site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

JOORNAALKA JAMHUURIYA IYO QAXOOTIGA OGAADEENKA

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: JOORNAALKA JAMHUURIYA IYO QAXOOTIGA OGAADEENKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARSAME

Saturday, December 30, 2000 - 06:02 am
Saturday, December 30,2000


Jamhuriya Newspaper
Somaliweyn Ma DHabbaa Maanta?
Dec 27, 2000

by Jamhuriya Newspaper
Sannadihii lixdameeyadii Somaliweyn waxay ku salaysnayd Somali-jacayl iyo wadaninimo ujeedadeedu ahayd in laysku keeno Shantii Somaliyeed ee Gumeysiga Reer Yurub u qaybiyey dalkii iyo dadkii Somaliyeed. Laakiin wixii ka dambeeyey todobaataneeyadii, figradda Somaliweyn waxay isku bedeshay siyaasad ku salaysan dal aan lakala lahayn iyo dad aan lahayn summad qaranimo iyo xuduud qeexan midna.

Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aminsanyihiin in haddii qofku Somali yahay uu Shanta Somaliyeed marba midda uu rabo dego waxna ka maamulo. Waxaana arrintan cudurdaar looga dhigaa: Somalidu waxay wada wadaagta dhalasho, dhiig, af, haqan iyo diin, sidaas awgeedna ma kala laha Shanta Somaliyeed oo lama kala xigo. Figraduna waa arrin halis ku ah jiritaanka, qaranimada, wadaninimada iyo dawladnimada Somaliland waxaanay horseedaysaa dhaxal wareeg-dal iyo qaran-guur. Waa figrad ku salaysan fowda iyo sharci la`aan waxaana ku adeegta qof raba inuu xukumo dal iyo dad aanu u dhalan. Waa siyaasad cusub oo ay ku adeegtaan dadyowga somali-Galbeed iyo N.F.D si ay u degaan, u maamulaan waxna uga xukumaan dal iyo dad aanay u dhalan siiba Somaliland iyo Somalia.

Dalalka Carabta oo gaadhaya ilaa 18 dal waxay wadaagaan, sideenna, dhiig, dhalasho, af, diin iyo dhaqan laakiin qofka Leebiyaanka ah ama Masaarida ah ma gelikaro, ma degikaro kamana shaqaynkaro Suuriya ama Sacuudiga haddaanu haysan sharci u oggol, waxna kama maamulikaro haddaanu dhalasho qaadan. Sidaas waxaa la mida dalalka Bariga Afrika ee Kenya, Uganda,Rwanda, Burundi iyo Tanzania oo wadaaga waxyaabo badan. Waddanna wadanka kale kuma xadgudbikaro, mana wadaagaan dal, dad iyo sharcitoonna. Haddaba maxay Somaliland, Somalia, Jabuuti, Somali-Galbeed (Ethiopia) iyo N.F.D (Kenya) kaga duwanyihiin dalalka kor ku xusan. Runtu waxay tahay kama duwana, Waxa keliya ee aynu kaga duwannahay waxay weeye dadwaynaha aynaan weli fahmin qaranimada,wadaninimada iyo dawladnimada.

Mudadii u dhaxaysay 1960-1990, geyiga Somaliyeed waxaa ka jirtay fawda iyo jaahwareer lagu burburiyey qaranimadii iyo dawladnimadii dhulkii hore loo odhan jirey Jamhuuriyadda Somalia oo maanta u kala baxay Somalia iyo Somaliland. Soddonkaas sano, waxaa dalkaas kusoo qulqulayey kuna soo qaxayey dadka Somaliyed ee u dhashay Somali-Galbeed iyo N.F.D waxaana lagu soo dhaweeye gacmo furan oo walaaltinimo si ku meel gaar ah. Raashin, hu` iyo hoyba waa loogu deeqay.

Taliskii Moxamed Siyaad Barre waxa uu ku tuntay dhaawac weynna u geystay qaranimadii, awladnimadii iyo wadaninimadii Jamhuuriyaddii Somalia markii uu dadkii qaxootiga ahaa ee ka yimid Somali-Galbeed iyo N.F.D ka fadilay dadkii dalka u dhashay ee lahaa si uu u qabiil badsado isla markaana loogu difaaco taliskiisii dhiigya cabka ahaa. Waxa uu qaxootigii ka dhigay xubno baarlamaan, wasiirro, danjirayaal,janano, maamulayaal iwm oo bedelay dadkii dalka lahaa.

