site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

TO: REER USA GARABKA SALBALAAR

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Jabhadaha - Somali Factions: TO: REER USA GARABKA SALBALAAR
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FITAAX

Wednesday, November 08, 2000 - 03:23 pm
Akhyaareey waxaan idin weydiiyey idinkoo caytamin ama aan dad meel uga dhicin inaa ii sheegtaan sababta korneel caydiid markuu dhintay wiilkiisa oo maraykanka jooga loogu yeeray oo madax looga dhigay?

Taasi miyaaney ccadeyneyn haduu wadanka qabsan lahaa caydiid inuu boqortooyada sucuudiga oo kale ka dhigi lahaa xukunkana la iska dhaxli lahaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 08, 2000 - 11:33 pm
Haa way cadaynaysaa, aad iyo aad bay u cadaynaysaa , oo waxaa cadeynaya mowqifkiisa hadda ayaa cadeynaya inuusan dal iyo dad rabine xukun uun rabo,kaligiina u arabo hadduu dhintana wiilkiisuu u dardaarmi lahaa miyaanay cadayn haddeer.inuusan Habargidir iyo Sacad iyo Soomaali midna wax la rabin, ee qolodiisa iyo qabiilkiisa iyo dalkiisa iyo dantiisu inay tahay uun Ina Caydiid!!:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaadir

Friday, December 15, 2000 - 04:09 am
WAXAN U JECELAHAY IN AAN JAWAAB GAABAN UDIRO NINKA LAYIRAA (FITAAX) FITAAXOW RUNTII ANIGA SHAQ-SIYAN WAXAAN JOOGAY mogadishu AMA XAADIR KU-AHAA BILOWGII-ILAA-DHAMAADKII GEN-CAYDIID UU DALKA WAX-KAQASAYAY
RUNTII WAA MAGAC-KALE UYAAL INA-CAYDIID,WAA MARKA-AAN RUNTA KASHEEGO - XAALADA DHABTA AH EE ------- TAARIIKHDA GASHAY,HASE AHAATEE WAXAAN KUGU-KORDHINAYAA MEEL ALLE IYO MESHAAD JOOG'TIDBA IN UU INA-CAYDIID SII JOOGAY DALKA MUDO 2YRS KUDHOW--KAHOR INTA UUSAN AABIHII GEERIYOONIN,SIKASTABA-HA-UYIMAADEE MAANTA WAX-CAQLI-GALA OO UU DALKA IYO -KOOX'DIISA USOO KORDHIYAY GARAN-MAAYO,INKASTA OO- AAN KAMAQANAHAY DALKA INTII UU AABIHIIS-BEDELAY,ISKUSOO-WADA DUUB (QAB-QABLE DAGAAL)OO DHAN MEESHUU JOOGABA TAARIIKHDA YAA-OG WUXUU YAHAY WAANA LA-SOO TAAGI-DOONAA CADAALADA MARKA-UGU MAC'QUULSAN EE DALKEENA HOOYO DOWLADIISU-LUGAHA ISKU-TAAG'TO TAAS YAANA KUGU-KORDHINAYAA, INTA-KAHORAYSANA BUUGAAGA XUSUUS QORKA TAARIIKHEED
HA-KUU FURNAADO, INSHA-ALLAAH, WASALAAMU-ALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Parlaman

Monday, January 01, 2001 - 04:21 pm
To:Dhamaan

Su'aasha maxaa keenay in la doorto Xuseen Caydiid kadib markii uu geeriyoodey aabihii ?

Runtii waxaa ka jawaabey walaalkey oo mogadishu jooga oo yiri in xuseen joogey xamar mudo 2sano intii aanu geeriyoon aabihii,

Waxaa jirta hadaba duruufo keentay in la doorto 48 saacadood kadib xuseen kadib markii Gaaladii USA iyo Cadawgiisii ay ku farxeen in uu dhintay marka doorashada xuseen waa sidan

1-Ina loo muujiyo dhamaan gaalada iyo wixii la jiraba in aysan dhiman halgankii siyaasadii caydiid dhidibada u aasey.

2. In uu noqdo nin wata magacii hadana noqday nin waa xuseene nin ay dadkii la shaqeeynayay ay aad uga heleen shaqsi ahaantiisii.

Caydiid waa marxuum dhintay balse ninkii jecel iyo kii aan jeclaanboow waa nin galay taariiqda aduunka Somalia waxyaabaha uu qabatay waxaa kamida

1-In Siyaad bare uu dalka ka saarey isagoo hubsadey in uu xuduuda ka baxay iyo in kale

2-In kadib UN iyo US markay soo galeen wadanka uu ku guulaysatay in uu ka saaro wadanka.

