site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XAQIIQADA SOMALIA OO U BAAHAN IN LA TAABTO.

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : XAQIIQADA SOMALIA OO U BAAHAN IN LA TAABTO.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yasin

Wednesday, November 15, 2000 - 01:10 pm
Run ahaantii anigu waxaan ahay wiil arday ah (full time student) oo wax ku barta dalka Maraykanka isla markaasna waxaan ahay shaqaale(part time employee). Waxaan ku soo barbaaray magaalada Mogadishu - Somalia, mar mar ayaan waqti u helaa in aan akhristo Somalinet dadka ra'yigooda kala duwan, in mudo ah ayaan la socday oo aan darsaayey Somalida ra'yigooda kala duwan ee ku saabsan dalkooda hooyo, waxaa ii soo baxday oo aan ogaaday xaqiiqada runta ah oo u baahan in la sheego si loo ogaado waa maxay dadka Somali la yiraahdo. Bal aan ku bilaabo waa maxay dal ama qaranimo? dal waa meel ay wada deganyihiin dad ama isku dhaqan ha ahaadeen ama yeey ahaanin oo wadaaga wada noolaansho iyo iskaashi si ay u xaqiijiyaan jiritaankooda dadnimo iyagoo leh hogaan ay u wada dhan yihiin oo haga,sida taariikhda ku xusan bani'aadanku waxay ilbaxnimadoodu iyo horumarkoodu uu kordhaa markii dad kala duwan oo kala dhaqan ah ay isku yimaadaan oo nin walba uu ra'yi la yimaado,waxayna naaqustaa markii qabiil qabiil ay u degaan sida tan maanta Somalidu ay caanka ku tahay,xataa haddii aad eegtid xaga dhaqaalaha dad badani markii ay deegaan isugu yimaadaan dhaqaalaha deegaankaasi wuu bataa dhulku ma aha kan lacagta sameeyo ee waa dadka. Haddii aad eegtid dalka Maraykanka waxaa jira gobolba gobolka uu ka dad badan yahay wuu ka lacag badan yahay wuuna ka dhisme fiican yahay. Hadaba aan u soo laabto cinwaanka faaladayda waa maxay xaqiiqadda dadka la yiraahdo Somali? Somalidu waa reer guuraa (nomads) 90% boqolkiiba sagaashan oo isku raaca qabiil qabiil iyo reer reer waxaa la sheegaa in diinta Islaamku ay soo gaartay intii Maka nabigu furanin,malaha taariikh sida umadaha kale ay u leeyihiin taariikh sababtoo ah ma aheyn dad xadaarad leh oo wax qori jiray sida Ithiopia, waxaa ugu horeeysay in ay isku yimaadaan oo ay dawlad noqdaan 1960 markaasoo tiro badan oo dadkii reer miyiga ahaa ay ku soo qulquleen magaalooyinka sida Xamar, Hargaisa, Kismayo iyo meela kale. Somaalidii reer miyiga ahayd ee isku yimid waxaa u suurtoobi weeysay in ay la qabsadaan nolosha casriga ah ee ku dhisan wada noolaansho iskaashi iyo istixgelin,waxaa dalkii ka dhacay bur bur aad u xun iyo dawlad la'aan oo waqtigaan casriga ah aan ka dhicin aduunyada, waxay u noqdeen asalkoodii wuxuu ahaa oo ah reerba reerka kuugu xigo la soco, xitaa haddii aad eegtid dadka ku nool dibedaha sida wadamada horey u maray weli waxay wataan fikraddi reer baadiyaha ee ahayd qabilkayga ayaa ka fiican qabiilkaas,wax isbedelay ma jiro, dawlad iyo dal sida ay ku noqdaan weey adag tahay tii ilaahay ma sheegin. Anigu ra'yigeeyga Somalidu waa dad asalkoodii hore Ithiopian ah ama Xabashi marka ha isaga darsamaan dhulweeynaha Ithiopia ILEEN XAQIIQADU WAXA AY TAHAY WAAN LA SOCONAA QAAR WAXAY YIRAAHDEEN SOMALILAND BAA NALA YIRAAHDAA SOMALIDA KALE WAXBA NAGAMA DHEXEEYO,QAAR KALE WAXAY YIRAAHDEEN BUNTLAND HADDII AAN NAHAY HAWIYE WAXBA KU DARSAN MEEYNO, HAWIYIHIINA WAANU OGNAHAY BURBURKII UU GEYSTAY. Waxaan idin xasuusinayaa Somalidu haddii ay kala go'go'do ha sugina in aduunyadu aqoonsato maya taasi ma dhacayso waxay noqonayaan IMAARADO YAR YAR OO HOOS YIMAADA XUKUNKA ITHIOPIA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKARIM HASSAN

