site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Warsangeli Abgaal asalkoodu cidee galaan?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Warsangeli Abgaal asalkoodu cidee galaan?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amiin

Monday, December 04, 2000 - 05:40 am
Warsangeli Abgaal asalkoodu cidee galaan?
Aniga qabiil waxa badan kama kasaayo.
Anigu waxaan ahay nin oo Majeerteen ah waxa aanuna is baranay gabar Abgaal ah, ahana Warsangeli Abgaa.Waxa aan weydiiyey waxa ay isu galeen Warsangeliga oo Harti oo woqooyi dega.
Jawaab oo aan ku qancona ima siin.

Markaa waxa aan jeclaan lahaa inaan su'aashaan idiin soo bandhigo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JJ

Monday, December 04, 2000 - 02:53 pm
WAXAY GALAAN DHULKA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 05, 2000 - 11:33 am
AABAHAA BAA DHULOS AH
WAAR WAA NIMA NASAB AH OO WARSANGELI AH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caleed

Wednesday, December 13, 2000 - 08:26 am
Warsangeli Abgaal waa niman Warsangeli ah.
Waxaana dhalay Suldaankii labaad ee Saldanada Warsangeli.Waxa ninkan la odhan jirey Xamar Gale(Waa naanays).
Meesha wuu tegey, wuuna ku guursdey caruur markii uu ku dhalay ayaa aabihii oo Suldaan ahaa dhintay, markaas ayaa waxaa doonay Faarax Garaad (Dhulbahante) oo ina adeerkiis ahaa, Faarax Garaad ayaa soo kaxayey.Markii ay marayeen meel Garoowe ku dhow ayaa faarax Garaad dhintay(Faaraxa Garaad waxa uu ku aasanyahay Garoowe agteeda).
Markaa sheekadu sheeka jirtey weeye.Niman kan Warsangeli ee Abgaal ka ku dhex jirana waa niman Warsangeli ah laakiin badankoodu abtirsiinyihii ilaawe.Wax yaabo badan ayaa kaga hadhay dhaqankii, for example waxay yidhaahdaan dumarkoodu "Alla awowgay Warsangeli caleedow".Cal waa xagee, waa Las Qoray agteeda.Markaa waxay kaga hadhay wax yaabihii uu odaygii halkaa ku dhalay u sheegay.

Waad salaamantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Laascaanood

Wednesday, December 13, 2000 - 08:42 am
Caqliga ilaahay kuu dhawr si layaqaan ayaad u fasishay Amin.Waxana filayaa hada laga bilaabo inuu gabadha hagaajin doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Laasqoray

Thursday, December 14, 2000 - 05:22 am
Hadalkaa nimankii Abgaal Warsangeli waxba kamay oran markaa waxaa la ogaadey inay tahay sheeka ay wax ka jiraan.
Runtiina waa mid aad run ugu dhow.Sababta oo ah, anigu xataa dad waaweyn oo Warsangeli Abgaal ah oo aan la kulmay, way garanayaan inay Warsangeli yihiin laakiin waxaa ka qaldan siday meesha ku yimaadeen, siday Abgaal isu dhex galeen.
Laakiin marka aad la sheekaysatid oo aad u kuur gashid waa dareemaysaa inay wax badan ogyihiin ayna dareensan yihiin cida asalkoodu tahay laakiin ay soo yare fogaadeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhahar

Thursday, December 14, 2000 - 08:45 am
Warsangeli Abgaal waa niman Warsangeli ah.Taa mid muran ku jiro maaha.
Ninanku Hawiyay dhexgaleene waa niman Warsangeli ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiil warsangeli abgaal

Friday, December 15, 2000 - 05:23 am
dhulka ha kula dulee ma haddaad tiri warsangeli abgaal intee galaan waadba sheegiye sideed u garan wydey ha lagaa kor kudee doqonka CALEED isku sheegey ma waxaad noo guurtey inaad dhulbahante noo dhaweyso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CALEED

Friday, December 15, 2000 - 08:33 am
Wiil Warsangeli Agaal:
Walaal horta kuma caayin anigu waxan se islahaa wax is weydaarsada.
Warsangeli Abgaal taariikhdoodu waa mid cad oo aan shaki ku jirin.Qof kasta oo wax garad ah oo labada dhinac midkood ka tirsanina waa ogyahay.
Adiguse waxa laga yaabaa inaad dhalinyaro tahay oo aanad wax yaabahaa u dhuun daloolin.
Odayaasha warayso.
>>
Hadii aad Warsangeli Harti wax la wadaagtidna ogow inaad Dhulbahante Hartina wax la wadaagtid.
>>