Waxaa jira sida aan la socono qilaafaad iyo isku dhacyo ahaa sabotage lagu sameeynayey Aideed iyo waliba kuwo la rabey in Aideedka naftigiisa in looga hortago siduu ku gaari lahaa ama uu ku fulin lahaa qodobada aan soo xusey sida in siyaad iyo dawladiisii ay qabiil u rogeen siyaasadii si ay u helaan loona marin habaabiyo shacabka aysana uga hortagin in shacabku ay iska qabtaan Siyaad iyo dawladiisii iyadoo loo rogay dagaalkii lagu ridayey Siyaad lagana dhigay DAAROOD & HAWIYE
sidoo kale Cali Mahdi iyo groupkiisii oo kala lahaa qabaa'ilo kala duwan.

Hadaba Maxaa Xuseen uu qabtay kadib markuu kala wareegay Hogaankii Caydiid ?

1-Xuseen waxaa uu ku guulaystay in uu la heshiiyo Cali Mahdi oo ahaa rivalkii ka soo horjeeday

2-In uu baabi'iyay greenlinekii xamar lagu kala qeybinayey caasimada

3-In uu la hishiiyey dhamaan groupadii ka soo horjeeday Caydiid sida Qanyare duuliye sare iyo rag kale oo badan

4-In uu keenay wadanka 4000 oo oromo ah una gudbiyay Ethopia oo aan ognahay in ay tahay cadowgeena koowaad soona hubeynaysay kana shaqeynaysay kala geynta umadeena taas oo keentay in ay Ethopia u adkeysan weyday oo ay ku kalftay in ay heshiis la saxiixdaan Xuseen iyo dhamaan xulafadii la socotay Ethopiana ay joojisay dhaqdhaqaadii iyadoo ay dhexdhexaadin weday dawlada Libia.

Soo duuduub XUseen waxa la oran karo ee uu wadanka kusoo biiriyay oo cusub waa Siyaasad in lagu wado hadlo ama lagu hardemo taas oo uu kaga duwan yahay aabihii oo ahaa nin Gen,militeri ah.

Dadbaa jira sida walaalkey uu afka ku dhuftay in lagu haysto denbiyo fadlan ma noo sheegi kartaa Xuseen meesha uu dad ku gumaadey ? amaba hogaamiye ama shaqsi uu gaar u xumeeyey kana sheeganaya maanta ninkaas godob ?

Gaal dil gartiisna sii

Wixii kale oo dooda amaba aragti kale hadii ay jirto waan ka wada doodo karnaa si fact ah oo aan aflagaado aysan ku jirin.

Anigu shaqsiyana maahi nin ku qabiila Xuseen kana dheer balse aad iyo aad baan ula socdaa Politicada Somalia iyo weliba raga hogaamiyasha ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bandiiradley

Friday, January 05, 2001 - 08:52 pm
Parlamaan afkaaga caano lagu qabay saaxiib
Caydiid ha guuleeysto
Caydiid waakii dalka nooga xoreeyay SIyaad bare iyo Gaaladaba !!!!!! Caydiid ha guuleeysto!!!!
STRICKLy FOR HAWIYE
caydiid waa kii dad inka dhigay ee xusa markii aa magiciisa maqashaan
alaha u naxariisto ,
all i can say is that AYDIID PUT SOMALIA ON THE MAP??????/

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hubsade

Monday, January 08, 2001 - 03:36 am
To: Bandiiradleey

Hurta walaal ilaah u towbad keen qabyaaladina yeysan ciqaabta ilaah kuu horseedin, haddii jaahilnimo kugu kalliftayna diintaada wax kabaro haddii aad nin islaama tahay, marka aad leedahay isagaa dad idinka dhigay! Ilaah bey gaar u tahay inuu dadka dad kadhigee adigu manoosheegi kartaa goorta Caydiid yeeshay awoodda aad ku tilmaantay oo ah inuu dad kaa dhigay? Subxaana llaah!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Parlaman

Tuesday, January 09, 2001 - 10:45 am
To: Bandiiradley

Walaal marka aad ka hadashay in Caydiid uu badbaadiyey dadna waxka dhigay taas walaal waxaan kaa iri waa qalad waayo ?

Ugu horayntii Ilaahbaa dad ama shaqsi wax ka dhigi kara

Tan xigta Caydiid kaligii maahayn qabiilkiisa oo kaliyana maa hayn wixii la soo halgamay dhiigooda iyo maalkoodan u huray ka xoraynta Siyaad Dalka, sidoo kale ka saaridii wadanka US-UN ,

Waxaa la socday hogaaminayayna mawjad shacbi gudaha iyo dibada waajibna ahayd in hogaamiye Somaliyeed oo kasta markii uu la soo gudboonaado arintla la soo gudboonaatay in uu wax ka qabto.