Wednesday, November 15, 2000 - 01:28 pm
TO YAASIIN

SXB RUN BAAD SHEEGAYSAA BALSE WAXAAN KUU
SHEEGAYAA IN AAN CIDINA RUN DOONEYN
MEESHANA WAA GOLAHA BEEENTA LAYSUGU
SHEEGO, SOMALIDA AYAA KU MAAHMAAHDA
RUN IYO ILKABA WAA LA CADDEEYAA,RUNTU
WAA CADAHAY YAASE RABA AYAAN ISWAYDIIN LEH.
XAQU WAA CAD YAHAY YAASE RABA AYAAN ISWAYDIN LEH.
QABIIL WAA WAXA DADKEENII IYO DALKEENII HALAAGA
BADEY YAASE KULA FAHMAYA AYAA ISWAYDIN LEH.
INTAAD SHEEGTAY OO DHANA WAAN KUGU RAACSANAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xornimo

Thursday, November 16, 2000 - 10:52 am
Assalamu Calaykum

Walaal Yaasiin aad iyo aad baan kaaga mahad celinayaa fikradaadan shariifka ah ee aad soo gudbisay, haddii qof walba oo inaga mid ahi uu sidaa u dhiiban lahaa fikradiisa iyadoo ay saraaxadi ku dheehan tahay (sax iyo qaladba) way fiicnaan lahayd.

Guud ahaan Yaasiinow waan kugu raacsanahay arimaha aad xustay, balse walaal laba qodob aan iraahdo. Tan hore Ma lahubaa inay 90% Soomaalidu yihiin Reer guuraa, waayo sidaan dareen sanahay tan iyo xornimadii dad badan baa kusoo qulqulayay magaalooyinka, in kastoo aan qabo inay badankood weli caqli ahaan amaba Mentali ahaan u yihiin reer guuraa, waayo horaa loo yiri Dhar magaalo qaadashadeedu way fududahay, balse dhal magaalo noqoshadeed baa la iska rabaa. Waxaanan qabaa in ay soo galooytidaa yihiin kuwa dhibaatada Soomaaliya badankeed ka danbeeya, sababtoo ah badankood waxay noqdeen ciidamo la baray uun indho caddeys, illaa ay aaqirkii gaareen dhalinyaradii reer magaalka ahayd oo ku caayi jiray soo galoytidaa dhoore, reer baadiye iwm waa kuwa maanta naga wada xoog badiyay oo na kala baray abtirsiimo qabiil iwm oo aanan weligeen maqal, ceebna nala ahayd, sababtoo ah waxaan isu raaci jirnay koox koox iyadoo la isu yaqaan xaafad xaafad iwm sida ciyaal Waaberi, xamar jajab iwm.

Qodobka labaad Yaasiin waa midda la xiriirta Itoobiya, horta waan kugu raacsanahay inaan asal ahaan Itoobiya is lee nahay oo aan wada dhalanay, balse magaca Itoobiya waa mid aan fogeyn oo dad xoog iyo xeeladba loo adeegsaday isu keenidooda lagu qasbay.

