site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ismail Omar Gelle wuxuu Soomaaliya la rabay asagay ku dhacday

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Ismail Omar Gelle wuxuu Soomaaliya la rabay asagay ku dhacday
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jimcaale

Saturday, December 09, 2000 - 01:57 am
Ismail Omar Gelle oo shirkii Carta si fool xun umaamulay, taasoo uu dano gaar ah kalahaa Djabouti oo haba yaraatee wax dhaqaalle ah lahayn,
in uu ka shaqeeyo sidii uu ujoojin lahaa horumarka dekedaha Berbera iyo Boosaaso. sidii uu lacagta tuugsiga ah oo Soomaaliya la siiyo uu ula qaybsan lahaa, isagoo markasta ku shaqaynayey Iririisim iyo qabiil fool xun uu Soomaaliya ka bilaabay, isagii ayay la rogmatay oo maanta xabadu ka qarxaysaa gurigiisa. si uu ku badbaadana waa adagtahay, sababtoo ah dadka Ciisaha oo aad u xanaaqsan sida uu isugu diray, Canfartii oo rabta in ay ka faaidaystaan markii Ciisuhu isku dhufto, inay iyana ka qabsaan dawladnimada oo weliba Faransiisku taageerayo. waqtiga jeegada la qaban doonana ma dheera. saaxiibkiis uu ku qaraabanayey C/QAASIM meel uu u ciirsado buu la! yahay tuugsigii waa ku fashilmay. RRA dhawaan ayay too ugala wareegaysaa Balidoogle. Kismaayo dhawaan ayaa too loo qabanayaa. Xamar rag baa ku haysta. waxaan shaki ku jirin dawladdii Djabouti iyo Carta faction in ay fashilmeen. ilaahay marna uma hiiliyo tuugo isbahaysatay.

wa bilaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ELAAWAC

Saturday, December 09, 2000 - 01:55 pm
ISMACIIL CUMAR GEELE GAVE SOMALIA A PLATFORM BROTHER SOMALI HAD NO CHOICE BEFORE ISMACIIL CUMAR GEELE. ISMACIIL IS IN THE HEART AND WILL BE IN THE HEART OF ALL SOMALIES.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARTAG

Saturday, December 09, 2000 - 04:25 pm
QANIIS WAA QANIIS WAR MAXAAD KALE OO NOO DHINAM HADAAN SOOMALI NAHAY?TEEDA KALE SOOMALINIMO AYAA LA DOONAYAA IN LA SOO CELSHO EE DOWLAD LAGAMA HADLAYO,TAN LABAAD C/QAASIM ADIGUU KU DHAMAA OO WAX BUU ISKU DAYAY,TEEDA KALE RAG BAA U DHIMANAYA IN SOMALI AY SOO NOOLEEYAN QAARNA U DHIMANAYAAN INAY SOOMALI DUMIYAAN,MARKA ADUGU WAXAAD KU JIRTAA KUWA SOOMALI DUMINTEEDA KA SHAQAYNAYA,MIDA KALE MEESHAN AYAAD KA LEEDAHAYE HORTA NIN SOOMALINIMO KU JIRTO HORTIISA WAXAAS OO KALE HA KA ORAN QANIIS YAHOW QANIISKU DHALAY BASTARD,,,HA LAYGA RAALI NOQDO LUQADAYDA DHALINYARO RUUFIYAANKAN AYAAN GARAN LAHAY WAX SOOMALI MAANTA CARTA U DHAMAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKARIM HASSAN