Laakiin waxa aan ka sheekaynaynaa waa taariikh, taariikhduna waa wax aad u cajaa'ib ah marka laga sheekayo.
Bal hada soo daa adna waxaad qabtid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Wednesday, December 20, 2000 - 03:44 am
Warsangeli abgaal Warsangeli Harti waaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalgale

Saturday, December 30, 2000 - 02:52 am
waa dameeraleydi daadadoorod oo shaqo lacag leh kaheleen dhulka abgaals sas aana contract lagu keeney dhinacaan oo ey bilaaban iney dameero wataan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CALEED

Saturday, December 30, 2000 - 07:18 am
Taarikhdu waa wax la ogyahay, mana bedelmayso.
Nimanka Abgaal la degan(Warsangeli Abgaal) ee Warsangeli waa la ogyahay taariikhdooda.
Waa niman la ogyahay taariikhdooda, iyagana dadkooda wax garadka ahi waa ogyihiin.Waana la wada hadlay.Waana lais ogyahay.
Sheekaduna waa sidaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Friday, January 05, 2001 - 03:29 am
Gaalgale adigu nin Nuux Maxamud ah ayaad tahee, halkaa ku joog.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 05, 2001 - 03:41 pm
TAARIIKHDU WAA BEEN MASHEEGTO

MAGAC IYO DHUL MA WADAAGAAN
WAXNA ISUMA GELIN EE MAHOOYADAA
AYUU NIN WARSANGELI AH ILMO
KU INKIREY.
TAN WAXA AY QUSEYSAA QOF WALBOO
QOF KALE WAXA UUSAN AHEYN KU SHEEGA
HADDII EYSAN SIDAN AHEYN DAD AAN
SHAQO ISKU LAHEYN MAXAA ISUGU KEENTAY
WACALNA TAARIIQ MA LAHA.
MAXAAD AABAHAA IYO AWOWGAA AAD U
WEYDIIN WEYDAY LABADOODA MID
HADDAAD NOLOL KU ARAGTEY.

WAA KUWII WAX WALBO KAA HOR ISTAAGEY
SIDAAS AYAAD UGA XUNTAHEY
WAA DAD DHALAD AH
WACALOOW ADNA ISKA OOY
CIIL QABOW CADAABTA GAL
HADDAAD DHALADKII KA MASEERTAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 05, 2001 - 03:55 pm

buulo-burte

Saturday, January 06, 2001 - 05:38 am
waa layaqaan meesha ay galaan, dalkii la,oran jirey zaair} oo hada loo jaqaano democratic repoplic of congo. shaki kuma jiro.
in ay isku egyihiin ma,arkinoo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, January 06, 2001 - 07:59 pm
WACALO OROMO
XAWAADLE CEYR WAA BOOLIISKA
AYAGAA TALAABO IDINKA QAADI WACADALE
BELEDWEYN UMUL OO KALE WAAD ILOWDEY

WIIL H/GIDIR
HIRAAB HA FAAIIDEYSAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, January 06, 2001 - 08:00 pm
WACALO OROMO
XAWAADLE CEYR WAA BOOLIISKA
AYAGAA TALAABO IDINKA QAADI WACADALE
BELEDWEYN UMUL OO KALE WAAD ILOWDEY

WIIL H/GIDIR
HIRAAB HA KA FAAIIDEYSAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

taariikhyahan

Sunday, January 07, 2001 - 01:21 am
war ileyn nimankan ka yimid mudug dad badsi waa lagu yiqiin warsangeli abgaal waa jufo ka tirsan boqortooyada mudulood taana su,aal kama taagna
nimanka taariikhda dhoodhoobaya ka jooga waxaad qaldi kartiin majiraan magaca warsangeli macnihiisu waa war fiican sheege waana magac soomaaliyeed oo ilaa hada lala baxo waana magac qadiim ah oo lala bixi jiray intii aysan soo gaarin diinta islaamka soomaaliya,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saalah