Aideed wuxuu ahaa nin watay shacabka Somali meel kasta ha joogeen waxaana lagu watay ma ahayn in shaqsiyan uu ka fiican yahay ama qabiilkiisu uu ka fiican yahay dadka kale, Waxaa lagu watay Siyaasada uu hogaaminayey taas oo ahayd mid loo baahnaa shaqsi

1-Military waxka yaqaana ahna askari

2- Hogaamiye wadan kara jabahad kuna fiican dhinaca jabhadayntana.

2- Siyaasada iyo hoogaminteedana aqoon teeda leh si uu ku kasbado kuna gaaro hadafkii lagu doortay dadkuna ka sugayaan in uu fuliyo

3- Hogaamiye aan marnaba la leexin karin aanan ahayn daciif la jahwareerin karo lana qiyaami karo.

4- Hogaamiye la shaqeeyn kara hogaamiyayaasha kale

Intaas aan soo sheegay Aideed runtii wuxuu ahaa nin kas baday ahaana.

Guushii la soo hoyay sida kasaarida Siyaad bare wadanka waxay ahayd guul Somaliyeed

Guushii laga soo hoyay US-UN Ka saarida wadanka SOMALIA oo idil waxay ahayd guul Somaliyeed macnaha ay ku fadhidayna waa sidan hoose

Somaliya iyadaa isu talin karta loomana talin karo go'aanka iyo doorashada hogaankeeda, siyaasadeeda , Dhaqankeeda, IWM waxaa leh Somalida ee malaha American iyo reer galbeed.

Taasi waa arin wadani ah waxayn tahay arin muqadas ah in Somali kastaa uu ku halgamo, dagaalmo hadii lagu soo xad gudbo.

Marka walaal waxaan ka xumahay in la qabiileeyay Siyaasadii wadaniga ahayd laguna koobay hal qabiil.
Macnaheeda ku koobida hal qabiil waa in lakala qaybiyo shacabkeena si aysan u garan danta guud ee wadanka iyo bad baadad, xoraynta mida dhaqaale,siyaasad,iyo dhaqanba.

Waan idin salaamay markale dooduna waa socotaa


Fiiro gaar ah : Dooda hanooga rogina dhinaca qabiilka ha ku socoto dhinaca midaynta iyo isu keenida shacabkeena lakala firdhiyay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ILKA CASE

Wednesday, January 10, 2001 - 10:45 am
fiiro gaar ah.
war agoonka iska daaya//

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Wednesday, January 10, 2001 - 02:12 pm
As/caleykum Wrxmtl Wbrkt,
Marka hore ninka Parlam isku bixiyey markad leedahay Caydiid baa Siyaad Barre ka bixiyey Wadanka maxaa kugu wata beenta soo ma aheen Caydiid kii fadhiyey India markii ay jabhada kale ee Siyaad Barre ka soo horjeeday dagaalamayeen,markii uu maqlay in dagaal ka socdo wadankii soo mahan Caydid kii Etopia yimid markii ay ummadii kale ee la dagalamayey Siyaad markii ay saareen soo ma aheen Caydid kii soo dhex dawafaayey Gobolada laha saray kaligii Taliyihii Siyaad Barre. Marka walaal Caydiid oo Gadaalkagaar ah,ha ka dhigin nin soo halgamay cajaladihii laga duubay ayaan heynaa isga marka uu wadanka soo galay iyo siduu u dhaqmaayey.]
Parlaman,waxaan kuu sheegaya in Ina Caydiid uu gashan yahay kabahii Abahiis oo waxa uu ummada south ka dhibaataysan habayaratee ee uu taray tariikhda laguma sheegin,waxaan u arkaa Caydiid iyo wiilkisa waxa meeshas dhigay in ay tahay xukun jaceyl iyo mar uun Madaxweyna i dhaha!!!
Hadal iyo dhamaan Parlaman raggan aad difacayso iyo kuwa la midka ah oo sidooda u dhaqma Allaheyna Weyn ha na dhaafiyo waan ka ducaysanaa har iyo habeen worlodyaashan dadka cuna ciddu doono ama qabiilka uu rabo ha haado,tuugtan u tashatay wadankii iyo ummada masaakinta ah ee Somaliyeed meelkasto aay joogan,ogowna in ay yihiin calooshod u shaqaystayaal 10 sano ummadii iyo dhulkii,xoolihii,beerihii ilihii dhaqale ee wadanka afka iska mariyey ileyn hunguri wax ka wayn haduu halo waa dillaca yee waa ku filaan waysay muddas dheer waxay waddankii u gaysteen dhuunta uun sidii u duleesha ee Allawow naga qabo .
so brother waxba ha difaacin raggan qabri kula galimayaan aborna kama celinayaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Parlaman

Thursday, January 11, 2001 - 06:32 am
To: Daacad

Ma ii sheegi kartaa jabhadaha iyo kuwa aad sheegtay meesha ay ka xoreeyeen ama ay haysteen dhinac kasta wadanka ha noqotee.