Sunday, December 10, 2000 - 04:34 pm
FARTAAG,SXB CAYDA JOOJI, WAXAAD KU HADLAYSAA
WAA CEEB WAX QOF WEYNI KU HADLO MAAHA SXB
WAX ISKU-FAL, WELIBA WAA RAMADAAN WAAKU SIDEE
WAXAA ILA FIICAN IN AAD QOFKA LA DOODO SI MIYIR
LEH HADDAAD CAY KA HORGEYSO ISNA WUU KU CAYN
MAXAAD KALA FAA,IIDEEN CAY HADALKAAGUNA WAX QIIMO
AH MA YEELANAYO, JIMCAALE WAXAAN ORAN LAHAA
JABUTI WAA HALKA KELIYA EE INOO BED QABTA HADDII
AY WAAGII INAGU DARSAMI LAHAAYEEN MAANTA HALKAN
KUMAYNU WADA HADALEEN SXB WAA UMMAD SOOMAALIYEED
WAAN JECELAHAY WAY INA JECEL YIHIIN WAA SIDA AAN
QABO CID DHIB KA SHEEGANAYSA JABUUTI MA ARAG WAAN
DAD BADAN OO KA CABANAYA KENYA AMA ETHOIPIA,
WALAALAHEEN HADDAY YIRAAHDEEN KAALAYA WAX QABSADA
INAGAY INOO TAAL SIDA AAN WAX U QABSANAYNO WAXAY
ILA TAHAY MADAXWEYNAHA JABUUTI KUMA QASBIN DADKII
MEESHA ISUGU TEGAY DOORTA INA SALAAD BOY.

SXB ANIGA SIDAAS AYEY IILA MUUQATAA HADDAY JIRTO
QIYAAMO WELI LAMA ARAG CID QIMAAMID KU FAA,IIDEY.
RAMADAAN WANAAGSAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali yare

Sunday, December 10, 2000 - 09:51 pm
to jimcaale.
Walaal miyaadna ilaahi ku abuurtey kacabsaneynin.miyaadna maskax wax fahanta laheyn.aduunka gaal iyo muslin baaloo kala baxay.waxaad tiri cafarta ayaa qabsanaysa jabuuti soomaaliyana dagaalo kale ayaa ka dhacayo oo naf badan ku baabidoontaa ,waxaa laga yaabaa iney ku heyso caadifaad qabiil oo kuwa 10ka sano wadanka dudumiyey muwaadiniinta soomaaliyeedna heer xun gaarsiiyey aad qabiil ahaan u taageereyso .meedey
wadaninimadaadii ,diintaadii,ilaahey ka baq noloshu waa waqti gaaban soomaaliyana wixii ilaahey u qorey ayey noqoneysaa si degena u fikir sheydaankana iska naar ina cumargeela walaaladii buu heshiisiiyay eedhib ma samayn marka adigoo kale waxaaba kaa suurooba inaad diinta ka baxdoba 11


wadaninimad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 26, 2001 - 06:39 am
jaala yaal,marka hore, somali hamidowdo hana israc
do.wixii qaran dumis iyo dabadhif nimadii laga bxay wali ku dambeysana waxaanu kuleenahay jaalow
dadkaaga dhinac karaac.oo noqo nin caqlileh qaran
kiisana sidii uu udhismilahaa uu u tafaxayto,
jaale hanoqon kaligii danayste, jaale hanoqon xasid doonayaa tiisa un inay uhirgash, waxaana kuu rajey nayaa inaad noqoto nin soomaaliyeed minim'iyo umada islaaka midnimadooda kashaq
eeyo inaad noqoto.aamiin aamiin aaaaaaaaaamiiiiin.

walaala yaal aanu Alle ubarino umatul islaamka maanta kala daadsan xaasidnimo iyo qilaaf lagu saliday in uu Alle inaga qaado aamiin faatixa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JILIB

Monday, February 26, 2001 - 12:15 pm
FARTAAG I LOVE YOU MAN!!!!
YOU'RE THE BEST MY MAN!!!
HA......!!!! THAT SUMS UP EVERYTHING BROTHA!!!! WAY TO GO MY BOY!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baardheere

