site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

YAA GARANAYA XALKA SOMALIYA? WAA DIINTA ISLAAMKA

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : YAA GARANAYA XALKA SOMALIYA? WAA DIINTA ISLAAMKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI JAMAC YUSUF

Wednesday, November 08, 2000 - 07:20 am
ASALAAMU CALAYKUM DHAMAAN..
BACDA SALAAN WALAALAYAAL MARKA HORE KA BAQA ILLAAHAY.. ILAAHAYNA WUXUU KU YIDHI QURAANKIISA ..
( WARKUWII IIMAANKA LAGA HELAYOOW ILLAAHAY KA BAQA
BAQDINTIISA XAQA UU IDIINKU LEEYAHAY..HANA SOO DHIMANINA ...IDINKOO MUSLINA MOOYE..)
HADABA WALAALAYAAL WAXA AN ARAGNAA MARWALBA INAA GOO KA HADLAYNA, QABYAALAD IYO CAY IYO COLAYTAN .. WELI MA IS WEYDIISEEN ILAAHAY WUXUU IDIIN ABUURAY.. MASE KU FAKERTEEN IN LAYDIN GEYNAYO MEEL AAN LAGA SOO NOQONAYN .. HADABA WALAALAYAA WAXA AAN HAD IYO JEER KU ARKAA MEELAHA DADKU AY KU SHEEKAYSTAN IDINKOO KAGA HADLAYA QABIIL IYO CAY .. MARKAA WALAALAYAA WAXA GARBIHIINA SAARAN LABA MALAG OO QORAYA WIXII AAD KASBATAAN ..WAR ILAAHAY KABAQA OO CARABKIINA IYO ADINKIINA HALAGA AMAAN HELO OO ISKA DAYA QABYAALADA NEBIGU (CALAYHI SALAATU WASALAAM ) WUXUU YIDHI QABIILKU WAA WAX URAYA MARKAA YUU IDINKA QALAJIN QALBIGA EE ISKA DAAYA QABIILKA OO WAX DANTIINA AH KU HADLA OO AAKHIRO IDIN AN FACA....
WAXA AAN WALAALAHAY U RAJAYNAYAA IN AAY QAATAAN WAANADAA .....
TAKALE EE MAWDUUCU KU SAABSANYAHAY WAA XALKA SOMALIYA YAA GARANAYA? .....
ANIGU WAXA AAN QABA IN AY DADKU DIINTA BARTAAN DABADEEDNA RAADIYAAN DAWLAD ISLAAMA....
DOOD FURAN......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dheere

Thursday, November 09, 2000 - 08:02 am
Haji Jaamac
Waxaan anigu aaminsanahay in diintu qof iyo eebihiis ka dhaxayso ee aysan ka dhexayn dawlad iyo ilaahay. Aan taariikhda dawladaha isku deyey inay Islaannimo wax ku xukemaan. Iran, Afghanistan, Saudia, Sudan. Mid aan is iraaho taasaa wax lagu deydo ah kuma jirto. Teeda kale siyaasaddu wax qurxoon inta badan ma aha. Marka diin iyo Siyaasad la isku daro qurun baa kasoo baxa. Aan xusuusanno, goortii Nebiga(CSWS)geeriyooday afar khulafaa ah aa ku xigay. Saddex ka mid ah islaan kalaa gawracay! Waxay taasi ku tusi inaan diintu ku fiicnayn marka lagu daro Siyaasadda. Aan eegno Shariicada. Tuug waa in gacanta la gooyaa. Laakiin shareecadu oran mayso musuqmaasuqe gacanta ha lagooyo, sidaa darteed ruux kasta oo gacanta lagaa jaraa wuxuu noqon maskiin faqiir ah tuuga weyni se waa nabad galaa.
Diinta ha loo daayo in ay qof iyo eebihiis ka dhexayso. Sharci cilmaani ah oo ummadu ku heshiiso dalka ha lagu xukumo. Dadkana ha la baro diinta yaanse la is qasbin
Wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI.JAMAC .Y