Waa jirtaa waa runtaa jabhado ka soo horjeeday Siyaad waa jireen balse waxay ahaayeen kuwo Pasive ah afkana ku dirira waxaana loo yaqaanay Grupo Copucino.

Guud ahaan isku duub waxaa laga midaysnaa la dagaalanka iyo ka xoraynta dalka Siyaad.

Caydiid waa hogamiyihii beled xawo,xuduuda Kenya iyo Somalia u dhaxaysa ku hubsaday in uu dalka ka baxo Siyaad dabcan waxaa jiray hogaamiyayaal ay ka wada midaysnaayeen sida Colanel Jees,C/tuur iyo kuwa kale balse walaal muhiimadu waa hogaaminta iyo hirgalinta la dagaalankii Af weyne.

Dagaalkii DUUFAANTA yaa hogaaminayey ?

Arinta kale ee aad ka hadashay walaal Xuseen caydiid waa nin run ahaantii aad uga badalan aabihii oo mileteri ah xuseen waxaa uu qabatay sidan

1- In uu ku guulaystay in uu la heshiiyay Rivalkii abihii ka soo horjeeday Ali Mahdi baa bi'iyayna Greenlinekiin Mogadishu.

2- Waxaa uu ku guulaystay in uu la heshiiyo dhamaan grupadii Mogadishu ha ugu darnaado Caato oo aan og nahay in uu sheegatay in uu aabihii dilay taas oo macnaheedu tahay dulqaad iyo hirgalin siduu nabad lagu heli lahaa wadanka,
Sidoo kale Qanyare,Duuliye sare, Suudi, dhamaan wixii sheegta in ay yihiin hogaamiyayaal.

3-Xuseen waa hogaamiyaha u bedalay gebi ahaanba in lagu lool tamo qilaafyada dadka ka dhexeeya dhinaca siyaasada laguna heshiin karo ama la wada hadli karo hadii ay nabadi jirto halka ay dad badani ka filayeen in uu dagaal ama mileteri ahaan uu ku dadaalo

Waxaa su'aal mudan shaqsi la iskama dicaayadeeyo ama eedeeyo iyadoon wax cad lagu hayn

Xuseen halkee dagaal ama hujuun amaba xoog u sheegasho ayuu ku qaaday balse ma sheegi karaa shaqsiga ama hogaamiyaha maanta wax ku sheegan kara ha noqoto eed ama xumaati ?

Waxaad ka hadashay 10kii sano waxaan u malaynaa in aad kamid tahay dadka hada soo baraarugay lana socon wixii dhacayey 10kii sano.

10kii sano waxaa la soo kala maray xiliyo adag oo kala duwan waxayna u dhacaday sidii rabi ugu tala galay

Waxayna kala ahaayeen xilayadu sidan

A- Xili lala dagaalamayey shacabkuna kacdoon kasameeyeen sidii wadanka looga xorayn lahaa Dawladii musuqmaasuqa ahayd ee aan qabiilka lahayn
waxaa kamida kuwa hada ku baraarujiyey sida C/qaasim, Max'ed Sheq cusmaan, Gaani, Morgan,Galayr, iyo dhamaan kuwii qaranka dhacay xoolihiisii, baabi'iyay shacabka hantidiisii,beeniyay aayadihii Quraanka. Calooshood u shaqeeystaalkii 21kii sano dhiiga dalka dhuuqayay.

B- Ka hortagii UN-US ee ahayd aamin sanaa in ay Somalia u taliyaan kana yeelaan siday doonaan.
Adeer taasi socon masyso dadbaa xoolohoodii naftoodii u huray in Somalia ay iyadu is xukumi karto isuna talin karto lee dahayna aqoonta,amaba siyasad ay ku hantaan dalkooda kuna dhisaan hadii ay fara galinta ay ka daayaan dalka Somalia

Adeer adigu xagee jirtay xiliigaa ma kuwa gaalada raacay calankii Somalia cunaayay, gubaayey miyaad ku jirtay mise waa jiiftay.