Monday, February 26, 2001 - 03:17 pm
To:jimcaale
dhamaan akhristayaasha, asalaamu calaykum, intaas kadib waxaan isleeyahay dhibaatada na haysta qeyb ka mid ah waa intii dadkeena ugu maangaabneyd oo fikradooda qaran dumis iyo isku dir meel walba la taagan oo aanan waxna ka qabaneyn waayo ninkan isku magacaabay Jimcaale waxaan filayaa in uu baahan yahay caqli celin iyo toosin waayo wuxu kala garan la,yahay xumaanta iyo samaanta,waxaan ku ku dhihi lahaa Ismaciil cumar geelle iyo intii la qabanqaabisey shirkii Carta ilaahey dambigooda ha dhaafo wax aan wanaag ahayn kama talin, dowlada ku meelgaarka ahna, inshaallah way hanaqaadi dhib ka sakow, mana fududa sida wadan toban sano dagaal sokeeye ku jiray loogu soo celiyo hanaan kala dambeyn iyo dowladnimo, marka hadalkayga waxaa ku soo gabagabaynayaa war ninyahow ummadadaada dhinac ka soo raac yaadan dhumine intay goori goortahay. nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jimcaale

Tuesday, February 27, 2001 - 12:59 am
Asalaama Calaykum- Walaalayaal Ismail Omar Geelle,
waa danayste doonaya in dhiigga ummadda Soomaaliyeed uu silinge gashado oo ku nuugo, wuxuu rabaa in uu aduunka maqashiiyo, Soomaali baan heshiiyey ee lacag ha la i siiyo. baahi badan baa haysa Ismacil Omar Geelle, askartii, shaqaallihii, macalimiintii, takhaatiirtii wax mushaar hal sano qaatay ma jiraan. qoraxadu waa 50C. reer Djabouti waxay la yihiin faran ay biyo qabow ku gataan. wuxuu islahaa C/qaasim lacag ha helo oo aad la wadaagtid. isagiina meelwalba waa laga cayrshay. RRA waa is raacday, Puntland waa israacday, Soomaaliland waa is raacday. SNF waa is raacday, Cusmaan Caato iyo ina Caydiid waa is raaceen, Muuse Suudi iyo Abgaal badankiis waa is raaceen. xagge ka baxayaan C/qaasim iyo xoogaaga Cayrka ah oo dadka Guryahooda ku nool.
midda kale Furlabe iyo Canfar waa is raaceen, inta gaajaysan oo dhan oo Djabouti joogtana way taageersan yihiin, wax yar baa u dhiman intii meesha laga tuuri lahaa Ismail Omar Geelle.


Alxamdu lilaahi rabi caalamiin.
Allahu akbar, Allahu akbar
wa bilaahi Tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali 1

Tuesday, February 27, 2001 - 01:02 am
To: Jimcaale:-

Xaqiiq baad ku hadashay kuwaan kale oo aan wax ogayn. in yar ka bacdi iyagaa dhagaha wax ku maqlin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amran

