site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dad soomaaliyeed oo la adoomeeyay dalka finland

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Dad soomaaliyeed oo la adoomeeyay dalka finland
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Wednesday, November 22, 2000 - 03:44 am
Asalaamu Aleeykum

Walaale iyo walaaleey

Waxaa jira qisadan oo ah mid dhab ah kana dhacday dalka finland kuna dhacday dad soomaaliyeed.dalkan oo ah dal yar oo kuyaal goob u dhaxaysa ruushka iyo sweden waa 5 millyan,waxaa guumaysan jiray sweden ilaa 100 sano kadibna ruush ilaa 100 sano.waxay xoroobeen 1917 kii.waa dad cadaan ah oo aan dalkooda hore ajanabi u imaan waxaana uugu horeeyay madoow soomaalida oo timid 1990 kii.hadaba waxay kamid yihiin dalal ka qaabila qaxootiga ee sixiixay heshiiskii qaabilaada qaxootiga ee jineefa 1951 gii.waxaa soogalay sanadihii 1990-1992 dad dhan ilaa 2000 oo soomali ah una badan rag dhalin yaro ah 15-29 jir.


waxay dadkaa soomaaliyeed ula dhaqmeen inay geeyaan goobo ama xerooyin oo ay ku hayaan mudo 2 sanadood ah.kadib ayaa lasiiyay sharci daganaansho aa adaminimo laakiin aan aheen citiraafid qoxootinimo.goobaha la dajiyay waxaa kamid ahaa goobo ay dadka waalani lagu xanaaneeyo oo qeeyb waxaaba dhinaca kale isla dhismahaas ku nool dad ayagu kolkaasi dhiman oo madaxa looga jiro ama dhahoo waalan.waxaa dadka somaalida ah lagu weeraray xeryaha oo lagu laayay dadbadan qaarna ay soo gaartay naafo xaga madaxa ah kadib markii sixun loo jirdilay.sababtaas oo ah naceeb diirka madoow iyo diinta islaamka.soomaalida waa dadka uugu liita oo loo yaqaan adoon.lama siiyo shaqo ilaa mudadaas markaa soomaalida oo ah dad aan udul qaadan quursiga ayaa ku dhaqaaq day wax barasho maadaama aan lasiin shaqo.waxaa soo galin jabisay heer jaamacadeed ilaa 500 oo arday heer waxbarasho xirfadeedna ilaa 1100 arday markaa ma aysan helin shaqo kadib markay wax barteen oo shahaadooyinkii ay qaateen guryahay la joogaan.ayada oo loogu diiday arin naceeb midab takoor oo soomaalida xukumada iyo shirkadaha dalkaan ee shaqada bixiyaa way takooreen soomali shaqo siin teed.waxay soomaalida ku riixayaan in ay udareeraan qamaar iyo khamri maadaama shaqadii iyo sharaftii loodiiday ruuxu waa isla hadlaa waana qiima dhacaa bulshada dhexdeeda.waxaa intaa usii dheer wayahan danbe oo arimo dil ah la keenay marka soomalida ladilana cida dishay lama helo hadii soomalidu wax dishana markiiba waa laxiraa.poliska wadankaan oo ah kuwo soomaalida uraadiya in aydanbi galiyaan oo xabsiyada ku uruuriyaan ayaa qisadii hada udanbeeysay waxay xireen dad soomaaliyeed oo dhalinyaro sababtuna waxay aheed barbaarsoomaaliyeed oo arday ah ayaa asagoo gaari wata meel dukaamo u dhaw istaajiyay si uu markaasi usoo adeegto waxa lasocda laba sxb diis ah oo soomaali ah waxaa soo weeraray dhalinyaro mindiyo iyo faasas wata oo u heelan dabargooynta ajaanibta siiba soomaalida waayo wadankaan ajanabi kale ma joogo.macnaha waayaryihiin hadii ruushka laga reebo.ruushkana way isla cadyihiin oo dadka laga dhex garanmaayo ilaa mudo.waxa dhacday in 50 nin ay wiilashii faas lagaleen oo baabuurkii digada ka dhigeen markaa soomaalida waxaa caado noo ah in aanaan kabaqan najis daalin ah oo aan rag aqoon waayo nin cad oo laga boqo caado umalihin iyo hido.bar baarkii soomaaliyeed baabuurkii ayuu furaha kurogay oo uu damcay in uu kulaayo eeydaa midab takoorka wada ee polisku soodiray.adi wuu kala cayriyay markay arkeen in ninkaani baabuurka ku leeynayo ayeey cagta wax kadayeen.kadib ciidan baayimid polis ah waxaa loo taxaabay xabsiga soomalidii wiilashii finishkana way taagnaayeen oo waxaa layiri adinku ordaha gur yihiina kala aada.waxa la qabtay laba finish ah oo dhalin yaro kale oo soomaaliyeed oo aan dagaalkaan ogeen nabaro ugeeysatay ayagiina habeen kadib waa lasoo daayay kuwii ladilay ee soomalidana wali xabsigii baa lagu hayaa sababtana waxay dhaheen,ayagu finishku dil wayn idin madileeyn adinkusu inaad kaw kasiisaan baad rabteen sidaa daraadeed waad xirnaaneeysaan ilaa max kamad.soomalida waxaa ladajiyay meelaha dadka finishka oo dilaaga ah ay kunoolyihiin iyo daroogistayaasha iyo masha qeeystayaasha.daarta soomaalida ladajiyay dakii finishka ahaa way ka guureen markay arkeen madow.nacebdartii markaa soomaalida daartooda aydagan yihiin waa caan waxa layiraahdaa( neegari talo)=gurigii adoonta.waxa sitoosa loo toogtay xabad loola dhacay si ula kac ah barbar soomaaliyeed oo 26 jir ah oo kumagac dheeraa barafangoo waxa uu ahaa mutacalim leh garaad iyo aqoon ku filan waxa uuna rabay un uu noqto computer engineer.wiil finish ah ayaa dilay wuu cararay lama na hayo waxa uu ku dilay guri hortii oo loowada jeedo.nin kahadli kara malaha ilaa hada.waxaa la waayay barbaar soomaaliyeed oo bilkadib lahelay asagoo meel bali ah dhexdiisa la dhigay oo waxaa lagu xiray dhagax ween si biyaha meedka aanay kor usoo qaadin oo usabeen.markaan poliska waydiinay yaasidan yeelay waxay dhaheen dhaqtar hebel baa cadeeyoo ninkani awalbuumadaxa wax ka qabay ee idinka ka hortaga poliska hadii kale danbiilayaal xumaan ogayaal ah baan idin qoreeynaa.deedna nin walbaa waa gaabsaday ilaa hada wax ka hadli karaa ma jiro. sharciyada wadankaan udhigan baa waxay tahay in ruuxa ajinabiga ahi uu finish citizan ku qaadan karo mudo shan sano ah 5. soomaalida dalabkooda lama dadajiyo in badana waa loo diiday sabab cad la aan inta kalana ninkii loogu dadajiyay waxa uusugayay 2 sanadood kiikalana 3-5 sano sabab la aan mana aha wax ku cad sharciga dalka meel kamid ah daahintaan.sidaa waxaa noosheegay sharciyaqaanadii dalkaan oo yiri arinku waa sidaa meelkale oo aan u dhaafinkaraa hadaan nahay qareeno majirto.dadkani waxay aduunka usheegaan in ay ilaaliyaan dimuqraadiyada oo ay xuquuqda aadanaha dhaqraan laakiin waa arin hadal ah ee baratiko angaa heeyna.waa dad jir xun ah oo aad iyo aad ubahdala soomaalida iyo madoowga aadna nooneceb hadana soomaalidii wax waashay iyo wax qaxay oo dalkoodii dib uugu laabtay iyo wax xabsiyada ku jira iyo wax aan wax kala garaneeyn bay noqdeen takoor iyo bahdilid awgeed.tani waa qisada nagu dhacday kadib markaan dhuminay xoriyadii calankeenii iyo ciideenee waana is garanay maanta khaladkaan dalkii hooyo ka galay.waxaan soo diyaarin doonaa dhacdooyinka oo tafa tiran waxa ka dhaca finland ee ku dhaca soomaalida taas aa akhristoow hadaadan ku nooleen finland aadan rumeeyneeyn.waxa aan soo qorana waa wax run ah oo leh magaca ciday ku dhacday iyo xitaa telefanka ruuxa qisadu ku dhacday si adigu aad ula xariirto taas oo ah runta inaad taabato.waxaana ku bilaabi doonaa 58 jir soomaali ah oo caruurtiisii horteeda lagu garacay oo isbitaal galay gaarayna dhimasho oo yaala isbitaal waxaa ninkan aan kubooqday isbitaalka anaa ah qoraaga moowduuca.qoraalkaan qoraalka xiga ayaan kusoo bandhigi doonaa silcinta iyo adoonsiga ay dawlada finland iyo shacabkeedu ku hayaan dadka yar ee gaaraya guud ahaan 4000 ee kunool dalkeeda.lasoco

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 22, 2000 - 11:31 am
Waa Naxdin iyo nasiib darro waxa ina haysta..
dadka wadanka Xun ku nool waxaan odhan lahaa iskaga taga oo meel dhaanta u guura, inkastoo wadan aanad laheen iyo aan nahay dad madow,Soomalina nahay waa dhibaato iyo gumeysi wadan qalaad.
waan ka murugoodey qoraalakaa Finland ka yimi.
Haddi nin Finland ahi hadda i ag joogi lahaa wallahi bilaahi Kow baan kaga siin lahaa,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Thursday, November 23, 2000 - 03:29 am
Asalaamu Aleeykum

To:Anonymous

Waxaa farxad ii ah 2 arimood oo kala ah sidan,

1.in aad moowduucaan ka qeeybqaadato

2.in damiirkaagu kusiiyay in aad kaxumaato dhib haysta walaalahaa soomaaliyeed oo aad leedahay dareen wadaninimo iyo soomaalinimo oo fog.

waxaan kuleeyahay ala haku wanaajiyo sxb.mida kale arintu maha in aan iska caroono ama dagaalano oo kaliya ama caadifadi na jiido,ee waa xasuus fog iyo laxisaabtamid dadyawga aduunka kuwa na xumeeyay oo naxaqiray marka hada aan liidano oo baaba anahay iyo coloodaha sokeeye.iyo kuwa naga dhawray in dhibka na heeysta ay dhib noogu daran oo aan wax nayeelin.

markaa waa in aynu qoraa waxa dhacaya ee xadgudubka ah ee shisheeyaha inooga imanaya.markaa waxaan xusayaa maxay ama sidee beey ula dhaqmeen reer finland dad yawga soomaaliyeed ee nabad galayo waydiistay??? waana mid aynu kula xisaabtami doono maalin maal maha kamida ee yaan la iloobin.

aduunkuna ma ahaanayo sida uu yahay ee xili baa imandoona kan maanta taliya loo talin doono.laakiin hada awood kale ma lihin waa layna xukumaa ee waa in aan wax qoraa,oo bari ku xisaabtanaa.aniga hada waxaan hayaa dhacda walba oo loogeeystay dadka kunool finland ee soomalida ah oo ay ugeeysteen dadka finishka ahi.markaa ciil ween ma qabo maadaama aan hayo wixii dhacay.waayo waxaan ureebayaa jiilka danbe ee soomaaliyeed si ay udha haan bari kamaalin markay dad finish ah dhex maraan wax wada qabsi oo horta finish maxaa ina dhexmaray taariikhiyan.markaa ay helaan qoraalkan gurey1 oo ay ogaadaan waxa finish ahaa markaan liidanay.markaa caruurta danbe ee reer finland iyo caruurta danbe ee soomaaliya ayaa ku xisaabtami doona.

mana aha in ubadkeena danbe loo qoslo laysagana dhigo dad xuquuqda adanaha dhawra dhawrina jiray,markaa waxaa iga talo ah wax hala qoro.oo jiilasheena danbe 1000 sano kadib ku xisaabtamaan.madaama yuhuuda iska dhaaf hitler oo shalay ahaaye ay mag dhaw karabto fircoon dadkiisii madama waxa uu kusameeyay yuhuuda uu u qoran yahay.waxa wax qoray waa awoow yadood kuman yaal sano ka hor waxa hada xisaabtamayana waa caruurtoodii.markaa waa arin fiican.markaa dagdag majiro xiligu wuu iman TIME WILL COME. laakiin reeb wax dhacay oo ah dhab been abuur waa xaaraan in la qoro oo ubadkaaga loo reebo wax aan jirin taas guul laguma gaaro waayo asal kaa gardaro ah.markaa qora waxa dulmiga ah oo dhacay oo dhabta ah.yuhuud iyo ninka cad xisaab baa nootaala ween hadaan soomaalinahay maka hadlayo diin.ee gaar ahaan magaca soomaaliyeed waxay ugeeysteen iyo dadka ma iloobi karo.waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sayid Axmed

Thursday, November 23, 2000 - 04:28 am
TO:Gurey PIONEER

Walaal arinta ku dhacday dadka soomaaliyeed ee ku nool Dalka kunool Finland waa arin Naxdin leh
aad baana uga xumaadey Aniga Qudheyda waxaan joogey Sweden laga bilaabo 93-98 sidaas oo kale
ayaa la ii bahdiley ,Markaasaan u guuray England
hada waxna waan bartaa waana shaqeeyaa
ISKANDENI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sayid Axmed

Thursday, November 23, 2000 - 04:31 am
TO:Gurey PIONEER

Walaal arinta ku dhacday dadka soomaaliyeed ee ku nool Dalka kunool Finland waa arin Naxdin leh
aad baana uga xumaadey Aniga Qudheyda waxaan joogey Sweden laga bilaabo 93-98 sidaas oo kale
ayaa la ii bahdiley ,Markaasaan u guuray England
hada waxna waan bartaa waana shaqeeyaa
ISKANDENIviyaanka waan Aqaana waa dad cawaan ah
oo Qurun ah ,sidaas darteed aniga waxaan idinkula
talin lahaa usoo guura England sababtoo oo ah waxaad ka reysaneysaan cunsirinimo iyo bahdilid in term of physically and mentally

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Thursday, November 23, 2000 - 06:00 am
Asalaamu Aleeykum

TO: Akhristayaasha gaar ahaan SAYID MAXAMED

Walaal sayid maxamed ala haku wanaajiyo daa in abidkaa,tankale oo moow duuca laxariirta waa talo fiican halaga baqdo (cararo ama qaxo) goobta midab takoorka ee finland.halkaas oo ay kunool yihiin qoys cadaan ah oo kaliya.

waanu tix galineey naa taladaada fiican,waxaadna ogaataa in ay in yari wali kasii nooshahay xaga niyada,maxaa yeelay dad ilaa 11 sano la xirayay,la caayay,heer magaca soomaaliyeed ay isku caayaan finishku tusaale markii ruux finish ahi xumeeynayo ruux tolkiis ah macnaha finish ah waxa uu dhahaa somali markaasaa kii kale qaracmaa.taasi waxay dhalisay in soomalida nin caqli fog oo halyey ah mooyee oo dareen dheer in ay aya giina ka cararaan soomaali baatahay,hadii qof soomaali ah la waydiiyo where do you come from? or what is your nationality? waxay ku jawaabaan from ethiopia ama from america marna laga ma yaabo in uu ruuxu somaliga ahi qirto i am from somalia or i am somali.

waa laga tagsiiyay in uu taas sheegto asalba cunsuriyad iyo bahdilid awadeed.saxaafada maalinlaha ah ee dalkaan sina uma dhici karto hal maalin oo aan lagu sooqorin cay soomaaliyeed iyo bahdal markaa dadkii oo dhan baa noo careeysan maalin walba.hadaba waxaan uula jeedaa dadkan soomalida ah ee halkan joogaa uma eka kuwo awood uleh in ay qaxaan waayo wayba baqayaan.waa udhamatay cabsi baa ku dhacday way is dhiibeen.markaa walaalayaal bal tabar ma heeynee kuwiina jira meelaha sida ingiriiska iyo mareeykanka ha nasoo guubaabiyeen oo hanoo gurmadeen talo iyo dhiiri galinba oo xataa kii awoodaa hanasoo boqdo oo cabsida hanaga qanciyo.

tusaale nin baan maalin ku iri dulman intaan arkay war hee dhe sxb gurigeeygii baad iigu timid waadna cabaneeysaayoo finishbaa saatan kuugalay aan ku caawiyee walaal labo keen yeelaa,hada aadbaan uuga naxay waxa walaalkeen soomali ah lagu sameeyay.waxan ari oo hinta iska daayoo 2 keen yeelaa 1.in aan dacwoono oo ilaa maxkamada sare socono dulmigaan laguu geeystay

2.in dadkan ku dhibay ninka kuugu dhibadan oo madaxda ah aan ka takhalusno inagana layna xiro laakiin aan ciil baxanay mar hadaan kii ku ciilay dilo.kadib hadii layna dilo waa u qabnaa raalibaan ku nahay hadii layna xiro oo layna soo daayo mudo kadibna raali baan nahay.


wuxuu yiri sxb mahadsanid dacwana galimaayo oo hadaan galo ani unbaa layga eexan oo waad ogtahay finishka max kamada hooda cadaladi mataal oo soomali xun baan ka nahay.taasi waa tan hore

2.tan labaad sxb wax dili meyna oo waa layna xiri kadibna haday doonaan irbad baa laynagu dhufan oo hadhaw wax dhintay wax ma dhaami doono,ama xabsigaaba laynagu dhexdili oo qaar bay inagu salidi.laakiin anaa tashane adiga idaa sxb


waxaan ku iri calaacal danba ha ila iman ee ama xarago u joog aduun ama xarago u aad aakhiro.waxa uu iyiri sxb kayoow idaa waan tashane wuuna iska tagay oo dhaqaaqay sxb kay waxaan ka daba tuuray anoo careeysan ha ila iman sheeko haween danbe!!!! waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sayid Maxamed

Thursday, November 23, 2000 - 08:07 am
Walaal dhibaatada ina heysata waa arin khtatar ah
waxaaba aad iyo aad uga naxay markaa tiri
qofka soomaaliga ah oo Finland Jooga wuu ka sheexayaa inuu yiraahado Soomali baan ahay wuxuuna ka doorbidayadaa inuu Axmaaro iyo Mareykan, sheekto aduunka waxaa iigu yaabadan magaca soomaali ka faan oo
Amxaar sheego ,maxaa yeelay waxaa meesha ka cad
bahdilka ay idinku sameeyeen intii la eg yahay
sababtoo qofka hadii maskaxda laga dilo waa ka
darantahay tan Jirka aha(physically)
Aniga waxay ila tahay in ay gaaran hadafkoodii
marba hadii magacii soomaaliga ahaa in laga cararaba ay keeneen
walaal dhibaatada in haysata waan dareensanahay
sabatoo ah waxaan ku noola sweden oo aan Finland waxba dhaamiin,sidaad sheegtay oo kale ayaa
Soomaalida maalinkasta saxaafada laga canjiray
waxa bulshada inu kudirayna waa saxaafada
sidaas darteed anigu waxaan idinkula talin laha
inaad intiina awooda le isaga qaxdaan sababtoo waa inaad ka fakartaan cawaaqibka danbe. Ilmo aabahood iyo marwadiisii lagu horgaraacayo waa wax la murogo le sidaas darteed cunigii wuxuu noqonayaa adoon rasmi ah
,waa runtaa dadkoo dhan ma wada qixikaraan laakiin intii awooda leh siiba Barbaarta waa in ka haajiraan Midna waa in aad ogaataan Hijradu marbey waajib ku tahay qofka muslimka ah waana markii naftiisa,maalkiisa,diintiisa uu ayaabo
hadaba intiiba finland waa kadhacayaan
mideeda kale qofku waa in uu tashadaa uuna ilaahay talasaartaa,Nabigeenii(s.c.w)wuxuu yiri
"Qofka muslin ah god laba jeer laguma qaniino,"
hadaba mar hadii ilmahaagii iya xaaskaagii hortooda lagu horgaraaco hadaba ma waxaad sugeysaa inta lagugu horkufsanaayo,tankale walaal waan inaad isu miinsaantaan khasaarada iyo Faaiidda ina ka soo gelaysa Joogitaanka Finland int ey la egtahy.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Thursday, November 23, 2000 - 02:49 pm
Gurey,

Saaxiboow waa waxyaabo murugo iyo tiiraanyo leh,
loona dul qaadan karin, xal aan ahayn, in laga guuro mooye ma arko xal kaleh,haddiiba ay suurto galtahay,bal inoo wad maxaa kale oo aadheeysaawaadba inaga maajisaye, malaha somalida halkaas ku nool maba adeegsadaan qabiil,iyo wixi ay kala yimideen dalkoodi,gaal gaal dhalay hakaa faano ayaa ugu daran,war bal balaayadaas eega?
nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CULUSOW

Thursday, November 23, 2000 - 04:09 pm
Gurey qoraalkoo dheer, ma akhrin dhamaan laakiin intaan arkay waxaan ka oran karaa waa u qalanaa in sidaas nalookula dhaqmo sababtoo ah waxaana rkaynaa micnaha wadaninimada. Tusaale hadaan kusiiyo Germany oo dagaalkii koowaad laga adkaaday waxay sanooyin yer gudahood u noqotay wadanka aduunka ugu xoogga badani waxay aheyd markay u dulqaadan weysey sharciyada ay kusoo rogeen wadamadii ka adkaaday.

