site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Cismaan Caato oo Afduubay Daalo!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Cismaan Caato oo Afduubay Daalo!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed1

Tuesday, November 14, 2000 - 02:38 am
Jabuuti, Nov 13 (Hiiraan Online) - Wararka naga soo gaaraya Jabuuti ayaa sheegaya in Cusman Xassan Cali (Caato) oo mid ka mid ah hoggaamiyaasha kooxaha ee magaalada Muqdisho uu ku qasbay diyaaradda Daallo Airlines oo ku sii jeedday magaalada Jabuuti inay duullimaadkeeda u weeciso dhinaca magaalada Berbera.

Warkaa oo aan ka soo xiganay dad ka mid ahaa rakaabkii dayuuradda saarnaa ayaa noo sheegay in dayuuraddii iyo rakaabkiiba si nabad leh u gaareen magaalada Jabuuti.

Khadka diyaaraddu, waxa uu ahaa Muqdisho-Jabuuti-Berbera. Markii diyaaraddu ay ka amba baxday garoonka N0. 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose iyadoo ku sii jeedda magaalada Jabuuti ayaa Cusmaan Caato uu weydiistay in diyaaraddu ay ku degeto magaalada Berbera, hase ahaatee shaqaalaha diyaaradda ayaa lagu warramay inay u sheegeen inaysan waxba ka beddelaynin khadkooda duullimaad, arrintaas oo ka caraysiisay Cusmaan Caato.

Arrintaas kaddib ayaa labo nin oo ka mid ah shaqaalaha diyaaradda waxa ay la soo hadleen Xafiiska shirkadda Daallo ee magaalada Muqdisho, waxaana xafiisku uu amray in diyaaraddu ay ku socoto khadkeedii hore oo ahaa inay Jabuuti ku hormarto, dabadeedna ay timaaddo Berbera.

Markaa kaddib ayaa labo nin oo ilaalo u ahaa hoggaamiye kooxeedka waxa ay la soo bexeen bastoolado, iyagoo ku amray duuliyihii diyaaradda inuu ku hormaro magaalada Berbera, iyadoo diyaaraddu ay dabadeed ka degtay magaalada Berbera.

Markii uu degay Cusmaan Caato ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Maxamed Ibraahim Cigaal.

Cusmaan Caato waxa uu ka mid ahaa hogoomiye kooxeedyada aad uga soo horjeeda dawladda Cabdulqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay dalkaa Jabuuti.


_________________________

Waa yaab!!! eweluu wuxuu mooryaan daroogiiste ah Soomaaliyana ku abuuray daroogo hadana wuxuu noqday Afduube diyaaradeed. Horeyuu wuxuu u af duubay dad ajaanib ah oo u shaqeynaayey hay'ado caalimi ah.

Jiiska wuxuu soo wadaa ka weyn koley waa Habarjinniye!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

crime stoppers

Tuesday, November 14, 2000 - 08:41 am
halla yaabin arrintan,waayo nin daad qaaday xunbo cuskay.marka beryahaan warkiisuna ma socdo,lagamana hadlo..haddaba si uu dadka u soo jeediyo waa in uu wax fantastic ah sameeyo..haddaba inuu diyaarad afduubto iyo in uu kuwii carruurtiisa malaariyadda ka durahayey uu afduubto..waa howlha keli ah ee uu fahmo.haddaba caaq-nimadiisa dadku ha wada arko..waxaana ballabn ah in uusan waddan reer galbeed ah uusan u dhoofi karin..waayo waxaannu qorsheynaynaa in aan ku darno liiska afduubayasha iyo tororiistayaasha caalamiga ah.arrintaasna waxaan la kaashan-doonnaa, daalo air. qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa leh wuxuu sidey daroogo uu cigaal kula ballan sanaa in uu u geeyo.taas ayaana wel-wel gelisey in uu jabuuti ka dego.wixii ku dhici lahaa adigu maskaxda ka sawiro..cnn-ta ayaa laga soo deeyn lahaa isaga oo jeebeeysan,bacdii daroogadu hortaallo,laba baskooladoodna hortaal. xukunkiisa waxaan filayaa....in aad adinku go`aamisaan waayo wax kasta oo aan sheego kuma filla.waxaa haddaba su`aal mudan, shirkaddee mar kale tickit u gooyn doonta caato?.waxaaba macquul ah in uu suicide bomb ku qarxiyo rakaabka saaran oo dhan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gudoomiye

