site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

TO:DHAMAAN UMADDA SOOMAALIYEED

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : TO:DHAMAAN UMADDA SOOMAALIYEED
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOYAAL

Sunday, November 12, 2000 - 09:36 pm
Sida aynu la wada ognahay umadda soomaaliyeed waxay soo martay marxalado kala duwan tan iyo intii aynu xaqiijinay jiritaankeena umaddeed,marxaladahaas nololeed oo inteena garaadka leh maanta ay soo mareen ama ay arkeen kuweena ku qaan gaaray burburka,hadaba ujeedada ka danbeysa qoraalkan waa sidii aynu isaga ilaalin lahayn isku dhac kale amaba in uu inoo bilaabmo mar kale wareeg cusub oo ah ku hardanka maamulka umaddan u baahan badbaadada.runtii maanta waxaa dhibaatada dareemi kara qof walba oo soomaali ah oo jooga dhulkiisa hooyo oo aan ahayn SIYAASI,AMA GANACSDE.hadaba hadii aynu nahay inteena ay saameeysay dhibaatada ama danyarta ah maxaa danteenu ku jirtaa?Su'aashaa jawaabteedu waa!

1-si aynu u xaqiijino kalsooni shakhsiyadeed waa inaynu garanaa xooga burburkeena loo adeegsay inuu yahay ubadkeenii,si aynu taa uga hortagnana waa ineynu garanaa in mabda'a jira uusan ahayn mid kaa qancin kara inaad lumiso shakhsi aad kalgacal ka sokow aad u lumisay waqtigii ugu qaalisanaa noloshaada.

2-Ineynu garano in shakhsiyaadka ku hardamaya wadanka yihiin rag danteenii guud u lumiyay mid gaar ah,iyadoo ujeedadoodu ay ka fogtahay malaheena ah kan qabiilka,waayo waxay ay lumiyeen mas'uuliyadii ay u hayeen umaddooda taa oo ahayd adkeynta midnimada umaddooda iyo badbaadinta sharafta iyo qaranimada umadda soomaaliyeed.

3-waxaa inoo cad maanta in wadankeenu uu ku sugan yahay marxalad xun,marxaladaas oo ah mid ka mug weyn khilaafkeena bulsho,khatarna ku haysa jiritaankeena umaddeed,taa oo ah.

A-faragelinta siyaasadeed ee wadamada carabtu ay kuhayaan soomaaliya oo noqotay mid ay ku tartamaan siyaasiyiinta soomaaliyeed,iyagoo fulinaya dano siyaasadeed oo ka baxsan dantena umaddeed.

B-Waxaa iyana taa jawaab u noqotay in qeyb ka mid ah ragaasi ay door bideen iney iyaguna u janjersadaan xagaas iyo itoobiya,qoladani waxay ku qanci waayeen qaabka ay dowladah carabtu wax u rabaan.

T-Dowlada talyaaniga oo iyana fara galin xun ku haysa arimaha soomaaliya,dowladani waa ta abaabushay shirkii carta wadata saraakiishii dowladii milatariga ahayd qeyb ka mid ah, shikhsiyaadkaa oo la fahansiiyay inay iyagu yihiin kuwa wax ka badeli karkhilaafkan maadama ay khibrad u leeyihiin qaab dhimeedka dowliga ah.

Waxaan mar labaad aan ka codsanayaa waalidiinta soomaliyeed iyo dhamaan dhalinyarada soomaaliyeed inay gartaan qarinimadan aynu burburinay inay ahayd mid aan sahal loo helin oo uu dhiig badan ku datay dhiig fara badan,waa inaynu garanaa qaranka soomaaliyeed inuu ka dhashay halgan dheer oo ay awoowayaasheen u soo galeen xaqiijinta jirtaankooda umaddeed,dhowrida xaq qofka soomaaliga ah,raadinta midnimadda umadda iyo xaqiijinta sharafta qofka soomaaliga ah soomaaliyeed.
Waxaan rajeynayaa inaad ila garataan ujeedada hadalkeyga,waxaana u rajeynayaa umadeyda inuu ILAAH ka saaro marxaladan adag ee ay ku sugan yihiin maanta. MAHADSANIDIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saciid salax

Monday, November 13, 2000 - 11:49 pm
TO sooyaal.

