site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AFAFKA QALAAD MA ISKU RAACSANAHAY? MISE...??

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : AFAFKA QALAAD MA ISKU RAACSANAHAY? MISE...??
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHALOW

Wednesday, November 15, 2000 - 12:01 pm
ASSLAAMU CALEYKUM..
WALAALAHEYGA SOOMAALIYEEDOW..
HORTA WAXAA MUHUUM AH HADII AAN SHEEGANEYNO "SOMALINIMO" INAAN WADA QAADANO EREYGAAS MACNUHUU XAMBAARSANYAHAY, HADABA ANIGA WAXAA NIYADEYDA KU WEYNAATAY AFAFKAN QALAAD EE LALA DABA JOOGO "WEB-SITE" YADEENII, WAR NIMANYAHOW HADII AAN INGRIIS AMA LUQAD KALE U BAAHANAHAY WAXAAN U MALEYNAA INEEY NAGU FILAN TAHAY KUWA MAALIN WALBA AAN LA SHEEKEYSANO EE AAN WADAMADOODA QAXOOTIGA KU NAHAY, XITAA QOOLOOYINKAN SAMEEYAY WEB SITE YADAN WARARKOODA WAA ISKU DHEX QASAN YIHIIN, MARKA WALAALAYAALO WAXAAN RABAA INAAN WAX KA OGAADO TAAS MA KU BALANAY MISE WAA NAGA AJNABI JECLI?
WAXAAN KU FAANAA INAAN NAHAY DAD ISKU LUQAD,DIIN IYO ASALBA AH, MISANA WAXAAN KU HADAAQEYNAA LUQADO AANAN LAHEYN, XITAA QOLALKA "CHATINKA" WAXAA LOOGA KALA CARARAY LUQADO ISLAAMEED, TAAS ANIGU ULAMA JEEDO IN LUQADAHA LANOCO, WAABA SUNO IN LUQADO LA BARTO, HAS3E YEESHEE DADKA QAAR BAA WEB SITE YADAAN USOO GALA INEY ISAGA BI,IYAAN BORIN-KA LUQADAHA QALAAD!
DEEDNA WAXEY LA KULMAAN SIDIIYOO KALE, HADABA SOOMAALIYEEY PAGE-KAN BAL AAN UGA DOODNO ARRINTAAS SIDEE LOO ARKAA?
WAX DAREEN AHSE MAKU GALISAY HADII AAD MUWAADIN SOOMALIYEED TAHAY??
WAXAANA RAJEYNAA INAANAN LA ISKU AFLAGAADEYN PAGE-KAN OO LA ISKU IXTIRAAMO.
WAA MAHADSANTIHIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali

Wednesday, November 15, 2000 - 06:02 pm
Sahal arinta aad ka hadasha waa run,mana aha mid ay doodi ka dhalan karto,balse hadaan isku dayo shakhsi ahaan sida ay ila tahay,waa ta koowaad dadka qololka lagu sheekeeysto ku hadla luqada shisheeye waa dadkii dhashay intii u dhaxeeysay 1976 ilaa iyo 1982 qoladan oo ah dhalinyaro uu dhib ku yahay qoraalka af soomaliga,taasina waxaa sabab u ahaa iyagoo ku beegmay xiligii uu xumaaday manhajka wax barasho ee dalka.dadkii dhashay wixii ka horeeyay taariikhdaas waxay aahaayeen dad si haboon u qori kara af soomaaliga,waxaase ogaataa sahalow in soomaalidu ay yihiin dad milma,balse ay caadifada ku jirta ay tahay mid a ka buuxdo soomaalinimo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xornimo

Thursday, November 16, 2000 - 11:26 am
Sahaloow waad salaaman tahay, salaan ka dibna 100% waan kugu raacsanahay, in badanna waan kaga hadlay arintan meelo kala duwan, xitaa qolalka Shukaansiga yaan dhowr jeer canaan ku gudbiyay illaa aan markii danbe ka xanaaqo oo aan isaga baxo. Markaa saaxiib waa runtaa waana arin u baahan dood iyo wax ka qabasho, waxaanan usoo jeedinayaa bahda Somaalinet iwm inay arintaan ku baraarugaan. Tan kalena Cali waxaan lee yahay waa runtaa oo way jiraan dhalinyaro uu dhibayo af Soomaaligu, balse waa kuwan bartay afafka qalaad oo ku sheekaynayee maxaa u diiday inay kooda hooyo bartaan, illeen waxaa la yiri dhar shisheeye dhaxan kaama celiyo, lama huraana waa cowskii Jiilaal.

Ugu danbeyntii Soomaali badan oo u heysta in ku hadalka luqado shisheeye ay aqoon iyo ilbaxnimo tahay, waxaan la yeehay hala kala fahmo aqoon iyo luqad, annigoo aqoon sare leh, yaanan u baahnayn luqad ajnabi oo waxaan ku gudbin karaa luqadayda, luqadina waa uun luqad tay doonto ha ahaatee, waana annaga aragna caalamka, shakhsiyaad badan oo ama caan ah amaba madax ah ayaa iyagoo matalan af Ingiriisi si fiican u yaqaan uguna hadli kara ka door bida kooda hooyo oo ay ku faanaan, ciddii u baahan looga tarjumo.

Wabillaahi Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahalow

Monday, November 20, 2000 - 11:31 am
Assalaamu caleykum..
TO:walaalkeey CALI..
horta waxaad agaataa walaalkeeyow aniga sameeyayba boggan inaan dhashay 78-dii, waligeyna school somali ah matagin!
markii aan quraanka dhameeyayba waxaan gfalay dugsiga carabta, calaa kulli xaal hadii aad i dhihi laheyd wixii 90-ka dhashay kadib waan kaa yeeli lahaa, laakiin ninba soo gaaray soomalia oo dowlad ah isagoo 7 jir ah wax cudur daar ah uma hayo, aniga markii aan 7 jiray somaliga waan qorayey waana aqrinayey, midda kale sida xornimo sheegay wax aan la bara karin lama arko, laakiin waxaa nahay cudur la dhoho ajnabi jecli sidaan anigu u arko, ogowna ilamhaan hada afarta xabo kubartay galbeedkaan ineysan aheyn kuwii xitaa luqadaha eey barteeen si wanaagsan ugu hadala illaa qaar yar mooyee, marka aniga waxaan oran lahaa nimanyahow dhaxda ha ku dhumina, eee allow luqdiina raadiya yaa idin dhaha, beeri markii aan laabano oo aad tiraahdo afaf qalaad baan aqaanaa keygiina maqori karo baa la ogaan doonaa edamiir xumadaada!
ogwna in caalamka oo idil ku faanaan dadka ey yihiin, laakiin anaga waan ka faanaa, tusaale ahaan madaxda carabta markii ey america ama europe-a tagaan waxey ku hadlaan luqadooda, iyagoo markaas ku qasbaya in ninka ey martida u yihiin uu turjubaan keensado, waan qirsanahay ineysan luqadeena ahey caalami iyo wax u dhow, laakiin meeshii aad is dhigto baa laguugu goracaa,
waa mahadsantihiin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.