Dadkii qaxootiga ahaa waxay noqdeen wadaniyiin, wadaniyiintiinna waxay noqdeen qaxooti. Qaxootigaas gacanta loo geshay xukunkii iyo maamulkii dal aanay lahayn, waxay darajadii, jagooyinkii muhiimka ahaa iyo maalkii dalkaba siiyeen dadkii ay isku qaxootiga ahaayeen iyo qoyskii Moxamed Siyaad Barre iyaga oo u arkaayey inuu yahay talis aan weligii dhacayn kuna waaraya dulmiga iyo xaqdarrada ay ku jireen.

Dadka Somali-Galbeed iyo N.F.D, siiba qabiilka Ogaadeenka iyo intii ku soo gabbatay oo si sharcidarro ah iskugu baahiyey ciidamada iyo maamulka dalkii hore loo odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia, waxay aad uga abaal kadhaceen wanaagii iyo walaalnimadii loogu yaboohay, waxaanay shacabkii Somaliland iyo Somalia ugu abaalgudeen xasuuq, dhac, kufsi, qaxin iyo magaalooyin burburin aan hore loogu arag taariikhda Somaliyeed islamarkaana xadgudubweyn ku noqotay diinta Islaamka iyo Somaalinimadaba. Waxay kale oo ku talagaleen una hanqaltaageen inay dadkii dalka lahaa ka dhigaan wax qaxa iyo waxay madhiyaan si ay u dhaxlaan dalkooda. Dadka Somali-Galbeed iyaga ayaa ka mas`uul ahaa raagidda u Taliskii Siyaad Barre ku raagey xukunka dalkii hore loo dhanjirey Jamhuuriyadda Somalia.

Waa taas natiijada dalka iyo dadka aan lakala lahayn. Sow markaas ma cadda in Somaliweyn samankan tahay waxay kusoo gabbadaan dadka Somali-Galbeed iyo N.F.D si ay u degaan, u maamulaan una xukumaan dal iyo dad aanay midna u dhalan. Dadka Somali-Galbeed iyo N.F.D marnaba ma oggola in Dadka Somaliland, Somalia iyo Jabuti ay wax ka maamulaan waxna ka xukumaan Qabridaharre, Dhagaxbuur, Mandheera, iyo Gaarisa waxaana taas markhaati u ah sannadkii 1977 xilligaas oo dadka Somali-Galbeed dhulka soo dhigeen calankii Somalia ee la sudhay dhulkii la qabtay kuna bedeleen calanka Somali-Galbeed isla markaana ay diideen in wax lala maamulo. Waxaan qabaa in arrintaas ay sax ku ahaayeen waayo waa dalkoodii, xukunkiisana iyaga ayaa iska leh. Waxaase aan marnaba gar ahayn inay Somaliland iyo Somalia ku soo galaan baasaboor lagu magacaabo Somaliweyn si aan looga sheegan oo ay wax uga xukumaan. Wax macquula maaha marnaba in Somaliweynta ay dhulkooda u diideen ay wax kaga helaan Somalia iyo Somaliland.

Haddaba, sow ma cadda in Somaliweyn aanay samankan ku dhisnayn Somali-jacayl iyo Somali isku-keenid balse ay ku salaysan tahay rabitaanka qof doonaya inuu yeesho dhawr dal iyo dhawr dad oo aan hore loogu arag taariikhda aadanaha. Dadkii qaxootiga ahaa oo dib loogu celiyey dalalkoodi 1990 ayaa weli u ololaynaya figradda Somaliweyn si ay marlabaad gacant ugu dhigaan Somaliland iyo Somalia. Waxayse illowsanyihiin in wixii ay sameeyeen siiba intii u dhaxaysay 1980-1990 ay ka dhigtay kuwo ay ka feejignaadaan dadyowga Somaliland iyo Somalia.

Ha illaaween inaan taariikhdu marlabaad u oggolaandoonin inay degaan, maamulaan isla markaana xukumaan dal iyo dad aanay lahayn, aayahoodu iyaga ayuu dusha ka saaranyahay sida dadka Jabuuti. Shanta Somaliyeed ma wadaagan dal iyo dadtoonna waxaana ka dhaxeeya xuduud qeexan oo aan lagu xadgudbikarin, dalkastana waxaa leh dadka isir ahaan iyo taariikh ahaanba ku dhaqan. Waxa keliya ee Shanta Somaliyeed ka dhaxeeya waa derisnimo, walaalnimo, isxaqdhawr iyo iskaashi dhinaca horumarinta. Haddii mustaqbalka qaarkood israacayana, inkastaba ha noqdeenee, sidiibaa loo kala leeyahay, maamulka iyo xukunka gobollada taas oo ku salaysan dastuur iyo qawaaniin laguma xadgudbaan ah oo qeexan.