Sunday, March 04, 2001 - 03:56 pm
Asalaamu Caleykum
Walaalayaal dhamaan inta halkan isugu timid waa salaaman tihiin. Waxaan rabaa in aan si gaar ah ula hadlo labada nin ee magacyadooda kala ah Soomaali iyo Jimcaale, horta kan magaca soomaali meesha kusoo galayoow fadlan bal marka hore magaceena hanaga haleynin oo dad ku haboon ayaa qaadanayee inoo dhig adigoo raali ah. Nin rag ah oo sidaa u hadlaya weligay ma aanan arag, xitaa kan Soomaalida ugu nacasan alaha ka dhigee!. Ninka kale ee isku magacaabay Jimcaale walaal marka hore waxaan kuu sheegayaa xadiith uu rasuulka c.s.w uu ku leeyahay " Qofka aanan u nixin ama aanan ka danqan dhibaatada haysata walaalihiisa kale oo islaamka ah umadayda kama mid ahan". Walaaloow adigoo og in Somaaliya muddo toban sanadood ah ay dagaalo ka socdeen oo maanta uu Ilaahay siiyay chance ay dowlad ku dhisteen isla markaana ay dib ugu soo kabaan dhibaatooyinkii horey u gaaray. Maanta waxaan u maleynayaa in aad tahay qof aanan waxba ka gelin haddii ay Somalida dhibka ka baxdo haddii kaleba. Koley hadda waxaad iila eg tahay qof wadamadan dibada ah ku nool adigaa maalin maalmaha ka mid ah arki doona in wadankaagii hooyo oo dowlad ka dhisan tahay iyo in wadamadan qurunka oo gaalada ay maausho midkii raaxo badan in lagu noolaado, waa haddii aad tahay qof haba yaraatee maskax uu ku fekero leh . Waxaan kaloo kuu sheegayaa in aad mar un xasuusan doontid wanaaga uu wadajirka leeyahay iyo Soomali weyn oo is raacda, waadigan hadda dhamaan goboladii soomaliyeed dowlado kuwada sheegay dabcan kuwa u magacaabayna waa kuwo adiga School kaala soo baxay. Jimcaaloow waxaa kaloo hadalkaagii kusoo gaba gabeysay Ilaahay uma hiiliyo tuugo, TUUG WAXAA AH KAN AANAN KA DANQANEYN DADWENIHII SOOMALIYEED OO KU NAAFOOBAY DAGAALO AANAN XAQ AHEYN, MARKAA DABCAN ILAAHAY WUXUU LA JIRAA KUWA KU DADAALAYA MIDAYNTA SOOMAALI WEYN. WAXAAN U MALEYNAYAA IN AANAY KUWAA KU JIRIN KOOXDA DADKOODA IYO DALKOODABA KUSOO HOGAAMIYAY DOWLADO SHISHEEYE(ITOOBIYA). Waxaan shaki ku jirin in kuwaasi markay dalkooda ka go,aan ay ugu danbeyntii Itobia qabsan doonto ka dibna ay ayagoo firdhad ah afar-afar ugu soo dhuuman doonaan Somaliya ilaa meel u dhaanta ayaanay jirinee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baardheere

Sunday, March 04, 2001 - 05:08 pm
TO:Jimcaale iyo inta la fikrad ahba,
Asalaamu calaykum waraxmatullah, waxaan ka xumahay in qof arkaya dhibaatada haysata ummadda soomaliyeed oo ay ku jirto iskudamqasho islaanimo oo buunbuuniyo jabka ama kala qeysanaanta dadka waayo marka aad tiri kooxdaas waa israacdey koox heblaayana waa israacdey waxay u muuqataa in aadan rabin in si wadajir soomali meel isku raacdo ilaa hadana dhaliil mooyee maadan soo bandhigin wax dhaama dowlada ku meel gaarka ah oo aan iyadaba dhaliil laga waayeen loona baahan yahay in la isla wada saxo waayo waxay ka dhalatey islatashi iyo isutanaasul ay sameeyeen in ka badan 2000 oo qof oo matalayey dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay bulshada soomaaliyeed lab iyo dhadigba, marka arinta taagneyd toban sano oo ah bur iyo qaxootinimo iyo ismari waa in la gudbo oo la soo celiyo kala dambeyntii baa loo baahan yahay(LAw and Order)waxaana jirta maahmaah tiraahda qofkaan qaladkiisa ka faa,iideysan dib buu ugu noqdaa(He who never learns his mistakes is doom to repeat) marka maskaxdaada ufur in wanaaga ay aragto. walilaahi bi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jimcaale

Monday, March 05, 2001 - 01:01 am
To: Amran iyo Baardheere.

Asalaama Calaykum Waraxmatulaahi.
Dawlad Soomaaliyeed oo cadowgu ka naxo, qof kasta oo Soomaali ah, ayaa rabaa 99.9%. laakiin waxaa lagu kala gedisan yahay, habka loo helo dawlad caafimaad qabta, ilaa 60%, la isku raaco.
walaalayaal waxa Carta lagu soo dhisay, wax ummadda Soomaaliyeed la horkeeno ma ahayn, wax Soomaali u dhammayd ma ahayn, wax qabiil iyo xummaan lagu soo dhisay bay ahayd, wax nimani dan gaar ah ka lahaayeen bay ahayd, wax nimankii shalay soomaali dhiigoodii iyo maalkoodii dhuuqay bay ahaayeen, nimankii Carto isugu tagay, niman doonaya in dagaalkii sii dheereeyaan ilaa 20 sano, oo aan la heshiin. Siyaad Barre inkasta uu yahay nin dhintay oo aysan fiicnayn qof dhintay in wax laga sheego, ayaa ilaahay ka baryay inuusan C/qaasim, Galayr, Xasan Abshir, Galaal, Kingkong, Cadow, iwm in aan Soomaali ilaahay xukun ugu dhiibin, sababtoo ah wuxuu ka naxay, cadaawadda fog oo ay Soomaali u qabaan.
Marka ma nimankaas baa ilaahay taageerayaa tuugta ah. Mase ogtahay maalintii la laynaayey wadaadadii ayaada ilaahay ku dhintay 1974tii, C/qaasim, Galayr in ay ahaayeen raggii sacabinayey in wadaadada la laayo, markaas baa ilaahay u hiilinayaa. saw ma ogid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baardheere