Friday, November 10, 2000 - 08:53 am
TO DHEERE...
ASALAAMU CALAYKUM..
BACDA SALAAN .. WALAAKAY WAAAAD MAHADSAN TAHAY..
LAAKIIN XUSUUSO EEBE WAXA UU YIDHI .. KUWA AAN ISKU XUKUMIN KITAABKA RABI KUWASI WAA GAALO.AMA WAA FAASUQIIN AMA ..
MARKA SXB INAGA WAXA AAN NAHAY DAD ISLAAMA MARKA WAXA FIICAN IN LABARTO DIINTA OO LAYSKU XUKUMO .. BERI RABI INA WEYDIIN MAYO AMA LAYNALA XISABI MAAYO SUCUUDIGA IYO AFGANIS TAAN IYO IIRAAN....
MARKA SXB ANIGU WAXA AN QABAA DIINTU IN AY TAHAY XALKA KELIYA EE LAGU XUKUMI KARO DADKA SOMALIYEED ... ADIGUNA HA KU DMBAABIN .. IN AD TIRAAHDO WAXA FIICAN XUKUN KA CULMAANIYADA..
WAXA AAN QABA HADII LAYSKU XUKUM DIINTA IN AY DHAMAAN LAHAYD WAXA SOMALI KA DHEXEEYA... MARKA SXB DINTU ISKAMA JARTO GACMAHA DADKA LAKIIN WAA INAY WAX KU CADADAAN ..
SIDA DARTEED SXB HA KA WELWELIN IN DINTA LAYSKU XUKUMO.. WAANA SHAY MUHIIMA ...WAAYO WAXA AD ARAGTA HADII WARSHAD YARI SAMAYSO SHAY YAR WAXA AY SOO RAACISAA BUUG LAGA AKHRISTO SIDA LOO ISTICMAALAYO..
MARKAA ALLA WAXA UU ADUUNKA SOO RAACIYEY KITAAB QURAAN AH KAAS AYAANA LAGA AKHRISANAYAA WIXII LAGU MAAMULAYO ADUUNKA MAAHA WAX AY DAD SOO QOREEN INAYNU QAADANO .... DIINTUNA WAA SHAY MUQADAS AH ...LANA KALA SAARI KARIMAAYO DIINTA IYO SIYAASADA ... WAAYO NEBIGA WUXUU YIDHI (CALAYHI SALAATU WASALAAM)...ADIINU SIYAASA.....AWKAMAA QAALA....
MARKA DIINTA LAFTEEDA BAA SIYAASAD AH OO MAAMULA MIYAADAN AKHRISAN AAAYADAHA KA HADLAYA SAAD U NOOLANLAHAYD.....
SXB MARKAA WAXA AAN QABA IN DINTU TAHAY XALKA KEØLIYA EE DADKA SOMALIYEED UBAAHANYIHIIN.....
ASALAMU CALAYKUM.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamal

Saturday, November 11, 2000 - 02:53 am
Dheere hl waxbaan ku dari lahaa arinta sheekhu yiri waxa ayna tahay: Cilmaaninimadu(secularism ) nimankii sameeyay ee u olaleeya maanta waa taas ay dhaka faar ka qaadeen. Waxay garanlaayihiin si wax loo furdaamiyo madaxweyne nimadii maraykan waa taas aan wali la furdaamin ( on hold).,, Dheeroy Sxb one last thing about Islam.. Carabtu markii nabi maxamed soo baxay waxay ahaayeen dad tabtaa somalidu maanta isu laynaysu isu laaya geelana wax weyn u hasta sideenoo kale,,, Diintu dadnimada ay siisay waa tay furteen dadkii aduunka markaa u ahaa sida maraykan maanta u yahay (Persia).. ee ilaa badhtamaha Europe qabsaday... markay diintii Islaamka ka tageena waa taas 50 sano ayakoo 400 oo million ah iska dhicin waayay 100 Yahuuda.... that's something a Muslim should think about before we either condemn our religion or caution its use as the guiding light in live.
salama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Saturday, November 11, 2000 - 07:13 am
Kamal
Anigu diin wax ma yeelin, mana dhaliilin. Ma waxaad leedahay carab wax diin isku xukumaa ma jiraan? Sacuudi diin iskumo xukumo mayaa?
Ma jiraa dunida casriga ah(ma aha tii jirtay 1500 sano ka hor)dal isku xukunka Islaamka inooga horreeyay oo aan wax ka baran karaa? ma jiraa dal aad jeceshahay in aan sidiisa noqonno, mase waxaad rabtaa annagu inaan bilowno tijaabo cusub oo aan la sameyn Nebiga dabadiis(CSWS)Adeerow belaayaan kasoo baxnay tijaabo ma iska xejin karnaa? waxay ila tahay maya. metelan, yaa dooranayaa cidda dalka xukumayso sideese loo dooranyaa? Ma la aqbali doonaa in jaraa'idku xor ahaadaan mase waa la af-duubi? haweenka inay wax bartaan, shaqaystaan ma layeeli mise gurigaa lagu hor joogsan sida afqaanka?
Maraykan iyo gaalo afkaan la dhacaynaa, marka se ay ina qabstay ayagaan kusoo baxsannahay oo nabad iyo nafaqo ka helnay. Abaal xumaani ma roona. Diintoodu waxay rabto ha ahaato laakiin dalkoodaan ku noolnahay, barwaaqo waxaan ahayna ma qabaan. Beeni ma fiicna ee yeynaan isku sheegin. Midkeen kasta oo la yiraa waa lagu masuufurin dacwuu bilaabaa masna cay kama dhaafno. Hadday nadaamkoodu sidaa u xunyahay maan isaga tagno?
Wasalaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Saturday, November 11, 2000 - 02:36 pm
Waxaa fiican Carrabku in uu maskada ka danbeeyo.