Waa midda u baahan in aan fahamno, Itoobiya ka hor dhulkan waxaa loo yiqiin Ardul Xabasha, Abaasiiniya iyo Itoobiya waa magacyo gadaal laga sameeyay. Tan kale dadka reer Itoobiya uma wada sinna xuquuqda dalkaa, raalina kama wada aha jiritaanka Itoobiya, weliba aan iraahdo Majooratiga ama inta badan, sababtoo ah Oromo waa qowmiyadda ugu badan Itoobiya, haddana badankood waa dad muslin ah oo kasoo horjeeda jiritaanka Itoobiya, rabana inay helaan Xornimo buuxda. Haddii la eego aqoonta iyo dhaqaalaha iwm Itoobiyana waa dadka ugu danbeeya, marka yeynaan dhihin Itoobiya way nagaga horeysaa aqoon iyo ilbaxnimo. Way jiraan waxyaabo badan oo ay nooga horeeyaan, balse aan niraahno Amxaarada iyo wixii la halmaala.

ugu danbeyntii Soomaaliyeey ama qurun iyo qabyaalad wado oo aan aragno meeshay ku gayso, (Nabigeenuna (CSW) waa tuu ku sheegay qabyaaladdu inay tahay qurun xadiis)amabase ku waano qaado casharada aan soo marnay.

Aayad Qur'aan ah ayaa leh 'INNA FII DAALIKA LA AAYAATUN LI UULIL ALBAAB' (WAXAY CALAAMADO IYO WAX QAADASHO U YIHIIN KUWA CAQLIGA U SAAXIIBKA AH). Ilaahay ha innaga dhigo kuwaa Aamiin

Mahadsanidiin, gaar ahaan Yaasiin, Wassalaamu Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi

Friday, November 24, 2000 - 07:33 am
To: Yasmin

I thank you for your remakes regarding Somalia's history, i have had the chance to read your story and i have to to say you do not know much about the history of Somalia. If we go back where we came from, there is not much evident which indicating where we came from and whether we all came from same rout, but some people are pre-sure some of Somalia people came from Arab and other West Africa, but none of us have the evident to prove it.

If you look any country's history it shows that they came from some where eg English people they came from "Anglo Saxes" which mean to say they came from Germany, France, and other EU countries, but this does not stop them to do what they had achieved and what they want to archive in the future.

When i read the title of your message i thought you are trying to tell the people what was the problem and what can be done to solve it, but you look the whole concept with blind eyes.

WHIOUT ANY PREJUDICE, YOU WILL NEVER SEE UNITED SOMALIA AGAIN, and there are reasons why i said this. Look the history of Europe, there were many attempted to united EU, but they never succeeded, this was because their unity was because based on political, same thing was happened in Africa and they too felt to forfiled their dreams which was united Africa. Although the attempted did not work in the EU case and Africa, but the EU had Decided to change their approach and they used economic approach eg freedom of movement etc and it work for them and it is still working, and thanks to their educated people who thought hard for it. Unfortunately in Africa they felt time after time, but and nobody still ask why they are felling?. Referring back to your remarks, you are making same mistakes and unless we learn our mistakes we will never solve the problem.

The problem of Somalia is much hard than you thinking my friends, and unless you acknowledge that you can get solution easily.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Thursday, November 30, 2000 - 12:36 am
Yaasiin aad baad ugu riyaaqay hadalkaaga baraarujinta kaasoo taabanaya runta wana ku mahadsantahay ogowna in ay jiraan dad badan oo soomaaliya oo sidaadoo kale fahmaaya kana gubanaaya waxa aan maanta qarka u saaranahay taas oo ah in soomaali kala googodo kadibna hoos timaado gumayste sidii soomaalidii hore oo loo qaybshay shanta oo labo ka mid ah ilaa hadda la gumaysto.Waxaa cad in xabashidu ogtahay hadii soomaali mid noqato oo dawlad soomaaliyeed samaysanto inay marnaba faraha ka laabanayn sidii ay u heli lahaayeen xornima buuxda soomaalida wali la gumaysto. hadaba maanta amxaaradu waxay ku dadaalaysaa inay ka faa'iidaysato burburka soomaaliya oo u ah fursad qaali ah oo waligeed ay ku riyoonaysay.
Wxay doonaysaa inay kala qaybiso kadibna xukunto ayadoo gacan wayn ka haysata gaalada iyo wadama reer galbeedka iyo yuhuudaba.
Waxya ku adeeganaysa dad jiran oo qaba cudurka qabiilka( cudurkaasoo qofka qalbiga ka gala kana indha saaba xaqiiqda nolosha, wada noolaashaha,wadanninimada iyo waxa soo socda xukun jacayl dartiis) waana kaan sakaraadka la ahyn 10 kii sanoo na soo dhaaftay.
Marka halis wayn buu ku jiraa jiritaanka dambe ee soomaalidu ilaah oo na caynsha mooyee.
waa ramadaan waxaan ilaah ka baryaynaa in soomaalida uu mid ka dhigo nabad iyo sharaf kuwada noolaata oo aan hoos tagin gacan gumaysi, inta jirana allaha caafiyo waxay samaynayaan uma muuqdaan ayaga ayaa isku muuqdee.
wabillahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

