site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SOMAALI BADAN AYAA U BAAHAN IN SHAADADA LOO QABTO MAR LABAAD

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: SOMAALI BADAN AYAA U BAAHAN IN SHAADADA LOO QABTO MAR LABAAD
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SALAL

Friday, November 10, 2000 - 09:40 am
ASSAAMU CALAA MAN ITABACAY HUDDA
WALAALAYAAL DHAAMAANTIINA WAXAAN IDIIN KA DIGAAYAA IN AAD OGAATAAN DHAMMAAN WAXAAAD KU QORTAAN HALKAN IN LA QORAYO LAGUNA WEYDIIN DOONO MAALINTA QIYAAME.WAXAA DHACDA IN WAXYAALO BADAN OO DADKU QORAAN SOMALINET, AY TAHAY GAALINIMO CAD, IYADOO DADKA AY KA SOO YEEDHAAN WEEDHAHAAS AYAN LA AHAYN IN AY WAX DHIMEEN.
NEBIGEENNII SUUBANAA(NABAD GELYO IYO NAXARIIS KORKIISA HA AHAATEE WUXUU YIDHI, "LABO NOMCO OO DADKU SIRMAAN AYAA JIRA OO AH: CAAFIMAADKA IYO FIRAAQADA".
WAXYAALAHA LAGU GAALOOBO WAXAA KA MID AH:
1. SIFAADKA ILAAHAY OO LUGU JEES JEESO AMA LADIIDO.
2. SALAADDA, SOOMKA IYO DHAMAAN CIBAADADA ILAAHAY OO ULA KAC LOO DIIDO.
3. ASTAAMAHA QOFKA MUSLIMKA KA MUUQDA OO LAGU CAAYO, KUWAAAS OO AYAADO QURAANKA KARIIMKA KU CAD SIDA XIJAABKA, OO QAAR DAADKA KA MID AH KU SHEEGEEN TEENDHO AMA MAGACYO KALE.
4.QURAANKA OO CILADO LOO YEELO MA LA CAAYO.
4.XADIISYADA NEBIGA OO LA DURO.
6. DIINTA ,ILAAHAY, MALAA'IGTA IYO NEGIGA OO LA CAAYO.
7. JINKA IYO SIXIRKA OO LAGU SHAQEYSTO.
8. FAALKA IYO CURAAFINIMADA.
9. WIXII SHAREECADA LAGU XARIMAY OO AAD TIDHAADO WAA XALAAL.
10 HAWEENTA ISLAAMKA AH OO GUURSATA IN AAN MULIM AHAYN, SIDAAASNA WAXAY KU CADDAHAY QURAANKA BARAKEYSAN. IYO UMUURO BADAN OO AAN LA KOOBI KARIN.
NEBIGEENNU(CSW) WUXUU YIDHI, "MULIM WAXAA AH QOFKA MULIMKA KALE KA NABAD GELIYA CARRABKIISA,ADDINKIISA IYO GACMIHIISA".
MARKAA WALAALAYAAL WAXAAN KUSOO GUNAANADAY HADALKAYGA WEEDHII CUMAR BIN KHADAAB,ALLE HA KA RAALI NOQDEE: ISXISAABIYA INTAAN LA IDIN XISAABIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IDIL

Saturday, November 11, 2000 - 11:43 pm
walaal waad ku mahadsantahay aqoonta aad dadka walaalaha aad u sheegtey ee ilaah hakaasiiyo ajar iyo xasanaad runtii waa wax sax watafsiirka aad ku soo qote anaga bini aadam ayeynu nahay inkastoo dadku heer xun kala maraayo waxad arkeysaa nin oranaaye qabiilkaas waa yahuud oo kale ama cadaabtey ku waarayaan laakiin ani ahaan majacli in aan qabiil caayo laakiin markii qabiilkeyga oo laoranayo naartey ku waarayaan ama salaada lagama aqmalayo runtii waan u jawaaba aanigoo caan laakiin kaas camal baa sheydaan kugu noqon ee ilaah hanaga qabto sheydaan ka qofkii calooshiisa buktana ilaah baa caafin karo qabiil aan qofka dhiman maanto jirto .
waana ku mahadsantahay ee ilaah hakaasiiyo ajar xasanaad ,anaga qeyrka alaha anwaafajiyo
AAAAMIIN -AAMIIN-AAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxibbulllah

Monday, November 13, 2000 - 08:32 pm
Walaal Salaal Jazaakallahu khairan'

aad ayaan ugu farxay waanadaada, indhaheygana illin ayaa ku istaagtay markaan akhriyey, Xaq baad ku hadashey Allah na waafajiyo

Walaal

Kuwa sifaadka aad soo sheegtay ku hadlaya waxaa u kaalmeeya oo raalli ka ah culumo la dhaho Salafiya Jadiida oo rabta diinta inta ka hartay iney baabiiyaan, Guruubkaas waxaa asaasay nin la dhaho Rabiic Al Madkhali, ummadda saas u baadiyowdena raalli ayey uga yihiin haddaan dadka laga qabanna, kulli sidaasaan wada noqoneynaa.

Walaal waxaa tagtaa bogga

" Islam, current" mowduuca
"Jaamiyadda ama madkhaliyiinta ma Jamaacadbaa?"

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.