Haddii taa la waayo, oo carrabku ka soo hormaro maskasda, waxaan sheegeynaa macno mayeelanayaan, waxaan noqoneynaa dad indhaha ka fakara, sida loo batey dunida maanta iyo dadkeeda.

Aan kala soocno oo kala barano: Ilaahey iyo maqluuqaadkiisa, Islaamka iyo gaalada, Diinta Islaamka iyo muslimiinta, sida Ilaahey doonayo iyo sida sheydaan doonayo, waxii noo roon iyo waxii noo daran, waxa maamuladu doonayaan iyo waxa ummaddoodu doonayaan, kuwa taliya iyo kuwa loo taliyey, .... qofka iyo naqtiisa.

Intaas markii la kala sooco oo lakala barto, wax kasta waa kuu cadaanayaan, waxaanad gaareysaa in Ilaahey oo kaliya doonayo wanaageena, noona sameeyey nidaam iyo sistam muqadas ah. Waxaa raaca la is imtixaanayo si joogtaa, waana imtixaanadii iyo darajaadkoodii waxa socda oo loo jeedaa.
Dadka ama ardeydu waxey maadada u kala necebyihiin siday ugu kala darajo liitaan, waxeyna ardeyda kale kala dagaalamaan maadadaas iyo macalimiinta dhigtaba.

Marka qofkii ku dhaca imtixaanada Alle, ee asagu goosta in uu la dagaalama Alle iyo Diintiisa iyo inta jecel, waa yeelkiis oo Alle hiillo uma baahna, laakiin qofkii aan is ogeynow MASKAXDA INDHAHEEDA FUR OO WAX FAHAM oo iska jir in aad is barbardhigtid Alle waxuu yiri iyo waxii aadami yiri!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raage

Saturday, November 11, 2000 - 03:19 pm
to Aadan

Kalimada aad sidaan aad utiri ( sida Ilaahey doonayo iyo sida sheydaan doonayo,) Waa kalimo khalad ah maxaa yeelay sida Ilaahay doonayo mooyee si kale ma jirto mana jiri karto , hadii aad se ula jeeday siduu Ilaahay nafaray taa si waa sax .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAJI ALI

Saturday, November 11, 2000 - 03:47 pm
To:Dheere
Salamu'alaykum

Saaxiib rayigaagu maxuma laakiin waxaad ogaataa in ay jirto dhow arimood .
Marka hore majiro xukun kawanaagsan oo kacaadilsan xukunka kitaabka Ilaahay, asagaana ka wanaagsan waxyaabaha ay samaysteen baniaadamku.
Mida kale waxaad tiri "Tuug waa in gacanta la gooyaa. Laakiin shareecadu oran mayso musuqmaasuqe gacanta ha lagooyo" Waa maxay musuq maasuq ? hadii aad ka wadid rooxa dhaca hantida dadwaynah ,ama ruuxa u kala eexda labaqof oo muslim ah ama mid khaa'imay xukuumad islaam ah intab shareecada islaamku xukun ayay u leeyihiin.

To:HAAJI.JAMAC .Y

Walla waxaan rabaa in aan ku waydiiyo su'aal waxayna tahay Mawaxaad nala rabtaa diinta Saudigu is ku xukumo oon qofkii maalbadan le aanu xukunku qabanin , mise waxaad kawadaa kitaabka Illahay oo Nabigeenii suubanaa (SCW) uu nabaray hadii aad kaa kawadid 100%ayaan aaminsanahay in xal fiican lagu gaadhayo.laakiin naga daaya tan saudiga oo ah lajiifiyaana banaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKARIM HASSAN