Marka shiikhoow arinkani wuxuu wake up call u yahay kuwa dadka kale ku dhibaateeya qabiil ay u dhasheen kaliya. Forumkan dhinacyadiisa dhan fiiri waxaa ka buuxa reer hebel anagaa layna ama ka xoog badan iyo reer hebel gabdhohooda anagaa xoogna. Marka dadka caqligoodu ka badin waayey reer hebel anagaa wasna markay waxaa ka sheekeysay iyo wixii lamida arkaan waxaa laga yaabaa inay u noqoto cashar ayna ku fakaraan in qofka soomaaliga ahi uu walaalkood yahay. marka gaalka Finish-ka ahi uu ku arko kuuma arkayo isaaq/qdaarood ama hawiye ee wuxuu kuu arkaa soomaali.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Friday, November 24, 2000 - 06:54 am
Culusoow,

ee waa ku caqligaas!!!!!!!!!!!!!!!

qoraalka dheer in aad akhriso waad diiday,
adigana, buuuuuuuuuuug aad soo qoree oo in la akhriyo ayaad rabtaa miyaaaaaaa????????

ma akhrinin qoraalkaada, ee ogooooooow.
nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 24, 2000 - 07:37 am
arrinta ka dhcday filand waa arrin muruga ah taasio na jecleysineyso wadankeeni hooyo somaliya hanolato aan ku daadalno in aan wadankeena dhisano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Friday, November 24, 2000 - 09:37 am
Gurey, jahilladda Somaliyyed (organized community) ma leedihiin? Haaddii ayaan hay'addaha human rights ka ee Finishka waxaba idiin qabaaniin, ma la xiriirteen hayadda qaxootiga ee Qaramada Midoowday. (UNHCR) Case-ka aad sheegtay haddii ee documented yihiin uu gudbiya hay'addaha caalamiga ee human rights organizations.
Waan ogahay in ee adag tahay si aad oola dhaqantaan institutionalized racism. Lakiin waxaa muhiim aha aduun weynahaa inuu ogaado xaqdarradda lagu hayo Somalidda ku nool Finland.
Dadka ku nool Finland haaddii ee kulli isku cod yihiin, sii wadajir ah uu weydiistaa UNHCR dejin resettlement meel kale.
Gaal inuu na caabiidsaddo anaaga ayaa isku keenay, alla ciil badanaaaaaaaaaaaaa!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/QAADIR

Saturday, November 25, 2000 - 03:02 am
GUREY IYO DHAMAANTIIN WAAN IDIN SALAMAY.SXB ANIGU WAXAAN JOOGAA TORONTO.QORAAL KAAGA WAXAAN AKHRIYEY MAR AAN SEEXAN RABAY,NASIIB DARO MURUGO AWGEED WAAN SEEXAN WAAYEY.CALAA KULI XAAL.MARKA KOOWAAD WAXAAN ILAAH UGA BARYAYAA IN SI KA KHEYR ROON UGU BADALO SIDEY KU NOOL YIHIIN.TAN LABAAD.DADKA SHARCIGA KU LEH EE KA TAGI KARA IYO KII KALE EE BUG KU BIXI KARA HA ISAGA SOO TAGEEN.HADDII KOOX SOMALIYA INTEY GASHO UNITED NATIONKA XAAFIIS KOODA YIRAAHDAAN HANALA GEEYO MEEL QAXOOTIGA QAABISHA DALKAN MA JOOGI KARO OO DIIDAAN INEY DHISMAHAA KA SOO BAXAAN MUDAAHARAADYO YAA SOMALIDA DIBADA SAMEYN LAHAYD WAX UUNBAA ISBADALI LAHA.WAAYO ARIN HADDII UU MURGO OO HADANA SII MURGO WAA LA SII MURGIYAA ISAGAA MADAX YEELAN DOONEE.INEYNU DHIMANIYO INEYNU DHALANOO MAANTAAN WAXBA NOOGA DHAXAYNIN.WAAR DHULKA KA KACOO DIRIRA.XITAA KUWAA KA BAQAYA IN TV LAGA ARKO IYAGOO MUDAHARAADAYA.SOMALI WAAN AQAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Sunday, November 26, 2000 - 08:15 am
Asalaamu Aleeykum
banaan bixii maajo 19.2000

Waxaa far xad ween ii ah dhamaan walaaleheeyga soomaaliyeed ee rayiga ka dhibtay fikradan.


qofkasta in aan u jawaabo waa xaq madama aan moowduuca fure u ahay.waayo waan u dhuun daloolaa dhacdooyinkan dhabta ah.malmahan waxaan ku maqanaana waa barbaar soomaaliyeed oo xiran kaligood nimankii ay dagaalameena lasiidaayay,ayaan hooyooyin kii wiilasha dhalay uraacay bal in ay lakulmaan ninka madax da u ah hawshan maxbuusyada,waan aragnay wuuna diiday wax dabac ah oo aan ka aheen waa lahaynayaa ilaa go aan danbe.waxan sameeynay abaabul mudaaharaad ween oo aan ku horsameeynay goobta ama isteeshinbooliiska lagu hayo dhalinyarada.waxaa noo yimid wariyayaal ayagu kolkaasi qora jaraaidyo afgaaban ama ku kooban dagmada arintu ka dhacday.taa macnaheeda ayaa ah hadii ay nooyimaadaan jaraa idyada waa ween ee dalkan finland ee malin laha ahi waxa arinka ogaanaya dad badan.markaa waxa nalagu soo sawiray ja raa id ku kooban xaafad.


hada kohor ayaan waxan xasuustaa waxaan sameeynay banaan bax ween oo aan magalada dalkaan caasimada u ah HELSINKI dhexdeeda kumaray socod anagoo wadana loox ay ku qoran yihiin erayo ah waxaan rabnaa cadaalad iyo sinaan waxaan ka soo horjeed naa faquuq ama takoor midab,diin, iyo asal qolo lagu takooro.iyo wax yaalo kale oo badan oo halku dhagyo ah.anigu shaqsi ahaan maalintaa oon hortagnay baar lamaanka dalkan finland hortiisa oo ay nagala soo qeeyb qaateen wasiirka hidaha iyo dhaqanka ee dalkaan finland iyo madax kale.waxaan filayay in uugu yaraan cabashadaan lagu soo qaadan doono joornalada iyo warka laakiin wax dhacay haba yaraatee ma jirin.war away wariyayaashii ?? markaa waxaad ogaataan wariye waxa uu ushaqeeyaa interska xukuumada.maha kan dhibanayaasha iyo dad weeynaha. si aana unoqon nin iska hadlaya ama been abuur wata ama qoraalkiisu aanu cilmiyeeys neen waxaan idiin sheega xiliga sheekadaan dhacday lagu banan baxay parlamanka finland hortiisa ayadoo ay isu soobaxeen rag caruur iyo dumar ilaa 500 gaaraya.waxaa noo hadlay walaalkayo oo madax ama gudoomiye noo ah iyo kuxigeenadiisii madaama aan leenahay urur namatala oo soomaaliyeed,gudoomiye Abdullahi iyo kuxigeenkiisii dr ahmed askar.wax inaan mudaaharadnay nasheegay ma jirin wax wax nooqabtay ma jirin waaba nalooga daray.taariikhda 19.5.2000 sacada 14:53 daqiiqo.waa xiliga aan hortaaganahay parlamanka.

daka soomaalida halkaan joogaa waa jirtaa in aan markii hore sanadihii hore qabiil u kala qayb saneen laakiin hada waa midaysanahay in aan finish u aragno inay na dulmayaan.laakiin ogoow in aan sii midawno marabaan oo kala qaybin bay nagu wadaan dadban.laakiin waxay balaayo ku dhigeen rasistamimadooda ma qarinkaraan oo qof damiirlihi lama saaxibi karo haduuna damiir laheeyna lama sxb karo waayo naceeb baa kamuuqda marwalba.soomalida halkaan waa isjecelahay.laakiin wax ma qaban karo inta badan.waa socotaa waxaan ka jawaabay si dadban suaalaha qorayaasha halkaan igu waydiiyeen markaa walaalayaal waa socotaa sheekada waxaana idiin sheegi doonaa sheeko aan ku qoslay oo dhacday maalin dhaweed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Sunday, November 26, 2000 - 01:06 pm
Gurey1, waa sheekooyin murugo leh sheekooyinkaada, dhacdooyinka ku dhacay somalida qurbaha joogo mid ka mid ah weeye tani, oo waxaan aamin sanahay in qaar kaleh oo ka dhibaato badan ama la mid ah laga helayo meela ay kala joogaan somalidu, wax loo dul qaadan karana ma ahan,
ee bal yeeysan naga qaboobine soo daa sheekooyin ka kaleh oo aad heeyso,maba ahan wax lagu qoslee.
nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Basbaas

Sunday, November 26, 2000 - 11:49 pm
Runtii waan wada akhriyey akhbaarta uu Gurey 1 soo qoray iyo jawaabaha ay akhyaatta kale ka bixiyeenba.
Arintana waa murugo weyn oo Somali taabatay, laakiin in aan dal shsheeyo la isa siin karin bay daliil cad utahay, isla markaana waxay quus ku tahay qof kastoo ku fekera inuu abad ku nooolaado wadamada westereenka ee aynaan waxba wadaagin.

Maah Somaliyeed baa ahayd: Dal aanad lahayn waa dareen ku joog: .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Monday, November 27, 2000 - 08:52 am
Asalaamu Aleeykum

sheekada aan ku qoslay baa waxay aheed,hadii nin kaa xoog badan oo kuu sheegtay awood,adna aad tabar uwayday aad isaga waabiso ogoobeey waa dhibaatee!!! laakiin hadaad aragto kii adiga kuu xoog sheegtay mid kaxoog badan oo asagii madaxa ka garaacaya ogoobeey kolkaa waa in aad qoso shaaye ileen tabarkale mahaysid.sheekadaa waxay aheed nimankii finishka ahaa waxa kusoo baxay nimanka dacwada badan ee ilma israaiil.waxay dhaheen sanadihii la gumaadayay yuhuuda jarmalka ku nooleed ee uu ugaadhsanayay xisbigii naziga ayaa dalka finland waxa timid waa gaa 6 nin oo yuhuud ah,kolkaa 4 kamid ah waa ladilay finishkuna waxay ula dhaqmeen si qaabdaran waana 1945.markaa nimankaa qabriyadoodii baa ku yaal casimada dalkaan finland HELSINKI. hadaba maalin dhaweed ayaa yuhuudu tiri finishoow waxaad fasheen miyay daan naga xaal marineeynin? qabriyada ayaa waxa tagay 2 nin oo yuhuud ah oo madaxa waxa usaaran koofiyada caanka u ah ee dhalada ay saartaan kana duwan tan islaamka,iyo dhar madoow oo suud ah waxa ay labada dhinac kataagan yihiin qabriyadii nimankaa waagaa dhintay.

waxa uyimid ninka raiizul wasaaraha ka ah dalkaan MR LIBUNEN iyo masuuliyiin sare.ninku waa nin dheer oo laba lafood ah markaasuu suu juud ladhacay asagoo hor dhacay 2 nin ii yuhuuda iyo qabriyada hortooda markaasuu qayliyay,oo yiri ba ayeey waa danbaabnay kol hadaan yuhuud xumeeynay,oo hin iyo calaacal dabadeed,waxa uu yiri sidan(waxaan xaal iyo mag dhaw iyo raali galin siineey naa dadka lagu xad gudbay ama la rasiisteeyay ee yuhuuda,anoo ku hadlaya magaca dawlada iyo shacabka reer finland dhamaan).


dad badan oo dariiqa iska marayay ayaa eegay oo cabaar daawaday dhacdadan,nin ila socday oo soomali ah baa arintii daawasho ugalay,markay dhamaatay sheekadii ee lakala jaan qaaday ayuu labadii yuhuuda oo ah niman gaagaaban iska daba dhigay warfaa oo ku yiri war isuga niman yahoow,markaaseey moodeen in uu dagaal soo qaaday oo argagixiso yahay,kadib baa la dareemay in uu hadal rabo ama wax weeydiin.waxay dhaheen kani soo ordayoow waa warfaa ee maxaad lasocotaa masharbaa? markaa suu yiri xaashaa ee wax baan xagiina idinka waydiin lahaa oo sual baan qabaa.markaaseey dhaheen soo daa wuxuu yiri suaal ma aha ee ilmaadeerayaaloow finishka saad isaga celiseen nooga celiya siday dadkiinii u laayeen bay noolaynayaane!!! waxa uu uraciyay ileen libuneen idinkuu idinka baqaa!!! waa raiizul wasaaraha,markaa yuhuudii oo dhoola cadeen baa tiri NAKAMIIN oo macnaheedu yahay nabad galyo waana marka laba qofkala tagayaan.markaa cusuriyadii waxay nagu dhalisay in yuhuudi tol lamoodo!!!

waxaan ku iri war yaa WARFAA suuyiri hee maxaad sameeysay? markaasuuyiri sxb ha ila yaabinoo nimanku waa rag say u bahdaleen ma u jeeday finishkii!! walaahi waa laba xinooyood ragaasi.laakiin sxb miyaadan maqal maah maahda soomaaliyed ee caanka ah ee oraneeysa BAAHIYI WAXA AY KUU GEEYSAA CADAWGAAGA.markaa taasaa ila gashay markaasaan ku iri waa gar laakiin waxaad ogaataa FINISHKA IYO YUHUUDU WAA ISKU CADAW LAAKIIN MARKAY ARKAAN MUSLIM WAA WALAALO ISJECEL,INAGUNA MUSLIM BAANAHAY.waxaad ogaataa sxb keeyoow in yuhuuda maalin walba ay cadaanka wada hadlaan oo lasiiyo mag dhaw dhibkii loogeeystay laakiin hadii aadame la xaqiray la xaal marinaayo meeqaa la adoon saday ama la dilay ama la xaqiray dad aan yuhuud aheen yaa ka hadla?? african kii udanbeeyay ee la soo iibsaday sidii xoolihii yaa iswaydiiya.yuhuuda maka hadashaa iibkaas? jawaabtu waa maya markaa cadaan iyo yuhuud ayagaa waxooda isku shushubta waana laba daalin oo isbaheeystay.


yuhuuda waxa xasuuqay jarmal hadana asagii bay hubka qaadanayaan waxay xasuuqayaan adame lanooca sida carabta!! oo suaashu waxaa weeye hadaad dacwo ka qabto in lagu xasuuqay maxaad adigu hada wax u xasuuqi sow danbi maha iyo godob? markaa yuhuudu waa dad damiir aan laheen oo kun wajiilayaal ah.waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galdogob

Monday, November 27, 2000 - 11:17 am
Walalaalayaal waan ini salaamay dhammaan dadka ka qayb qaadanaya kahadalka dhibka haysta Soomaalida,intaa waxaa ii dheer, anigoo joogay dalka Kenya oo lagu yaqaan inay Soomaalidu cadaadiyaan,kuna noolaa muddo sideed sano ah,walligay ugama nixin dadka Kenya ku nool sidaan
uga naxay dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Finland,wax badanbaan maqlayey dhibta haysata dadkaas Soomaaliyeed,haddase qoraalka Guray wax waynbuu kabadalay daraynkaygii.Su'aashu waxay tahay maxaan ka qaban karraa dhibkaas ina haysta?
1:waa siduu walaalkeen u sheegaye waa taariikh diiwanka gashay una taal mustaqbalka Soomaalia iyo
Finland.
2:waxaan uga Baryaynaa ayadoo ay tahay Soon maanta
in Ilaahay dhibka ka qaado Soomaalida meel kasta oo ay joogaan.
3:Allaah ayaa risiqa bixiya meel xunna alla nama dhigo,waad baahantahayna bakhtiga looma cuno ee ciddii sikale uga bixi wayda ha u qorteen araaji xafiisyada qaramada midoobey iyo hay'adaha dib u dajinta si dalkoodii hooyo ugu dhintaan hadday meel ku dhimanayaan ayagoo aan addoon la oran,inkastoo aan rajaynayno in Soomaaliya hadda fiicnaato,wax barashadooduna way infici doontaa meelkastoo ay tagaanba.
Tofiiqdana Alle hana waafijiyo,Aamiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FINISH BOY

Tuesday, November 28, 2000 - 02:04 am
Walaalayaal dhamaantiin waad salaamantihiin.anigu waxaan ku noolahay dalka finland mudo 10 sanadood ah runtii waxa uu gurey sheegay ma aha wax aan wada arkey waxaanan aaminsanahay in maanta soomaalida ugu nasiibka badani ay joogaan finland kadib markii aan soo arkey wadamo badan oo yurub ah iyo waliba waqooyiga ameerika waxa laga yaabaa iney tani ka mid tahay dhaqankeena in qofka meesha uu joogo caayo.ok waxa la yiraahdaa gaal dil gartiisana siiye waxaa la isku raacey iney finland arimo badan aduunyada uga sareeyso sida caafimaadka,waxbarasho heersare ah.waa wax caadi ah in qofka qaxootiga la dejiyo kaam weyna jirtaa in nala dejiyey meelo lagu xareyn jirey dadka waalaniyo meelo lagu xanaaneeyn jirey dadka qamriga ama muqaadaraadka isticmaala sababahaasna waxaa keentay in qaxooti badan oo aan la fileyn halmar kusoo fatahaan dalkii iyagoonan wax loo diyaarin.10kii sano aan joogay runtii wax dhibaato ah aan ka aheyn cimalada amaseba dad saqraansan oo marmarku caayamooyee waxkale ma arag.weyjirtaa sida walaalkey gurey uu sheekey in soomaalida ay ka xishoodaan sheegashada wadankooda taasna waxaa sabab kadib markii soomaalida ay sameeyeen falal aad u xunxun sida kufsasho dilid iyo dhicid joogta ah .laakiin wadankan dadka sharciga waa u wada simanyihiin qofka finishka ah iyo kan ajnabiga ah waa isku xuquuq.dabcan meelwalba oon wadankaada aheeyn way jiraan cunsiriyad.mar aan booqday england runtii aad ayaan isku ilaalin jirey kadib markii aan arkey arimo qatar ah sida anigoo garab la igu dhuftay anigoo mindi la iigu hanjabey waxaana ficiladaas samaynayey dad madoow oo reer cribian ah marka walaahi finland aduunka inaan meelna ku doorsadeen xitaa wadankeykii hooyo si walba uu nabad u noqdo taasna macnaheeda ma aha GUREY waa beenaale laakiin isku si wax uma aragno ilaahey ha dhaafo finland iyo finishkaba HYVÄÄ suomi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wax garad