C- Heshiiskii Masar ee dhamaan somalia ku heshiisay laguna hishiiyay in Baydhabo lagu qabto laguna dhiso maamul Somaliyeed oo loo dhan yahay in Dawlada Ethopia go'aan satay in ay ka hortagto midnimada iyo dawlad Somalia oo dhalata taas oo keentay in ay soo abaabulaan ururo jabhado hubaysan oo ay la socdaan Ethopian sida RRA iyo kuwa kale taaso oo keen tay in ay Baydhabo qabsto,

RAG IDAA ISKUMA DAAYAANE AAN IS DEYNO BAY ISKU DAAYAAN
Taasina waxay keentay in looga hortagay in ciidan 4000 oo oromo ah oo hubaysan la geliyay Ethopia taas oo keentay in ay dalbadeen in hishiis la gaaro Lagulana saxiixday Adis ababa iyadoo dawlado sida US,Libiya iyo kuwa kale marqaati ka noqdaan.

Adeer xagee jirtay ma waxaad ku jirtay kuwa amxaaradu wadatay una tagayey Sida C/qaasim.Galaal, Morgan iyo faqashtii afweyne

Nin yahow dadku waa labee kuwana waa reer afweynee oo aan qabiil lahayne iyo kuwa ka soo horjeeda adigu kuwee tahay ?

Walaal waxaa lagu jiraa xili Somalia oo idil ay degan tahay nabadna ay ka dhacday dadbaa ka shaqeeyay dib u heshiisiinta iyo dib u midaynta Umada marka walaal kuwa aanan jiho iyo meel laga jiro rabana dagaal cusub in uu dalka ka dhaco iyagoo aaminsan siyaasadii Siyaad (xoog muquujin)oo aan og nahay in aanay suurta galeyn waayo maanta dadku waa wada hubaysan yahay dadkuna maahii dadkii shalay, sidoo kale qabiil ka adag ma jiro qabiil kale.

Waxaad sheegtay in ay jiraan beero, xoolo la dhacay ma kuwii faqashtii afweyne dan guud awgeed ugala wareegay xaarantana ku haysteen miyaad ka xun tahay in ay ku soo noqotay gacantii dadkii lihiga u lahaa dhulalka, beeraha, iyo guud ahaanba xoolaha.

fadlan indhaha fur hurdadna ka kac dibna u xusuuso wixii dhacay naac-naacda iyo probagandada (ALOW NA JEBINA ISKA DAA) waa group ku caan baxay markii afweyne lala dirirayay aaminsanaa in la jabayo hadii aanan dagaalka la joojin sidii kale kii UN-USta waligoodna u jooga lu gooyo.

Waan ku salaamay dooduna waa socotaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

EED HAWIYE

Friday, January 12, 2001 - 08:26 am
walee gidireey maxaa aragti kuu laaban ?
waxaad aamin san tahay waa bam waxaadna ku jirtaa waqrigii ay kugu qarxi laheyd .waxaam aqriyay ra'yigaagii laakiin waa mid qaldan dib ma u baartay taariiqda halganka looga soo horjeeday kali taliskii siyaad bare.ragna run ninkii u sheega ma jecla .
siyaad markii uu ladagaalayay majeerteen waxaa uu idiin soo bandhigay inaad majeerteen gumaadaan .
tankale markii daaroodiisimka dhacay si fiican ayeey idiin gumaadeen ilaa ay barkado idinku guraan. in badan oo h/gidirna waa ka qaxeen qaarkii siyaad dabadhilifka u ahaa sida ceydiid wuxuu ka mid ahaa kuwii usacbinayay horaantii bartamihii 80kii ceydiid wuxuu u shaqeynayey siyaad markii hindiya loo direy isla markii muxuu u goosan waayay?

markii uu sarkaal sare oo abgaal ahaa uu ka gubtay xasuuqii gaalkacyo markii maalin kaliya wuxii rag ahaa lasoo ururiyay h/gidir laguna gurey barkado uu ka gilgishay.
ileen abaal nin galey waa la'arkey nin gudasa lama arag uu u bandhigay hubkii ay jiitaan kuna soo jabhadeeyaan qaar badan ay ku diideen .

waxaadna ogaataa abgaal inuu ahaa walaakaa .
adigana aad tahay fartaada xun fil filiq kaagama harto
aadna soomaali oo dhan u soo urusatay
ceydiidna isagoon aamin saneen in siyaad xamar laga saari karo .
taariiqda waa been masheegto.tan kale 3 maalmood kahor in uu xamar yimid markii siyaad laga eryayay

halgankaan idinkaga kicinay daarood xag dhaqaale siyaasad iyo mid milateri.
in walaalkaa qaldan yahay ayaad hawiye oo dhan u tustay.
laakiin goor dambe ayay o gaadeen.
soomaali taariiq xun iyo hawiye-aduunka oo idil ayaad ku leedihiin.
runta ninka aan kuu sheegina waa xaasidkaa.
hadduu abgaal qaldanaa maxaa kuwii beenta kugu raacay u soo ceyrisay oo aan anigana u qaabilay.

