga ahayd ay haysatey waddanka, shaki kuma jiro in khalad dhacay, laakiin walaalayaal ma u malaynaysaan in khaladkaas lagaga bogsan karo in soomaalida lakala gooyo mise dhaawicii unbaa sii waynaanaya, aniga waxay ila tahay in soomaalidu isu timaaddo shir loo wada dhan yahay oo la isku gacan qaado reer waqooyigana lagu xaal mariyo, laguna martiqaado dhisidda dawladda u talindoonta soomaaliya, oo la isku dayo in lagu illowsiiyo wixii ku dhacay.

Anigu taas ayaan u arkaa in ay xal tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

USC

Wednesday, January 17, 2001 - 11:55 am
ISAAQA WAXAA LA YIRI WAXAY ISKA DHIGAAN, KUNA HAMIYAAN SIDII AY BRITISH OR ANGLO-SEXON U NOQON LAHAAYEEN! WAR BRITISHKA IYAGAABA DOONAYA IN AY ISKA BEDELAAN DHAQANKOODA IYO SIDA AY U FIKIRAAN. NOQDAANA NON-ALCOHOLICS.

ISAAQA BADANKI DAD WAALAN WEEYE. TUSAALE MAAD U BAAHANTAHAY? MAXAY UGU BIXIYEEN GOBOLKA WAQYOOYI GALBEED SOMALILAND? LAND? WAR WASA LAANKA AAD SHEEGAYSAAN. ISKA ILOW SOOL IYO NUGAAL IWM SABABTOO AH KOONFURKA MA YEELAYSO FIKRADIINAN MADAXA KA WAALAN.

TUSAALE KALE: 1988KII IYADA OO XILIGII IMTIXAANADA ISKUULKA KA DHIMANYAHAY BIL IYO WAX LA MID AH AYAY SOO WEERAREEN MAGAALADA BURCO IYAGA OO AAD SARKHAANSAN. REERAHOODII, CARUURTII, XAASKOODII, WAAYEELKII, ISKUULAYDII IYO DHAMAAN DADKII DEGENAA MAGAALADAAS WAX MACNO LEH KAMA BADBAADIN. ASKARTIINA MARKAY XABADA MAQASHAY INTII SOO HARTAY AYAY IGUNA XABAD KU FUREEN. DAD YAR AYAA XAMAR IYO GOBOLADA DHEXE SOO GAARAY. WAXAANA DADKAAS LOOGU MAGAC DARAY, GAAR AHAAN KUWII XAMAR YIMD, "XABADI KEENTAY". IYUGA WAXAY KU JAWAABEEN, "XABADI SUGTAY" RUNBAY NOQOTAY.

IN ENGLAND, ISAAQS DO ALL THE THINGS THE LOCALS DO. WAX WALBA OO AY GAALADA SAMAYSO AYAY SAMEEYAAN. BRITISH WAXAA LOO YAQAAN "THE DRUNKEN MAN OF EUROP" ISAAQA ENGLAND JOOGANA BADANKII WAA DRUNKEN BASTARD. DAD YAHOW IS DABA QABTA INTA AYSAN SOUTHKA BADA IDINKU SHUBIN.

DABCAN, DABCAN, DAD WANAAGSAN OO AAN ALCOHOLIC AMA BRITISH IS KA DOON UU KUJIRIN WAY BADAN YIHIIN NASIIB XUMOSE WAA LAGA BADAN YAHAY.

DHUL BAHANTANE WUXUU ISKA DHIGAA AMA U FIKIRAA IN UU YAHAY ISXAAQ! WHAT A CONFUSED BASTARDS. HARGAYSA USED BE LARGE AND COOL TOWN. NOW IS THE 6TH OR 7TH TOWN IN SOMALIA. PLZ DROP THE LAND SHI*T*, FROM YOUR REGIONAL NAMES. ALSO PUNTLAND AKA BUTAANOLAND, DROP YOUR CRAP TOO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CEEL-EFWEYN

Friday, January 19, 2001 - 08:27 am
TO USC

Somalind has proven that it can prosper without the south.

the questions is can the south survive without the drunk men in the north?

The drunk men in somaliland has proven that they are tough politicians. No comprimise, they have proven that, they can lead their ppl and get the country going.

in my opnion the south needs the north to show them how to succeed in life, coz all that the southners are doing are fight and torture the poor and unfortunate ppl.

as far as the drunken ppl ur talking about are concern, they are obviously few minorities, most of the isaaq live outside london.

they are approx about 150,000 isaaq ppl live in Uk.
So you came here last year and u think u know the facts about the Uk. get the facts right man, most of the isaaq ppl are hard workers thats is examplified by the state of somaliland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anti-anonymous

Saturday, February 03, 2001 - 04:32 am
waan waxaan aad ula yaabay ninka ladhaho Anonymous, shaqakale malaha miyaa?meelkasta oo aan galo , wuu ihortaaganyahay, indhaha allakaarid warbadanaa,war orod oo danahaaga qabso, wadawaduhu kugo'yay. eeyahow eeygu dhalay, ayaydaa kuwayday!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwish

Saturday, February 03, 2001 - 09:15 am
Waxey aniga ila tahay Somaliland= Majority of Togdheer and North west region will not be self sufficient. Wey ubaahan yihiin labadaas gobolli wadanka soomaaliya, Qabiil qaranm ma noqdo. Isaaq can not be a government and State that is a fact. That goes for the Harti in Puntland. We need to be one nation.


Darwish

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

federalist

Sunday, February 04, 2001 - 03:53 am
Darawish

you r forgetting Sanaag who the majority of ppl are isaaq. anyways we are not here to debate about that, but ur question of somalia unity, some how i don't think this will ever happen, coz we the northeners gave chance for somalis to be united, and look at the result.

for long term solution i think what we need is federal state consisting of north somalia and south somalia.

somalis will never trust again especially when ever one is poison with this tribal disease.

i think somaliland has proven that it can survive without somalia, what is left to be proven is that can somalia survive without our inventiveness, and ideas, but we will do anything for our bros in the south.

piece.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.