Tuesday, November 28, 2000 - 03:04 am
waxaan oron lahaa walaalkeen gurey mowduuciisa aad ayuu qiira ii galiyay. aniga oo horay ula kulmay dad badan oo finland ku nool kuwa kasoo cararay intay dhibaato ka gaysteen hadana marna kama aanan aaminsanayn suu walaalkeen u taabtay..
waxaan la kulmay yar kamid ahaa dhalinyaradii ugu dambiyada badnay dalka oo intuu nin ah kuwa xooga badan ee waardiyeeya goobaha lagu caweeye intuu midab ahaan ugu diiday inuu galo meesha yuu wuxuu u doontay (banzin)wajiga intuu uga daadiyay ayuu taraq ku dhajiyay. wadan kana kasoo baxay..
wuxuu ku lahaa finland gabar cadaan ah oo wiil u haysay.dhalin yarada xabsiyada galay yuuka mid ahaa dhowr jeer hadana marna si kale nooma uusan tusin wadanka, waadad gaala ah oo midabka diidan lakiin soomaalida waadad wax iska dhiciya taas owgeed ayaa colaadyar inay abuurtay yaan u qaadanay...
waxaan kaloo aragnay dhalin yaro banooni nala dheelay waxay dheheen markaan garoonka imaanayno garuumo iyo mindiyaal aansoo qaadanaa. waxaa dagaal naga dhexeeyaa ay dheheen mootolayaasha kuwaas oo poliska faraha isaga kaaya qaaday..
marka walaal hadii aad rabtaan inaad wadanka ka soo baxdaana xuduudaha scandenevianka way isku furan yihiin..
hadaa jaraa idka inaad ka hadashaan rabtaana la kulma jaaraa id yadada madaxa banaan haday idin diidaan lasoo xiriira kuwa wadamada kale ee scandenevianka sida swedan. dk. ama norge. kuwaas oo dunida oo dhan qabaarku gaarayo..
hadaad isku figrad tihiina dadkiina kunool finland maalin mudaaharaad wayn inta diyaarisaan waxaan ku balantaan in qofwalba oo idinka mid ah uu horay usoo qaato bacda madow ee qashinka lagu shubo,dhowrsheyna horay ugu soo rito. ku balama magaalo xuduuda xoogaa u jirto. waxaad soo qaadaan hayweyga adinkoo leh waxaan ka baxaynaa wadanka waxaan u galaynaa dariska dhibaatadaas owgeed..
hadaa mowqifka ka siman tihiin finishka xaar aaka daadanaayo sida yuhuudaa sheegaysay yeyna idiin maslaxayaan arintiinana waxbaa la iska dhihi hadii kale qolooyinka xuduudka aad u imaataan yaa dunida u bandhigayso arintiina inta ay finishku waxaad rabtaanba haa ka dhahaayaana idaacadaha aduunka yaad saar naanaysaan..
aniga waxaan qabaa dunida maanta wayka dhamaatay waqtigii midab gumaysiga ninkii aamusan yaa un lagu tumanayaa marka inta wax isla meel dhigtaan qayladiina kor uqaada dhibta way yaraanaysaaye..
waxba haka qixina dunida waa isku wada mid meel walba qolaa aamusisay dadkii dhulka lahaa afka kala qaaday markii la dulmay.
marti galiyahana way dhibaysaa ceebta ka gaarta dunida..
waxaan kuu rajaynayaa guul iyo mowqifka aad rabi ka rajaynaysid inuu kuu fududeeyo..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Tuesday, November 28, 2000 - 03:09 am
Asalaamu Aleeykum

Walaalayaal dhamaantiin RAMADAAN WANAAGSAN.

Waxaan cadeeynayaa in uu xaq uleeyahay ruux waliba arigtidiisa maskexeed iyo in uu cabiro sida uu wax u arko,soomaalida ayaa ku maahmaahda XAAJO NIN LATOOSANI NIN BAY LAXUNTAHAY.waxaan ula jeedaa FINISHBOY waxa la toosan hab dhaqameedka u dhaxeeya ajanibiga gaar ahaan soomaalida iyo finishka,oo macnaheeda uu yahay sida ay finishku ula dhaqamaan soomalida. ana waa ila xun yahay ii ahoow adoon.markaa walaalkeey waa sax san yahay ayadoo loo eegayo aragtidiisa ana waa isla sax sanahay anoo la ii eegayo aragtideeyda.laa kiin qofkii wax sheegayaa waxa haboon in uu layimaado daliil cad oo lataabankaro,tusaale ahaan anigu waxaan hayaa cunsuriyada dalkaan finland nagu sameeysay waana sidan tusaale

1.waxaa nalaga xirtay sharaftii? macnaha shaqada waayo hadii laguudiido in aad bulshada dhex gasho oo shaqeeyso ood noqoto qof qiimo kuleh mujtamaca macnaheeda waxa laguu riixay dhinaca xun oo ah qiimo daro dawdar,khamriyo cab,tuug,duli i.w.m markaa takoor ka weeyni ma jiro shaqada oo lagaa curyaamiyo adoo qabankara,naceeb awadii

2.saxaafada oo 10 sano nalugu caayaayay oo cayda waxaa kamida ma shaqeeystaan!!!! hadii qof soomaaliyeed,oo sameeyo khalad waxa la soo qoraa soomaalidii oo sidaa sameeysay,micnaha waa shaabad guud oo kii qaldamay kuma eka.hadii aad istaqaanaan qof finish ah waxaad arki asagoo gafuurka taagaya oo caraysan waayo qof soomaaliyeed baa qaldamay,war hade meeshu waa magaalee aniga miyaa kaasi? soomaalida waa dadka uugu danbiyo yar ajaanibta.hadana ayagaa lacaayaa marwalba.


3.wax barashada oo nalaga curyaamiyo siiba ubadka yaryar oo sookacaya sida kuwa dugsiga sare ugudbaya, iyo tacliinta heerka jaamacadaha,waxaan qoslay markii walaalkeey FINISHBOY amaanay tacliinta dalkaan,waxaan maqli jiray MAAH MAAH SOOMAALIYEED OO ORANEEYSAY (LAX DHUKANI COL IYO ABAARBA MOOG) wiilkani arimaha hoos uuma eegin miyaa!!! ma ogtahay in ilaa hada aysan jirin dhalinyaro soomaaliyeed oo dugsi sare dhigata ilaa waxaan dhameeyn 15 ayaa ka dhigata intii kale xir fad baa loo leexiyay waayo ninka dugsiga sare aadayaa waa jaamacad muraadkiisu.kankale waa xamaal xirfadle ah.markaa hadaan waydiinay maxaa noo diday soomali hadaanahay dugsi sare waxay na dhaheen caruurtiinu wax ma yaqaanaan.war ileen balaayo!!! markaa tacliin halkaan taalaa ma jirto cunsuriyad awadeed,waxa roon dadka waa ween oo hore soomaliya dugsi sare uugu soo dhigtay waayo dadaal dheer kadib waa iska celinaa oo fisigiska iyo xisaabta waa u sidanaa marka la eego ardada finishaka ah.laakiin caruurta waa baaba cunsuriyad awadeed.


4.sharciga oo naga eexda wali lama arag soomaali maxkamad lasaaray ooguuleeystay

6.naceeb jidh diid ah oo hadii aad bas raacdo lagula fariisan maayo tan waxaan marqaati gashanayaa FINISHBOY malaga yaabo adoo madoow ah in qof finish ahi ku agfadhiisto naceeb awadiis.tareemada sidoo kale war ileen balaayo!!!!


waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jeyte

Tuesday, November 28, 2000 - 05:22 am
Waa qaracan dad bili aadan ah in saas loola daqmo,hadan murugada oo gu xun waa dad soomaali ah,Gureey1 adigu halkeebaad ku nooshahay ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Tuesday, November 28, 2000 - 08:28 am
Asalaamu Aleykum

walaaleey iyo walaale

waxaa lama huraan ah in aynu is waydaarsano ama dhahoo is dhaafsano dhacdooyinka dhabta ah ee aynu kala kulanay shisheeyaha tan iyo dabayaaqadii,sanadihii 1990 naadkii.waxaana loo baahan yahay in taariikhda been lagasheegin,waayo maha caado soomaaliyeed beentu,markaad raad raacdo intaan guumeystaha cadaanku inoo iman 1884 naad kii.waxaan udagaalamaa magaca soomaaliyeed,waxaan ka dagaalamaa hagardaameeyntiisa.waxaan udagaalamaa midnimada soomaaliyeed,waxaan ka dagaalmaa kala qoqobka iyo qolo qolada.ma iloobo halyeeyadii soomaaliyeed ee aan la koobi karin ee dhalisay ama curisay dawlad soomaaliyeed iyo xornimo.ayagoo kahufan qabiil.walaaley iyo walaale waxay nu nahay hal umad hal reer hal diin hal dagaan.waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Osman Fidaar

Tuesday, November 28, 2000 - 12:18 pm
Waan kugu garabgalay xaga niyada sida aas isugu taxalujisay inaad faah faahisay arita aad soo bandigtay. Balse walaalow nooma aadan sheegin meehsaad kasoo xigatat warka iyo meeshaad joogtid laf ahaantaada. Balse saas muhiim ma aha waan ku aamin sanahay. Waa calool xumo iyo nasiib daro nawada haysata hadaan nahay somali gabi ahaan inaan wajahno xaaladahaas oo kale. waana u calool xumahay dadka ku dibaataysan Finland damaantood. Balse talo, fadlan soomaaliyeey wadankiina dhista.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Tuesday, November 28, 2000 - 10:10 pm
Salaamu Calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh,

Walaalayaal marka hore kuligiin waad salaamantihiin Ramadaan wanaagsana,

Guray1

Walaal arimahaas aad sheegtay markii aan akhristay walaahi oo billaahi oo tollaahi ILIN ayaa iga timid cadho iyo ciil darteed in gaal xun oo afku xaare ah oo khansiir iyo bakhti ka soo bukaacaayo oo uraayaa uu maanta dad walaalahay ah oo Soomaaliyeed sidaa u galo.
Gaal xun oo cadaab galayaa in uu dad muslimiin ah oo soomaalidii ugu sharafta iyo deeqsinimada badnayd dunida sidaa u bahdilo maanta waa nasiib daro.

gurayoow aduunyadu way weyntahay Risiqana Illaahay ayaa haya oo maanta Bill gates ayaa tusaale kuugu filan, Jaamacad kama bixin waana ninkaas maanta aad taqaan. Aqoonta iyo risiqu iskuma xirna, Aduunka proffesorada ayaa ugu cilmi badan iyaga ayaana ugu faqiirsan, markaa waxaan kugula talinayaa si walaaltinimo iyo Muslinimoba leh iskaga Haajira oo ka guura Finland. wax alla waxa Soomaalida ah ee kula degana ku waani in ay cadawga iskaga ag guuraan intaanay galaafan.
Gaalo kuwo jecel meel kastaba way joogaan oo daba-leefyo ah oo halkan Canada-ba waynala joogaan, kuwo gaalka u arkaba in aanu binuaadamba aheen oo kale oo gariira xitaa marka ay la hadlaayaan gaalada oo futada ka dhidida. waar maxaa uga cabsanee gaalkan afka baarada cad kuleh markaad ku tidhaa ee toos wax u waydiisana ku odhan waar dadka sidaas loolama hadlo, waxaanan ugu jawaabaa markaas nacas, Fule xaar wayn, waar gaal inta ka haybaysaneeso ka cabso Rabigaa.
Waana kuwa naftooda u sheegay in uu Gaalku ka sareeyo, hada waa gaal futo ku xaare ah oo aan xitaa kaadida iyo xaarkaba ka istijoon oo aan iska dhiqin. waa wax hada xoolaha uun wax yar ka roon.
haa aqoon aduun way hormareen, bal wax kale oo wanaag ah ku sheeg,, Xitaa caruurtoodu kama nabad gesho.

Markaa sida kan finish boy dheg ha u dhigin maanta laga bilaabo intaad salaatul istikhaara tukato ka tabaabushayso sidii aad uga bixi lahay meeshaas.
Aniguna niman ahay waxaan diyaar kuula ahay in aan ku caawiyo Ilaahay dartiis wixii karaankayga ah ee aan kuu qaban karo diyaar ayaan kuula ahay. ii soo sheeg Emailkaaga.

FINISH BOY,
Kan isku magacaabay fini fini way kaa muuqataa gaalo iska yeel yeelka iyo gaalo jacaylku, nacasyahow dameerka ahi, waxaaba laguu sheegayaa in dadkaagii Soomaaliyeed sidaas loo galaayo ee xitaa ma u jidh nixi wayday in ay gaaladu kunaagaysteen ayaaban u malay anigu, Sidaa aad u hadashay waxa weeyi naagays, adaanan qoorta maanta kaa go'yn lahaa oo aan kuugu horaysiin lahaa intaanan u gudbin finiiishta iyo shadaadiinta indhaha cad cad.

Sidaa iyo nabad gelyo,
Salaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FINISH BOY true

Tuesday, November 28, 2000 - 10:16 pm
Ramadaan kariim.
Runtii waxaan aad ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee aynu fikradaha isku dhaafsaneyno ama ku doodeeyno taas oo macnaheedu yahay inaan kala faa iideeysano eyna doodu noqon yaan lagaa badin runta waa tan..soomaalida imaashahoodu ma aheyn iney yimaadeen wadan xun laakiin waxaanu nimid xili xun oo wadanka heystey dhibaatooyin culus sida dhaqaalihii wadanka oo xumaadey,shaqa la aantii oo badatey dhibaatooyinkaas ayaa waxey saameeyeen xitaa bulshadii finishka aheyd sababtoo ah waxaa badey isdilkii,cabida qamrigii iwm.xiligaas oo ay soomaalida raxanraxan usoo galeyeen finland taas aanan hore loogu arag umad madoow oo sidaas u tiri badan dalkan finland xiligaas adag aynu soo sheegnay ma jirin u diyaargarow ama lama fileyn intirooyinkan soomaalida ah ee istabajooga ku soo fool leeyihiin finland taas ayaa sababtey in qaarkood la dajiyo hoteelo (five star ah )sida magaalada la yiraahdo MIKALI iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalka taasoo bulshadii xiliga adag ku jirdey eedeeyneeysayna maamulka ey caratoodii kula dhaceen soomaalida maadaama wadankoo xaaladan ku sugan hadana dadmadoow intey yimaadeen meelo qurqurxoona la dejiyay.ta xigtailaah ka cabso ee soomaalida maxay sameeyeen?
waxa biloowdey kufsi yo isdaba joog ah taasoo ku biyo shubatey dil in nin soomaaliyeed u gaysto gabar aan qaangaar aheyn ninkaasoo horey u dhameystay xabsi lagu xukumey kufsasho gabar finish ah oon qaangaar aheyn.ma aheyn ficilada kufsiga hal ama laba waxey ahaayeen kuwa gaarayey tobonaan.waxa biloowdey in soomaalidii la siiyo fursad ay ku keensadaan waalidiintood xaasaskoodii iyo caruurtoodiiba waxa dhacay qisooyin aad u cajiib badan sida nin walaashii xaas ahaan ku keena oomarkey wadanka timaado yiraahdo ma aheyn xaaskeyka ee waa walaasheey qof caruur uu dhalin keena kadibna la isqilaafo dawladana loo tago ,qof sagaal jir ku keena qofweyn oo uur leh kadibna guriga lagu dhaliyo oo loo geeyo caruurtii booliska oo dib loo dhiibo iyo runtii waxyaaba aad u farabadan oon soo koobi karin .waxaasoodhan inagoo sameyney oo xumaana ma aha weli inaan aflagaadeeyno umadan sharafta leh.eekarka kuleeylku ka keenay .finland dhaqaaleheedu wuu soo kabtey waana wadan aad horumarey oo nadiif ah ajaanibtana fursado ayaa la siiyaa cidii ka faa iideysaneyso waana wadanka ugu wanaagsan ee qoyslagu dhaqan karo.soomaalida joogatana waxaa lagu tilmaamaa kuwo ubadan ardey dadaala isna aruursada kuna wanaagsan diintoodaa oo finland xitaa waxaa sharci ah in qofka ajnabiga ah diintiisa iyo luuqadiisa loogu dhigo iskuulka oo xiso ahaan u qaado halka ardeyda finishka markey aadan xisadoodii kiristanka kan muslinkana wuxuu aadaa kiisa islaamka ah .marka waxaa laga yaabaa in walaalkey GUREY markuu soo qorayay qoraalkan uu xanaaqsanaa oo nin saqraansan ku yiri MENE KOTIIN!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Wednesday, November 29, 2000 - 02:46 am
Asalaamu Aleeykum

((dadoow maqal duduub taan ku iri ama danhaw yeelan nin rageey dar daaran u tahaye doqone waa mooge)) anigu malihi murtida ee waxaa lahaa halgamaagii weeynaa ee soomaliyeed ee gobonimada udiriray sayid maxamed abdulle xasan.


Walaaleey iyo walaale

Dhamaantiin waan idin salaamay ramadaan kariim.

to:somali
Waxaad ku mahad santahay dareenkaaga guud ee soomaalinimo iyo hiilka gaar ahaan eed iifidisay.waxaa aniga igu filan kol hadii aanahay ragii soomaaliyeed in aan u istaagno dhawrida sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed.in aan ku midoowno wadaninimo iyo soomaalinimo,oo aan ka weeynaano shisheeye iyo mid uu ku adeegto.tan aa ani ii ah hanti iyo barwaaqo aduun.


waxa jira dad inala dhashay oo kuugu baaqaya kala qoqobid,iyo sigaara wax udoonid,i shisheeyo raacid,tan weeye tan loo baahan yahay in aan kadiidno cid walba.dalka soomaalibaaleh,dadkunu waa soomaali,maha in waqtiga laynooga dhumiyo talaay waryaa reer quraceey.


hadaan usoo laabto gabanka FINISHBOY walaal,ma waxaad ka hadleeysaa falalka ka dhaca,marka umad qaxdo oo qoxooti looqaabilo waxay sheegtaan?? waxaa cadaan ah in aadan inbadan akhrin taariikhda dunidan,waxan xasuustay anoo tix raacaya hadalka walaalkeen FINISHBOY nin swedish ah oo madax ahaa sare oo kanada iska dhiibay 1948dii oo walaashii ku keenay xaaskeeygii,kadibna mudo dabadeed cadaatay in aytahay walaashiis.ilaahoow nin aan wax ogeen dhibadanaa!!! malaha waxa aad mooday in aan laga dharagsaneeyn qoxooti leh kani imadhalin,tan anaa qaba,hadana isroga oo layimaada baabkale walaal waa la ogyahay waxana sameen jiray soomalida horteed cidwalba oo qaxda oo looqaabilo qoxooti.maha danbi guud ahaanba adaa sheekada kadhacsane.waxa uun danbi uugu dhaw oo aan xoogaa lajecleen qofka dadka soogaliya oo lacagta ka qaata waayo waa ganaacsade dad ka ganaacsada markaa waa danbi,laakiin qaraabadaada ood hadba leedahay marana asaa idhalay marna anaa dhalay waa caadi.tan adiga waa kaa maqneed.