Dadka Somalia (Koonfurta) weli uma qeexna qaranimada, dawladnimada iyo wadaninimada oo weli waxay aaminsanyihiin jaahwareerkii jirijirey xilligii Jamhuuriyadii Somalia oo ahaa dal aan lakala lahayn iyo xukun ka dhaxeeya Shanta Somaliyeed. General Aden Gabyow oo ah dembiile dagaal una dhashay dalka kenya waxa uu maanta ka mid yahay Caaqilada Dagaalka ee Koonfurta (Somalia) waxaanu raba inuu dawladnimadooda marlabaad la qaybsado isaga oo qaxooti ah.

Beesha Ogaadeen ma degto Somaliland, Somaliyana waxay ka degtaa Jubbada Hoose. Qaybta degan Jubbada Hoose waxay ka mid yihiin dadka Somalia iyaguunbaana xaq u leh inay ka qaybgalaan talada iyo xukunka Somalia. Bile Rafle, Axmed Cumar Jees, iyo Aden Gabyow oo dadka Koonfur (Somalia) maanta la wadaaga dawladnimada, xageebaa laga soo dooranayaa berito? Ma waxaa laga soo dooranayaa Wardheer, Dhagaxbuur iyo Gaarisa oo ka tirsan Itoobiya iyo Kenya ahna dhulka ay u dhasheen mise Jubbada Hoose iyo Mogadisho oo ay marti ku yihiin? Dadka Somalia (Koonfur) ayaa jawaabtu u taal.

Dadka somaliland aad ayey ugu adagtahay inay wax la qaybsadaan amaba la midoobaan dad aanay weli u kala caddayn meesha ay kakala tirsanyihiin Wardheer, Dhagaxbuur, Gaarisa, iyo Mandheera, dad aanay weli u qeexnayn qaranimadooda iyo dawladnimadooda oo raba inuu shisheeye la xukumo dadkooda iyo dalkooda lana ogaa dhibaatada ay gesyteen.

Dadka Somalia (Koonfurta) waxay ayaamahan isku maaweeliyaan: "Somaliyey toosoo, toosoo iskutiirsadaee, hadba kiinna taagdaran taageera weligiin". Waxaan dadka Koonfurta kula talin lahaa inay danahooda ka raacdaan arrintan, waayo Somalidu lixdankii ayey toostay iskuna tiirsatay dabadeedna waa tii lakala diley, markaas Somalidan kala seexatay,kala tiirsatay ee kii taagta darraa dishay lama garanayo waqti ay isku soo toosi, isku tiirsan, ka taagta darrana wax tari. Waa hees astaan u ah dal iyo dad aan lakala lahayn oo ku dhisan fawda iyo jaahwareer.

Sababaha taariikhiga ah ee kor ku xusan awgood, Somaliweyn maaha dhab maanta sida ay u hirgashaana waa adagtahay. Sidaas awgeed, dadka Somaliland waxaan uga digayaa riyaaq iyo laab la kac ay marlabaad ku loogaan qaranimadooda iyo dawladnimadooda. Dalka Somaliland waxaa leh dadka isir ahaan kasoo jeeda dhulka Somaliland waxaanu leeyahay xuduud qeexan oo caalami ah. Talada, hoggaanka siyaasadda, maamulka iyo difaaca Dalka Somaliland waxaa iska leh oo keliya Dadka Somaliland. Ciddii kaga timaada afarta Somaliyeed ee kale amaba dalalka kale waa inay kusoo galaan sharci, ku joogaan sharci kagana baxaan sharci. Qofkii jinsiyadda Somaliland qaata, cid kastaba ha nodee, ayaa joogto ugu noolaankara Somaliland waxna ka gelikara muumulka caadiga ah.