Saturday, November 11, 2000 - 07:19 pm
XAAJIGU SIDEE YAHAY SHALAY AYEY AHAYD MARKUU
DIFAACAYEY NIMANKII SOMALIYA BURBURIYEY SIDA
INA GALEYDH MAANTANA DIINTA AAN ISKU XUKUNO AYUU
LA SOO TAAGAN YAHAY, MA XUMA IN AAN DIINTA ISKU
XUKUNO BALSE XAAJIGU WAXAA FIICAN IN UU DIB ISUGU
NOQDO, WAXAA IIGA MUUQATEY QORAALADAADII HORE
QABIIL DIFAAC INTA BEEN LEYSU SHEEGAYO RUNI FOG.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dheere

Sunday, November 12, 2000 - 06:34 am
Abdi-kariim
Run aad sheegtay. Soomaali diin weligiis hakaaga warramo, runta waxaa weeye reerkiisaa wax kasta kala horreeya. Been yaan la isugu warramin. Xaajiga kelidiis gooni yaan loo qaadin. Qabiliiste aan wada nahay, waase la sii kala jecel yahay. Haddii aan sidaa diin u jecel nahay maxaan isu dhamaynay annagoo Islaam wada ah?

Aadan
Saaxiib qalad ha u qaadan, laakiin wax aad ka hadashay ma garan. Hal su'aal oo aniga iyo galool soo jeedinnay kama jawaabin. xataa ma dhihin diin ha la isku xukumo. aan kuu xeeqo su'aalo, isku day in aad jawaab u hesho

1. Yaa dooran cidda na xukumi? sidee loo dooran?
2. Ma jirtaa dal dunida ka mid ah oo aan ku deyan
karno, sida Sacuudiya, Afqaanistaan etc?
3. Gaalshire ma jiri doonaa mase Shariicada aa
100% lagu xukumi?( ogow haddii shariico jirto
looma baahna gaalshire)
4. Meeqa sano aa cidda marka u horreysa loo
dhiibaa xukunka haynee?
5. Haweenka Soomaliyeed maloo oggolaana inay wax
bartaan, shaqeeyaan, mase maya?
6. Haddii nin xoolo dadweyne xado ma la tooganee?
Gacanta maa laga gooynee? Shariicada maxay ka
leedahay?
7. Xisbiyo cilmaani ah oo ka soo horjeeda cidda
markaa xukunka haysa malla oggolaanee?
8. Jaraa'idka malloo oggolanee xorriyad?

Isku day in aad ka jawaabto. Mahadsanid
Salaama calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Friday, December 08, 2000 - 01:06 pm
Waad ku mahadsantahay boogga aad furtay,kama waado in aan kugu raacsanahay lakiinse doodku marka ay dacad ah u dhacado wax badan ya ka soo baxo oo fa'ido leh. Waxaad soo jeedisay in islaanka la isku xukumo ma xuma lakkinse ma dan sheegin sida laisugu xukumi lahaa,ma daan kala soocin qaybaha sharcigga uu u kala baxo,islaamiga iyo kuwa kale. Waa arrimaha aan rabo in masaladeyda aan ku qotomiyo: sharcigga wuxuu u kala baxaa guud ahaanlaba qaybood kan gaarka ah PRIVITE iyo kan guud PUBLIC. Privite waa sharcigga kala hagga dadka qeexana xirirka shaqsiyaadka ka dheexay nocuu dona ha noqdee sida guurka, magta,dhaxalka wax kala iibsashadda. Soomaalidda iyo calamnka islaanka waligood waa ay isku maamuli jireen shurucdaas wana ay isku maamulaan ilaa iyo gabigood,waa jirtaa 70 yadi mararka qarkood iyo la isku dayay in la nasakho mase aysan suurbin. Public yaan u soo noqon waa sharcigga kala haga kuwa talia iyo kuwa loo taliyo micnaha madaxdda iyo shicibka quraanka meelaha uu kaga hadlay wuxuu ku faray in dadku doortaan madaxdoodda kalana danbeyaan. Nasiib xumo islaamka khaliif Cumar ka dib waxaa caado u noqotay in xukunka xoog iyo inqilaab lagu kala qaato lana iloobo diintu waxa ay fartay qofka islaanka ahna la xuquuq tiro oo uu noqddo neef dhanki la rabo loo jiito. Waxaan ku qasbanahay in aan ogolaano in aysan manta jirin nidaam dowli ah oo islaam wanna sababta keentay in dalaka muslinka ah ay dunidda ugu liitaan xagga xuquqdda shicikoodda. marka shikhunaa soomalidda iyo islaamka diinta waay isku xukumaan dhanka privtka lamana orankaro waa dalimiin. dhanka kalana wax diyaar ah ma jiraan waxaana la orankara muhiim ma aha oo shicibka ma quseyso madaxddana ayagaa eebe la hortigidoona. EE adiga iyo kuwa kula fikradda ah maxxad heysaan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Friday, December 08, 2000 - 06:07 pm
Dear Brother's and sister's ,salaam alaykum.
Marka xiga waxaa jira waxyaalo badan ama arinmo badan oo ay diintu ka hadashay in Islam la isku xukumo hadaba aniga oo an so koobi Karina an in xoogaa ku darsado.