Arinta kufsiga dalkasta oo dunida waa kadhacdaa waana arin shaqsiyeed,waxana loo ciqaabaa kiigeeystay.finishka ragooda waa kuwa ugu kufsiga badan wadamadan,waxaa igu maqaalo ah inkastoona wiilka la kulmin kufsiga lagu eedeeyay in la nabay,laakiin asagu uugabadha xod xodosho karabay.gabadha danbe ee uudilay waxa uukudilay,sabab cad waayo waxay aheed midii nabtay ee u markhaati furtay in uu gabadh xoogay,maxaa yeelay gabdhuhu sxb ayay ahaayeen.markuu xabsiga kasoo baxay ayuu ciilkii ileen naf lanabay wax ka xun majiree intuu jiq ugalay xoogaa laba afleey kudub uugu kala jaray gabadhii,waayo ninka ciil baa dilay.


markuu dilay buuyiri akhiro ila aada marhadaan ciil baxay.gabadhaa dilkeeda waxa dhawac loogeeystay dadbadan oo somali ah oo laga aar goostay magaalooyin dhan baa la isaga soo banaabaxay nin baadari ah baa wuxuu yiri ninka gabadha dilay waxaad kanaxeeysaan uun gabadhee waxa uu inagu sameeyay geeri tan kaxun.dadkii oo dhanbaa yaabay tolow waa maxay.....
waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEESI

Wednesday, November 29, 2000 - 06:20 am
Gurey waa ku mahadsantahay waxyaabaha aad noo soo gudbisay laakiin sida uu sheegay Finishboy Soomaalida degan wadankaas qaar kamida waxyaabo xunxun ayey ku kacaan sida gabar waalneyd oo ay saf ka galeen niman soomaali ah oo qaar 30+ jireen. Markaa marti tahay waxaa fiican inaadan falal xunxun geysan ama qofkii geysta aad dhinac ka noqoto lana shaqeyso police-ka iyo dowladda sidii dadkaas looga abaal marin lahaa. laakiin hadii Soomalidu dhibaato geysato kii carari karana la qariyo oo uu Yurub dhinac ka galo waxay keeneysaa in la idinku koco. Wadamada USA/Canada iyo UK dhibaatada Soomaalida aad looma arko sababtoo ah waxay ku dhex jiraan malaayiin dad ah oo qofba meel ka yimid. Laakiin wadamada Finland, Norway iwm oo dad gooni ah deganyihiin populationkooduna yaryahay wixii soomaalidu sameyso waxaa sii balaarinaya mediaha sida TVga iyo joornaalada taasoo keeneysa in dadkii idin nacaan. Dadka waxa idinku diray ma aha neceeb ay Soomalida u qabaan kaliya ee waxaa qayb ka qaadanaya idinka oo aan khaladkiina arkayn. Tusaale ahaan qoraadaada hal meel oo aad ku sugtay wanaaga Finland idiin sameysay ama khaladaadka Soomaalida sida kufsiga caruurta iyo dadka madaxa looga jiro ma jirto.

Waxaan idinkula talin lahaa la shaqeeya dowladda si at least loo arko inay jjiraan dad ka baxsan ficilada xunxun ee dhalinyaradeenu samaynayso.

Finish Boy, waa ku mahadantahay dhinaca aad naga tustay Finland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Wednesday, November 29, 2000 - 09:30 am
Asalaamu Aleeykum

walaaleey iyo walaale

moow duuca yaan la marin habaabin!!!

Sideedaba,ogoobeey aduunyada waxa jira danbiyo taas oo lagula xisaabtamo shaqsiga geeystay,laakiin hadii la weeraro ehelkiisa,ama sinji uu kolkaa kasoo jeedo,ogoobeey arinkaasi waa qabyaalad iyo takoor umadeed.usa iyo somalia iyo finland qofku wuxuu geeysto in lagula xisaabtamaa xaqa.kolkaa anigu cadaalad uma arko soomaali gabar kufsaday,in anoon kufsan,shaqo la iidiido arintaa awadeed.mise waxaad leedihiin danbi ma sameen kartaan hadaad soomali tihiin gabi ahaanba??? hadii mid idinka mid ah sameeyana kuli waa sameeysaan!!! hala ogo laado in qof khaldami karo,dushana aan laga saarin sinjigiisa asal ahaan uu ka soo jeedo.


macnaha waxaan arkaa soomaali waa danbiile.waana takoor iyo naceeb fog laakiin aan ladareemi karin in yar mooyee.macnuhu aan kahadlayaa,waa wax ogaansho iyo dhabta waxa jira,soomaali hadaanahay waxaan arki jiray uun nin cad oo lasoo dhaweeyo oo layiraahdo ajanbiga kaleexda.laakiin waxa nala iloowsiiyay naceebka fog ee ninka cadi u hayo midabka aanahay ee africa ugaarka ah ee madawga.kun finland way nadareensiiyeen naceebka ninkii wax garan,laakiin kuwa usa iyo london kataliyaa madareensiiyaan dadka naceebka.laakiin waa isku mid aqoonteeyda.


ilaa hada ani kama hadal xal laakiin goormaa xal laraadiyaa? waa goortaad hesho xog.hadaadan wax ogeeyn seed xal uraadin. walaale iyo walaaleey,waxan dhameystirayaa qisadii ninkii gabadha dilay oo hada xiran wali.waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXMED-GOLE

Wednesday, November 29, 2000 - 09:28 pm
Waad salaamantihi GURAY1 iyo dhamaan akhyaarta bogaan ka qayb qaadatayba

Waxa jirta xikmad somaliyeed oo dhahda ama somaliduba ku maah maahi jirtay berigii hore SHISHEEYE U DUUL,,, OO SHISHEEYE KA DUUL,,, OO SHEEGABA LAWAA,,, lana mid ah, oradoo u qaxooti tag oo ladag dad qalaad,,, kasii guur oo ladag kuwa kale oo aadan aqoon,,, kadibna meel aad ku danbaysayba hala wayo,,, waa mida somali maanta haysata

Arimahan aad Gureyoow meesha ku soo qortay iyo kuwa badan oo kalaba waa wax jira waana wax aad iyo aad looga murugoodo laakiin murugo only maa yanfac (murugo kaliya waxba matarayso) waa in maskaxda laga shaqaysiiyo lana raadiyaa xal badala dhibka jira xalkaasna ma imaanayo illaa aan inaga somali ahaan isjeclaano soo celino kalsoonidii dadkeena iska dhaafno xumaanta aan ku soo duminay wadankeeni hooyo ee hadaad banaanka seexato iyo hadaad geed korkii seexato ama guri cidna na dhihi jirin iiga kac, sidaa darteed waxaan naftayda iyo tiinaba ku boorinayaa inaan isku dayno inaan soo celino kalsoonidi ka dhexayn jirtay umada somaliyeed siiba dhalinyarada oo ah mustaqbalka wadanka
Tusaale ahaan markaad aragto mid aad sxbtihin ama isku reer oo xamaan qofkale ama reerkale ka sheekaynaya kaliya ku dheh sxboow taada ama ta reerkeena arag maxaad kuwaa ka sheegi ceeb iyo xumaan qof walba waxaa ugu filan intiisa. Hadaan saas yeelo waxa bilaabmi inay dhisanto kalsoonida ay isku qabaab walaalaha somaliyeed.

AXMED-GOLE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FINISH BOY true

Thursday, November 30, 2000 - 01:12 am
waad salaamantihiin dhamaantiinba.
hadii qofka bani,aadamka ahi ka maqantahay qeybta fahanka amaba fikirka wey adagtahay in wax la kala faa iideeystaa.anigu been ma sheegayo waa xili ramadhaan.hadii aan dib ugu soo laabano mowduuceenii ku saabsanaa xaqiiqta finland qof qaldan excuse uma sameyn kartid oo hadaan soomaali nahay xumaanta inaan ku dheereeyno adba waad ogtahay ma diidantahayin NINKA SOOMAALIYEED EE NAAGTA KUFSADEY UU LAHAA XAAS IYO LABA CARUUR OO WALIBA FINISH AH?wax aqoon hore oo kadhaxeeyay amaba marqaati fur majirin ee waa cudur u baahan inla iska daaweeyo.maadaama aan wadankeeni ku kufsan jirney dumarka amaba aan dili jirney oon cidbaba na ogaan .waxaad wadaa marin haboob iyo hadalo aan runtii sal iyo baardoona laheyn aqristayaashana waxaan ka codsanayaa iney si degan uga fiirsadaan oo ay isku miisaamaan aniga iyo ninkan gurey 1 ah.hadii aad tahay nin wanaagsan oo ilaaliya qaab nololeedka iyo nidaamkan waxaad ogaan laheyd in soomaalida qaldantahay .adigana waxaan kuukula talinlahaa inaad joojiso dacaayadaha aan sal iyo baarkaba laheyn ood danahaada raacado...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

THEJUDGE

Thursday, November 30, 2000 - 05:58 am
fINISHBOY: Nacalaa ku taale dadka Finland waxaa ka buuxa kuwo aad u xun, cadaawada ay madowga u qabaana way ka abdantahay kuwa wadamada kale sababtoo ah hada meeshan forumska fiiri qaybta "beelaha" Waxaa ka buuxa wadamo aad u badan halka waddan oo dadkii u dhashay isyo soomaali ay isku caynayaana waa qaybta finland. Maxaa keenay in dhaliyarada reer Finland inay all the way intay somalinet imaadaan ay caayaan Soomaalida? Meeshan waaqti badan ayaan ku wareegay halka meel oo dad aan Soomali ahayn ay Soomalida ku caynayaana waa qaybta "beelaha/Europe/Finland taasi waxay ku tususaysaa neceybka yaal Finland inuu ka badanyahay kan yaal Sweden, Australia ama Canada.

Suaashu waxay tahay ma Soomalida Finland baa Soomalida kale ka xun mise waddanka Finland baa wadamada kale ka xun?

Lama oran karo Somaida Finland ayaa Somalida kale ka xun sababtoo ah dadka Finland galay iyo kuwa wadamada kale galay waa isku mid oo kuli waxay ka wada imaadeen dhinacyada Soomaaliya kan Finland joogana waxaa laga yaabaa hooyadina inay UK joogto aabihina USA.

Hadaa wax badan joogtay waa ogeyd ninkii AIDS-ku ku dhacay oo madoobaa in sawiradiisa xataa meelaaha baska lagu sugo lagu soo dhajiyey beena laga sameeyey iyo in markaas qofkii madow ay arkaan ay oranayeen AIDS ayuu qabaa. Soo akhri qaybta Finland jawaabna waan kaa sugayaa.

Adios

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Thursday, November 30, 2000 - 08:33 am
Asalaamu Aleeykum

Ukuur galid falka wiilka gabadha dilay ee xiran siduu sheegay FINISHBOY,sidaan arinkan u aragnaba waxa meesha soo galiyay FINISHBOY,aniga xaalkaan saan sheegay wax xaqiiq ah kama hayo,laakiin waxaan daba galay wixii laga qoray sheekadan ee jaraaidyada finishku qoreen iyo wararka aan ka helay wiilka qaraabo udhaw iyo sxb badiis.

wiilkaan waxa lagu eedeeyay in uu gabar kufsaday,waxa lagu xiray xabsi.mudo labo sano kadib waa soobaxay,waxa markaa uu qabay haweeneey finish ah oo u laheed 2 caruur ah.waxay aheed islaam kadib markuu islaamiyay,saygeedu.arinta ah dilka gabadha danbe,waxaa jaraa idyadu qoreen in aan loo heeynin ilaa hada wax mar khaati ah in wiilku gabadha dilay!!! si aan samir laheen ayay poliiska finishku markiiba xabsi u dhigeen kiiskiina u baareen,mudo yar kadibna waa la xukumay oo ah 6 bilood gudahood.waxa lagu xukumay xabsi daa in.

wiilka waxa dharkiisa lagu arkay dhiig waxa uuna sheegay in gabadha oo dhiiglihi kusoo dul dhacday isagoo dariiq maraya yar oo meel xafad yara ku yaal,meesha waxay udhawayd boosteejo bas,gabadha baskeey kadagtay.waxa arkayay arinkaa oo finish ah oo markhaati ah lama hayo.waa shaki poliiska kayimid,wayna cadeeyeen in aysan heeynin wax cad.

wiilka sxb badii oo booqday waxa uu usheegay in askartu garaacdo habeenkii oo ay ula dhaqmaan si qaabdaran.wax wax ka qaban karaa majiro.dilka kadib gabadha magalada lagu dilay waxa ka soobanaan baxay dhamaan shacabkii.baadarigii u waynaa baa hadloo wuxuu yiri dilka gabadha waxa ka ween ma ogtihiin in ninkan soomaaliga ahi islaamiyay gabadh finish ah oo caruur uheeysa taasaa ka murugo badan kana khatarsan dilka gabadha.sheekadani waxay dhacday dabayaaqadii 1995


dhinaca kale dilkii barbaarkii soomaaliyeed,waxa uu ahaa mid aad iyo aad loola fajacay,waayo waxa dhacday,in poliisku dhaheen ninkan ninkii dilay horta lama hayo dilkuna maha mid kutala gal udhacay ee waxaa uu ahaa mid ninka oo khamraysani naceebka uu soomaalida neceb yahay uun u toogtay!! waa hadalka poliiska dalkaan.

nin wariye ah baa waxa uu cadeeyay in arinku kutala gal ahaa,sababtoo ah ninka wiilka soomaaliyeed dilay waxa uu qaatay baabuur ay lahaayeen guriga wiilka lagu hortoogtay reer daris ah oo kasoo horjeeda,waa barta wiilka lagudilay,reerka waxa uu ku qabtay bastoolada uu kudilay wiilka soomaaliyeed,kadib gacmahay kor utaageen islamarkaana waxa uu ka qaatay baabuurkoodii,ufiirso siduu uula sii xiimayay baabuurkii ayuu tagay tuulo yar oo halkaa dhigay baabuurkii.waxana cadaan ah in baabuur kale kasii qaaday goobtaas oo uu kusiisugayay,waayo meeshaba waa tuulo ay kadhisantahay dhawr guri oo kaliya oo istaqaan.


reerkii dariska ahaa ee baabuurkooda la dhacay ninkana lakulmay waji ka waji waydiideen ka hadalka arinkaan,sidiisaba!! intaa aansheegay inkabadan meeysan sheegin.ninkiina wali lamahayo? markaa waa kutalagal cilmiyeesan oo cad.

waxa kadaran reerkii wiilka dhalay ayaa qaar inaga ah oo aan waxba ogeen yiraahdeen imaada safarada finland ee itoobia ama wakiil jabuuti markaasaa reerkii yimid goobtaa si loo siiyo mag dhaw,waxay kayimaadeen xamar.dawlada finland viso aysiiso iyo magdhaw daaye waa lahandaday iridaana laga xirtay dadkaas wiilka dhalay ee soomaaliyeed.


wadankan waxa kutaal warshad layiraahdo FAZZER oo sameeysa macmacaanka waxay soo saartaa shukulaato ay ku qorantahay neeger,markaa gabar madaw oo madax ka ah xisbiyada kataliya ingiriiska midkamida meel macnoleh ka joogtaa waxay tiri hadal aad ii an facay.oo ah finishkaa arday kalkaaliyaal caafimaad ah udirsada london markaa gabadhaa madoow baa tiri oo finishoow,see lay idiin aminaa dad madaw yaqaan maba tihiine dad qaboow baatihiine,ordaha wax kabadala shukulaatada aad ku qortaan neegar hadaad rabtaan in aan dad idiin shaqaaleeyno.waana labadalay soo saarida shukulaatada ay ku qorantahay neeger.markaa qoladani imaan la aan bay hadana ibtilo ku dhigeen waxay dhaheen shukulaatada lama daadinkaro markaa shirkado yar yar yaa ubara tamay in ay xaraash ku qaataan oo wali qaarbaa lagu gadaa meelaha qaar.

FINISHBOY walaale miyaadan udan qan gishaantidii soomaaliyeed ee sanadihii 1991 dabayaaqadeedii ilaa biloowgii sanadkii 1992 ladilay,kadib markiii nin finish ahi ku yiri iyadoo xero qaxooti ku jirta dalkan finland sharcibaan kusiinee ma ku guursadaa,kadibna ay aqbashay oo gurigiisa geeystay,halkaas oo mudo uu kula noolaa bilo ah kadibna ninkii uu gooyay dad soomaali ah oo gabadha booqan jiray marmar.mudo dabadeedna laba waayay raq iyo ruux,gabadhiiba wax sheegaya lawaayay gabadh ay sxb ahaayeen waxaa laga sheegay in ay tiri waxay hadal heeysay soomalia oo waxay laheed dalkan waan nacay.

ninku waxa uu muujin jiray in gabadha uu aad iyo aad u jeclaa,soomalidu sidaas bay ogaayeen,6 sano kadib ayaa poliiska waxay ogaadeen in gabadhaas,soomaaliyeed ay ku duugantahay guriga deedkiisa.ninkiina waa qirtay oo wuxuu yiri kasoo saara halkaas,wuuna jarjaray kadibna god ku riday.waayo gaalada sidan bay wax udilaan badankooda,inaga dhaqankan malihin,waxana arinta keenay dad ehel u ah gabadha ayaa finishka dood caalami ah lagalay sida sharciyaqaano soomaaliyeed,oo latiigsaday international system ka sharciyada adunka ee dhawrida xaqiiqda qofka adanaha ah.markaa finishaka qudhooday ku noqotay in ay baaraan,wayna heleen waayo ayagaa yaqaan falalka dadkooda ka suurta galka ah.

macnaha qof waala dili karaa danbina waa dhacaa meeshu waa balad,laakiin sharcidarada iyo duudsiintaa daran.tan weeye taan kahadlayaa.

wiilal soomaaliyeed oo hada la heeysto laguna heeysto kadib markii niman qoomkii hitler ahi soo weerareen ayaguna isdifacay oo ayagii uun laxiray finishkiina cunsuriga ahaa lasii daayay hada wiilasha waxay xiran yihiin mudo 3 bilood ah maxkamada ayaa hadaba dhacaysa usbuuca hore eebishan janaayo 2001.waxaan goob joog kanoqondoonaa sida wax u dhacaan inshaa alaah waana idinla soo socod siin doonaa inshaa alaah.

waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FINISH BOY true

Friday, December 01, 2000 - 12:31 am
salaan dhamaantiin walaalyaal.
Hadii aanu ka hadalno guud ahaan nolsha iyo xaalada ajnabiga ku nool finland ma ah mid ka duwan sida wadamada deriska la aha finlanda.mr gurey 1 waxaan u arkaa inuu yahay ni careeysan oo aan marnaba ogoleyn in uu xaqiiqda ka hadlo ..
laakiin su aasha aan weydiinaya isaga iyo dhamaan aqristayaasha soomaaliyeed waxay tahay MAXAA ANIGA DAN IIGU JIRTA INAAN DIFAACO UMAD I NECEB IINA HEYSA CADOWDINIMO?taas waa mid aan jawaabteeda idinka sugayo.dhibaatooyinka eey soomaalida ka geystaan wadanka waa mid muuqda kana badan danbiyada ajaanibta kale iyadoo maalinba maalinta ka danbeysana sii kordheeysa.
waxaa xumaadey amaankii magaalada helsinki kadib markii guruubyo soomaali ahi ay halkaas ku hayaan burcadnimo cabsi leh sida dhicid iyo boobis cadaan ah .
dabcan finland waa wadan yar oo wax walba durbadiiba isha qabaneeyso hadana soomaalida waxeedu waa ka dareey finland waxaa jira fursado badan oo loo fidiyo soomaalida kuwaas oonaan kaheleyn aduunyada meelnaba hadana wey jirtaa dabcan cunsuriyad iyo in mediaha uu daba galo soomaalida laakiin waa raadad cad oon qarsoomeynin marnaba .taas macnaheedu ma aha in soomaalida halkan joogta ay yihiin dad xun maya maya.waa dad aad u wanaagsan intooda badan kuwaas uu gureyna ka mid yahay laakiin waxa naga mid kuwa xun sida NINKA naagta (gabadha yar diley)iyo kuwa station trainka dadka taleefoonada GACANTA ka booba MUQAADARAADKANA ku iibsha MR gurey 1 walaal maxaa ninka naagta dhiiga leh ku soo tuuray?maxaase mindida u dhiibey? maxaase habeen madoow xaafad uunan daganeyn oo duura dhigay? marna waxaad leedahay wuu yaqaany oo hada ka hor bey ku marqati furtay maran madilin oo ilaa iyo hada wax cad ma jiraan,please wake up ka hadal xaqiiqda .JOOGAHA MAQAN BAAN AHEE MAQANAHA JOOGAAN EHEE HAHAHAA.WALAAL JOOJI MARIN HABAABISKA INTAANAD EEDEYN DADKAN GOBTA AH ORODOO KU SOO WAREEG CAALAMKA KALE.hadiise finland meel xun tahay maxaa ku dhigay oo aad ujoogtaa ileyn waa wadan la isku adoonsadee??????????
WAA inoo isniinta marka iskuulka ii furmo int ka horeeysa ramadaan wanaagsan..,.-.,..-

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zam

Friday, December 01, 2000 - 02:45 am
Hi PPL,

Why are you guys bitching about all the racism that you guys encounter/ed in Finland?. Don't forget that you have gone there in your own free will. They did not ask you to come here to their country. So deal with it.. TOUGH LUCK!!