Friday, January 12, 2001 - 09:36 am
Dad badsi maahan.Waa taariikh cad oo layaqaan in Warsangeli Abgaal aanay Hawiye dhiig ku lahayn ee ay la degaan noqdeen.
Hadii aad waraysatid iyo dadkooda wax garadka ahna waay kuu sheegayaan.
Waryaa markii Xamar dagaalku ka dhcay aniga waxaa i badbaadiyey niman Warsageli Abgaal ah.Waxayna ii cadeeyeen inaanu isku dhiig nahay hadal iyo hiilba.Wayla dhaqmeen Hawiye oo hadana way ka tirsan yihiin, laakiin waa mid aan shaki ku jirin asalkoodu inuu kasoo jeedo Warsangeli Daarood.
Magac keliyana maaha waa taariikhda dhulka Warsangeli taala oo laisu soo tebiyey, iyo weliba marka aad tix raacdo wax yaabaha ay Warsangeli Abgaal laftoodu aaminsanyihiin ambase ay ku hadaaqaan.
Nina qabiil ama cid aan waxba kaga jirin iskama sheegto.Koley wixii la qaadqaadona wax baa ka jira.
Waxaase hubaal ah in Warsangeli Agaal ay kasoo jeedaan Warsangeli Moorasaante Harti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAWIYE

Friday, January 12, 2001 - 07:31 pm
WAXAA WAX LA YAAB LEH AH LABA CAADO OO HAWIYE IYO DAAROOD KALA LEEYIHIIN:

1)- HAWIYUHU NIMAAN NASABKIISA GELIN OO UU OG YAHAY INUUSAN AHEYN MA SHEEGTO MANA RAADSADO, HADDUU DEGAANKIISA YIMAADANA HADDUUSAN DHIB LA IMAANNIN NABADGELYUU SIIYAA OO KULA NOOLAADAA. ABGAALKA AYAAD KA DAREEMEYSAA ARRINKAAS OO HAWIYE AH TUSAALE AHAAN, IYO SIDA GAALGALE ABGAALKA DHEXDIISA NABAD UGU NOOLAAN JIRAY OO WALIBA AAN LAGA GUURSAN JIRIN, NINKII GAALGALE MARKUU SHIRIBKA TIRIYAY OO UU YIRI:

GABAR ABGAAL NIN GAALGALAA,
GURI MA LOO GEEY KARAA

NINKII ABGAAL WUXUU KU JAWAABAY:

GASHAAN DAMEER MARKEY GAREYS
GARRAARSATAA LOO GEEY KARAA

(WAA WAXAAN SUUROGAL AHEYN IN GAALGALE GABAR ABGAALA LA SIIYO) WAA SIDUU HADALKA U YIRIYE.

NINKII SIDAAS AHAA OO LA YIRI NAGU GEYAAN MAAHID, DAAROODKU NINKAASAY RABAAN OO NAF KA DAYEEN OO YIRAAHDEEN NUUX MAXAMUUD BAA TAHAY.

2)- DAAROODKU NIMAAN NASABKIISA GELIN OO AYAN WAXBA ISU AHEYN OO AY WALIBA OG YIHIIN INAYAN SHAQO ISKU LAHEYN, AYAY WAXAY YIRAAHDAAN "QOLADAAS" WAA NIMAN DAAROOD AH, HEBEL BAA DHALAY, AABBAHEEN BAA DHALAY XATAA HADDEY OG YIHIIN INUU YAHAY DADKA AY SOOMAALIDU U TAQAANNO MIDGAHA.

WAA LABA CAADO OO AAD U KALA DUWAN.

WARSANGELI OO CUMAR IYO CABDALLE AH HARTI ABGAALA,
OO AABBIHIIS IYO HOOYADIISBA LA YAQAAN, WAA NIMANKA MAANTA KU DOODAAYA WAA DAAROOD, WARSANGELI AH, AYAGOO MAGACAAS ISKU EG KELIYA QIIL KA DHIGANAAYA. HADDA KA HOR WAXAY YIRAAHDEEN MAXAMUUD HIRAAB (DUDUBLE) WAA DAAROOD, XAWAADLE WAA DAAROOD, HABARGIDIR WAA DAAROOD, WAA YAAB.

