site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gabbay diidan isku dirka halkan ka socda: Somalinet ma Yahuudba Sixirta Soomali? Sual weeye illa daya

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Gabbay diidan isku dirka halkan ka socda: Somalinet ma Yahuudba Sixirta Soomali? Sual weeye illa daya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kowneyn

Tuesday, December 05, 2000 - 12:28 am
Acuudu Billahi min Al-Shaydami rajiim
Bismillaahi Raxmani Raxiim
Allahu Akbar Kabiira Wa Alxamdulillaahi Kathiira
Wasalla Allahu cala Muxammad wa Cala Aalihii Wa Asxabaxi wa man tabicahum bi ixsaan Tasliiman Kathiira.

Salaamu Caleykum Wa Raxmatullahi Wa barakat Somali Maxammad SCWS...

Tixdan waxaan tiriyay Maanta markaan ka yabay Meeshan illa SOomaliya, Somaliland, djibouti etc haddeer lagga akhristo iyo siday caddow ugu tahay Somali iyo calimiinto dhan intii illahay ka baqaysa wanaaggana jecel.
Bal qofkii dareen lahow min fadlak akhri Titles pageskan. Wa Sixir iyo isku dir. Wa damiirgurin iyo calool xummo beer. Taa waxa kaga daran meeshan jin iyo ins kufr iyo islaam intu dad sheegto ayuu godob iyo belayo dadkeena dhex dhigaya. Ninkii garanaya garanaye fidma socota. Somaalina iyo wixii Illahay ka baqa ama ka biqi jirayba wa loo dan leeyahay in immaanka la daciifiyo lana cabiidiyona wa la sugaya mana dhacayso wa wacad Alle ku wii aan lumine sabra illahay ba badbaadinaya. Diirsooc, Rag iyo dumar la isku dirro, si xun uu sheeg iyo dacayad weeye. Maanta wa maalintii shaitannee SOmalaay Saciid iyo shaqi kala garro. Dadkanna wadda dacad ha moodin. Dadba shaitan daba taganyahay. qaarbaba ah.


Somalinet ma Yahuudba
Sixirta Soomaali?
Su'aalweeye illa daya

Suxuurtoo la dhafoo
Fajr uun la sugayiyo
Aadimmada Subaxdii

suxufbay akhrinayaan
Subciis baadil weeyiyo
Somalida kala sirra

Saxiibal ibleys iyo
Sinji xumme dijaaliyo
Sixirroole weeyaan

Dir soocbay waddaanoo
Sun bay Saydhinayaan
Billa SAXEEXNA weeyaan


Siduurkagay is leeyihin
Saxaro aadku dhiiqdeen
Somaalaay ha moogan

Somalinet wa shaitan
Sixir yuu ku galinne
Niya daadda saafiyi

Haka sahansan diirke
Qabiil yaan lagugu sirin
Camal Samaa Sokeya ah

Kala Sooc shar iyo khayr
Kala garro Shaqi iyo saciid


Amar Eebe wali sug a
Sabir yeelo weligaa
Wacad Illah ma seegtide

Zinna'tan aduunkanna
ibleysba siraaday ee
janno yay ku seegsiin

Wacad Illah ma seegtide
Sal fudayd ka daaya
Sugo rajo ha beelina
Sarreeyo ku saacida

Haddalko la saxo iyo
Sedkagii ha seegina
Nasab Xasan sidiis yeel

Nimaan eebe kula simmin
Saqajaan yuhuud iyo
kuwii Saatir lacnaday

Illa iyo Isir Sedkiini
Illahay ka sugayseen
yay ku seejin saakaba

Sabix magac illahiyo
Ku Salliya Rasuulkii
Barakada ha diidina

Qalbiganna safeeyo
Naftaadana saakimi
Wax u siyaadi mooye

Walaalka ha sirrin abid
Ha sumayn qabyaladda
Si xun haw isticmaalina

Suaal maleh camalkaniye
Shaitanba u sababeee
Ha Saaciddinna cadowgiin


Kowneyn

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.