If anything, you should appreciate the fact that they at least provided you with a roof over your head, and food on your table, and may be enough money for you to chew qat with (though it is illegal). The welfare system is very generous, and I know many Somalis who would not spend this money on clothing their kids, and give them a better outlook in life. But they spend it in SHARI SHARI, and god know what else.....keep it real folks and don't lie to yourselves!!! Europe is not your homeland, and as long as you live you will face this. Just remember that Somalis burned their own county, no body did it to them. And most of you guys are "economical refugees" none of you have suffered bcz of the war and its outcomes. The ones who really suffered and still suffering are the ones back home. And when it comes to racism, NO NATION IS AS RACIST AS YOU. Everyone who is different is either GAL--which you don't mind receiving his welfare checks that is contributed by the majority of the working force-- or ADOON bcz he is another a real African, or midgaan, or anything else you can find in your dictionary.

What baffels me the most, is that Somalis are willing to be unemployed, and under the poverty line in a foreign land, but not willing to work or even be unemployed in their own mother land for better or worse. If one is doing really bad and down on his luck, it is better to be where you belong, rather than the rest of the world looking at you with disgust, dispise, and disrespect.

It is about time that you should do soul searching--if we had any left-- and look within rather than FARTA QOFF KALE KU FIIQ. Isn't that what we are good at?

--Peace
ZamZam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QUEST

Friday, December 01, 2000 - 05:07 am
Zamzam: Since you don't have a Finish name and you called Somalis as "you" which excludex you, I was wondering where you are from before I ask you a couple of questions. You Also seem to understand Somali although your article suggests otherwise.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HODAN

Friday, December 01, 2000 - 06:21 am
TO GUREY1:
Aboowe marka hore waan ku salaamay,run ahaantii aad iyo aad bay ii taabtay arintan foolsha xun ee ay dadkayaga soo gaadhay balse wax walba
waxa ay leeyihiin si aad iskaga difaacdo,marka aboowe waxaan oranlahaa dadka meeshaasi ku baa'basan in ay
sameystaan wax la dhaho cumminity taas oo doodayso sidee looga soo daad guranlahaa dadkaasi ku rafaadsan dhulkaasi ay jaahilayadu daganyihiin tankale waa in ay qoroolo ku qoraan jara'idyada si looga arko dunida dadkaasi sida loola dhaqmayo....teeda kale
Somaali ma ah dad u yimaaday
dhulkaasi jaceyl balse in ay
ka badbadiyaan naftooda dhibaatadii soo geertey mana
aha in xuuqdooda loo gafo.
Marka aboowe u sheeg dadkaasi
sida ay xal uga kaarin laheeyeen dhibaatada ka haysata la dhaqanka deegaankaga dalkaasi.Waxaa kaloo ku andacootaan in wadankiinii la idiin qaado
dabadeedna waxaa suura'gal ah
in wadankii nabad inoogu soo laabto amaba aad Mareykanka
iyo Canada ka soo gasheen.
Aboowe waxaa Ilaahay idiin ka
baryayaa in uu idinka badbaadiyo dhibka ka haysta
dadka ku nool dhulkaasi.
"GACMO WADA JIR BAY WAX KU GOOYAAN,MARKA ISKAASHADA".
WAA WALAASHIIN OO IDIIN RAJEYNAYSA GUUL IYO BARWAAQO.
SOMALIA HA NOOLAATO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suomi

Friday, December 01, 2000 - 06:22 am
Gurey1

Waxaad tahay beenlow oo aan alahiisa ka cabsaneynin Finland waxba kaama haleeynin waxay ku siiyeen raashin, lacag iyo guri. Bal fiiri Somalida ku nool Finland waa 5000 oo qof caruurtii, haweeynkii iyo ragaba waxay gacanta u hoorsadaan sosiaaliga ama ceyrta. dhibaatada aad sheegeyso waa mid caadi ah maxey kula tahay in anigii iyo abayaasheen, caruurteeni aanu gedigeen yaahi nahay oo aanu gaal kii ugu jahilsanaa gacantiisa sugeeyno. Hadad Gurey1 run sheegeyso maxaa Finland ku dhigay oo maad isaga tagtid ama iska aamus oo rootiga ika cun koley iyo koley waxaad tahay neegeri, saatana jos et halua asuu suomessa menee sitten somaliaa. olen itse somalialainen mun elämä on 100% paska. jos tavata suomalianen afrikassa nain kuin nainen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Friday, December 01, 2000 - 09:54 am
Asalaamu Aleeykum

walaaleey iyo walaale

TO: HODAN
walaaleey mahad sanid,dareenka dheer oo ah soomalinimada eed muu jisay,tan weeye tan qofkasta oo soomaliyeed laga rabaa.

TO:FINISHBOY Waxaa nasiib dara ah in aad hada koow iwaydiiso,waxa aan u imid ama u joogo finland!!!

suomi ninka labaxay ama gabadha labaxday,waxaan horta dalkan SUOMI ayagaa isu yaqaan ee aduunyada waxa looga yaqaan finish waxana ubixiyay INGIRIISKA,khabiir ingiriis ah oo dalal badan soo guumeeystay ayaa intuu finland saa u eegay Yiri DALKU WAA FIN= MACNAHA FIN WAAD GARAN KARTAAN DADKUNA WAA FINSH sidaadaraadeed bay kaxanaaqaan oo ula baxeen suomi.lakiin ingiriisku guumeeysi xataa waa uquuri waayay dadkaan,jir xumadooda.

TO: sumomi

walaal in aad i caydo kama mudni anigu shaqsi macaayin laakiin dhibtaan dalkan ka arkay baan sheegay,hadaad moodeeyso in lacagta kalmada ee dalkaan laga bixiyo ay tahay mid adiga dartaa loo qoondeeyay maha arinku saas ee waa nidaam sharci ah oo dalkaan kajiray intaan soomalidu imaan kahor,qoxooti in laqaabilana finishku ayagaa dalbaday oo tagay shirkii jineefa 1951 oo sixiixay.

waxaa haboon in qofku taarikhda wax ka ogyahay ama uu hayo xog dhacdo rasmi ah.ma waxaad ileedihiin hasheegin dhibta ee aamus!!! gabdha haa naa aamus lagu maheriyaaye waaba afduub xaqaaga hasheegan.waasocotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hassan

Friday, December 01, 2000 - 10:11 am
Waxaa layiri "markii wax laguu sheegaad wax gartaa" Anigu Waxaan joogaa USA,balse arrinta ah dhibka Soomaalida Finland ka haysta waddankaas, maaha mid guray bilaabay,runtii waa mid laga sheegay warbaahin badan,oo ay ku jirto BBC Somali Section, marka qofkii ogaa waa ogaa,kaan ogaynse haddana ha iska aamuso,waana wax laga naxo dhibkaasi,waxaan kaloo ini sheegayaa in kastoo aan
ogay kontrol la,aanta dadka Soomaaliyeed, iyo rabsho samayntoodaba,haddana annaga waxaa nasaran, inaan difaacno dadkeena iyo dlkeena,macnaha haddii
ruuxa walaalkaa ah qaldan yahay;qabo oo ka qabo, haddiise laga gardaranyahay garabistaag,hadalkaasi wuxuu waafaqsan yahay xaddiis kii nabiga (SCW). marka walaalkeen Guray waa ku mahadsanyahay siduu arrinta inoogu soo gudbiyay,
Walaal,Finishboy,anigoo tix raacaya,hadalkaagii ahaa "nakala xukuma iniga iyo Guray1" 1:horta Guray waxaa kamuuqata inuu kaa Soomaalisan yahay, waayo wuxuu mar walba kanaxsan yahay dhibka haysta
dadka soomaaliyeed,hadduu wax xaqiiqa ah katakay oo Soomaalidu gaysteen,waxaan kaga jawaabayaa; waxaa halmaansiiyay xanaaqa haya iyo nacaybkuu Finnishka uqabo,jawaabtaas oo lamida ah tay kabixiyeen booliska Finishka dilkii inanka Soomaaliyeed,waxay kaloo lamid tahay aayada oranaysa u gaaysta intaay inii gaysteen,2:waxaa kamuuqata magacaaga iyo hadalkaagaba inaad raacsan tahay dadka Finishka,marka anaguna haddaan Soomali nahay waan kaa jirraah oo waanba ishaynaa ee see kugu aamini karraa?,3:waxaa haboonayd in hadaad nadareen siisay inay Soomaalidu khalad leedahay, inaad halkaa uga harto ee maahayn inaad qareen dadka Soomaaliyeed ku doodaya noqotid, 4:haddii ay ka gaabsadeen reerkii gaariga laga qaatay ee yaqaanay mujrimkii wax dilay ee gaalka ahaa,ayagoo sidaas uyeelaya midab iyo diin nacayb iyo gargaarid ay u gargaarayaan walaalkood,maxaa idga kuu diiday inaad kagaabsato khalad kadhacay ruux muslim ah oo waliba walaalkaa ah,sida ninkaas aad ku wardinaysid gabar Finishuubuu dilay,ugu dambayn dhamaan dadka Soomaaliyeed meelkastaba hajoogeene Alle dhibka haka baxsho,Ramadaan wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Saturday, December 02, 2000 - 02:46 am
Asalaamu Aleeykum

walaaleey iyo walaale

TO: dhamaan qoraayasha moowduucaan wax ka dhiibtay

Waxaan marhore idiinku balan qaaday in aan idin lasoo socod siin doono sheekadii wiilashii somaliyeed,ee finishku weeraray,kadibna isdafaacay,ee ayagii laxiray,finishkiina lasiidaayay.

wiilasha waalaba,waxa weheliya wiil ciraaqi ah,waxay xiran yihiin oo soo dhameeysteen maxkamad la,aan sedex bilood,kolkaa mid kamida hada waa lasiidaayay oo soomaali ah laakiin midkii kale waxay dhaheen adiga owalbaad noo xireeyd oo waxa uu qabay awal digniin ah hadaad dagaal gasho,waa lagu xiraa.wiilkani waa geesiyada xaafada dagaal ku kadhacay oo finishka waa kabaqaan,runtiina somaalida waxa uu u haa difaac.waayo waa nin leh dareen oo aan qaadan qaladka.markaa xabsi bay utaxaabeen,.


ninkaleh finish cunsuri maha in uu isku yax yaxaa fiican,yacni been qayax awadeed,oo dadku wada dareemi karaan maxaa yeelay,haweeneey finish ah ayaa jaraa idka kusoo qortay arintan,

Nin garmadoobe ah oo isagu kolkaasi da dhexaad ah ayaa waxa uu waday bas,markaa waxa jira in basaska shaqaaluhu ama dirawaladu iska badalaan,ilaa xili go an.meel boosteejo ah ama dhahoo ay basasku istaagaan waa joogsiyee,ayaa waxa baskii kadagay ninkii soomaaliyeed,waxana soo koray nin finish ah,ninkii markuu irida ku daba marayay ninkii soomaaliyeed waxa uu kusigtay in uu xusul ku dhufto ninka finishka ahi,waxa kadaran suu ifuurinayo indha ayuu ku gubay oo wajiga kaduuday ama ka dhigay sidii maro laduuduubay.


intaa kuma ekaan,isteerinkii ama xaarinka gaariga ama shukaanta ayuu tirtirid ku bilaabay,markaasuu hadana kurisigii maro iyo warqado isaga dhigay,intaa waxaa isha ku heeysa oo sheekada sidan u qortay haweenay finish ah,waxay ciwaan uuga dhigtay (OO CUNSURIYADA FINLAND MA HEERKAANEEY MAREEYSAA) yacni ninkaa finishaka ah fiiri jahliga ka buuxa iyo waxa uu aminsan yahay.markaa xataa kii shaqeeyo ee soomaaliga ah dhibuu qabaa joogta ah.marka FINISHBOY IYO SUOMI hadana haweenayda finishka ah ayaa aragtay oo moowduuc kadiyaarisay oo jaraa idka kusoo qoree ma difaacaysaan idinkoo ah kuwa ladulmin!!!!!

waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mudaneh2

Saturday, December 02, 2000 - 03:41 am
Waa sida horay loo yiri, laba marka ay isqabato, waxaa ugu maskax roon, labadii raadsata, cid u kala gar qaata,inta aysan madaxa is jebinin,

Gurey iyo Finishboy,
Finishboy, mid baan leeyahay:
oo waxaan leeyahay magaca aad la baxday ayuu dadnimadaada la mid yahay,haddii qof maan gaab yahay waa adiga, haddii qof miskiin yahay waa adiga,waxaadna kala garan la'dahay,Ceerta lagu siiyo,iyo sida laguula dhaqmo,nin dhuun raacday baadna u hadal ektahay,ee raga dhexdooda ka fariiso,caruur loo carab dhabay baad tahaye.
Hal suaal aan ku weeydiiye:
baararka ku yaala caasimada ama magaa loo yinka waa wayn oo ay cadaanku wax ka cunaan,finishboy wax makala cuntaa g.?oo mala fariisan kartaa cadaanka ?oo inan cadaan ah(finish) inta kaxeeysato, ma ma ma ma la tegi kartaa?hortooda?


Gurey1,
somali nimo iyo umad jacayl haddii aad weli isku siin dhejineeyso waad la kulmi caay iyo ceebo fara badan oo ay dadkaadu ku marsiin,marka laga reebo inta yar oo wax garato.ee iska dulqaado.
caruurtana qaar waa hore la seexiyay baa ku jirto ee iska ilaali.
Gurey, adigana suaal in aan ku weeydiiyo ayaan jeclaa fadlan:ma xaas iyo caruurbaa kuu jooga meesha ?mise kaligaa baad tahay? haddii reer uu kuu joogo, is ilaali, qaar ku iibsado waynu nagala dhex heli,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Sunday, December 03, 2000 - 03:24 am
Asalaamu Aleeykum

walaaley iyo walaale

waxaa farxad ii ah sida dhalinyarada soomaaliyeed ee leh wiilal iyo gabdhoba ay u muujiyeen dareenkooda wadaninimo iyo jiri taankooda soomaalinimo,waxaan shaki ku jirin in soomaalidu tahay,dad leh han iyo gobonimo ay ku dheehantahay,diidid quursi iyo guumeysi.isla markaana ay hido fog uleeyihiin soorida iyo xaqdhawrka dadka martida ah ama hanoqoto sooryeeyn,ama hanoqoto siin nabad galyaba ee.waxaan ilaah mahad uugu celinaa ilaaha iiga dhaliyay dadkaan nadiifta ah ee dhaqanka wanaagsan leh iyo diinta xaqa ah ee islaamka ilaahoow adaa mahad leh.


dadkeena waxa kaliya oo inaga maqan xoojin iyo hormarin dhinaca aqoonta ee dadnimo ahaan waxaanahay dadka uugu hanka ween qarada africa.waxa nahay dad ceebyar,waxaanahay dad geesino ku caanbaxay.


waxaan leenahay dhul hibo ilaah usiiyay bad iyo beero,macdan iyo shidaal.tan baa ah mid ilaah loogu mahad celiyo,xeebta soomaaliya awal labay aheed xaga dheerarka africa hada waa xeebta africa uugu dheer.dagaalka sokeeye waa mid aduunyada soomartay waana dhamaandoonaa inshaa alaah wali dhawaan.waxa uu udaba dheeraadayna,oo kuwii waayo hore aduunaydu soomartay uu uga duwan yahayna waxay tahay,caalamka oo hada isu rogay xadaaro ama ilbaxnimo cusub oo ah faragalin shisheeye iyo arimo dhaqaale jaceel darteed,waayo fasaadka caalamku hada uu marayo waa mid xataa ay ka qeelyeen xaqdarada kuwo shacab ah oo gaala ah.markaa dadka dalkeena hada horboodayaa,waa dad kuxiran sitoosa niman ganacsato ah oo shisheeye ah.sababtuna waa hunguri iyo dhaqaalo,maha qadiyad,tanaa keentay in dagaalada africa daba dheeraadaan.


to: mudaneh2 walaal waad mahad santahay,waanadaada gaarka ah,iyo soomalinimadaada aad muujisay oo ah mid waajib inagu ah in aan dadkeena iyo dalkeena ufakaro,kana difaacno,gaal iyo kuwa kabaha usida.walaal meel walba dalkii iyo dibadaba waa joogaan kuwo jaajuus u ah gaalda,markaa wax laga baqaa majiro rag is gura haye.ogoow waagaan xornimada qaadaney 1960 kii dadbaa diidanaa oogaalada lajiray markaa rag baa gaashaanka udaruuray kabaqaad.hadana anagaa joogna oo hilfaha ulaabeeyna waliba ninkii ay ku cadaato in uu gaalo la jiro oo garabsiiyo soomalidana jaajuuso arimahooda,waxaan qoreeynaa,magaciisa oo sadexan si barito aan asaga iska dhaafee fariciisa aan loo aaminin si sahal ah!!! markaa waxaan nahay dad wax qora,barina ninkii falalkan ku kacaa qoraxdii africa iyo hooygii macaanaa wali nabad kuma ceesho asaga iyo fariicasa.markaa rag is gurayee yaa laga aqlibadinaa oo hurda,soomaalibaan jaajuusi soomaliyana waan ulaaban cid i ogna malaha taas waa filin been ah,anagaa diyaar u ah qorida khaladaadka loogeeystay dadka soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan,ama ha ahaato mid kabaqaad ama ha ahaato mid galada kuu ataagaan toos.


waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoxooti

Sunday, December 03, 2000 - 11:16 am
Dalshisheeye waa dareen ku Joog.

Waad salaamantihiin dhamaantiin inta doodan ka
qaybqaadanaysaa.