DAAROOD ISKU XISHOODA MEESHAAS NAF HA KA DOONINA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saalah

Monday, January 15, 2001 - 03:13 am
Hawiye:
Walaal horta waad ku mahadsantahay fikradaada inaad si hufan usoo bandhigtay.Nin maskax furan ayaa tahay.
walaal Somali ayaynu nahay, waxa aynuna u soo gudbinaa taariikhdeena orally from generation to generation, koleyna wax waa iska bedelayaan taariikh da habkaa (oral system) soo marta, laakiin salkeeda waxay u badantahay inay noqoto mid ay wax ka jiraan.
Taariikhda Warsangeli waxa ku jirta in nin la odhan jirey Xamar Gale( waa naanaystiisa macneheedu waa 'ninkii Xamar tegey'), oo Suldaan ahaa (waxa ka danbeeyey ilaa 26 suldaan), oo tegey dhulka Abgaalka uuna ku dhalay laba wiil.
Taasina waa mid from generation laisu soo gudbiyey.Waana mid aan taariikhda Warsangeli laga masixi karin, sababta oo ah ma aha wax ah just iska sheego ee mid taariikh salka ku haysa.
Qofkasta oo Warsangeli ahna kama dhaadhicin kartid nimankaasi inaanay ahayn Daarood.
Waxaase wax kala saari lahaaba hadii DNA test laga qaado, waayo Y Chromosomes kooda ayaa isku mid noqon lahaa hadii taariikhdaa waxa ka jiraan.
Taasina waa mid aan damacsanahay inaan mustaqbalka wax ka qabano.

Thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farhia

Tuesday, January 16, 2001 - 09:02 am
Salah,
walaalo sifiican oo aad u macquula ayaad fikirkaada usoo bandhigtay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caamir

Tuesday, January 16, 2001 - 09:53 am
WARSANGELI ABGAAL HORTA AAN KUU SHEEGEE ISAGA IDIN MA AHA EE ADINKAA NA AH EE SIDAA OGOW HADII SHAQANKA IYO QURAAFAADKA DAROOD KUGU AQRIYEEN AAD RUN U MALEYSEY HALKAN DHUGO WARSANGELI OO KU ABTIRSADA ABGAAL CISMAAN SIIBA HARTI-ABGAAL WAXAA JIRTEY ASKUNKII HORE EE WARSANGELI INUU DHALEY KANA YIMAADEEN DHULKAA WAQOOYI SIDA AAD LA SOCOTABA ODEYGII SHEEKH CALI CUSMAAN INUU KU DUUGAN YAHAY BUURTA SHEEQ OO AY DAD AAN DIIN AQONIN U SIYAARTAAN OO REER WAQOOYI AH MAANTA WUXUU KA GUURSADEY QABIILAADKI HALKAAS DEGANAA EE DAAROODKA AHAA KANA DHALAY LABA WIIL UUNA U BIXIYEY CUMAR IYO CABDALLA SIDA AAD KU TAQAANAAN DAAROOD INAY SHEEGTAAN WILKII AY AABIHIISBA WAAYAAN MIDGAHA WACALADA SIDA GAAL-GALADA AYEY U DAMCEEN INAY SHEEGTAAN BACDAMAA UU ODEYGII WARSANGELI KA SOO GUUREY DHULKAA ASAGOO LA SOCDA EHELADIISII KALE KA DIB MARKII AY XAASKIISA KU GACAN SEYRTEY INEY RAACDO AYUU GUUSTEY ODEY WARSANGELI BACDAMAA UU ARKEY INEYSAN DADKU MARTI IYO SOO DHOWEYN LAHEYN KA GUUREY OO KA DABA TEGEY WALAALIHIIS HARTI WUXUUNA UGA DABA YIMID BELEDWEYNE HALKAAS OO UU KA GUURSADEY MARKALE KUNA DHALAY LABA WIIL KALE ISAGOO OG DHIBKII SOO MAREY ISAGA SODOHYADIIS DAAROOD AYUU WUXUU KA BAQAY INAY KA DHUMAAN CARUURTAAS DADKAAS XUN U GACAN UGA GACAN GALEY MARKA BUU U BIXIYEY LABADII WIIL EE KALE EE UGU DHASHEY AGAGAARKA BELEDWEYNE CUMAR IYO CABDALLA KULANA DARDAARMEY CARUURTIISA INEY JIRAAN WLAALAHOOD DEGANA WAQOOYI WAA SIDA TAARIIQDA LAGA SOO XIGTEY ODEY WARSANGELI ALAHA U NAXARIISTEE WAXAAN RAJEYNAYAA INEY INTAAS KAAGA FILNAAN DOONTO.
HADII AAD RABTO WAX INTAA SII DHEER II SOO QOR:
caamir2000@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsangali abgaal