Monday, March 05, 2001 - 09:33 am
TO:Jimcaale
Asalaamu calaykum waraxmatullahi.
Waxaan sidaan qoraalkaygii hore ku sheegay maanta la ogyahay in ummada Soomaaliyeed guud ahaan isku dambaabtey oo qofka ugu yar wax ka qaban waayey dhibaato la geysanayo oo uusan isku dayin in uu joojiyo asagoo awood uleh arintaas iyo mid isaguba gacantiisa dhiig ku galey iyo dhac iyo wax intiisaba ka liita oo diintii looga baxey, marka hadaan kuwan hada jooga ku eedayno dambiyada laga wada galey qaranka, yaad haysaa oo ceeblaawe ah, ma waxaa dhaama oo aad ku bedelaysaa nimankan kala ah Cabdullahi Yusuf,Cusmaan Caato,Huseen Caydiid,Shati Gaduud,Cumar Haji, Morgan,Gabiyoow,Muuse Suudi- iyo wixii la mid ahba ,ummad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan in ragaas badankood ay qarankii kula baayactamayaan cadowga soo jireenka ah ee soomaaliyeed waana xabashida(Ethopia)oo damaceedu yahay siyaasadii ay ka baratey gumaystihii reer Yurub gaar ahaan Ingriis(United kingdom)oo ahayd qaybi oo xukun(Divide and Rule Policy)waana sababta ay isku soo hor fariisteen Cabdullahi Yusuf iyo Cumar Haji Massale oo ku kala duwan aragtiyada balse ku midowbay sida Xabashidu dooni oo ah in aan la helin dowlad dhexe(Central Government)oo wada maamusha xeebaha iyo geyiga oo dhan, ugu dambeyn dadka ugu aqoonta dheer dhinaca diinta ee laga yaqaan dhulka soomaalidu degto oo ay ka mid yihiin Sharif Abdi nuur iyo Cumar Faaruq waxay isku raaceen in la taageero dowladan iyagoo fiiriyey duruufta ay ku sugan tahay ummadu oo horey nin Caalim Muslim ahi yiri, Dowlad La,aan waxaa dhaama sanado badan oo lagu hoos noolaado dowlad jaa,ir ah,. oo ah mid ku xadgudubta xaquuqda dadka. mida kale waxaa jirta aragti islaami ah u tiraahda (KHafu Darareen)oo ah dhibaato midii sii fudud baa la doortaa marka hadii aan fiiriyey xaalada Soomaaliyeed waxaan aniga iyo in badan oo ila fikrad ahiba doorbidney isu taga ay hogaaminayaan Cabdiqaasim,Cali galayr, Deerow iyo inta la shaqayneysa oo aan siinayno fursad lagu kala ogaado waxay ummada u qabtaan ,iyadoo laga soo marey dhisideeda howl adag loona baahan yahay in aan lagu degdegin duminteeda oo hada wax lagu badalaa aysan jirin, waana la wada ogyahay raga diidan waa qaar wax ka soo dhisay oo saluugay jagaday filayeen oo ay waayeen iyo kuwo lagu martiqaadey oo diiday in ay tagaan,hadana leh shir cusub baan qaban qaabinaynaa,hadaba haday diideen kii Carta oo ayan rabin in ay la gorgortamaan walaalahooda hada ku magacaaban dowlada, siday ku balanqaadi in hadayba dhacdo oo ay shir isugu yimaadaan oo wax soo saraan lagu aqbalo tooda? hadaad wax dadka u ogalaato baa adna wax laguu ogaaladaa(Give and Take) waxaan rajaynayaa in la isku samro. nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jimcaale

