site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

C/qasim Salaat ma isku arkaa maddaxweyne soomaliyeed mise

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : C/qasim Salaat ma isku arkaa maddaxweyne soomaliyeed mise
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeq

Sunday, December 24, 2000 - 08:04 am
Maddaxwynaha KMG oo jabuuti lagu magacaabay wuxuu ka mid ahaa siyaasiyinta soomaaliyeed ee ku amba qaday xukunkii Siyaad Barre mana ahayeen kuwa lagu tilmaami jiray super-ministre wuuxseahaa nin howshi ku filan ceeba badana aan lagu aqoon. Burburka marki uu bilowdayna ilaa iyo shantii sanno oo ugu horeysay aad warkiisa looma maqli jirin hadanna kama fogeyen reeka uu ka dhashay. Laga bilaabo 95-96 wuxuu bilaabay in uu ka barbar noqdo talaadii reerkiisa ay wax ku maamula is lahayeen dhowar jerna wuxuu BBC ama dad uu qahira iyo meelo kale kula shiray u sheegay in soomaali xalkeedda wadahadal iyo heshiis lagu gaari karo. Waxaan qabaa sababtaas in C/qaasim lagu doortay waxaase kaloo jirta sababkale oo taas ku muhiimsan: C/qaasim waa h/gidir waliba wuxuu ka dhashay cayer oo ah ragga qoladaas u dagala hadanna ah cududda xamar iyo koofurta soomaaliya ka jirta. Ladaas qodob yaa samaxday in soomaaliya hogankeedda loo dhiibo. Inkatoo ay damiir tahay in abaalgud loogu daro huwaantii qabiil ee dalka iyo dadka danbigga ka gashay hadanna qaranimadda soomaliyeed ayaa wax waliba ka weyen,dadkuse sidaas wax ma u wadda arkaa? Nasiib xumo maya,hadii la fiiryo facts ka iyo ficiladda ilaa iyo hadda noo muuqdda: C/qasiim wuxuu u xilsaray dib u ababulka ciidamadda soomaaliya General Galaal oo ah inadeerkiis hadana xamar ku dhisay ciidan dhan ilaa iyo 15000 oo ruux 85% ah mooriyaan iyo xigtadooda. Cidankaas oo lagu magacabay ciidamadda sooaamliya waxaa lagu hubeyey cawimaad duniddu soomaali oo dhan ay u soo dirtay. Goanka cidankaas lagu dhisay marna lagalama tashan barlamnka iyo gudigga wasiiradda,hogamiyayasha beelaha ee ka gilgishayna waa la quursaday loomana ogolaan in cidan isku dhafan la abuuro ama gobolwaliba amnigiisa uu u maddaxbananado. Waxaa su'aal ah C/qaasim ma wuxuu isku heystaa halyey reer mar u soo baxay oo raba in qabiilikisa inuu soomaali u gumeeyo mase wuxuusan ka madax bananen reerkiisa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Laaska

Monday, December 25, 2000 - 01:38 am
Ninkaan baaquliga baryada uu dunida la wareeganayo mow iska dhaafo? Dalka joog oo shaqee maa la dhao intaw diyaarad ku taagan yahay?

Mase Hawiye tuugsi waa u bartay oo ma dhaafi karo?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.