Thursday, January 18, 2001 - 08:17 am
Waan idin salaamay dhamaan .
WARSANGALI HARTI ABGAAL DARANDOOLE MUDULOOD HIRAAB
DAME GORGAATE HAWIYE .
Taasi waxay ahayd abtiriskii warsangali oo aan anigu ka dhashay .
warsangali daarood waa anaga oo way naga dhumeen-
waa hore sida FAQASHINI oo daga waqooyiga soomaaliya HABARGIDR/CAYR uu uga dhumay.
marka saaxiibayaaldhulkan abgaal dago ka biloow xardheere ilaa iyo marka waxuu ka kacsaday boqortooyadii ajuuraan ka hor abgaal ama dhamaan hawiye waxay daganaayeen itoopiya iyo waqooyi marka waagaas ayaa laga yaabaa in WARSANGALI -
DAAROOD naga soo haray .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Thursday, January 18, 2001 - 08:35 am
Warsangeli Abgaal:
Waryaadheheen sidii aad taariikhdii Soomalida ee Xamr u gubteen ama u bililiqaysateen taariikhdani mid lumaysa maaha.Waa mid meel ku qoran, yaana laidinku qoslin.Hadii aad rabtaan inaad wax ka doodaan waxa lala yimaadaa wax cad oo aad meel la tegi kartid.
Warsangeli Abgaal iyaga aya qirsan inay yihiin Warsangeli Daarood oo ay ka soo jeedaa asalkoodu.
Runtiina wax hada bilawday maaha.Mudo hada laga joogo 50 yrs ayaa halka ay degaan(i think waa Cadale) loogu tegey, waxayna odayaashoodii sheegeen inay ogyihiin inay kasoo jeedaan Warsangeli Daarood asalkoodu laakiin abtirsiintii ayaa ka luntay.Dabadeedna waa tii Cydiid iyo Habar Gidir kaceen oo arliga qaseen, markaa yaanay dadkaasi waxaa idiinku sheekayn
Markaa walaalo, amba inaadeer isku dad inaga ayaa ah, Hawiyena waad la dhaqantaye waxba maad wadaagtaan.Waxana idin dhalay nin la odhan jirey Xamar Gale(u fiirso magaciisa waa naanays wuxu ahaa magaca dhabta ahi Xasan), waa line ka Saldanada Warsangeli ninkii labaad.Xamar eeriyadeeda ayuu tegey oo Cumar iyo Cabdale ku dhalay.Waa taariikh qoran oo la hayo waayo wuxu ahaa nin Suldaan ah.Dabadeedna wuu soo noqday waxa uuna Woqooyi ku dhalay Ibrahim(Cumar aabihii) iyo Yusuf(Dubays).
Ina adeerow nimankaa Hawiye yay kuu sheeka xumayn waxad tihiin niman dhalad ah oo Warsangeli ah oo Daarood ah oo Weliba Suldaan dhalay.
Miyaadan ogayn waxa dumarkiinu yidhaahdaan, walaahi anigu waanka maqlay:
"Alla awoowow Warsangeli Caleedow", Cal waa xagee dee waa Las Qoray agteeda.
Markaa Soo dhowaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Thursday, January 18, 2001 - 08:36 am
Warsangeli Abgaal:
Waryaadheheen sidii aad taariikhdii Soomalida ee Xamar u gubteen ama u bililiqaysateen taariikhdani mid lumaysa maaha.Waa mid meel ku qoran, yaana laidinku qoslin.Hadii aad rabtaan inaad wax ka doodaan waxa lala yimaadaa wax cad oo aad meel la tegi kartid.Intaasi waa canaan tolnimo.......
Warsangeli Abgaal iyaga aya qirsan inay yihiin Warsangeli Daarood oo ay ka soo jeedaa asalkoodu.
Runtiina wax hada bilawday maaha.Mudo hada laga joogo 50 yrs ayaa halka ay degaan(i think waa Cadale) loogu tegey, waxayna odayaashoodii sheegeen inay ogyihiin inay kasoo jeedaan Warsangeli Daarood asalkoodu laakiin abtirsiintii ayaa ka luntay.Dabadeedna waa tii Cydiid iyo Habar Gidir kaceen oo arliga qaseen, markaa yaanay dadkaasi waxaa idiinku sheekayn
Markaa walaalo, amba inaadeer isku dad inaga ayaa ah, Hawiyena waad la dhaqantaye waxba maad wadaagtaan.Waxana idin dhalay nin la odhan jirey Xamar Gale(u fiirso magaciisa waa naanays wuxu ahaa magaca dhabta ahi Xasan), waa line ka Saldanada Warsangeli ninkii labaad.Xamar eeriyadeeda ayuu tegey oo Cumar iyo Cabdale ku dhalay.Waa taariikh qoran oo la hayo waayo wuxu ahaa nin Suldaan ah.Dabadeedna wuu soo noqday waxa uuna Woqooyi ku dhalay Ibrahim(Cumar aabihii) iyo Yusuf(Dubays).
Ina adeerow nimankaa Hawiye yay kuu sheeka xumayn waxad tihiin niman dhalad ah oo Warsangeli ah oo Daarood ah oo Weliba Suldaan dhalay.
Miyaadan ogayn waxa dumarkiinu yidhaahdaan, walaahi anigu waanka maqlay:
"Alla awoowow Warsangeli Caleedow", Cal waa xagee dee waa Las Qoray agteeda.
Markaa Soo dhowaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsangeli

Thursday, January 18, 2001 - 09:17 am
warsangeli are my people so don't go thire

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WaaYaabay

Thursday, January 18, 2001 - 11:29 am
ar waa la yaabay nabee ma waxaad keenteen inaa tiraahdaan maanta Warsangili Abgaal waa warsangli daarood....ar daarood aqiyaareey haye abgaalna waa daarood goormaa dheheysiin walaahi aniga gacan,lug iyo dacaskeyga aan idiin taagay.waana ka baxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

karanle

Friday, March 02, 2001 - 02:43 pm
habartii dhashey meeday warsangaliga abgaal haduu aabihii daarood ahaay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Monday, March 05, 2001 - 03:58 am
Karanle,
habar yaa tirsade dee.Habartii Abgaal ay ahayd dee.Waa taariikh la ogyahay oo qoran aana laga murmi karin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wii abgaal

Wednesday, March 28, 2001 - 02:37 pm
KU:inta ku hadaaqaysa warsangeli abgaal waa daarood hehehehehehhe walee waalayaabay waryaada daaroodow yaan laydin ku qoslin warsangeli abgaal wax layiraahdo majiraan ee taas lasocda mida kale waxaa jira qabiil layiraahdo warsangeli harti waaana yaraanka harti abgaal.
mida kale waxaan idiin sheegayaa in aanay jirin cid taarood sheegata oo abgaalka ku jirta.
warsangelina wuxuu kamid yahay dadka aan marna laga shakisanayn ee aan doodi kujirin abgaalnimadooda hadii ay dood gashana waxaa hubaal ah in abgaal oo idil lakala sheegan doono
taasna ma ahin mid dhacaysa.waa tii uu yiri gabyaagii somaliyed:muquunis laguma maro megengel mooyaane)hadaba dadka in ay naga maqan yihiin oo aan raad ku hayn ugu jirno waa warsangeli harti koonbo waayo waa ina hareen sida faqashini loo waayay ama ay u hareen ayay u hareen waana in aan helnaa kolay daarood derejo kuma haystaan ee waa in ay usoo laabtaan dadkooda.mudulood waayo dhuka ay iminka degan yihiin waxa deganaa odaygii abgaal xiligii uu daaroodka diointa soo gaarsiiyay ayaa laga reebtay caruurtiisii sidaas darteed halkiina jooga laakiin ogaada in aad tihiin dad abgaal ah oo halkaas wakiil uga ah.
waxii kale oo abgaal ah ee meeshaas ku dhumayna waan idinka doonaynaa in aad noo sii kashiftaan waayo wax badan oo sagaalka kamid ah ayaaa halkaas ku tebaynaaa.
mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacaysle

Wednesday, March 28, 2001 - 07:15 pm
Mareexaan inaw asalkiisu ahaa Hawiye ma og tihiin waa taariikh run ah ,,,,si kasta aad u fiiriso waa rag dhiig Hawiye ku jiro...hala baaro arrintaa....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.