Reer Finland waxa aan u sheegayaa in ay jirto dhibaatadan idin haysataa wadankasta oo ajnabi ama aadan u dhalan,markaa waxa wanaagsan maadama ay dani inawada keentay oo aynaan ka tagi karin in aan marka hore inagu isa saxno oo aan khaladaadka aan ku kacno iska dhawrno maadaama aan cagtooda hoostooda ku jirno oo dalkii dawladii iyo maamulkii oo dhan lagaa haysto.
Somaalidu way khaldamaan oo si xoogleh ayay u khaldamaan waxyaabo aan loo ogalayn oo sharciyada burinayan way ku kacaan.waana wax iska caadi ah in ninka khaladka galaa uu galaafto mid aan waxba sanayn.
Dadka ku leh Finland ka guur oo wadankale qabo been bay kuu sheegayaan waayo Ingriiska meel ka cunsuri badani ma jirto,maryakanka iyo kanadana ka daran,skandanivankun wuu ka siidaranayahay guud ahaan,waayo waxaad tahay ninmadaw oo muslin ah oo qoxooti ah,yaad kaalma ka sugaysaa ma gaalo ha ku daalin ee ku fikir sidii aad ugu noolaan lahayd, ama ka haajir oo mooryaantii iskaga tag.
Finland waan tagay anigu waxaanan joogay mudo yar waxbadan kama warami karo haseyeeshe waxaan tagnay Center ka wayn ee caasumad 12 kii habeenimo waxa joogay dhalinyaro soomaliyeed oo gaadhaysa ilaa 20 qof,qaar kooxkooxahaanbay u sheegaysanayeen qaarna habalo yaryar oo Finish ah ayay gidaarada ku dhuuqayeen,qaarna daasado biir ah ayay laalaadsanayeen yaa ka masuul ah kuwaas oo kale oo wadan aanay u dhalan xiliyadaa dhex muhaaxaya.
Yaa khaladan markaas oo kale.
Anigu waxaan ku noolahay Sweden oo jaar la ah Finland Ilaahay ima tuso laakiin wali cid weerar badheedh ah nagu soo qaaday oo aan wax ka sheeganayaa ma jirto wayse jiraan dhalinyaro aan saaxiib nahay oo yiraahda xalaybaan qaar islaynay markaan warkooga dhagaystana waxaan waydiiyaa oo goormay ahay wuxu iigu jawaabay Xalay abaar 12-1 habeenimo. Bal aan iswaydiine ya xiligaa wareega .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FINISHBOY true

Sunday, December 03, 2000 - 10:42 pm
SALAAN DHAMAAANTIIN.
Waxaad moodaa in doodoo ay soo galeen dad maskax gaab ah bilaabayna aflagaado iyo caay .anigu waxaan halkan ka muujiyay sida aan uga fikrad duwanahay mr gurey1 eema aha inaan isaflagaadeeynaa
AAnkusoo laabano doodeeniiyee hadii uu qofku yahayqof ilaalinayo nidaamka iyo qaababka ay soo degsadeen umada aad la nooshahay waxaan aaminsanahay ineynaan waxba halaabin laakiin ma aha in afka la iska furaa oon hadalo aan jirina lagu hadlaa.inta aanan ka jawaabin amaseba aanan wax warbixin ah aanan bixin waxaan aqriyaa qoraaladii mr gurey oo midba ta kale burineeysa .
toloow maxaa soo socda oodsoo wadaa?mida kale anigu ma diidani murana kama qabo in wadankan ay jiraan dad cunsiriyiin ahi laakiin inaga nafteena qeyb ayaan ka nahay dhibaatataas waa hadiibe ay jirtee. goolkeyku waxaa weeye qiro inaad duqsi dooneyso inaad dibi kadhigto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ugaas

Sunday, December 03, 2000 - 10:56 pm
TO finishboy &gurey 1.
weligeey m arkin finland laakiinse waxaanmudaa indhibaato weyn aysen jirin inshaa alaah.muga hore labadiina isku taga markaaseeyto hal go aan noosoo qore .mugii hore walaahi waa naxee day lakiin mugaan finishboy aqristey xoogaa waa nafisee day.hade kufsiga madhaaftiino yaayah.
waad mahadsantihiine halkaas ka sii wada dooda ana mugaan waqti helaan aqrisahaaye.
finishboy aryaa magacaada mala baxdidoo? waxaa tahay nin maskax ka buuxdee xaad joornaalada ama boogaagta uqori weysay .gurey adna maka darnidee day laakiin xoogaa hadaladaadii hore iyo kuwa cusub isma alahee day.mugna waxaad tiri ninka soomaaliga naagta weyku marqaatibeenfurtey mugaasoow markuu diley yiri hada hadaad rabataan bada ila gala mugna waxaad tiri usuga ma dilinee day .taasna labadiinaan idinka sugaaye day macsalaamo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suomi

Monday, December 04, 2000 - 03:51 am
Mr Gurey1. salama !

kuma aan caynin ee waxaan kuu sheegay ineynu soo qaxney oo aanu imaanay wadan dadkiisu jahilyihiin oo waa taa adigu sheegay iney somali ugu horeysay dad madoow ay arkaan sidaa darteed. waxaan layabahay waxa inagu qasbaayo ineynu Finland joogno. haddii aysan lacagtaa aheynin ii sheeg ?
markaan dahaayo somali waa yaahi macnaheedu waxa waaye aduunka kale somalida joogta wey shaqeystaan oo wax isku taraan anagana kuligeen waana la masruufa, Haddanan somali ahaan laheynin oo aan Finnish ahaan lahaa waan naci lahaa somalida .- bal fiiri magalada Helsinki waxaa ku nool 165 jinsiyadoo oo kala duwan somali mahee intooda la ma necbo sababta waa ineynu ku noolnahay (Sosaiaali rahaa).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 04, 2000 - 03:48 pm
naagaa hadalkaan qortay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

confused somalian

Monday, December 04, 2000 - 07:10 pm
Arrinta ma wada akhriyi karo laakiin waa naxdin waxa dhibaato somalida ku haysta qurbaha gaarahaan finland. Laakiin somalidu ha isweydiiso waxa u keeney mushkilladdan jirta oo ah isnacayb qabyaaladeed oo dhextaal. Anigu somalia dhibaato xabsi oo xaqdarro baa iga soo martay waxaan ogahay soomaali badan oo xaqdarro lagu dilay taas oo la mid dhibaatooyinka finland. Black man is oppressed both in his land and abroad( Meel kasta waa inoo darantahay dalk iyo dibaddaba)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

perkele

Tuesday, December 05, 2000 - 05:30 am
War yaa reer Finland iska dhaafa waa nala gumaystaa iyo waa nala cunsiradeeyaa...

meeshan cid idiinku yeertay ayaa iska yar ..ma adinkaa iska leh europe ama SUOMI SATAN..

Wadan ayaad leedihiin ee u noqda ayaa ku talin lahaa dhamaan somalida qurbaha joogto..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CEELBUUR

Tuesday, December 05, 2000 - 10:37 pm
GUREY&FINISHBOY
Hadaladiinu kalama foga, oo waad wada qirsan tihiin in dhibaato ka jirto meesha , waana xaal qurbo, laakiin waxaa idinka maqan dulqaad, hanoqonina dictatoradii africa. qasab ma aha inaad dhibaatada isku meel kawada aragtiin.
waxaan idin dhihi lahaa cunsuriyad inaay ka jirto finland iyo europa oo dhan cidi iswaydiin mayso.

FINISHBOY, waxaan walaal ku su,aalay marka ardayga soomaaliyeed iyo kan finishka ay jaaamcada ka soo wada baxaan ma isku si, ayay shaqo u wada helaan, ninka soomaalida finland ugu darajada sareeya muxuu ka shaqeeyaa?.
Aniga waxa ay ila tahay inaanan laga caban cunsuriyada, ninka ka cabanaya waxa uu iila muuqdaa nin rajo ka leh oo finish is mooda, waxan nahay NEGER, waliba muslim ah, waana kuwa aduunka loogu neceb yahay, waanse ku faraxsanahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Thursday, December 07, 2000 - 03:23 am
Asalaamu Aleeyku

walaaleey iyo walaale

waxaan ka digayaa in aan lagu taraarixin sixun ufahmid u jeedada moowduucaan.

waxaan walaalayaal u jeedaa in aan idiin soo bandhigo,bal waxa ka jira gudaha hoose ee finland taas oo ah sida ay ula dhaqmaan dadka soomaaliyeed ee halkaasi kutagay qaxootinimada.iyo waxa qofka finishka ah uu yahay.


arinta ah ninka soomaaliyeed ee xiran waxa eedeeyay oo kusheegay danbiile FINISHBOY markaa aniguna waxaan kasheegay,waxa aan kamaqlay sxb diis iyo qaraabo udhaw.saan kubilabayna ma aheen arintani mi aan goob joog ka ahaa.taasi waa sidaa,laakiin waxa aan ka maqlay jaraaidyo iyo idaacadaha waxa loo waayay wax marqaati ah ninkaas in uudilay gabadhaas.


arintu sikastaba ha ahaatee,dhabta ilaah baa garanaaya iyo ninka wax loo heeysto.laakiin anigu waxaan qabaa rayi ahaan in ninkaasi qabo jirdil,takoor iyo bahdilid weeyn oo ah xaqirid xaquuqdiisii nidaamka xabsi kuheenta.waayo waxa uu sheegay in la jirdilo askari jirdisho.taasoo sharciga dalkaan mabnuucka ah.waana rumeystay tan.maxaayeelay maxan u beensan anaa lay dili gaaree arintaa darteed,oo aana xataa magaalooyin isku dhaw daganeeyn.

waxa kale oo aan u jeedaa in aynu wax qoro ah wixii laynoo geeystay,ama hanoqdo wanaag ama xumaan si aan bari ugu abaal gudno cidwaliba waxay geeysatay.waayo ilma israaiil hadaysan qori laheen,waxa loo geeystay maysan heleen magdhaw iyo cadeeyn waxay sheeganayaan.markaa in aan wax qoraa waa xaq wajib ah.


waxaanahay dad leh xoquuq,oo ilaah sharfay waayo adam waxa uu ka abuurmay barta lagu tilmaamo dhulkeena.ilbaxnimadana inagaa laynaga dhaxlay,waayo yuhuudaan is cajabisay shalay anay qaxooti ii ahaayeen,oo waatii muuse ilaaheey usoo diray oo uu xoreeyay yuhuuda.ragaa xiligaa wax maa mulayay waa aniga,ma aheen carab,ma aheen hindi, ma aheen yuhuud,ma aheen cadaan,waxay ahaayeen boqrtooyooyin ilaa aboonaa adam isa soo dhax layay,midii udanbeeysay waxay aheed tii xawsaha ee ka jirtay nayjeeriya iyo ugandhaa.

ninka cadi ee aad hada u heeysataan soo jireen xiligaa raga wax lama qaybsan jirin waayo caawan qaawan buu ahaa,kolkaa yuhuudaa maro u xirtay kadibna tiri anagu ilmihii ilaah baanahay ciisana waa ilaah.maxaa diina ama cilmi ah oo ay leeyihiin cadaan ama dhaqan ah.geedka odayaasha fariistaan ma imankaraan.


markaa anoo leh sumcad ween xag ale iyo xag adamaba in danbi layga galo oo lay takooraa waxa kadhalan toon ta fitan aan damin doonin.waayo waxay bilaabeen 1600 taariikhdu markay aheed in cadaanku iyo yuhuuda oo fircoon arintiisii ka ciil qabtaa ay dadkii ilaah jeclaa iyo caruurtii adam gataan.tan weeye tan aduunyadu urogmandoonto.maxaayeelay caraa jirta xag rabi ah see loo iibiyay dad ilaah sharfay??? walaalayaal maha waxaan ka hadlayaa gaalbaa badar isiiyay,badar dalkaaguu buuxayee waalagaa soo baro kiciyay!!!!


cidii aan wax udhimay hayga raali ahaato oo uu dhawacay hadal ay u fah meen ataagid shaqsi,taas oo aan cado ii aheen in aan walaal ataago.tankale ruux walbaa waa uxor rayigiisa tan horaan usheegay,ana sidaas baan xor uugu ahay rayigeeyga.


wax badan badan badan baan ogahay laakiin hada intaan baan ku gaabiyay.waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moxog

Friday, December 08, 2000 - 01:43 pm
walee caqliga soomaalaan layaabay ya idinkoo
islaam ah hal luuqad&hal midab ah ayaad inta
is gumaadeen oo is adoon sateen oo guryihiinii
gubteen ayaad hadna waxaad isku jiibinaysaan
gaalo gurigeediib aad ugu timaadeen waa nagumaysatay adeer guray nin walba wuxuu
gaystaa laga goyn hanoogu calaacalin dadkii
soomaaliya cunay hooy la,aantana na dhigay
ee isku yaab kuwa kuu jawaabayana waa maan gaab
kale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Saturday, December 09, 2000 - 01:01 am
Asalaamu Aleeykum

walaaleey iyo walaale

TO:Moxog

walaal is daji lama rabo caadifad in ay iska kaa qaado,hana noo diidin walaal in aan is waydaarsano rayiga iyo xog ogaal nimada.kuuma diidani in aan soomaali ahaan garan waynay dan teenii,kuuma diidani in aynu dagaalanay oo dadkeenii guryaheenii maalkeenii badeenii barigeenii intaba baabah ka dhignay,waxaana taas inoogu wacan labo qodob oo waa ween.

1.jaahilnimo:- waxaan jaahil kanahay macnaha dawladnimo,iyo qaran leeyahay.macnaha dalku leeyahay,macnaha qofka soomaaliga ahi uu ugu fadhiyo dalkiisa hadaan la dilin ama ladilo.iyo macnaha nololi waxay tahay!!!


2.gumeeysi:-wadankeena waxaa ninka cadi guumaysanayay laga soobilaabo 1884 -1960 markaa is waydii adigu muxuu nin ka cadi ama kuwa la dhumiyay=cadanka,oo waxaa dhumiyay yuhuud aya gase waa yuhuudee waa loo carooday,waayo iyagu waxbay ogyihiin oo nabiyaa loosoo diray way kaabadiyaan ilaaheey waaxidnimadiisa,laakiin cadanka waxay usheegeen in ay ilmihii ilaaah yihiin ciisana ilaah yahay.markaa cadanku waa kuwa la dhumiyay yuhuudna waa kuwa loo carooday.aan usoo laabta hadalkee,ninka cadi intaa oo sanadood muxuu qabanayay? sikooban waxa uu ina dhaxal siiyay in aan maanta sidaa isu dilo.


waxa uu wali sitoosa u heeystaa hadba intii madax unoqota soomaalida,asagaana la taliya dhaqaalahana siiya.markaa meesha uugu wayn ee aan ka dagi la nahay waa shisheeyaha inagu haya faragalinta aan aaba yeelka laheen.hadii dadsoomaaliyeed shiraan waa qasab in cadaan dhex fadhiyo.war ileen balaayo.waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moxog

Saturday, December 09, 2000 - 01:46 pm
ARYAADHA XAA SOOMAALI KU HADALA
XAAD KA QAADEE HADAAD TUUGSANOW HAYSID
IYA KII KULA DHASHAY KUSOO HOLCIYEY AAD
ADDOO GUBANAA GALKAAN USOO GASHAY OOW INYA
KUDAMIYAY OOW DHAR KUU GALSHAY OO GURI KUSIIYAY
OOW DAD KAA DHIGAY DADKAAGII KUU DIIDEEN
AAD HADANA RABTAA INAAN WAX LAGU GAARSIIN
XAA DANA OOW KAA LEE YAHAY GAALKAAN KU RABAYSANAA
EE,GURAYOOW IMAQAL IYO MAAN GAABTA KALE
OO,KUUBAROORDIIQEE,,GAALKAAN WAXII ALE KAASIIYO
UGA SHUGRI SHAR KIISAN ALE KAMAGAN GAL
DHIBKIISANA KU SAMIR ILAYN ADAA IS ADOON SHOO
GURIGIISII UGU YIMIDE AMA QAYLA DHAANTAA WAD
WAA SOOMAALI & KUCAQLIGEEDEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Sunday, December 10, 2000 - 12:58 am
Asalaamu Aleeykum

walaalayaal iyo walaaleey

Masalada ah wax caloosha lagaliyo ama la cuno ninkaan dhiman waa helaa aduunkaan,waa dhacdaa in qof qado waayo malin iyo laba laakiin ilaah baa balan qaadoo nafi way heli waxay cunto,tacab in lala yimaadana waa layna faray.waxan ujeedaa dadka ku haya gaalbaa wax isiiyay ee badarka uun dhawri walaa xoowlaaan ka iri.

badarka cidwalbaa waa heleysaaye guumaysi xaga maskaxda ah iyo jirka ayaa jira caalamkaan ee naf waliba waay heli quud.markaa bixinta quudka ha u saarinina gaalada ee waxaa leh ilaah.

bada hadii ilaah dabaal kubaray ood quusto ogoobay waxaa kunool maqluuq ilaah maamulee,hadaad daymooto dhagax intaad qaado bada dhexdeeda yaala ood kala jabiso ogoobeey waxaa dhexdagan dhagaxa qoom ala irzaaqee,hada waa dhagax dhexdii aaba lagu helaa badarka,ilaahbaan deeq iyo wax bixin uuga haray iyo cilmi.


TO: MOXOG

igaaryahoow dabuubtaad natiri waa huf iyo beene
in ibliis kuduufsadaan qiray aqoonteeyda
irziiqii ilaah nooqoray miyaad gaal hibo usiinee
in imaankii kaalumay iyo inaad dalkii gaajo ku abaabaabtay
in gaaldaan sheeydaan dhuminayaa sarahood aad kor udaymooneeyso
igaaryahoow inkastooy kibraan aduun aakhiro maxaa xisaabtaal
isir umalihin gaal inaan daba nashleeynaaye
iska jira hadaan iri kufriga danbi miyaan geestay
in uu ina dagayana doqoni waa mooge badarkuu idin qubayaa dib ugo aaysaane
igaaryoohoow dalabka qurxsaan kuleeyahay arzaaq waanalooqarayeeeee eeeee.
igaaryahooow dalabka qurxso arzaaq waana looqoraye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moxog

Monday, December 11, 2000 - 04:50 am
asalaama calaykum waraxmatulaah
waxaan umalayhaa gurayoo qoraalkaygii dhinacoow
kaa,maray,xaa,dheh,,,,magaalaan ku,iri
arsaqay kusiiso ku,ma.hadi.gaajana iguma hayn
dalkii oo,walee calayaalo.anaa usareeyey
ee,habar didee daadkeedaa iqaaday
asaan xumbona aanwaayo ku.soo barakacay
mugaadse joogtay dalkii,walee,gaal,ma.ogaynoo
inuu.cadow yahay aduunsina.salkiis yahay
qadadana aad ku,helee,mihii.aad.joogtay
xaad,kasoo.jirisay
manay,tixdu.kaa.dhab tahay xaad u,joogiwaysay
hadaadse gaal xeradiis usoo hoyatay
xaad uga cabaadee NABEE,nin.raga,calaacal waa
ku liitaa ee katagoo aad gurigaagii soomaaliya
meel aan looga noolaan karin majirto beriga
reerkaygii labasano waa iireer soomaaliyo
ana hadaan kadaba kudaa adoonsi gaalna waa is
daynay mahadna alha kagaarto
ee bacow yahow,,,,,,,,ha,cabaadin sidii habrihiiye
ka kac meesha xaytahay gaalaan tuugsowhaaya
warkiisna maqlimaa nabaadiina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Tuesday, December 12, 2000 - 07:02 am
Asalaamu Aleeykum

walaaleey iyo walaale

ramdaan kariim dhamaantiin


TO:MOXOG

sxb kayoow waad mahad santahay,waxaan hadalkaaga ka qaatay markaad tiri calyaalaan ku barwaaqeeysnaa taasa ah mid leh macno ween.tankale kaftankii halkaa haynoo joogo asii aan dadaalo oo adkeeyno soomaalinimadeena iyo walaal tinimadeena.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CADALE