reality

Friday, December 01, 2000 - 04:10 am
To: somali

You do not know how somalia can united again. First you need to identify the problems and try solve them. If you can't identify what the problems are and what caused the present crises we will never get through this. Wake up my freind.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIQADIR

Friday, December 01, 2000 - 06:05 pm
Anigu waxaan ahy wiil soomaali oo wax ku barta dalkan ingiriiissk a, walaalayaay ma fiicna inaan isku dirirna ,arin aan wax ka jirin waa qabiile, waak ina baabiyay ee qaxooti, inga dhigy wra soomaaaliyeey diinta haloo noqdo, intaan xabshi gacanta inagu dhigin oo aan nala adoonsn, hana la taageero daawlada cusub. SOOMAALINIMO,ISLAAMNIM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Raxman

Friday, December 01, 2000 - 07:43 pm
Bismilalh.

Dadka Soomaaliyeed labo ayaa hor taal ee hakala doortaan: 1. In dowladda imminka dhisantay la xoojiyo oo ay Soomaaliya dowlad noqoto. 2. In Itoobiya aan u gacan galno oo ay noo gasho sida ay u gashay Oromaha imminkana ay ku waddo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ogaden. Ma ogtihiin Ogaden inaan la tukan karin meelaha badankooda, sigaar iyo qaadna lagugu khasbayo?

La heli maayo dowlad Soomaaliyeed haddii aan ruufyaanka Yeey iyo eyda la midka ah xabad lala dhcin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fariid

Tuesday, December 12, 2000 - 04:15 am
yasiin waanla dhacay qoraalkaaga sidaad u bilowday lakiin gadaal ayaad ka qaloocatay markaad amxaaro na raacisay..

anaga hadaan soomaali nahay waxaan nahay dad is neceb is dila is xanta is quur sada hadana is gacan qabto oo is ogol markay rabaan..

sida aadla socoto waxaan nahay dad caqli badan horumarkana si sahlan ku samayn karo haday u guntadaan..

waxaan ka nimid dhul hodan ah waxa uu u baahan yahay oo kaliya waqtigii nimcada ku jirto la heli lahaa iyo cidii soo saari lahayd..

sxb anaga oon itoobia iyo gumaysi toona na qabsan yaan malin dowlad noqonaynaa xoogleh..
dhulkaan dad wax usoo bartay oo diyaar u ah in ay kasoo saaraan waxa ku jira iyo inay ku mintidaan wada ni nimadooda iyo shaqadoodana way imaanayaan..

laba arimood aan ku dhoho saxiib..
marna haka tanaa sulin wadani nimadaada..
marna haka tanaa sulin dadkaaga iyo dalkaaga inay soo laabanayaan..

hadii ay hirgasho dowladan maanta laga dhisay dalka insha alah way hirgalaysaaye. wax badan yaa iska badali doono dhulkeena hooyo..

waxaan u malay nayaa dad kusoo daalay qurbaha waxna kusoo bartay ayaga oo yar yar sideena oo kalana inta yimid arkay waxa ay tahay nolosha iyo qiimaha uu leeyahay dalka hooyo..in ay maanta gacan ku leeyihiin dowlada kuwaas oo wax wayn ka badali doono nolosha iyo mustaqbalka dalka..