sida
murusade
xawaadle
shiiqaal
ugu dambeyntiina kuwii aad ka dhalateen ee xitaa sacadka isku aheeydeen reer hilowle.
hadal iyo dhamaantii waxaad u shaqeynayseen kala go soomaaliyeed- ee uma shaqeynayn midnimo soomaaliyeed.sababtoo ah haddii hawiye isku dhici laheen w/galbeed iska daaye puntland ma jiri laheyn markaad halgankii hawiye iyo xaqii kamaqnaa sidaas ayuu ku baaba'ay.
magac xumo hawiyana idinka ayaa sabab u ah/
waxaas oo idilna waxaa sabab u ah fikraddii qaladka ee aaminsaneedeen.
gartaadana qaado.
haddii aad tan ku qanci weydana kolee iyo kolee taariiqdu waa been masheegto.
parlaman. ma qanacday

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Parlaman

Friday, January 12, 2001 - 12:13 pm
To:Lama yaqaan

Walaal ugu horayntii waxaad ka hadashay wax yaabo kal duwan sidoo kale eed baad dad ama qabiil u soo jeedisay.

Ugu horayntii marka hore la soco Qabiil ka fiican qabiil kale Somalia ma jiro.

Mida kale ee aad ka hadashay in la gumaadey Hawiye nin yahow xishood wax lagu farxo maaha in dad muslin ah lagu guro baraakado waxaadse ogaataa in ay dhacday taa mid ka xun laguna sameeyay dad u dhashay qabiilka ku sameeyay qabiilkii kale marka maxaa faa'iido ah oo aad adigu ku farax san tahay ?

Anigu kuma aan fahmin waxaad tahay iyo wixii aad matasho kama aan hadlin waxa aan anigu ahay dibna u aqri waxa aan anigu ka hadlay oo ahaa Siyaasad iyo hogaamiye sida Caydiid oo aanu ka doodaynay.

Waxaad ka hadashay gumaadkii Siyaad bare u gaystay reer Bari ugu horayntii waxaan taas kaa iri waxaa u gaystay dhibaatadaa Dawlad Somaliyeed oo loo wada dhan yahay qabiil kastana ay ku jireen xataa Majeerteenka aad sheegtay dadbaa ku jiray waxna ka gumaadayey reer Bari marka la soco waxa dhibaatada u gaystay Bari-Somaliland waa dawlad Somaliyeed oo aanan qabiil lahayn.

Arinta kale oo aad ka hadashay Abgaal sidoo kale Dagaalkii daarood.

Waxaan kaa iri walaal ma garanayo in aad la socoto in jabhadaha sida USC iyo SPM oo uu hogaaminayey Jees sidoo kale SNM ay saxiixdeen heshiis sadex geesood ahaa kaas oo ahaa in SPM ay koonfur qabato, sidoo kale USC ay qabato xoraysana gobalada dhexe ilaa Mogadishu, sidoo kale Snm woqooyiga.
Hadaba Jees waxaa uu yimi Afgooye isagoo qabtay dhamaan koonfur, Caydiid waxaa uu ku guulaystay in uu xoreeyo Mogadishu, hadaba maxaa dhacay ?

Ragii dawlada afweyne u shaqeenayey oo qabiil kaste leh sida Galaal, M sheeq cusmaan,x kULMIYE, Cumar carte oo ahaa Prime ministerkii afweyne in ay isku dayeen kuna guulaysteen in Caydiid ay ka horkeenaan reerkiisii taas oo ay ku guulaysteen kuna qasabtey in Caydiid ku laabto Ethopia.

Hadaba ragii afweyne oo qabiil kaste leh waxey u rogeen dagaal Qabiil kuna qaadeen dagaal Jees SPM taa macnaheeda oo ahaa IN DADKA LAGA QALDO HALGANKII AY KA SOO DIRIREEN OO AHAA IN SIYAAD BARE LAGA SAARO WADANKA.

Waxay heleen xoogag daarood ah sidoo kale Hawiye ah una dagaalama qaldana shacabka.

Waxaa dhacdey in dagaalkii ay abaabuleen uu noqday in lagu baa ba'o sidoo kale waxay isku dayeen in ay markale Mogadishu qabsadaan xikunkiina dib u hantaan taasi waxay keentay in Caydiid shacabkii markale cod sadeen in uu soo noqdo isagoo yimi qabtana Kismaayo dibna gacanta iyo maamulka u galiyey Ahmed Omar Jees SPM.