"GOVERNMENT IN ISLAM"

On considering the koranic legislation the system of government,penal laws,financial practices and procedures,and foreign policy--one finds that The Koran does not give details but sets general principles and rules.
In the system of government,for instance,The Koran does not specify a particular pattern that the Islamic government should adopt;nor does it specify the way different governmental departments ought to be organized.Instead,it establishes the fixed principles on which the system of government might be based to achieve justice.
The point in this is that circumstance of people vary with different places and times.A certain law might guarantee the general welfare in one period,but not necessarily in another.Had God stated in the Koran detailed and specified regulations,Moslem might have fallen in embarrassment,specially on finding that their welfare contradicts with the instructions of the book.thats why divine wisdom required that God set in the Koran only those basic rules and general principles which are the same for all times and places,and lave the prescription of detailed laws and regulations to the separate nations to adopt according to their welfare ,on condition that these laws and regulation do not contradict with the basic principles embodied in the book
1. Allah is the Only Author of Laws:
The first foundation of the system of government is that Allah alone is the Author of laws,and that no human may enact laws other than those established by Allah.as for those cases regarding which no legal text has been revealed,the Shariiah entrust their judgement to the decision of the Mujtahids(experts on legal interpretation and jurisprudence).
In this connection,Allah says<<The Command is for none but Allah;He hath commanded that ye worship none but Him>>[XII:40]<< we have sent down to thee the book in truth,that thou mightest judge between people as guided by Allah>>[IV:105].Allah commands believers to follow the dictate of the Shariiah,and forbids them to follow that which opposes it,saying:<<Follow the Revelation given unto you from your Lord,and follow not ,as friends or protectors,other than him.Little it is ye remember of admonition>>[VII:2].
Allah makes a definite prohibition of departure from the terms of the Shariiah,and considers those who follow other than the Shariaah as disbelievers,wrong-doers and rebellious:<<Whoso judgeth not by that which Allah hath revealed:such are disbelievers>>[v:44].<<whoso judgeth not by that which god hath revealed:such are wrong -doers>>[V:45].<<whoso judgeth not by that which Allah hath revealed:such are rebellious..[V:47].
Allah also swears by His Sacred Name to deny the faith to believers until they make Mohammed(scw)an arbitrator of their disputes,and ,as a condition to accept their faith,they must never show resistance or anguish to the decisions of the Prophet,but accept them in full conviction:<<By the Lord,they can have no(real)faith,until they make thee judge in all dispute between them,and find in their souls no resistance against thy decisions,but accept them with the fullest conviction>>[IV:65].And if a believer makes decisions opposite to what Allah and His Apostle decreed,he deviates from the right path:<<it is not fitting for a believer,man or woman,when a matter hath been decided by Allah and His Apostle,to have any option about their decision;if any person disobey Allah and His Apostle,he is indeed on a clearly wrong path>>[XXXIII:36].with this in mind,two important issues stem from the fact that the Command is Allah's alone:

A. The steadiness and permanence of the Shariiah Although rules are changed:

The case is not so with positive laws which are set down by rulers to protect their principles and support the system they have established.

B. Respect for and confidence in the Shariiah because it is Allah sent:

This attitude makes people obey the Shariiah,because obedience here brings people closer to Allah,whereas disobedience leads to Allah's grievous penalty,both in the present world and hereafter.In fact,laws are valued by how truly individuals obey them,respect them and have confidence in them.
So walaalayaal hadaan caawa intaa uga baxo,insha Allah waxaan kaloo jeclahay inaan idiin so bandhigo qaybaha kale ee:The Islamic Government is not theocratic and Some bases for Establishing the Islamic State.....kaas oo ay hoos imanayanaan Consultation,Equality and Justice.waxaan kale oo an idinku so bandhigayaa qodobo kale oo iayana muhiim ah insha Allah haduu waqtigu ii saamaxo.

Assalama Alaykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.