site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Midow Somalia Ma danbaa noogu jirta

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Midow Somalia Ma danbaa noogu jirta
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 10, 2000 - 04:01 am
Mar hadii aan so marnay kaligii taliyenimo is xasuuq qabiil wax ku qaybsi iyo cadaalad darro maxay tahy faa´iidada noogu jirta midowga somalia.Miyaysan habooneyn in gobal walba gooni ubaxo goonina isu xukumo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaamca

Friday, November 10, 2000 - 05:15 am
Waa runtaa soomali is nacday oo wax ay isku falayso majirta sidaa darteed qolowalba waxaa u roon isnay is xukunto ooy iyadu danadaheeda ka taliso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Friday, November 10, 2000 - 12:34 pm
Midowga Soomaalidu waa isku geynta XOOGGA,CAQLIGA iyo aqoonta ummadeeda, si nabad iyo barwaaqo ugu noolaada dunida maantey aan qofna qof wax u ogoleyn. Haddaysan midoobin oo u taagnaato gobolgol iyo kali kali, yaa ku deynaya sidaas, soo midkasta meesheeda lagu jaqiiqsan maayo.

Marka yaan la oran, maxuu walaalkey goosha iiga umiyey, ee ha la fiiriyo, anniga iyo walaalkey yaan waraabe na kala cunnin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYWALINJO

Friday, November 10, 2000 - 02:33 pm
NACAS SIIS U YAALO LEE DAY WAXAAN MAA NOOGU SOO WACADI SIDI NIN WAX FIICAN NOO HAAYO OO KALE
WAA NA SOO LUG GOOSI ILAAHEY MEEL KALE HA KAA TUSE
SEE U HADASHI ADINA INTEE DHIIGAA KAA MARINA UNUKA SOMALI MAA KALA MAARANAA NI , SEE AHAAN WAXAABA IIGA SII DARAN KAN JAMAC LA DHAHAAYO OO KU RAACI SOCO DABAL AAN FAKAREEN OO ADINKO KALE AH AA DADKII BAABIYEE HADANA RIAYADEEYN LEE GOD DHEER HA KU TUURINA ILAAHEY MA DHIHIN SAAS , ILAAHEY RAALI AAS SOMALI KA AHAAY HADANA WAXAAN KISTOO IMTIXAAN LAYS AHAAY WAA ARKI DOONTAA INII SHANTAAS ISKU TIMADO OO HAL NOQOTO KA NAX AMA KA FARAX WADNAHAA LA DAHEE ,
HADII GOONO GOONI LOO ISTAAGO SHUMEE CADOWGAA LA TARTAMEE HADA SOMALOLAN KALIGEED ETHIPIA MA ISKA REEBI KARTAA MA KU AADA HORTA HADII BARI IS GALAAN ??? SEE U HADLEE MAXAA RABTAA INII MIDKATSO MEEDEES LAGU BIREEYAA OO CASAR DHEER LA BOOBAA? AQLI HADII MEEL LAGU GADI LAHAA ADI IYO WIXI KULA FIKRADA AH AA U SOO GADI LAHAA LAKIIN SORRY ...
CALOOSHAA I HURTI MARKII WARKAAN MAQLI EE RAALI IGA AHAADA WALAAL YAASHEEY XUMAAN HA IGAQAADANINA
HALAYAS CAFIYO ....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuur

Sunday, November 12, 2000 - 04:15 am
wixii hore udhacay sanadadii 90s marka la eego ma fiicna in in somalia ay midowdio xiligan xaadirka ah.Dadkan gobolada dhexe iyo koonfurta somalia deganna ma aha dad wax lala wadaagi karo. sidaa daraadeed maxaan ku diidaynaa in aan kala daneysano. ooo nin walba iskii isku xukumo. Puntland, Somaliland, Hiiraan, Arlaadiland, Jubbaland,etc.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYWALINJO

Sunday, November 12, 2000 - 11:21 am
TO NUUR
IDAA NUURULUM HAADA , KEYFA DALAAMUKUM .
WAR JIRE MOOG AA TAHAY hadii somalilan , putland, hiiran .jubnlan,arlaadilan ( wixii ka wadid ma kasin ani ee )
hadii intaas aa goosi yaa so hari hee? kuligodna intee ka goeen inteesana u goeen . amxaarna yaa ka celihaayo hadii saas u goaan wa u jeeda inii amxaarta dakad iyo badd loo waayi oo asmara u diidi wixii ka raacina caalamka oo dhan aa ogaay.
indhahaa fur 90s mar marsiiyo mahinee kuligeyn aa is dilni waana laga heshiin karaa baw dhim majira waxaa la yir afka ilkaha iyo carbka aa isaga dhow ayagana waa is qaniinaa .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 12, 2000 - 02:47 pm
Aywalinjo

Aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay, figradaada wanaagsan iyo jaceylkaaga aad ku dooneysid in aad aragtid Soomali weyn oo urusan.

Tani waa hibo u qaasa qof kasta oo aan neefsan dabeysha sunta ah ee qabiil isku dirka(yacni qabiil qabiilow ma qaadin naftiisa, ee waa ka fiyowyay waxaas xun oo dhan.)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Basbaas

Wednesday, November 15, 2000 - 11:01 pm
Somalia inay goboladu is xukumaan waa arin lagaga hortagayo cabudhinta dawlada dhexe.
Ismaamulka gobolada ama federaalka odhanaya waa inaya dawlada dhexe aanay awood ku yeelan maamul hoosaadyada oo mrkaa gobolkiiba uu wadankuu rabo caalamka la macaamili karo iyadoon dawlada dhexe ogolaan,taasi waa dawlad la aan waana habka ay wadaan nimanka sheeg sheegayo wadanka afar gobol haloo qaybiyo.

Markaa waxaa soo baxaya gobol ethiopia la heshiis ah iyo mid kale oo la col ah oo aynan dawlada dhexe waxba ka qaban karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 17, 2000 - 07:41 pm
oo hadda ma idinkaa isku keeni kara, nin walba ha tashato maxaa isugu kaaya jira.
somalia waa kala tagtay, somaliland, puntland, south-west state.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, November 19, 2000 - 09:35 am
midowga soomaaliya ma danbaa inoogu jirta?
waa su'aal iga yaabisay,dadbadanna ay ogyihiin in siyaasaddaasi ka soo jeeddo dhanka ethiopia,taasoo ah mid aan doonayn midowga soomaaliya,ahna mid dani ugu jirto oo kaliya balse inaga maxaa ina kal kaxaynaaya?
qofka page-kan furay muxuu yidhi,"ka bacdi xukunkii kaligii taliska qabiil wax ku qaybsi iyo caddaalad darro" sxb miyaysan jirin xal kale?miyaysan ahayn waxa aad sheegaysaa wax tagay?
maanta iyo barri inaan ka hadallo miyaysan haboonay iloowno wixii tagay hubinana inaysan mar labaad dhicin?
xalku maahan aan kal yaacno oo sidii gumaystihii inoo kala qaybshay aan ahaanno.
fadlan bid ugu laabo arintan way khaldan tahee.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.