Walaahi hadii ay soomaali u fakareyso sida aad u fakareysid dhibaataba ma dhacdeed waad mahadsan tahay walaalkiis waxaa balan igu ah inta aad tiri inaan gaarsiiyo qof walba oo soomaali ah.
thz bro soomaaliya ha israacdo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ASAD

Tuesday, November 14, 2000 - 07:22 am
TO SOOYAAL
WALAAL WAA MAHAASAN TAHAY WAXAAD MEESHAAN GU SHEEGTAY IN NIMANKA AADAY CARABTA AY JAWAAB UNOQOTAY KUWA AADAY ITOPIYA TAAS WAXAN KALEEYAHAY.
1>SOMALIYA OO QARAN AH AYAA ITOOPIYA DAD AAN WADANIYIIN AHAYN AADEEN SIDAY DADKA BADANKIIS LASOCDAN ITOPIYA WAA CADOWKA SOOMALIYEED LAAKIN NASIIB TARO MAANTA DADKI WAXA UMUUQDA REER QURAC IYO REER QANSAX LAAKIN WAYSKA DHAMAAN DOONTAA.
ANIGOO GU HADLAYO MAGACA DHALIN YARADA SOMALIYED
WAXAAN DHIHI LAHAA ITOOPIYA INAY FARAHA KALA BAXDO ARIMAHA SOOMAALIYA ANAGU HADAAN NAHAY DHALINYARADA SOOMAALIYEED EE DIBADAHA JOOGO IYO GUWA GUDAHABA WAXAAN IDIKA BALAN QAADEENA HADII NALOO BAAHDO DIFAACA DHULKEENA INAAN DIYAAR UNAHAY ANAN DIB USOO JEESAN ILAA DHIBICDANADA DHIIGA UGU DAMBAYSO ILAA SOOMAALI OO DHAN KA XOROWDA GUMAYSIGA ITOPIYA.
2>CARABTA WAA DAD WALAALAHEEN AH NATIONAL SECURADKEENA QATARGUMA HAAYAAN.


THANKS SOOYAAL XASUUSIKA AAD NASOO XASUUSISAY XAALADA WADANKEENA UU GU SU KAN YAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Wednesday, November 15, 2000 - 11:55 am
to soyaal & asad

Ugu horeyn sooyaal waxaan kaaga mahadcelinayaa sida niyad wanaaga ah ee aad u soo bandhigtay qormadan danta u wada ah dhamaan umadeena,waana arin u baahan in laga wada hadlo lana is xasuusiyo mar walba,sababtoo ah dadka maanta huwan magac qabiil waa dad yar kuwaasuna dan gooni ah ayay lee yihiin,marka waxaan ilaah ka baryayaa in umaddeena uu tuso xaqa.arinta kale ee ah asad walaal itoobiya dhul bey inaga heesataa oo waxaa halkaa ku maqan dad ka badan kuwa soomaaliya degen maanta,dhibaatada itoobiya iyo soomaaliya dhextaalna waxaa lagu dhameyn karaa wada hadal,teeda kale ogow cadowga soomaaliyeed dadkeenu waxay u haystaan weli in ay tahay itoobiya waxaase idiin sheegayaa carabtu inay yihiin dad aan ogoleyn jiritaankaaga waxa dhibaatada ka dhex wada itoobiya iyo soomaaliyana waa carab,marka waxaad tahay mulim mase tihid carab waxaan ilaah ka baryeenaa ineynu noqono kuwo dantooda arka.wa bilaahi toowfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qaasin

Monday, November 20, 2000 - 11:06 am
Waxaa u maleenaa in dagaal soo dhow yahay maxaa
dhacay qof kasta oo tuug ah wuxuu rabaa sidii siyaad oo kale qof kasta oo caqli leh wuu u jeedaa in siyaasiyiinta tuugo yihiin,marka waxaa fiican ama ay ila tahay in aan dagaal lagu raacin hadii ay dagaal rabaan iyaga ha is dilaan ilaahna umadda ha kala badbaadiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

habareey

Monday, February 05, 2001 - 03:47 pm
sooyaal, waadmahadsantahay haka rajo dhicin inaad maalin maalmaha ka mid ah aad ka guul gaari doontid isku keenista umada somaliyeed ee muslimiinta ah, Nabadeey aqyaarta.

keep up the work, brothers!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keynaan

Sunday, March 18, 2001 - 01:37 am
sooyaal waad ku mahadsan tahay qormadan qiimaha leh,waxaan arkayey mudo badan waana dhaafi jiray sababtoo ah soomaalidu ma jecla wanaaga iyo quruxda noloshu ay leedahay.hadaan u soo laabto qoraalkii mirihiisa runtii kuma arag weli goobaha ay soomaalidu ku doodaan arin si dhab ah u taabaneysa xaqiiqda jirta waxaanse kaa codsanayaa inaad maqaaladaada badiso oo aad dadka wacyi geliso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.