site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Axmaaro iyo gaalada ka dambaysaa ma ina qabsan karaan?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Axmaaro iyo gaalada ka dambaysaa ma ina qabsan karaan?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhalad Soomaali

Sunday, December 10, 2000 - 07:26 am
Soomaaliyeey toos waa la ina hayaa,

berigii dhexe xal loo waa oo gaaskiina dunidii reer galbeedka ku qaaliyoow,
Markaa waxay rabaan in ay Axmaaro qabsato Somaali oo dhan oo gaaska la soo baxaan Ma dhici kartaa
Arintaanu?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xogogaal

Sunday, December 10, 2000 - 06:42 pm
waa wax dhici kara marka ay s/land soo hor kacdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelbuur

Tuesday, January 30, 2001 - 01:49 am
Saaxiib haddii ay soomaalidu kusii jirto tafaraaruqa wey dhici kartaa inay Itoobiya na qabsato isla markaana ay daldalato qeyraadka dhulkeenna ku dayacan, balse anigu waxaan qabaa inay arrinta ay Itoobiya igu riyooneyso qabsashada soomaaliya ka weyntahay gaas iwm,

mustaqbalka dadka soomaaliyeed waa inay sharaf dowladnimo ku noolaadaan ama ay Itoobiya na Addoonsato

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suxufi

Tuesday, February 06, 2001 - 07:12 am
Nin daad Qaaday xunbo cuskay,imisaan idin lahayn war dadkan somaliyeed ee walaalaheen ah e Axmaarada yaqaana aan wax laqabano oo aan taageero iyagaa axmaarada camal yaqaanee,intaan iyaga caawin lahayn ayaan Axmaaradii uhiilinay,iyagiina kunidhi waad walan tihiine itoobiya wax laqabsada walahi nabsigii Ogaden ayaa nahaysta ee aan la aragno xanuunka,cuqdada,gaalnimada itoobiya,waxaaba ugusii daran kan hada isku sheegaya madaxweynaha (cabdiQasim)ee intuu Adiss-Ababa tagay kula soo heshiiyay Axmaarada inuusan dhulka Ogadenia kahadlin dhulla kamaqnayn isagoo doonaya inuu Axmaar raali galiyo xaqa walaalkiina qariyo,Xaqu feedhuhuu kadilaacaye somaliyeey hala adkaysto,naari meel qaboow maleh,arinta axmaaraduna ka weyn dhulka ogadenia iyo dadka somalida ee dhulkaas kunoole wa arin caqiido iyo diin la xidhiidha taas hala ogaado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARLIN

Wednesday, February 07, 2001 - 04:40 am
MERYOOLEEEY WAX MAIDIIN SHEEGAA AXMAARO UREYSO IYO GAAL IN AY NOO HAMOODAAN ANAGAA IS BADNEY.
HADII QAARBA DHINAC GOOYSTEY ,QOLO-QOLO AAN U KALA NAAL XAAR WALBAA INA HAWEYSAN.
LAAKIIN WAXA WAA SOOMAALI OO GUMEYSI DIIDEY 160 SANO KAHOR IYADOO INTAAN KA XOOG YAR ,WAXAABA LAGA YAABAA HADII AY SI RASMI AH U SOO DUULAAN INAY SOOMAALINIMADII SOO NOQOTO OO LA MIDOOBO TAASINA "GOB BAAN KU NAHAY" MARKA WALAALAYAAAL INTA AY SOMALINIMO AYKU JIRTO MARNABA AYSAN CABSI AXMAARO IDIN GELIN, MARKAAD MAKTABADAHA ADUUNKA TAGTO OO AAD TAARIIQDA SOMALIDA RAADISO WAXAA XAQIIQ AH IN AADAN KA BOGANKARTO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suxufi

Wednesday, February 07, 2001 - 08:43 am
oohintu Orgiga kaweyn,arintu ma aha somaliya qabsashadeeda meel gaaban ayaad wax ka eegaysaane waa kristanaynta geeska afrika oo dhan waxaana aduunka dhan iyo axmaarada ka dhaadhacsan in intii kahoraysay Gumaysigii reer yurub Geeska afrika axmaarada ay lahaan jirtay ee fadhiga kakaca barlin walal adigu gabadh ayaad tahay oo koleey dagaal gali meyside raga aan iska dhicinee hanoo carab laalaadinin ee naguubaabi ama nagadaa hadalada jiljilicsan ee rajo galinta qaboow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARLIN

Friday, February 09, 2001 - 09:31 am
Ku suxufi:

Sideedaba in ay somali hordada ka kacdaa waa wax meesha ku jira oo loo baahanyahay tan labaad walaal waxaan u malenaya adiga suxufi ahaan waxaad tahay wiil aan u arkaaayo in ay somalinimo ku jirto aad ayaana ugu faraxsanahay .Laakiin sidaadaba qurbahaad ku garaadsatey taa waxaan ula jeedaa "adiga dagaal galimeysidee hanoo carablaalaadinnin" walaalo dumarka somaliyeed ma ogtahay in ay soo halgameen boqolaal sano ka hor ay na hada diyaar u yahaiin xureynta dalka hooyo.
OGAAADA INA RAGOOW DUMARKA SOMALI IN AY DAGAAL SOKEEYE UUN KA CAAGANYAHIIN.AYNA DIYAAR U YAHIIN
WAX ALAALIYO WAXII SOO FARA GALAYA MIDNIMADA UMMADA SOOMAALIYEED,HAN YASIN WALAALKIIS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelbuur

Friday, February 16, 2001 - 12:36 am
Suxufi

Suxufiyow salaan walaaltinnimo keddib waxbaa kaa qaldan sababtoo ah ma jirin soomaali dhulkaas hagratay ee sidii loo xoreyn lahaabaa dad-badan oonan deegaankaas u dhalan ku naf waayeen halgannadaasna waxaa ka mid ah kii 1977 ma garatay,
tan labaad waxaad tiri Ogadenia kaasi waa magac qabali ah dhulka magaciisuna waa "Soomaali-galbeed" haddaba magacani wuxuu ka mid yahay arrimihii ugu waaweynaa ee kala dhantaalay midnimada ummadda soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka Soomaali-galbeed, sidaas daraadeed reer-soomaali-galbeed waxaa la gudboon inay ka waantoobaan figradaha gurracan ee gumaystuhu ka dambeeyey si ay heeryada gumeysiga isaga qaadaan
haddaan dhanka kale u rogi lagama yaabo inay itoobiya qabsato soomaalida xorta ah qofkii taas ku riyoodana waa garasho liitaa ilaa haddana ma muuqato waxaan fara-gelin siyaasadeed ahan ee ay amxaaradu nagula kacday taas ay uga dan leeyihiin inay soomaaliya noqoto dowlad-gobaleedyo aanan awood badan lahayn,

Ilaahey waxaan ka baryayaa inuu soomaali meel ay joogtaba mideeyo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.