Tuesday, November 14, 2000 - 05:48 pm
Alaylehe banaanka ma is keeneen qabqablayaashii...
anigu waxaan qabaa inqabqab layaashu ay u qaybsanyihiin qaar la ogyahay in gacanku dhiiglayaal yihiin iyo qaar xukunjacayl isugu dhajinaya meelaha ay daganyihiin..hadaynu nahay dad muslinimada iyo soomaalinamaduba ay dhab nag atahay waxaa nala gudboon:
1-waa in aynu cidii dambi ka gashay umada soomaaliyeed khaas ahaan kuwa hada qasaya wadanka lagu dacweeyo hayadaha caalamiga ah si aanay wadanka uga bisin..laga bartaa callamka oo dhan sida kaas maantaba falka argagixisada la yimid oo hadii uu joogi lahaa wadan ka mida wadamada caalamka dambigiisu uusan ka yaraadeen xarig dheer //wadamada muslimkana waa qaadicu dariiq oo lugaha iyo kacnaha ayaa isdhaaf loo jari lahaa..
2-marak labaad in aynu illaahay ku dacwayno..sw..oo noo balanqaaday ...in uu ajiibayoo ducada dulmanayaasha...
3.in dadka qurbaha ku nool laga tirtiro cudurka ay qabyaaladu keento(in aan lakala garan waxa kuu wanaagsan iyo waxa ciribtaada dambe u xun)waayo qabyaaladu waa ficil gaalnimo ah qofkii ku dhaqma..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohammed Sh. Cabdi

Saturday, November 18, 2000 - 04:57 am
Is it true that Dallo Airlines wanted to kidnap Cusman Cali Caato to Djibuti? If that is so then Cusman Cali Caato has every right to demand that he be taken to the destination he paid for and to stop any diversion of the airoplane to Djibouti.
Afterall the Daalo Airlines is owned by none other than "A member of Parliament of CabdiQasiim's Faction" Mr Axmed Gelle Ducale (Xaaf).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAATO

Saturday, November 18, 2000 - 07:30 pm
war la'aan baaba idinhaysa welee hadaan wasiir
la iga dhigin dowladaanba afduubayaa adna diyaarad aan iri meel isii marsii baadba ka hadlaysaa
SOOMAALIYEEY AMA WASIIR AMA WAREER.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Sunday, November 19, 2000 - 06:26 am
TO CAATO

Waxaan kaa dhigney wasiirka qashin qaadista
somalia, ee sxb weerarka naga daa.lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ruun

Sunday, November 19, 2000 - 09:48 pm
hasn't all the somali people had enough's of fighting ? and don't u people feel hope less ?
and don't u people feel bad a bout urchildren feature becouse of political well i think u guy's get the messege?
this is what we can do for get a bout qabeel
lets think how can we put somali people together?
how can our children give them a feature? se right know they don't have any feature? at all and i 'am talking a bout soomalida jirta somaaliya see idinka hada meel bar waaqo ah aad ku nooshi heen marka walaalayaal for get a bout qabeel. ok and teke care

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAGAS

Tuesday, November 28, 2000 - 12:28 am
RAMADAN KARIIM
Walalayaal cadifad qabiil(iyo mid qof nacayb) yay idin qaadin arini iidan wax ka ogeyna ha mala awaalina,Arintaan haddii aad rabtid in aad wax ka ogaatid la xiriir xafiiska DAALO AIRLINE ama gagida diyaaradaha ee NR.50
Asalama caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RP

Tuesday, November 28, 2000 - 12:29 pm
FAGAS you seem to be in the "know". Please tell us what is going on at No. 50. or are you A spokesman of Daalo airlines? If so can you explain how an airoplane that is controlled by one of the "MP" of CabdiQasim Government, could be diverted from its originally intended distination of Barbera to Djibouti? What was the motive behind the change of course? Is it the fact that Cisman Cali Cato who opposses the governement was a passanger? If not then please tell us why cause you seem in the know here.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.