Dhinaca Abgaal walaal waxaa dhacday in Ali mahdi uu ahaa lugooyo ama xanibid iyo waliba dhabar ka jebin Caydiid iyadoon ognahay in Ali uu mar kale uu dib u doortay Prime Minister Omar Carte oo ahaa kii afweyne dawladiisii maadaxda ka ahaa, macnaheedu oo ahaa dawladii afweyne baa talisa Somalia weli kana dagaalamaysa Mogadishu waxay soo huwataba.

Waayo dawlad waxaa la dhisi kara
1-Markii dawladii hore laga saaro wadanka
2- In la qabtey hogaankeedii lana xukumayo,
3-In la dilo oo uu dhintay.

Marka sadexdaaba dawladii hore laguma sameyn macnaheeduna waxaa jira lana aqoonsan yahay dawladii hore oo safaaradaha oo dhami waa ay u shaqeeynayeen.

Waa ka xumahay allahana u naxariisto wixii ku geeriyooday maato kuli waxay wada ahaayeen dad Muslina Somalina ahaa.

Arinta Caato ee aad ka hadashay runtii Aideed waxaa la socday dad dano gaara lahaa lacag iyo awoodna rabay inay sameeyaan sida Caato oo aan la socono in maartii wadanka inuu gurtay sidoo kale in uu ka ganacsanayey Drugska noocyo kala duwan sidoo kale in uu mas'uul ka yahay dagaalkii lagu qaaday Ceelbuur Caydiidna uu joogey Beled xaawo isagoo wadanka ka saarayey Afweyne sidoo kale Beled-wayne taas oo ahayd Sabotage uu rabey Caato in uu uga hor keeno shacabka Aideed si ay u nacaan isagana ula wareego meesha, waxaa jirta in la sameeyay asassination la rabay in lagu dilo Aideed oo marar badan ka fakaday sida tii ku dhacday markii uu joogay Baardheere isagoo ahaa garaabo aadna u dhaawac may. sidoo kale waxaa la rabay in la dilo Jees oo ka fakaday isagana asassinationo runtiina qof walba tiisa markay gasho ayuu geeriyoon.

Walaal waxaa jira wax yaabo badan oo shacabka lagu qaldayey lagana indho saabayey si aysan u garan dantooda iyo weliba waxa u roon.

Ugu dambayntii waxaadka hadashay H-gidir waa qabiil ay ku jiraan dad xun iyo dad fiicanba sida ay ugu jiraan dadka kale dad ka fiican dadkalena ma jiro,
Marka waa jaahilnimo qofka necab ama ku farxo dad xumaati ama balaayo ku dhacdo.

Waxaana rabaa in aan meeshan kaaga qiro in maadaama aanu bani aadam nahay in uu qalad dhaco balse keena ugu caqliga badan in uu yahay kii gartaa qaladkiisa iskana ilaaliyo in markale uu ku kaco qaladkii.

Waxaan ilaah ka baryayaa in quluubta umadeena iyo wada jirkeeda isu keeno wanaagna ku abuuro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fact Finder

Friday, January 19, 2001 - 03:09 pm
TO Parlaman
Runtii waxaa iska kaa qasan, Laakinse waxaa jeclaan lahaa inaan wax kaaga sheego RRA iyo sida ay ku timid, RRA waxaa la aasaasey 1995 bishi november ka dib markii uu DHigyacabkii Ceydiid uu duulaan ku soo qaadey maamulkii laga dhisey gobolada Bay iyo BAkool, dagaalkii ugu horeeyeyna waxay la galeen taarikhda markey ahayd 4\11\95 halkaasoo qasaaro ba'an lagu garsiiyey Ceydiid iyo xulafadaiisa, Ethiopiada aad sheegayso waxay liiska noo soo gahsey 1999 markii ayada iyo Eritira isku dhaceen oo Oromana la keeney Baydhabo iyo Xudur si ay Ethiopia ugu duulaan.
In Ceydiidna wxuu yimid SOmalia October 1995 waxaana loo magaacabay gudoomiyaha gobolka Bay. Maxamed farah Jimcalena loogu magacaabey Bakool. Dhowr jeer ayuu ka fakadey dagaal ay RRAda ku qaadey meesha uu degeyahay. taasina waxaa kuu cadeyneysa in xaaskiisa 1999 lagu qabtey magaalada Baydhabo ka dbina lagu wareejiyey Lanqebta Cas.

Siyada cusub ee Habargedir ayaa siu rogtey in meesha laga saaro magaca RRA oo laga dhigo Ehtiopian waa tan ilaa hada Cabdiqasimna meesha ka sii wadey, Ethiopia hadey qabsan lahyd Baydhabo ma u maleyn lahyd inay RRA u dhaafto 80 tikiniko oo Ceydiid looga qabsadey dagaalka Baydhabo iyo iyo gawaari kaleba, taas ayaa kuu cadeynaysa in dadka deegaanka yihiin kuwa la dagaalamay HAbegdir ayna ilaa hadan wadaan sidii kuwa harsan looga sari lahaa.

