site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA MANOQONKARAAN LABA WADAN OO WALAALO AH

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA MANOQONKARAAN LABA WADAN OO WALAALO AH
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XALDOON

Monday, November 13, 2000 - 11:22 am
Hadaynu taariikhda dib uraacno soomaaliya iyao itoobiya waxaadhex tiilay arimo cadaawadeed oo dheer ilaa iyo axmed gurey . Hadaba ma hagajin karnaa oo walaalo ma ka dhigi karnaa xiriirkeena anagoo ku dhamaynayna wixii khilaaf ah wada hadal iyo walaalatinimo ilaa ilaah baa inaga wada dhigay deris waxaan u jeedaa dhul iyo dadba in layna ga haysto? MISE DAGALKII BAAN MEESHA KA SII WADNAA OOLAYNAGU DANASTAA LABA QOLOBA WAA SOOMAALIYAIYO ITOOBIYABA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

al-khartuum

Monday, November 13, 2000 - 07:24 pm
Jawaabtu waa maya walaalo ma noqon karno. Xalka ugu wanaagsan waa wada hadal maxaa yeelay dagaal hadii la yiraahdo shacabka deegaanada G/shanaad ayaa ku dhamaanaya. Wadahadalka haduu fashilmo xalkale meesha mayaal ee waa in xoog lagu soo celiyaa. Maxaa yeelay xaqdarrada ay ethiopia ku hayso soomaalida dhamaanmayo si kasta xukuumada ethiopia ay isaga dhigto xukuumad caadil ah oo shacabkeedu u wada simanyihiin...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WAXGARAD.

Monday, November 13, 2000 - 11:33 pm
somaaliya iyo itoobiya waa laba wadan oo daris ah,lehna taariikh dheer oo aynan halkan ku soo koobi karin,hadaan u soo laabto su'aashaadii ahayd iney labada wadan noqon karaan walaalo waa mid macquul noqon karta mustaqbalka, weynu wada ognahay in itoobiya iyo soomaaliya ay u dhaxeysay cadaawad fog oo asalkeedu uu ahaa diin ka dibna isku bedeshay dhul,hadaba shakhsi ahaan waxaan oran lahaa hadii aynu is barbar dhigno xurgufta siyaasadeed ee u dhaxeysa itoobiya soomaaliya iyo danaha gaarka ah ee ay wadato dowlada masaarida waxaan oran lahaa waxay dani inoogu jirtaa in khilaafkaa lagu dhameeyo wada hadal,waayo maslaxada soomaaliya waa taa,sababtaan taa u leeyahay waxay tahay hadii aynu ka tusaalo qaadano waaya aragnimadii ay masar ruuxeedu heshay markii ay heshiis bareer ah la gashay isreal oo ah cadowga koowaad ee islaamka si ay u hesho(sinia).Hadaba miyeysan nala gudbooneyn ineynu anaguna ku dhameyno wada hadal siyaasadeed si geeska africa u noqdo deegaan nabadgelyo sugan leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xornimo

Wednesday, November 15, 2000 - 09:18 am
walaalayaal assalaamu calaykum

Intaanan is weydiin su'aashan aan marka hore xusno taariikhda.

Itoobiya wax la yiraahdo horey uma aysan jirin, nimankan amxaarada ah oo danaysi ku socday, garabna ka helay reer galbeed yaa sameeyay magacan.

dhulkan waxaa loo yiqiin waagii hore ARDUL XABASHA, waxaana deganaa dadka Koshitiga la isku yiraahdo (Oromada, Soomaalida, Cafarta iwm).

Amxaaro kasoo qaxday Yemen oo ka hartay imbaraadoorkii Abraha ee kacbada ku duulay, sida ay sheegayso Suurada Alam tara ayaa waxay deegaan iyo naf kasoo raadiyeen dhulkan ardul xabasha.

Dadkii halkaa deganaana dagaal culculus yay la galeen Amxaarada rabtay inay boobto, maadaama ay Amxaaradu ka ilbaxnimo iyo xadaaradba horaysay dadkaa ayay u suurtowday inay xoog ku degto halkaa iyadoo weliba kaalmo ka heshay quwado shisheeye.

waxaa kaloo arinta deegaanka ka sokow la isku diidanaa arin diimeed waayo Amxaaro waxay ahayd Kiristaan waxayna rabtay inay dadkaa ku qasabto diintooda.

Waxay raftaanba, waxaa soo baxday diintii Islaamka
waana midda keentay inay Oromadu u kala jabaan qaar qaata Islaamnimo oo la xuso taariikh ahaan inay Soomaali halkaa ka dhalatay, oo dadkii qaatay Muslimnimada ay sidaa Soomaaliya ku degeen kuwii kalena ay u kala jabeen kuwa raaca Amxaaro oo iyagana usii kala baxay qaar Kiristaamoobay iyo qaar Cawaanimadoodii iska sii haystay, balse loogu beerlaxawsaday in cadaawada ka dhexeysa iyaga iyo Amxaarada Kiristaanka ah ay dib u dhigtaan maadaama uu yimid Islaam raba inuu labadoodaba liqo.

Waxaana caddaynaya kala guurkaa magacyada ay ka mid yihiin Gaal oo macnaheedu tahay qof aan Ilaahay rumayn oo aan muslin ahayn, Oromadana waxaa loo yaqaan magaca ah GAALLA oo ay Amxaaradu u bixiyeen dagaaladii dhex maray darteed, waana mida keentay Gaalkacayo, Gaalduug iwm.

Sidoo kale waxaa tusaale cad iyadana ah magacyada ay ka mid yihiin Ceel waaq, Caabud waaq iwm, Oromaduna waxay Waaq u yaqaaneen Ilaah.

Haddaba Shacabka reer Itoobiya iyo Kan Soomaalida waa walaalo isku asal ah (marka laga reebo Amxaaro iwm), balse waxaa jirta arintaan la xiriirta diinta oo dhalisay cadaawad diineed.

Wabillaahi Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

komaande

Tuesday, December 19, 2000 - 07:57 pm
Horta waa lawada ogyahay inaanan ethiopia walaalo noqonaynin weligeen, inta ay jirtana dagaal dhamaan mayo. Hadii aan nasiib leenahay, waan bur burin karnaa ethiopia. Ma dhib badna si loo bur buriyo ethiopia: ethiopia waa emperial state oo hadii taliska jira xoog lagu jebiyo, qawmiyad walba gaar ayey isu taagaysaa oo ethiopia danbe ma jirayso.
Marka nabad waxaa noogu dhaw somalia oo taageerta qawmiyadaha aan amxaarada iyo tigreega ahayn, dabadeedna israacisa inta jabhaduhu jabin waayaan(capturing addis,i.e), qawmiyad walbana xornimo siisa, ama somali wayn kusoo dadha.
mahad sanidiin

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.