site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jabuuti oo Afgembi Qarka u Saaran

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Jabuuti oo Afgembi Qarka u Saaran
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed1

Thursday, December 07, 2000 - 07:31 am
Warar ay sii deysay BBC ayaa sheegaya in Jabuuti ka dhacay iska hor-imaad dhex maray ciidamada booliska iyo kuwa qalabka sida. Arnitana waxay ka dambeysay kadib markii ay soo baxday wareegto shaqada looga eryeysa taliyaha guud ee booliska Gen. Qaalib. Booliska oo ka gadooday arintaas ayaa qabsaday telefishanka, isgaarsiinta iyo ilo kale oo muhiim ah. Ciidamada qalabka sida ayaa loo adeegsaday iney arintaas wax ka qabtaan si guul leh ayeyna gacanta ugu dhigeen meelihii boolisku heystay.

_________________

Waa arin laga naxo in jabuuti rabshado ka dhacaan waxaana rajeynayaa in si deganaasho ku jirto u dhamaadaan.

Waxay ila tahay dad badan inay ku farxaayaan dhibaatooyinka Jabuuti ka dhacay, qaar badanna jeclaan lahaayeenba inay mooryaan u diraan sida:

-Maafiyo Caato
-Mucangag Suudi Yalaxow
-Kama-fiirsade Ina Ceydiid
-Afxume Qanyare Afrax
-Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya C\aahi Yuusuf
-Ma sabre Cigaal
-Ma qance Shaaticagaar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEELLE

Thursday, December 07, 2000 - 10:00 am
WAAN KA LIB KEENAY., CANAASIIRTII YAR-YARAYD, EE QARAN DUMISKA AHAYD, EE DIBU SOCODKA IYO DABO DHILIFKA AHAYD.
JABUUTI, ANIGA AYAA HAYA MAAMULKEEDA, WALIGEEDNA HAYN DOONA.


PRESIDENT GEELLE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, December 07, 2000 - 02:58 pm
,,,,Aad iyo baan ula yaabay hadalkii haatadan aanu BBC-du ka dhageysanay sida la isu dabamariyoo madaxiisii manjaha loogu rogay.


,,,,Axmad1 Axadkan baase la yidhi Policiega buu sareeyay abidkii magacan jaanee aad ku laxaantay muxuu ahaa...


,,,,Raggan kalee aad meesha ku soo sharxday Ina Kirishbooy maxaad oga reebtay mise heebta hoosiyo arxan wadaag beydinka dhexeeya...


,,,,Xeebtaa Jabuuti ee aynu dariska nahay Walaalahayaga ahi Cawaankaa Ismaaciil Shuluq Caburintuu ku hayo waa midaad iska moogtahay,,se kolley ahaataba shicibku mar buu ku gadoodayaa oon dib loo maqal anoo Mamaasin ah oo Bah Furlabe ka ah,, Walle kadabkood la goyn oo kollaan sii fogeyn dhiiggu mulucyeyn....


Wabilaahi Towfiiq
Ici Frere
NeefoowKaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Friday, December 08, 2000 - 03:43 am
Nefoow,

fadlan soo gaabi,oo umadaha kala daga oo kala luqadaha ah, oo kala carabka ah intooda badani way kugu wareereen ee ka yareey dhoodhiibida iyo sarbeebaha, aysan ka soconin.
macalinka ma waxaad mooday, in qof walbo uu kula fahmayo, inta aad qaar la qasaneeyso,

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guudka

Saturday, December 09, 2000 - 12:04 am
¨reer Djabouti hadaan nahay waxa aan eersanaynaa somalidii qudhunkam ahayd ee bilaayadoodii nala soo aaday inkaari ku dhacday, maxaa waalay nacaskan maskaxda yar ee qaadku duleeyay mirqaanku waalay una sakhiray cudurka maryoolay,maxaa waalay muu naga dhaafo.
Waataase ka soo leef hawada.
NINKII QAYRKII LOO XIIRAYAW SOO QOYSO ADIGUNA.
Yaa ismaaciil ximaar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Somaliyeed

Sunday, December 10, 2000 - 09:59 am
Guudka maan fahmin wuxuu ujeedo laakiin waxaan filayaa inuu eedaynayo somalida kuna eedaynayo waxa ka dhacay Jabuuti. walaal ha ku eesayn somali waxa dhacay waayo waynu ognahay runta waxayna tahay Xabashida ayaan rabin in jabuuti ay ahaato dal madax banaan oo nin madax banaani u taliyo sida Ismaaciil Cumar Geele. Waxay rabaan axad Xasan Guuleed Abtidoon oo kale ah oo ay ku shaqaystaan. Generalka shaqada laga eryayna iyagaa talada siiyey. Jabuuti iyadaa Somali si dhaba ugu baahan. Dib u xusuuso xornimo doonkii Jabuuti soo martay. Haddaan Somali u hagar bixin si yar kuma hesheen xoriyad abaal wayna Somali ayaa idinku leg oo aydaan u abaal gudi karin weligiin waayo dhiig Somaliyeed ayaa ku daatay xornimadiina.
Nabada gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Djibouti

Monday, December 11, 2000 - 03:52 am
KU: dadka soomaaliyeed ee meeshan akhrista

waxan walaalayaal idiin sheegayaa in ninka isku magacaabay GUUDKA uunan ahayn reer-jibuuti. Cidda uu yahyna anigu magacaabi maayo waxanse filayaa in ad garankartaan idinku. arinta ku saabsan shirkii Cartana Ismaciil cumar iyo reer-jibuuti wanaag gaar ah uma samayn soomili balse waxay guteen waajib saarnaa. sidaas haddaanan yeelina taariikhda iyaa naqaban lahayd. Soomaaliduna waa walaalahayo oon marna ka maarmi karin. Dhibaatadii dhulkayaga ka dhacdayna nin dhargay oo kibray iyaa ka dambeeyay maantana xafiisbuu ku jiraa abaalkiisana waala marin.

Ramadaan kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali-koofur

Monday, December 11, 2000 - 04:38 am
Waan ognahay wanaaga iyo dadaalka ay muujiyeen Ismaaciil Cumar iyo reer Jabuuti waana wanaag taariikhda u galay.

Dadka isku dayaaya inay iska horkeenaan dadka walaalaha ha ka waantoobaan hadii kale xukuumada KMG talaabo sharci ayaa ka qaadi doontaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.