Marka Mr Parlamanow taarikhda been ahka sheegin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaasim

Sunday, January 21, 2001 - 01:30 am
I am sory guys, ma ogi waxa aad u taqaanaan halgan balse waxan hubaa qabiil inuu yahey nin walbo sida uu uga hadlaayo kan ugu dhow, waxaana kaleeyahey arinta ninkaa dhintey iyo wiilkiisa labadab waa baadil ilaahna wuu ka jarayaa ciqaabta ummada ey u geesteen. Nin haddii uu marba yahey mid isu haleeya kuwa yar o hubeysan iney gaf ka ey geestaan uu isagu mas'uul kayahey. Odeygi Dhinteyna wax u dad u sameeyey malahan sababtoo ah being a General does'nt help to be a present of a country but the inteligence is what counts, waa xasuusanaa Cali Mahdi oo ann saas u sii siyaasad badneyn baa ka hor is taagey riyadiisi uu jeclaa inuu Soomaliya ka dhigo meel qurunto kana go'an aduunka intiisa kale, gaalada aad ka hadasheena waxey u yimaadeen iney ka badbaadiyeen caruurta uu cuna jirey Ceydiid hadaba hadal iyo dhamaan labadooda, mujrim caato, qeybdiid iyo sacad oo dhan hadaa laandiifinaa cause Dowlad ba dhalatey.

Guul A/Qaasim & Ciidanka Dowlada(CEYR)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RUNSHEEGE

Tuesday, January 23, 2001 - 12:24 pm
WAXAAD HALGAN TIRISEEN SOOW EE AAD CARUURTIINII U LAYSEEN SOOW MAANTA GALAYR IYO C/QAASIN IDIINMA TALIYAAN,GAANI IYO INTII KALAN BAARLAMAANKA KUMA JIRAAN.
HADABA HALGANKII WAA LAGU KHASAARAYE IS DHIIBA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaleif

Thursday, February 01, 2001 - 11:58 pm
aideed wants to follow in the foot steps of the late geneneral mohamed ziayd barre.that why his sons tool his place you say the hawiyee wants to create an history which is not based in reality.to haber geder the times is over soon on latter u will be isoliated in mogadisgu. your allies is deseting u.garreh gadsan dagoode sheikall. beumall. eliyay some dir and most of rahanwein. and the digil. so where u gone run. you will be hunted every day you becomed less in numbers.ppl want froget what have done to innocentppl after the fall the goverment so bare that in mind

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Parlaman

Tuesday, February 13, 2001 - 11:46 am
Walaalayaal intii aan oron karay waan iri wixii dhacay dhace taariiqdana lagama been sheegi karo

Labada garab ee siyaasadeed ee wadanka ka jira waa mide haraagii uu C/qaasim iyo intii kale ee ku jeela iyo dhamaan jabhadihii wadanka ka saaray ragimkii Siyaad.
waxaa jirta oo aan la soconaa in ay jireen haraagii afweyne iyagoo qabiil walba leh in ay ka dagaalamayeen wadanka 10kii sano ee la soo dhaafay.

Arinta C/qaasim runtii waxaan jeclahay in aad la socotaan dhamaamtiin marxalada maanta ay marayso waxaana gaarsiiyay kalsooni xumo shacabkana aysan matelin.
Awooda oo ah shacabka in ay maanta ugu jirto dhamaan ururada maamul goboleedyada iyo wixii lamida iyagoo ku hadlaya magaca shacab amaba gruop ay matalaan.

Halganka siyaasadeed weli waa socdaa waayo weli waxaa hanqal taagaya haraagii afweyne oo maanta dawlad sheeganaya !

marka walaalayaal shacabku dooni maayo maamul xumadii shalay iyo tuugadii shalay lala dagaalamay laguna xoolo iyo nafba waayey in maanta ay soo noqdaan qaldaana markale shacabka bal taasi dhici mayso waayo maanta ilkaha ayay ku hubaysan yihiin shacabku.

Aqyaarta ka hadashay dhinaca qabiilka walaalayaal qabiil ka fiican qabiil kale ma jiro waayo dadkasta waxay lee yihiin dad fiican iyo dad xun marka waxaa wacan oo wanaagsan in aan ku dayano qaadano wanaaga iyo wixii dan guud inoo wada ah dhamaanteen, sidoo kale iyadoon sheegayno keena xumaha wada.

Waan idin salaamay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.