marka saxiib waxaan rajaynayaa inaysan aragtidaada dhulkaaga hooyo iyo jacaylka wadan kaaga marna wax u dhimin dadka maanka yar ee caqligooda dhaafi waayay qabiilka iyo wax iskama badalida ka jirto xeebtaan ka nimid..

ramadaan wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 12, 2000 - 09:58 am
I can't believe that a Somali will advocate to become part of Ethiopian Mainland. Just think, how would a nation that is 100% Muslim will give up their religion and share a living with a non believer ? Sorry Yasin. I like your approach but your conclusion stinks. Somalis are Muslims and even if we don't ever get The Greater Somalia, there is no substitute for our freedom. Just keep this in mind. this is a temporary life, in hereafter that is what counts. hmmm. I wonder, where do we want to go when we ask a non believer to rule us? Hell Fire or Jana ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Koshin

Tuesday, December 12, 2000 - 02:52 pm
Mr.Anonymous, I think you mist Yasiin's points. He was not advocating being part of EThopia, but he was talking about what could happen if this arogant clan mentality countinue with in us. We have already seen how Ethopia is master minding Somalia into small feifdoms, they have direct control over, alot of stupid warlords that some of us see them as a herios for their clan. We need to stop the garbage and think of what our brother Yasin is saying and pray in this holly month of Ramadan, allah will forgive us and bless us with peace and tranquility.
Ramadun Kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi farah

Wednesday, December 13, 2000 - 03:20 pm
Hello Comrades

What is a nation? How did it evolve?

Bfore I commence defining the notion of nation-hood, let me begin with that there are two different concepts of nation in Europe (where it belongs). A "political nation" which the western world specifically the Anglo-Saxon nations argue is the ideal nation. This argument is based on the notion that everybody could join this nation-hood and is homogenous. The other, mainly practised by southern and central Europeans is based on cultural. This means that you have to be born to that nationality to become a member (see Germany).

Why do I have to identify with someone in Borama
when actually, I have never met them or feel alienated from them? So what is the nation? European philosophers (we inherited this •••• stuff from the colonialists) in early 20th century iterpretted a nation in a various different ways. What was required of them by their respective governments was to establish a cohesive community that could identify with each other. This was deemed urgent by those rulers because wars became expensive. The involvement of the masses in times of expansion and defence stipulated this need (Napoleon was born in Corsica, a year before it joined France)

On the other hand in Southern Europe this social engineering was made possible by the Ottoman occupation of that part of the world. It is always easier to unite in the name of the oppressed, so nationalism in that part of the world was either based on language , culture and religion or any other shared experience.

The French Revolution claimed "liberty, Equality and Fraternity". This was claimed in the name of all. In my view those words were only rhetoric or propoganda by the emerging upper-classes inorder to rest authority from the divine-absolute ruler. These words were never extended to other races especially to the Africans (see French atrocities in Algeria history).

Are there any shared experience among the Somali's that's strong enough to be a basis for nationhood? I must admit that our people are in a unique position to claim the title of nationhood. However, this uniqueness seems to be poisened by events that are beyond our control.

This poison was first administered by the colonialist. The European nationalism evolved over two hundred years, while Africa (Somalia) was forced to inherit an unworkable nation. The incompatability of nation-state to the African context stems that we as Africans organize our societies differently. (Do we have to become like them?) Secondly, any independent African leader that attempted to pursue an agenda of nationalism was nuetralized by the CIA/KGB (Lamumba, Nasser, Nakrumah and etc.). Instead they prefferd someone like Siad Barre or Mobuto Sesse Sekou.

Psychologically speaking, the Somali's were either brainwashed by Arabs through Islam or the colonialist that lectured us that we are a superior race among the Africans. To Somalis, we equate intelligence, honesty, progress and etc. with western education. We view our own heritage with contempt (reer-baadiye). It is easier to brainwash negatively, if someone is suffering, however the causes or sysptoms of this suffering in Somalia is the nation-state, but not tribalism. I would like to suggest that we put strong emphasis on tribalism in reversing this carnage. Bugger, what we need is Somali philosophers that could unite us in Peaceful co-existence between all tribes (before the whites and the Arabs came to our shores).

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.