site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

TAAGEERISTA DOWLADA CUSUB WAA ARIN U BAAHAN KA FIIRSASHO!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: TAAGEERISTA DOWLADA CUSUB WAA ARIN U BAAHAN KA FIIRSASHO!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 06:30 am
waxaa ka fekerayay maalmahan ba, in somali-land or puntland ay aqbalaan oo ay ku darsoomaan dowlada cusub ee jabuuti lagu doortay?

anigu, shakhsi ahaan waxaan ahaa taageere wayn tan iyo xalay; laakiin markii aan eegay siday wax ku socdaan ayaa waxaa igalay arin u baahan ka fiirsasho iyo feker badan!.

waxaan run ahaantii mucarad wayn ku ahaa, cigaal iyo cabdilaahi yusuf tan iyo intii ay dowladan cusubi jiratay. waxaa fikirka igu dhaliyay sida ay dowladani wax u wado:

1) all investment is concentrated in to mogadisho.
haday noqoto dib u dhisid, biyo galin, koronto galin, ETC

2)ciidamada ay recruit garaynayaan, oo ay mushaarka u qorayaan waa ciidan hawiye uun ah

3)balantii ahayd in caasimad ku meel gaar ah laga dhigo baydhabo, oo uu jabiyay ina booye.

xamartii qabiilku yeeshay, ayay doonayaan inay nagu wada celiyaan.

xita hadii ay safe noqoto (which i have many doubts in it) ma kula tahay in dadkii kala duwanaa ku soo noqonayaan.

4)waxay kaloo jabiyeen, arinkii dastuurkooda ku xusnaa ee ahaa decentralisation of government.

ma kula tahay in maatadii shalay laga cayrsaday xamar ay doonayaan inay ku noqdaan?
waxaan u leeyahay maato, waxay ahaayeen minority ku nool dhul aysan lahayn, oo maanta nin waliba dhulkiisii ayuu qabtay.

bal soomaaliyeey maxay idiinla tahay, ma taageernaa ina booyo, oo ah cayr ka qayb qaatay burburkii wadanka, lana soo shaqeeyay siad iyo caydiid. labadaba( marabo inaan wax xun iyo wax wanaagsanba midna ka sheego maxaa yeelay waa rag dhintay in kastoo aan ku qaldanahay inaan labada magac is ag dhigo, somalida waxaa u caado ah inaan waxba laga sheegin qofka dhintay)???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahal

Wednesday, January 24, 2001 - 05:47 am
Hada ma dawlad ayaa jirta...sowtan burburtay....
war waxa laidiin sheegayo waxba kama jiraan...Xamar niman ayaa u taliya, Koonfun na dawlad ayaa laga dhisayaa, Hiirana dawlad ayaa laga dhisay already, Woqooyi bar iyo Woqooyi galbeedna waad ogtihiin, markaa C/Qasim iyo Cali Khalif maxay hayaan? IUlayn caqli baa la isticmaalaaye....Meelahaasay iska marmaraan oo ka buuqbuuqaan...hada cidina dheg uma dhigto.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.