Tuesday, December 12, 2000 - 08:28 am
WAXAAN AAD ULA YAABAY NINKA GUREY LA YIRAA FIKRADIHIISA IYO QORAALKIISA FARAHA BADAN OO QOF DHAMEYN JARA JIRIN WAXAAN KUGULA TALINAYAA BACDAMAA AAN LAGULA QABIN ARINTAA AAD SHEEGEYSO OO AY KUGU KELI TAHAY KA TAG OO KU LAABO DHULKAADA HOOYO.
WABILLAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moxog

Tuesday, December 12, 2000 - 07:55 pm
arcadaloow saaxiib mayla aragtay waa nin ilaah
hadal ku imtixaamay markiiba labo buuguu qoraa
teeda kale xaad gurayoow u xanaaqee.hadaan gaala
ka tabaabushaystay ninraga cabaad waa ku liitaaye
dhibka aad finland,,,,ka sheegaysaa.dadka
ku nool kulama qabaan waa jin laguugusaladay
waxaad aragtay ee hadii balo kuhayso
kacoo gurigiinii aad gaalku asagaa leh dhulkiisa
kuumana imaanoo kuma adoonsan ee,adaa uguyimid
godkiisa nagadaa hantaataca tirada badan
qof caafimaad qaba uma ekide taasna waxaa
kuu cadeynee bal qoraaladaada dib ugu wada noqo
&jawaabahay kusiiyeen dadka kugulanool wadanka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Wednesday, December 13, 2000 - 01:17 am
Asalaamu Aleeykum

walaaleey iyo walaale

ramadaan kariim

Waxaa cadaan ah ama dhahoo muuqata in dadka halkaan ka dhibtay fikradooda aan noqonay dad isku si wax udareemay,oo leh qiimihii iyo caadadii dhaqameed ee hufneed ee lagu yaqiinay umada soomaaliyeed ee ku nool geeska africa lakiin waligeed waajireen kuwo ladagaalama wadaniyiinta soomaaliyeed oo daba dhilif u ah gaalka. soomaaliya waa dad leh damiir adag han iyo isla weeyni aan aheen kibir laakiin ah in aysan cidna u aheen adoon ilaah mooyee.

waa dalka koobaad ee africa leh qorid luuqadiisa hooyo marka laga reebo ilmaadeerteen ethiopia.run ahaan waa dad cadaanku ku tilmaameen gob.laakiin africada kale hade waaba tii la iibsaday sidii sac war dheegleey calasoow kusoo xirtay!!! waxaynu ahaan jiray hadana nahay dad u arka adamaha in uusiman yahay oo aanu jirin cid cid kasareeysa,tan weeye tan soomaalidu caan ku tahay.

dhaliisheenu waa xoogaa aqoon iyo ilbaxnimo yaraan,laakiin damiir iyo dad ahaan waa jiraa,hadaba tan ayaa ah muhiim waayo aqoonta mar unbaa labartaa oo lagaaraa ilbaxnimadana waa mid la socota xiliga iyo waayaha jiritaanka umada.bal ufiirsada africada kale ninka cad say ugu gurguuran oo uduleeysan yihiin!!! tan weeye hadaba tan aan africa uuga duwanahay oo aan kunahay gob buuxda laakiin aan aqoon ween laheen.


to:Moxog

UFIIRSO hadalkaaga waxaa tiri gaal kuma imaan kumana adoonsan!!!!!!! war ileen balaayo waxaan kuugu jawaabay gaal waa iyimid waana iguumeeystay waxa uuna qaybsaday dalkaygii iyo dadkaygii 1884 waxa uu ku qaybsaday baarliin.
kulahaa koon furtalyaani udaa,waqoyi ingiriis udaa,jabuuti faransiis udaa,ogadenia ama soomaligalbeed ingiriis udaa hadana ku wareeji ethoipia.nfd ama dhulka soomaaliyed ee xadka keen ya laleh kulhaa ingiriis udaa hadana sanween ku wareeji fuuf ah.


arinta ah sheekadan jooji haygu sameeyn dikteeytarnimo qof madax banaan oo xor ah baan ahay ee laakiin firadayda waa diidi kartaa ama caynkartaa fikrada laakiin ani maha in aad i ataakto.amus baad ileedahay oo hasheegin dhacdada iyo xaqdarada lugu hayo walaaleheey soomaaliyeed,maxaad ula jeedaa taas? waxa ina baabashay waa ka hadli waa xaquuqdeena!! walaalayaal meel kasta oon joogno waa in aan u istaagnaa magaca soomaaliyeed,tan aa ah sharafteena iyo hormarkeena dadnimo.cadawgeenana waa badan yahay.


arinta ah soomaaliyo aad waa talo wanaagsan waana lama huraan ciida hooyo,hadii ilaah iigu daro calaf waan u heelanahay in aan mar labaad ku ceesho ciidayda hooyo.waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moxog

Wednesday, December 13, 2000 - 05:27 am
aryaa gurayoow imaqal,qarnigaad leedahay gaalaa
iiyimid,awoowgaaba ma noolayn adiga daaye
mugaan aad gaalka ka cabaadaysidna waa mudo
toban sanaa .tobankaa sano,magaalaa.kuu,yimid
oo,markab,ku,soo,saartay,mise,meel,gaaljoogaba
adaa.lacagtaada&,cagahaaga kusoo,raadsady
warkasoo,cadee hadaad leedahay sidii nabi nuux
ayaa cimri laysiiyoo ilaa.xiligaasaan noolaa
oogaalkii.barigaas yimid aa,isoo,kaxaystay
mugaas garowshad leedahay,oo,kolay gaal,waad
naga badisaa,hadii,kaloo.arinku,yahay
tobanka sano.adaa,soo,raad saday adeer
soomaalinimo manay jirto meeshaan maynu
imaaneen qaran hadaan u,ooyeynana.gacanteenaan
kuduminay.ee,beenta jooji.soomaalina majirto
islaanimadii,aaba sii liidata mugii,loo,fiiriyo
tii,soomaaliya ka dhacday,ee,runta usoo
daadag,meel aad joogtana rabi talo saaro
gaalkana gurigiisa uga bax asagaaa leh
inta gurigiisii joogtid ood badarkiisii&biyihiisii
cabaysid aad hadana leedahay xaquuqdaydii
uu,duud siyey,waxaas wax nin weyn oo muslin ah
ku hadlo maaha,warka badn iska daa dabaalyahow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAKABA

Wednesday, December 13, 2000 - 05:53 pm
Walaalkay Gureey.

Marka ugu horaysa waan ku salaamay.Salaan ka dib
markii aan akhristay qodobkii ahaa adonsiga lagu hayo somalida ku nool finland, run ahaantii marka
ugu horeeysa erayga aad isticmaashay oo ah "gumeysi ama adoonsi" waa erayo aad u adag. Waa jirtaa in aan qabno dhibaato nooc walba leh oo naga haysata dhululkaan aan u soo qaxnay taas oo saxiib somali ah uu kor ku soo sheegay(dhul aadan lahayn dareen ku joog waaye) taas oo somali kaliya aysan haysan ee haysata umadaha kale ee ku
nool dhulaysan lahayn ama qaxooti ha ku imaadeen ama xoog shaqo ha loo keensado,aniga naftayda waxaan ku noolaa sweden inta aad ku qabtaan finland ayaan ku qabnaa, waxaa taas ii dheer oo aan la yaabanahay kuwa kugu waaninaya in aad u guurtid north america sidii in ay ku noolyihiin
meel ka fiican finland. afar sano ayaan ku noolaa
america,waxaana kuu sheegayaa maalintii aan ka soo baxaayey waxaa madax looga toogtay wiil somali ah oo taxi waday xaas iyo gabar yarna ka tegay(very tragic).Marka somali ahaan waxaan biirsan lahaa aan wax ka barano dhulalkaan inta wadankeena nooga hagaagayo.

AFEEf: ha iiga qaadan in aan adiga ku mucaaradayo.

ADOONSI AMA GUMEYSI is very stronge words in case

HAKABA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Thursday, December 14, 2000 - 12:59 am
Asalaamu Aleeykum

walaaleey iyo walaale

ramadaan kariim

waxaa mahad leh ilaaheey na aheeysiiyay anagoon jirin. adame ka abuuray aboonaa adam dhoobo islamarkaana asaga ka farcamiyay dadkoo dhan dhamaan kuwaas oo aniga iyo adinku aad kamid tihiin,mahad asagaan u qiray kuman malaayiin ah.xog ogaal badane weeye ogsoon waxa aan laabta ku qarsaneeyno iyo waxa aan soo bandhignaba.xakiim weeye soo shirin oo goyn garta laba aduunka midi kakale dulmiyay oo usheegtay xoog iyo khaa inimo.aleey lehe mahad baan uqiray kuman malaayiin ah.


to:moxog
Waxaan maqlijiray maahmaahyo qaali ah oo ay kumaah maahi jireen ragii raga ahaa ee soomaaliyeed ee galada udiiday hurdo macaan in ayseexdaan geeska africa,kuwaas oo ku qoran baal dahab ah.waxay oran jireen (NIN SOORI KAA QAADAY WAANIN AY SEEFI KAA QAADAY) waxaan ula jeedaa MOXOG adiga guri lagusiiyay iyo badar caloosha aad tiiriso ayaad u jeedaa ana wax kalaan u jeedaa markaa waxaa cad meesha laga hadlayo in aad ka dhacsantahay ood tahay kuwii ragii ragaa ahaa ee soomaaliyeed intay sidaa u eegeen ay dhaheen (RAG LABAA ULIITA CIIL KAMA KORE IYO CALOOSHII LACAYAAR) marka adigu kol hadaan saxan aragto hankale waa lagaa madoobeeyay maqsuud baatahay ana gobonimaan ka hadlayaa irziq ama soomaaliya joog ama cirifyada aduunkee waa lahelaa wixii ala kuu qadaray.

mida kale walaal waxaa haboon in aad goobaha akhriska tagto oo aad bal isku daydo wax ka ogaansho silsilada nolasha ee aduunka soomaray hadana ku joogo.waayo waxaad aduun kuusoo koobtay 10 sano oo burburka iyo qaxa laakiin dalku guumaysi buu soomaray,xornimo udagaalan buusoomaray,wax badan baa ka horeeyay 10 ka sano.markaa waxa ku ciilay waa akhris xumo ee ogoow.


to:hakaba

walaal ugu horeeyn waad ku mahadsantahay talo dhiibashadaada iyo afkaaraha cabirka moowduuca aad ka dhiibatay.hadaan usoo laabto moowduuca erayada aan isticmaalay kuma gafin sidaan qabo fikir ahaan waayo hadii loo laabto daba gal iyo raacdo dheer dhiraan dhirinta murtida iyo macnaha ku jira erayada aan adeegsaday waa mid ubaahan kusaleeyn aqooneed.


anoon ku dheeraan macnaha erayada waxaan arkaa in ay maanta jirto nidaam ka adigu aad filayso aan aheen oo guumeeysi ah ama adoonsi ah oo cilmiyay san,oo lagaaray heer intii lagu adoomiyo markaad doodana lagaa garhelo!!! yacni waalaga gudbay habkii hore ee adoonsiga iyo gumeeysiga qayaxnaa oo ahaa muruqkumuquunin ama ninkana dil dhulkana qaado sidii kii koonfur africa iyo america lagu sameeyay sharcigaas oo laqoray 1600,oo ay qoreen wiilal ingiriis ah iyo holandeeys.markaa hada waa lacilmiyeeyay,tusaale ahaan ufiirso Waxaa dhacday finland ka dhacday in nooc anaga naga duwan ama aan kala noocnahay waa finish ee uugaraacay nooca aanahay nin ah oo nin ween ah(tabar saas ah an heeynin) waxaa garaacay ilaa 5 nin waana latooriyeeyay ilaa uu curyaamay aakhirkii.hadaba waxaa lagu horgaraacay caruurtiisii!!!

tan waa nooca uugu yar ee adoomeeynta macnaha fahan caruurtaasi marhadii odoogii dhamaa ee libaaxa loo heeystay dhulka lala dhacay oo waliba uu dhulka ladhacay nooc ayaga ka nooca waxay markiiba aaminayaan in aan dadkaan la isku taagi karin balse loo hogaansamo MARKAA AFKA SOOMAALIGA WAXAA LAGU DHAHAA QAB JABIN qofkaasna waa udhamaatay.

mid ogoow hadii odaygaasi markuu dhawaca ka bogsado uu bilaabo ileen waalaga badnaayee aarsasho oo inta qori qaato iyo tooreey ama bud ama bakoor waxa uu heli karo uu dagaalamo oo soo aarsado markaa caruurtii waa xor oo odayga waa uun laga badnaayee waa nin karmeed way qancayaan.balse hadii uu aarsan waayo oo guriga dhex baroorto oo iska aamuso markaa caruurtaasi waa adoomoobeen wixii ladoonaana lagasameeyn bari kamaalin.adoonsi waxaa ah in ilmaha isguulka dhigta sidadban loogu adoomiyo kan galaaska la fadhiya ee cadaanka ah.waqti umahayo sida dadban in aan sharaxo.waxaan hayaa 75 hab oo dadka loo adoomiyo midkamida ayaan qayb kataabtay.waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Thursday, December 14, 2000 - 07:50 am
Gurey1& Finishboy
Dhibaato qofka Bi'aadamka ah ku dacda waxaa ugu wayn midda niyadda. Sida hadalka labada nin ka muuqata, Somalida meesha waa lugu bahdilay oo bulshada dad la siman maahan. Gurey1 iyo Finishboy waxay isku khilaafsanyihiin sababta Somalida saas loogu sameeyay. Finishboy wuxuu Danbiga dhabarka u suray Somalida. Waxaan kuu sheegayaa in dalal badan Somalidu u qaxeen lakin dhibaatada Finland laga sheegayo in aan meel kale laga sheegin. Tusaale ahaan USA waxaa ku nool dadbadan oo Somali ah. waxaana loo aaminsanyhay. in Somalidu dad howlkar ah tahay. oo aad u shaqo badan. Waxaan arkay haddii aad shaqo dalbato, ninka interviewga kaa qaadaya wuxuu ku waydiinayaa meesha aad ka timid , haddii aad tiraahdo , Somali waxay u badantahay in uu shaqada ku siiyo. Somalinimadu waa wax lugu faano. Dhibaatadaan beenta qaxootiga lugu keeno Maraykanku waa ogyihiin. Qaarkood inta barteen ayey markaad magacaaga u sheegto waxay ku leeyihiin makii dhabta ahaa miyaa mise waa midkii aad ku soo gashay.
Dowlad iyo dadkeedu haddii aysan cunsuri ahayn, dadka kuma shaabadeeyaan qof danbiile ah wuxuuu sameeyo. waxaa muuqata Finland dadkii Somali oo dhan in ay wada shaabadaysay. Haddii lugu shaabadeeyana, shaqo, nabadgalyo iyo sharaf midna lugu siimaayo. Somalida waxaan kula tali lahaa in ay inta dad iska dhigaan ay Community samaystaan oo civil rightkoooda u dagaalammaan.
Ramaddan Kareim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAKABA

Thursday, December 14, 2000 - 09:11 am
Walaal gureey.
markii ugu horeeysay waxaan u malaynayey in dhibaato aad u fara badan ay kaa keentay cabashada faraha badan ee aad kor ku soo sheegtay, laakiin hada waxaan ogaaday in boring iyo war badi ay kaa keentay.Waxaan sidaas u leeyhay waxa ay tahay,waxaa jira wax badan oo aad u baahan tahay i aad ka ogaatid dunidaan soo called westren ama ha ahaato north america amaba europe, taas o waxyaalaha aad kor ku soo sheegtay ay yihiin simple,oo ay ka dhacaan waxyaalo ka daran ama ka fool xun, sidaa darteed waxaan kaa codsanayaa in aadan cayin soomalida ku nool finland ma scandenevianka iyo wadamada faraha badan,kuwaas oo ku dadaalaya in ay wax bartaan ama shaqqeeystaan oo lagac u diraan caa,iladoda ku dhibaataysan wadankii hooyo.
ugu danbayantii hadii aad adiga personal ay jirto dhibaato,lets know we will try help you.
BEFORE THAT PLEASE STOP AND DO NOT INSULT OUR INTELEGENT .
NO OFFENCE BRO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moxog

Thursday, December 14, 2000 - 10:14 am
NABEE GURAYOOw ogaansho la aan adaay ku haysaa
iyo akhris xumo,waayo mugaan leeyahay gaalbaad
badar ka cunaysaa maahan inaan badarka gaalka
ku faraxsanahay ee waxay khusaysaa adiga
waayo inta gaal gacan taadu ka,hoosayso ood
gurigiisii kaciyaysid ayaad hadana kacabaadaysaa
qarniyadaas aad ka hadloow haysid eed leedahay
10,kasano waa laga horeeyey,,,adeer ka xoroownay
gaalna wadan kayagii naguma gumaysanayn
gumaysi gaalna waa noo,tobankaansano
saas ay tahay ilaahay naguma tusin ,baladaad sheegayso.kuwa kula joogaana kulama qabaan
dhlbkaan ,ee,adeeroow,hadaad gashay adigu qaybta
aan,gaalada kafaa,iidaysan cilmiyada,&tiknoolajiga
aadna ,,,,ha,caayin dadka kale yurub waa kula
joognaa jinkaad kacabaadaysana ala nama tusin
waxaana kuugu wacan waa gurigaad iska fadhido&
cayrtaad qaadanayso,,ee,kakac meesha oo,mashquuli
naftaada baladu cayrsanoow,hayso,,school aad
shaqayso,,ficilsamee oo,fadhi kudirirnimada daa
xaytahay,calaacal,uunbaad haysaaye
hadiise,dhib kuugooniya kuhaaya soo.sheego waa
lagaa caawinaa.ehel&islaamaan nahaye
nabaadiino

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Friday, December 15, 2000 - 12:32 am
Asalaamu Aleeykum

walaaleey iyo walaale

ninkii marin habaaboow dan iyo xeeshaada nin ragay dar daaran utahee doqoni ha moogaato.


waxaa culimada cilmiga bulshada ku xeel dheeri ay cadeeyeen,dhibaatada ku dhacda asaga ama ayada ama dhahoo shaqsigii usoo guura dagaan ka dhalan iyo dhaqan duwan kuu ku caano maalay ama se uu ku koray.hadaba dagaan kaas baa noqonaya laba mid kuwaas oo kala ah sidan soo socota.

1.MID AH GUDAHA:- kani waa midka qofku dalkiisa hooyo dhexdiida ukala guuro sida gobol ilaa gobol kale.hadaba waxaa ruuxa soo food saara xoogaa arimo qariibnimo ah iyo u baahasho laqabsa sho,waayo habkiisii uu gobolkiisii ku heeystay waxoogaa waa laga duwan yahay.hadaba noocaan dhibkiisu ma badna oo mudo aan fogeen buu ruuxu ku dhex galaa bulshada.

