site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaa kuula yaab badnaa is beddelka dhaqanka iyo Diinta

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Maxaa kuula yaab badnaa is beddelka dhaqanka iyo Diinta
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muriidi

Monday, November 13, 2000 - 11:56 am
Waxaad noo sheegtaa waxyaabihii kuugu yaabka badnaa ee iska beddelay dhaqanka iyo diinta Somalida qurbaha timid.

Aniga waxaa iigu yaab badnaa, anoo markii hore la yaabanaa farraatiga nimanka iyo naagaha is gursada ay isu galiyaan, ayaan haddana waxan arkay, naag aroos ah oo intay ubax ama fiyoore qaadatay oo sii jeesatay gadaal gadaal u tuurtay oo gabdho kalena ay isku dagaalayaan tii qaban lahayd, sidii aroosyadii gaalada. Subxaana, filin leen ku arki jiraye rurumeey waaba tanaa.

Bal adna maxaa kaa yaabiyay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaabane

Tuesday, November 14, 2000 - 04:13 am
Aniga waxaa iila yaab badnaa:

Arooskii iyo aroosaddii ayaa soo galay waxay xidhanyihiin dharkii hidda iyo dhaqanka haddana waxay isku dhunkanayaan dadka hortooda.

Waxaa kaloo iila yaab badnaa aroos loo soo kireeyay naag carab ah oo niikisa oo xidhan kastuumo iyo iyo rajabeeto kaliya.

Ilaahow na badbaadi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amakaag

Wednesday, November 15, 2000 - 03:36 am
Aniga waxaa iigu yaab badnaa wiil iyo gabr qaata ceyr oo arooskooda soo kireystay Helicapter magaalada London. Illeyn Soomaali iney ceyr qaadato waa la ogyahay jaarkooda cadaanka ahaa ayaa la hadlay Policeka illeyn waxay u heysteen in Prime Ministerka kusoo degaaya xaafada, mise haday Policeka yimaadeen waxay la kulmeen maryooley Helicopter saaran!!!Lacagta soo gudaa ka dhacday!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Wednesday, November 15, 2000 - 08:19 am
Ani waxaa iila la yaab badan caqli yaraanta dadka kor wax kusoo qoray. Dadku siday rabaan ayey ugu damaashaadi karaan guurkooda. Soomaalidii hore meelo dalka ka mid ah xafladda guurka waxaa ka mid ahaa in rasaas cirka loo rido. Taasi ma ka fiican tahay gabar ubax tuuraysa ama kaatun xiran? Ceeb ma aha in dadku wax kala barto, gaar ahaan waxayaabah aan cidna wax yeelayn sida ubax la tuuray!
Ka fekera wax intaa ka qiimo badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muriidi

Wednesday, November 15, 2000 - 01:04 pm
Galool

Horta ninyahow geedka isku magacaabay, ma caqligaad geed ka tahay mise waxbaa kuu dhiman.

Mowduuca laga hadlaayo ma aadan fahmin, ee dhexda ayaad kaga soo booday ee bal horta dib u joogso.

Ubax la tuuray iyo farraati la isu galiyay ayaad tiri macna ma leh, war ma dhaqan beynu u lahayn, maxaadse u maleynaysaa dadka sidaa yeelaya inay u yeelayaan. Ma aha wax sidii waxyigii iskaga soo dagey ee waa wax ay ka soo minguuriyeen dhaqamada gaalada. Sow ma ogid hadba qowmka aad iska dhigto inaad ka mid tahay?

Saxb ma garaadkaa kugu yar mise aqoonta? Dadka ha hodin, waxaan sheegayaa inta kaa maan gaaban, orodoo adigu markaad guursanayso u gali naagtaada farraati, dabeed u sheeg inay Ubax dabadeeda ka tuurto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Saturday, November 18, 2000 - 07:14 am
Muriidi

Raalli ahow ninyahow. Wax ma ogid. Wax aan macne ku fadhiyin aad wax weyn ka dhigaysaa. Cabsida aad qabto in dadku gaalo ku deydo kuma saleysna cilmi. Ma jiro dunidan dhaqan aan isbeddelin oo wax ka baran dhaqamada kale ee u dhex galo.

Dhaqanka biniaadamku waa cunsur nool, sida dadka oo isbeddela oo la kora korista dhaqan-dhaqaale ee ummad kasta.
Dhaqankeenna ma aha in aan sarwaal iyo shaati xiranno waxaana jirtay beri aan fogayn in maangaabyada adoo kale ahi ay lahaayeen waa gaal qofkii sarwaal lagu arakaa!( waxaa loo bixin jiray magacyo cay ah sida gaal-ismood etc)

Maxaad u aragtaa haddii dadku kaa maqli lahaayeen ina laga sameeyo aroosyada Soomalida? Bal soo qor.

Raganimada waa ka baxsantahay in haweenka farraatiyadooda, dharkay xiran yihiin iwm la dhex galo. Dhaaf waxay tuurayaan ha tuureene.
Ummadeennii ayaa gaajo, cudur iyo colaad u dhamaatay adna ubax, farraati aad maanta oo dhan ku wareegee. Kor saxiib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMED

Monday, January 01, 2001 - 08:43 pm
XAYAWAANKAN GALOOL XAGEE NOO WADAA? WHAT IS NEXT?. WAAYAHAY TANA IGU RAAC MR GALOOL.AROOSADU WAA INEY RAGA MEESHA JOOGA U NIIKISO OO SIDII GO GO MEELAHA NAGUHU ISKU QAWIYAAN U CIYAARTO. WAX WALBA MACNO MALEH AYAAD TIRI.NACALAA WIXII KAA QAATA KU YAAL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moxog

Tuesday, January 02, 2001 - 05:43 am
walee waayaab alool wuxuu yiri maxa ka macnaa
waxaad ku jirtaa inta il baxday oonaga
garadada saraysa,,anagu heerkaas wali maanaan
gaarin ee yihooy imaqal iskuulkee aad kabarataa
macalinkeese kuu dhiga nabee waad u aayin

ANIGA moxog ahaan waxaa iila yaab badnaa
waxaan joogay meel mool ah,caruur aan ku
dhex cayaar siihaayey ay in dhahaygii waxay
qabteen nin& naag isku maran saan mooday gaalo
madow waa ka soo jeestey asay soomaali ku
hadleen oo caruur ay wateen lahadleen
xaa kaa bi i .lahaa haday dad dhalin yaraa yihiin
xaadse ka sugee ciyaalka adoogood& habartood
bablik, isku maran yihiin ilmihii hortoodiina
la,taagan yihiin waayaab waan dhaqan gadoonay
dhalin yaro&waayeel aloow magantaa

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.