site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Somalinimo ayaa xal ku jiraa

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Somalinimo ayaa xal ku jiraa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Thursday, November 09, 2000 - 09:40 am
Qabiil mar ayaa loo baahnaa. Waa markii aan la haysanjirin gaadiid, isgaarsiin, oo intii isu dhawiba ay ku qasbanaayeen iney wada shaqeystaan, iskaashadaan. taasna ay keentay iney magac labaxaan. kaasoo ah mgaca loo yaqaan koxdooda ama qabiilkooda.

Hadda waqtigaa waa laga gudbay oo intii isku luqad, dhalasho, iyo deegaan ahba wey wada xariiri karaan. Madaama ay waxyaalo badan wadaagaanna, waxey ku qasbanyihiin iney ilashadaan dantaa guud. Sidaa daraddedd, madaama ay ka badan yihiin qabiil, waxey la baxeen dawlad ama magac qaran.

Mareykanka, Japanka, Talyaniga iyo kuwa badanba waa dawlad. waxeyna fahmeen farqiga u dhaxeeya dawlad iyo qabiil. kadib, waxey u arkeen iney dani ugu jirto iney qabiil ka tagaan oo ay dawlad noqdaan. Haddana dawladnimada ayay suala iska weydiiyaan, ayagoo la barbardhigaya qaaradnimo calankeeda gaarka ah leh, sida European Union iyo kuwa badan. waxeyna u badantahay in ay u arki doonan in tan danbe u faaiido badan tahay. Waayo dadbadan ayey dani ku jirtaa.

Anaga Somali ayaa nahay, dawlad ayaanan nahay. Waxaana hubanti ah inanan wali is barbardhigin farqiga u dhaxeeya dawlad iyo qabiil. Sidaa daraaded aan wali u nahay qabiil daacad. Taas waxey keentay in magaca Somaliyeed wadamada shisheeye ee aan jecleyn Somali, ama ha u nacaan waa cadawgooda koowaad ama ka midab duwan ama ka dhalasho duwan iyo kuwa badanba, ku noqdaan cadaw. Kuwii magaca u dhasheyna ku noqdaan cadaw waayo qabiil ayaa uga horeeya. Magaca Soomaliyow yaa kuu maqan?

Ilaa aan ogaanno in laga gudbay xili qabiil, oo ogaanno in loo baahan yahay qaran, qaxooti nimadu wey sii soconee, waxaana ku xigi doona dad aad u nasiibadnaa oo ilaahey dhulfiican, qurux, iyo dadnimo isugu daray oo aan ka faaideysan oo haddana addunka tirtirmay yaa jiri jiray.

Dadka aaminsan in nationalism laga gudbay, waa dad lunsan oo saxaafadda wadamada galbeedka ay marin habaabisay. wadan walba waxa uu isaga socaayo wadamada kale oo u rabo inuu ka dhaqaalo batto, ka banooni fiicnaado, ka orod badiyo, ka wadan qurxanaado waa nationalism. Xalku meshas ayu ku jiraa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.