2.MID AH DIBADA: Tan waa mida uugu dhibka badan ruuxa maxaayeelay waxay ubadan tahay in ay kukala duwan yihiin,midab,diin,dhaqan,cimilo,sharuuc,iyo dagaan ba,sida qaabka nolsha guryaha i.w.m. hadaba sikastaba ha ahaatee ruuxu waxa uuluminayaa wixiisii uu hore uwatay taasina waxay qofka ukeentaa walaac maxaayeelay marabo in uu lumiyo waxa uu yahay oo kusoo koray.


kolkaa soomalida badan ee kala aaday caalamka darafyadiisa kala duwan way lakulmeen dhibkaan,oo waa mid guud.hadaba akhristoow taan anigu kahadlayay way kaduwan tahay taas oo waxaa intaa noo dheer arin ah takoorid iyo il gaara ku fiirin dadka soomaaliyeed ee finland ku dhaqan ay qabaan,oo aan kala kulanay dadkan.markaa ifahma arintu waa mid ka bax san dhibaatada caadiga ah ee qurbaha.maxaayeelay afsoomaali waxaa lagu yiraahdaa dhibaatadan qofkasta oo dalkiisa kataga ku dhacda waa DALTABYO markaa arinku maha daltabyo ee waa takoor iyo naceeb ah diin iyo midab.


to:hakaba
walaal mahad sanid fikradaada iyo talo siintaada hadaan usoo laabto moowduucan walaal ogoow anigu sida aad udag dagi uma dagdagsani wax walbana maha in hada lagaaro,waxaad cadeeysay in aad waxaan ogtahay ana u jeedadeeyda waa in aan soo bandhigaa reerfinland waxa ay ugeesteen soomaalida ku dhexnool oo dhibaato ah isla markaana dhab ah.markaa adigu ha iidiidin hadaad wax ogtahay in aan usheego ooy ogaadaan walaalaha kale ee soomaaliyeed in walaala hood intii la bahdalo hadana aan laysaga dhigin dad yaqaan xuquuqul insaan oo daacad ah,waayo anagaa u ogsoon badan sida ninka ama naagta finishka ahi u farto ama noo arkaan.markaa aan sheego dhibkaan qabno ee ahay caburin.mida kale maha waxani mid ku kooban halkaan ee waxaan ka diyaarin bugaag leh sawiro dhab ah,waayo ani meesha waa joogaa.

to:OMAR
waa kumahad santahay in aad halkaan ka dhiibato rayigaaga qaaliga ah.tankale waxaa ii bidhaamay in aatahay nin baraarugsan oo lasocda waayaha.tan aa ah tan xoojinkarta walaaltinimadeena. waa jecelyahay ilaaheey kuwa leh aqliga suuban


to:MOXOG

Walaal khalad hafahmin dhawr jeer baad gabi dhacyeeysay oo sheekadan socota ee dhabta ah aad ka marin haboowday xikmada iyo u jeedada fog ee kadanbeeysa.hadii aad meesha cayaar cayaar uun u hadashana koleey anigu waan aamin sanahay in aan fikradaha kukala duwanaankaro,markaa fikradeeyda waad caayikartaa kuma diidani laakiin anigu waan ku qadarin si walaaltinimo ah,dhinaca aqoonta kumalihi wax baan aqaan laakiin waxan ku leeyahay ilaah ha iisiyaadiyo aqoonta oo ah iftiin ama nuur.adna sidoo kale.

mida kale anigu waxaan u hadlayaa dadkeeyga soomaaliyeed ee gooni wax umarabo ninka ladilay aniga ma aha ninka xiran aniga ma aha gabadha laduugay aniga ma aha laakiin waa dadkaygii iyo soomali ween.wixii danbigaan geestayna waan qori oo keeydin inshaa alaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 19, 2000 - 03:41 pm
WAA LAGA BAXAYAA DHIBKAN IINSHA ALLAH WAX YARBAA HARAY. WAXAAD OGAATAAN SOMALIDU MEESHAY TAGAANBA INEY IN BADAN OO IYAGA KA MIDA LA TAGAAN DHAQAN XUMO IYO QALAFSANAAN.ISKUMANA ARKAAN INEY QALDAN YIHIIN.KOODA XUNA MA QABTAAN MARKII LAYSKA QABTANA WAA QAYLSHAAN WAXNA SHEEG SHEEGAAN.DHIBKAN WUXUU INOOGA YIMI WAA DIIN XUMIDA.HADDII WAXII RABI INA FARAY AAN SAMEYN LAHEYN FINDLAND MABA IMAANEEN EE FINISHKA AYAA WELFARE KA QAADAN LAHAA SOMALIYA QAXOOTINA KU AHAAN LAHAA DALKEENII.DHIBKA FINDLAND KA JIRA MA YARA WAXAASE KA SII XUN KUWA AY KU JIRAAN DAD SOMALIYEED OO KU NOOL DALKOODA KUNA HAYAAN DAD KALE OO SOMALIYA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Wednesday, December 20, 2000 - 01:17 am
Asalaamu Aleeykum

ramadaan kariim

Alaaweeyn Awoodse ninkii aminaa lee umad waliba ayaheeda iney dhisato iyadaa lee ala ween...

waale iyo walaaleey

Waxaan shaki ku jirin in umada soomaaliyeed,ay caankutahay xaq dhawrka adaanaha,marti galinta,qalbi furnaanta aan leheen xasadka,iyo rumeenta diinta islaamka ee xaqa ah.geesinimada,deeqda waa hidaha ruuxa soomaaliga ah lagu yaqaan.tusaale bal ufiirso african ka kale sida cadaanka ay isugu duleeyaan!!! xataa kii lasoogatay shalay ee usa jooga hada wali waa adoon.waxa uuna aamin san yahay in ninka cadi wax kale yahay sida malaa ig.waa dad hanyar oo ishooda ayaa laga arkay u jajabnaan adoomeed,soomaaliduse waa dad ka duwan oo gaara kuna caan baxay madax taag gobonimo oo aduun yadu uuga hartay,ama loo ciriraafay in ay yihiin sinji gob ah.kuma heeyno taariikh fog iyo mid dhaw soomaali la gatay ama adoon ah.

waxaan ku farax sanahay in ay soo dhawdahay goortii reerka ladajin lahaa ( reerka waxaan ula jeedaa soomaaliya) maxaa yeelay ehel diriray mar ay ahaataba waa kii heshiiya,mar hadaan colaad fogi jirn ee arintu reer tahay ah walaalo.wax lala yaabo maha in ehelka is jiijiida shadiisu qaadato mudo sida 10-15 sanadood.


to:ANONYMOUS

Arinta finland taalaa ma sahlana arinta hada dhulkeenii hooyo ka jirtana ma shar yara.laakiin labo macno oo aad u kala fog bay kala leeyihiin labada dhibaato,midi waa tolweeyne islaayay oo ah waxan anaa ku haboon sida maamulida tolka ( iska jir tolka waxaan ula jeedaa soomaalida)iyo mahee anaa kaaga haboon,laakiin adane ahaan waa isu qirsan yihiin taas iska dhaafee waa ogsoon yihiin in ay yihiin walaalo.


2.midani waa nin diidan in aad tahay adame oo inkirsan,markuu uugu sokeeyo oo kuu naxariisto waxa uu ku leeyahay daan yeer baad ka soo jedaa,hadayse dhacdo in aad wada noolaataan kuma ogola waxaan aheen duleeyn iyo in aad asaga ushaqeeyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Weris

Wednesday, December 20, 2000 - 03:56 am
Soomalida Finland ku nool inla baa'biyo oo la dhilo waa mudan yahiin. Gurey iyo asxaabta kale ee reer finland ah waxba ha caabadinina oo ha eedina dadka finnishka ah waayo somalida finland waxa loogeysto iyagaa isku dhigay. somalida finland timid waa jahiliin, kaaba qabiilo iyo mooryaan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wagad

Wednesday, December 20, 2000 - 10:02 am
Weris see camal walaasheey aniga waxaan joogaa N/America balse waxaan kasoo horjeedaa fikradaada ah somalida finland joogta waa wada jaahiliin,mooryaan,kaabaqabiil: absolutely untrue marka qofyahay intaadan fikradaada dhiiban just one minute aa la fikira.
To: Gureey sxb aniga run ahaantii waxaan 6 sano daganaa Holland waxaan moogahay urope 4 bilood marka waa jiraan dhib dadka soomaalida urope joogta soo gaarta laakiin ogsoonow in dadkana wax badan loo qabtay marka adigu dib u fikir, wadankeenii ayaa dhib kaa ka daran nagu soo gaaray dil, dhac, boob, kufsi,bililiqo marka sxb waxaan u maleeynaa inaad si fiican arimaha u fiirisid. yaa kuu fiican xiligaan soomaaliya iyo finland?
dhaqaale ahaan,nabadgalyo ahaan,waxbarasho,iwm.
i bet in finland kuu fiicantahay marka loo eego waxyaabahaas oo dhan.
To: zam
who do u think ur sis? since u excluded ur self from the somalis.
ramadan kariim to u all.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CADALE

Monday, January 22, 2001 - 10:19 am
WALEE NINKII WELI WAA JIRYAA SAXIBOOW HADALKA BADAN ISKA DHAAF EE KU NOQO MEESHAAD KA TIMID ISKANA CELI CADOWGA CAD KAN MADOW BAA KA DARAN RABA IN WALAALAHAA, CARUURTAADA, IYO DHULKAADA RABO INOW KU BEERO DIINTA KIRISHTAANKA AH EE YAA KULA DARAN LABADA CADOW BAL IIGA SOO JAWAB ARINTAA WELIBA HADAL YAR OO KOOBAN BIL-IXSANAKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmedey

Monday, January 22, 2001 - 07:42 pm
Gurey iyo dadka finland ku noolba waad salaamna tihiin, tan labaad dhibatada heysata Somalida qurbaha ku nool wey kala daran yihiin, tan uu gurey soo qoreyna kama liidato somali badan oo dandareysan oo welina si xun loola dhaqmo, tusaale ahaan Somalida South africa ku nool iygana dhib ayaa ka heysta madow iyo cadaanba tii ugu dambeysey oo Somalida SouthAfrica lag dhigo waxay in sedex dhalinyaro lagu direy eey ayna ka dambeyen Policka south Africa.
Dhibaatadiina ee Finland idinku heysata sida looga badbaadi karo oo xal u noqon karo waa idinka oo meesha ka gurtaan, siiba tirada aad sheegtey ee somlida waxbaratey hadey jiraan chance weyn oo ay US ku geli karaan aya heystaan,dadka kalena wa u furan tahy inaad si sharci aad ku gashaan wadamada Westernka kale, hadii aad ka dheerntan is dhiibid iyo jeex jeexida baasaboorka meelo badanba jirta oo aad ka shaqeysan kartaan o aad ku noolaan kartaan. lakiinse hadii ceyrta idinla macaanatyna oo adan rabina meel inaadan u dhaqaqin iska fadhiya ilaa hala hal la idiinka dhameeyo, waayo Rasuulki (SWC) ayaaba Maka ka haajirey una haajirey MAdiina isagoo waxba Makka ku heysanin, marka waa laga maarmaan inaad ka guurtaan meshi sidaas ugu dhibtooten hadii aad muslim khaalis aad tihiin.
Wasaalmu Clayekum Warahmatulah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdiyare

Monday, February 12, 2001 - 10:19 am
dhamaan waad salaamantihiin waanan fahmay waxa ku qoran meesha inkasta oo aanan waligay tagin wadamada uerope hadii aan ka hadlo waxa meesha ku qoran waa wax aad u foolxun waxaanan qabaa inay ka sii liitaan waxa ka dhacay dalka yaman ee loo gaystay dadka somalida iyo waliba dalka kiinya somalina meel ay joogto oon lagu bahdilin maleh
haba ugu sii darnaato kuwa wadanka gudihiisa ku nool oo qaqablayaalku qoriga lahortaagan yihiin oo lagu xeraystay xero waligeed ah tan finland waaba labo sanee marka saaxibayal ilaahbaan leenahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

som

Monday, February 12, 2001 - 09:46 pm
waad mahad santihiin dhamaantiinba waxa aad sheegaysaan wax jira waaye dhibka waa jiraa ilaahay hanaga samata bixiyo . midda kale qaraaladiina waa dhaadheer yihiin soo kooba si dadka u xiisayaan waad mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaqiiqdii Ogow Gurey

Friday, February 23, 2001 - 08:40 am
To: Gureey1 saaxiib waanka xumahay aad iyo aad runtiina waxaan ka ooyay niyada kadib dhibaatada walaalaheen soomaaliyeed qabsatay, ma eysan ahayn markii koowaad ee aan maqlo in Finland ku heyso soomaalida iyo dadkan kale ee nala ah Africanka jirdil iyo niyad dil gudaha ah, yar saaxiibkey ah oo ka yimid Helsink iyo tuulooyin u dhow wuxuu iisheegay qisadaan hada kahor asaga iyo saaxiibkiis waxay joogeen baar waxeey cabayeen cabitaan waxaa agfadhiyey labo nin oo african ah waxaa uyimid labo nin oo finlandees ah kadib mid baa wuxuu uga riday cabitaankii sigaar uucabayey markaasuu waxuu ku yiri car wax igaqaad kii africanka ahaa wuxuu yiri iga tag, kadib hadana ninkii finlandeeska cabitaankii buu madaxa uga shubay yirina car wax iga qaad kii africaankii wuxuu yiri iga tag saaxiib, kii finlandeeska dharbaaxoo iskukala jiiday kuna dhuftay kii africanka ahaa, kadibna waxaa qeelshay naag finlandees ah oo markaas ka shaqeyneysay baarkaas oo tiri boolis baan uwacayaa ama isaga tag nimankan aad qashqashaadeyso 15daqiiqo buu maqnaahadana weysoo laabteen labadii nin ee ahaa finladees waxay u imaadeen labadii nin ee somalida ahaa kadibna uga rideen cabitaankii sigaar kadibna ku yiri wax iga qaad kii somaliga intuu istaagay buu teesto kaga dhuftay wajiga kii finlandeeska markuu arkay in uu aad u dhiig baxayo ayuu ooyey oo yiri uwac ambalaas igeeya isbitaal, dagaal ween baa ka dhacay baarka hebeenkaas, markalana wuxuu ii sheegay asaga iyo saaxiibadii oo magaalada hoose socdo in lagu soo bursadey budad iyo midiyo oo ay ku fakadeen si nasiib leh xaalku si kastaba ha ahaado anigu waxaan ogahay in dhibaato weyni ku heesato walaalaheen meeshaas inkastoo aan layaabay sababta ay wali ujoogaan iyo dhiig xumidoodo may aadaan safaaradaha sida usa canada weeydiistaan fiiso ama ku dacweeyaan united nations in dhibaato lagu sameeyo hadeytaasi soconweydo maxaa udiidan iney galaan wadamada dariska la ah finland sida saaxiibkey oo joogi jirey Finland hadana yimid Toronto, Canada Toronto anagu madareeno waxyar xataa oo ah cunsuriyad Soomaalida ayaaba laga baqaa waxaana kabaqa cadaanka iyo madowga inta joogo maxaa yeelay soomaalidu markey kubateen Toronto way ku faaneen somalinimadooda ayna dageen hal xaafad ayaa waxay qaarkood noqdeen gangistaryaalo, anigu waxaan layaabay ninka ladhoho Gurey markaad tiri Somalida Finland weey kafaanaan iney shegtaan Somalinimadooda maxaa yeelay canaad ka yar ay ku sameeyaan Finland , somalidu waxay ku maahmaahi jirtay Mukulaal minankeeda joogto mici libaax bay leedahay marka way idiin fiicantahay inaad ka tagtaan Finland laakiinse cabaadka iska daaya hadaad runshegeysaan xooga saara inaad isaga tagtaan Finland,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Wednesday, February 28, 2001 - 05:56 am
walaalayaal waxaan nawada oran lahaa heybad waxaynu ku leenahay dhulkeenii hooyo.dhibaatada maanta soomaali haleeshayna ma aha mid ka hadal u baahan ee waa mid wax ka qabasho u baahan.waxa ay ila tahay in dhalinyaradeena soomaaliyeed aanu ku qasbanahay inaanu yara dhaano odayadii waddanka naga burburiyey waddankii noona horseedey dhibaatadan.waa inaan iska ilownaa qabiilka,waddankiina aan wax ka beddelno oo weynu awoodnaayee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 31, 2001 - 01:18 pm
Horta Gurey1 saaxiib sheekadaadu way idanaqday ilmaana iga timi mid aanse moogahay maahoo anigu waxaan ku noolhay meel intaasi ay sideeda uga dhacdo habeen iyo dharaar waxaan qorsheeyaa oo aan ka fekekeraa sidii aan Yurub iyo nin cad wadankiisa uga kaaftoomi lahaa,Hadaba rag dhibta waa wanaag oo wax buu ku bartaa warkaagan waxaan alaylehe kaga faaiidaysanayaa inaan inyar idhaahdo axad kastoo Soomaali ah ciilka ihayaana uu hayo.1 sida ugu dhakhsaha badan ugu dedaala inaad xirfad aad ku shaqaysataan wadankii hooyo 2Shilin yaanuu nacsanimo kaaga bixin 3markaad is tabaabushayso ee aad xirfad yar barato aniga meeshaan joogo ee Sweden xtaa Soomaalida jaamacadaha iyo koorasyada yar yar ee sida nijaarada,alxanka iwm waa nalagala dagaalamaa marka waxaan dadka leeyahay markaad wax yar barataan haka baqanina talaabada taa xigta oo ah inaad wadankii uguurtaan.Anigu waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo wadankii kasoo maqnaa 14 sano waxaan balan ku qaaday hawlahayga inyar baa iiga hadhay inaan nin cadi dib ii ciilin waxaan ka imi magaalada Burco inkastoo ay ka mid tahay meelaha hada xaga nabada lagu amaano hadana waxaan qabaa in Soomaaliya meeshii aad degtaaba ay dhaanto dhulkan gaalada,marka walaal guray farsamo baro ku noqo magaaladaadii yarayd eed ka timi xaqiiqdii anigu doonimaayo inaan nolshan kusii noolaado waxa iiga roon inaan Burcadaydaa iska nasiibiyo oo maalintii ladagaalamana aan qaxo maalintii kalena aan waxayga wato farsamadaydiina wax yar uun baa iiga hadhay,ta kale qofku waa inuu ilaahay s.w ku xidhnaadaa oo dhalinyaradu aanay markay dhibtoodaan aanay khamri iwm wax moodin ALLAh s.w wuxuu kitaabkiisa ku yidhi (Waman yataqilaah yajcal lahu makhrajaa)oo qofkii Alle ka baqa alle faraj khayr qabuu ufurayaa.Marka walaalayaal soomaaliyey hadaad rabtaan inaad ciil ka baxdaan iska daaya nacaybka oo tacliin wakhti siiya khayrkiin dayaxuu tegay ka dhulka lagag tegayna waa udoqonimo,waxaan kuu sheegayaa Gurayaw in wadanka Sweden ee aan ku noolhay aanuu qof ilaahay isku xidhay mooyaane aanay cid kale ka baxayn xumaanta nalagula kaco awgeed xataa anag tv dalkaa hadh iyo habeen nalaga caayaa waa fandha mataaliiste,waa niigaro aan caqli lahayn,Danmarkna sweden ayay kasii xuntahay waa gun skandaneiyanku waa dad aan eegin aqoonta iyo maskaxda qofka ee xeeriya midabka bal waxaan ku leeyahay ninka Soomaaliga ah iyo ka Keenyaanka ah isku si ulama dhaqmaan calaashaanSooomaaligaa yara san dhuuban,xal kale ma jiro waxay dadkani ibareen sida loo naco qof bani aadama,beryihii aan singelka ahaa mararka qaar sidaan ufekeraayo waxaan ka baqan jiray inuu madaxu iqarxo waayo waxaan ku jirnay nolol adag oo wada hanjebaada mararka qaar waan ka xumaan jiray inaan debedea kasoo adeegto walaahay cadiim waayo tuuladu waxay ahaayeen dad gacanta ka ciyaara oo kaw kaaga siinaaya,dabadeed khamri baan bilaabay isagiina markaan mudo waday ayaan ka baqay inaan si xun udhinto waan ooyayaa markaan halkaa aan hada maro marinayo sheekada,faktayaal ayaa dhawr mar anigoo ah nin caato ah oo siday soomaalidu ubadantahaya ii xoog sheegtay midabkayga ilaa markii dambe ilaahay s,w uu igu hanuuniyay inaan si toosa uqabsado jidka toosan ee uu rabi s.w lahaa (siraada ladiina ancamta calayhim )waa ka islaamka ahe ilaahay aad ayaan ugu mahad celinayaam siduu iiga soo qabtay jidkaa xun.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.