Tuesday, March 06, 2001 - 01:45 am
To: Baardheere.
Asalaama Calaykum waraxmatulaahi.
Ciid Wanaagsan. Sh. Cumar tolkiis buu raacay, laguma sheegi karo shiikh Soomaaliyeed. Sh.Cabdinuur waa lagu been abuuranayaa. midda kale wadaadadu arrintaan Carta waa ku kala baxeen nin tolkiis raacay sida sh.Cumar, nin ka amusay.
anigu kuma lihi raac Shaatiguduud, Caato, Caydiid, Suudi, Masale, yey, Gabayow. ee hadafkaygu waxaa weeyaan, pazzarka Carta waxa lagu soo dhisay, wax xal u ah ma ahan ummadda Soomaaliyeed. waa wax dadka sii kala fogaynayaa. intaan shirka Carta dhicin. miyaadan ogayn in xaaladdu daganayd, qabiilkuna sii yaraanayay, Soomaaliduna isku gooshaysay. loona baahna in laga faaidaysto xaaladaas oo dadka la isku soo dhaweeyo, lana raadiyo habka ugu fiican oo cadaaladda oo aan qofna la xaqirayn. hase yeeshee waxaa seefta la booday kooxda carta, si arrimahaas aan loo helin oo ay danahooda u fushadaan iyo Ismail Cumar Geelleh oo oomanaa oo islahaa waxaad kiishash lacag ah ka heli doontaa, shiikhyada wadamadda Carabta. laakiin aan war u hayn in lacagahoodii ay ku xayiran tahay, bangiyada America oo xataa ay ku adag tahay in ay masaajid dhisaan. Baardheerow miyaadan ka naxayn C/qaasim iyo Galayr marka midba mar ka dhoofayo Balidoogle 5 Soomaali ah baa dhimata, 6na waa dhaawacantaa. markay soo degeyaana 6 baa dhaawac culus noqota. miyeysan dadkaasi baniadam ahayn. ma ogtahay in Gen. Talin caruurtiisii agoon yihiin. ninkii kale ee la dilay oo ka tagay 8 caruur ah, kuwo badan oo C/qaasim dartiis u dhintay. waxaa ka daran lacagta beenta ah oo ay wadanka soo geliyeen iyaga iyo masaakiin boobayaasha caloosha ka naxaay, bakhaaradiina la xirxiray, sicir bararna xaddhaaf ah wadankii ku dhacay. C/qaasim iyo Galayrna ka danbeeyaan. danyartii, masaakiintii, intii la khalday saw xaalku kuma xuma maanta. miyaadan la socon in C/qaasim, Galayr markay tagaan Talyaaniga ay ku andacoodaan in ay faafin doonaan diinta Katoliga, si ay lacag uga helaan, baadariyaasha, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay ku nool yihiin 700.000 oo katolig ah, markay Xamar yimaadaanna ay khamiis inta ay xirtaan masaajidda galaan. waa calaamadaha lagu yaqaan munaafiqiinta. miyaadan la socon inta aan la qaban shirka Carta in Muuse Suudi, Yeey, Masale, Caydiid, Gabyow, Shaatigaduud, Egal in aysan sharaf weyn ku lahayn, tolkood dhexdooda oo aan saas loo qaymayn jirin, hase yeeshee markii shirka Carta uu dhacay in nin walba uu garab istaagay ninkuu ahaa, oo si caadi ah loo kala baxay, iyadoo nin walba ka gaashaamanayo, munaafiqiinta Carta inta ay ku qabsan lahaayeen oo ku gumaysan lahaayeen, midkaan tolkaaga ah baa laguu qaataa, mar bari, mar cay. awooda iyo sumcadda ay leeyihiina, weligood ma yeelan, qaarkood waxay haystaan ilaa 8000 oo ciidan ah oo hubaysan,mushaar bil walba u xaadira. markaasay isaga gooshaan ilaa 700km, wadanka dhexdiisa, C/qaasimna marka uu rabo in uu soo gaadsho qori baa lagu waardiyeeyaa. saaxiib arrintu waxay taaagan tahay hadda 1990kii. anoo aanan balo sheeg ahayn. way adag tahay saaxiib Si ay Soomaali mar danbe isu aamintaa. waxaana gaagixiyay oo waagu ku cadaaday, khaainimadii aan geed la isugu soo gaban ee Carta ka dhacday.
arrinta kale Ismail Cumar Geelle, dhibaatada uu indhaha ka qarsanayo oo haysata wadankiisa iyo dadkiisa, Soomaalidda kale ma haysato. wadanka faransiisku wuxuu si xaasidnimo ah ugu faafiyey cudurka Aidska, Gabdho yar yar ah iyo wiilal yar yar ah oo Soomaali iyo Canfarba ah baa cudurku dilooday. waxaa la soo xaqiijiyey in ay ku dhawyihiin sida South Africa. isaguna waa qarinayaa, gaajada rafaadka dadkaas haysta hadaad arki lahay, walaahi Soomaaliya waxay noqonaysaa Janno.

nabadeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baardheere

Tuesday, March 06, 2001 - 11:11 am
TO:Jimcaale
Asalaamu calaykum waraxmatullahi.
Waxaan dareemay in doodidii noo socotey ee ka leexatay fikrad isweydaarsi ayna meesha soo gashey cay oo aananfileyn in aan ku wada hadalno,
waxaad ku eedaysay Ismaciil Cumar Geelle iyo Faransiisksa aad leedahay wuxu ku faafinayaa cudur Aids oo uu madaxweynuhu ka indha qabsanayo waa mid adigu ogtahay oo aad Ka jawaabi doonto maalin aan waxba la qarineyn,mana fahmin waxa keenay in ay doodu gasho nin nacbeysi gaarey heer ka fog wax rag ku doodu iyo aflagaado loo gaysto gabdhaha Jabuuti oo sida kuwa Soomaliya iyo aduunka oo dhanba leh mid xun iyo mid fiicanba. waxaad kaloo tiri markii Cabdiqaasim iyo Galayr ay dhoofaan ama soo degaanba waxa dhinta 5 qof ilaa 6na waa dhawacantaa,walaal mar waa maqley dadbaa shil ku dhintay ayagoo soo dhaweynaya Galayr balse arinta aad sheegtay in si joogto dadna udhinto dadna u dhaawacmo waxaa filayaa waa barobogaando,iiguna muuqata xaqiiqada oo laga fogaado,marka maadama aan ka arko doodaada in aadan ka xishooneen in aad qofkaad nacdo ku tilmaanto waa Khaa,in oo culumadiina aad aflagaadeysay sida Sh.Cumar Faaruq waxaa ii muuqata in aan intaas kadib dood waqti dhumis ah oo marka dambe isugu biya shubato cay aanan diyaar u ahayn,marka ninyahow garabkaaga ilaahay ha galo, (Nin walba qumanihiisa qorta loo suray)
Allah wuxu quraanka ku yiri (Kulu nafsin bimaa kasabt rahiina)oo ah Naf walbaa waxay galabsato baa loo qoor xiri.Ugu dambeyn qof walbaa ceeb tiisaa ugu filan,waxaan rajaynayaa meeshan in aan uga hari doono doodii. Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAADAQ

Wednesday, March 14, 2001 - 05:05 am
To: Qof waliba

Ismaaciil c geele & kooxda carte waa tuugo ku hashiiyey in ay soomaaliya inooga sameey magac dowladeed aan ku aruur sano xoolaha soomaaliyeed
adiguna ina ictaraaf waxaan soomaali nimo ku
helno wax baan kaa siineenaa ee ma wadaan dano soomaaliyeed
SIDAA IYO NABAD GELYO
SAADAQ

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.