Anigu ma necebi midnimada Shanta Somaliyeed laakiin uma jeedo Somaliweyn maanta hirgeleysa oo dan u ah dhammaan dadyowga Somaliyeed ee kala duwan, markaas danta dadkasta iyo dalkastaba oo Somaliyed waxay ku jirtaa in la kala badbaado si aan mardambe layskugu jabin iyada oo lagu soo gabbanayo magaca Somaliweyn.

Waxaa qoray: Ibrahim Xasan Gaagaale, December 27,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Booliiska Netka

Wednesday, January 10, 2001 - 04:36 pm
Ina adeer waxaan rabay in aan kuu jawaabo balse
markaan arkay ereyadaada oo iska hor imanaya ayaan
waxaan is iri Gaagaale wuu qaadireysan yahayee
hurdada ka kici uun bal eeg labadan sentence oo ayna waxba u dhaxaynin oo aad adigu qortay oo kala ah "Somaliyana waxay ka degtaa Jubbada Hoose" iyo "Ma waxaa laga soo dooranayaa Wardheer, Dhagaxbuur iyo Gaarisa oo ka tirsan Itoobiya iyo Kenya ahna dhulka ay u dhasheen mise Jubbada Hoose iyo Mogadisho oo ay marti ku yihiin?" miyeysan iska hor imanaynin.
jawaabta labaad Ciidagale iyo arab iyo habryoonis badankeedba wax bayka dagaan dhulka aad ku tilmaantay soomaali galbeed ....maad ayagana liiska ku dartid ..mida sedexaad Haddaadan Amxaar lacag ka qaadannin ...maa mowduuc kale wax ka qortid inta aad Hate-ka iyo nacaybka meelaha ku qoroysid....maskax garaadka ilaahey caqli ha kuu galiyo ..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caaqil

Tuesday, January 30, 2001 - 10:00 am
waad mahadsantahay BOOLISKA NETKOOW waxaad ka'illowday ninka mawduucan qoray inaad usheegtid in aduunyada oodhan wakhtigan laga helo dawo si dhibyar uga dawaynaysa qof kasta oo uu hayo xanuunka ogaadeenka .sidaas darteed mr.warsame fadlan inta aanad cudurkan ogaadeen udhiman hadaad nabad tahaye iskagaar oo tag pharmasiga kuugu dhaw .kaligaana maaha dad aad ubadan ayuu cudurku ku jiraa .and they all need that medicine .waan kugu raacsanahay oo qofku wuu nici karaa qof ama qabiil for some reason but not that much like you do .anyway waxaad doonataa dawadaas waxaa laga yaabaa 100% inaad ku caafimaadid..waxaan kuu rajaynayaa inaad maskaxda kacaafimaadid..nabadeey////

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr. mmc

Thursday, February 01, 2001 - 11:48 am
cudurkan ogaadeenka ee ninkan hayaa waa cudur dilaa ah oo sannadihii danbeba si aad ah ugu faafay waqooyi/galbeed soomaaliya ,sida dhakhaatiirtu sheegeenna ilaa hadda wuxuu dilay ama u dhintay dad gaadhaya 3560 qof intii ka dambaysay 1998 kaliya ,markaa laanqayrta cas ayaa maal gelisay mashruuc lagula dagaalamaayo cudurka dilaaga ah ,waxaana lagu daweeyaa oo kaliya hadda isbitaalka laascaanood ee walaal iska gaadh cudurkan oo degdeg u tag laascaanood.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saxnuun

Tuesday, February 13, 2001 - 05:26 am
TO:IIDOOR

Aduunyooy xaalkaa ba,a iidoor wagaashle ayaaba maanta hadli,ala tala,ay sayidkii ayan meesha kamuqan ma iyagaba hadli lahaa.
waar kagan dhogorta leh ee meesha soo galiyay Jamhuriya iyo iidoor dawakhsan hadalkii labadiinuba labo cuqdadaysan ayaad tihiine.
ma afbaad ku ciil baxaysaan cidlaad ka hanjabaysaane,horayna waa laidiin xukumay,kufsaday,dhacay,xasuuqay hadana way idinku soo socotaaye ma axmaaro ugala ama ingiriiskii idin qabi jiray uyeedha.
Aniga Somaligalbeed haiigusoo gabanine wadnkaas
(OGADEN)iyo somaliweyn waa dhul somali somaliyana waligeed kala gui mayso hakuriyoonin taas hadada iswaashana madaxa yarbaa lagaa garaaci walahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OPRAH

Tuesday, February 13, 2001 - 08:58 pm
WARYADA FAQASHEY XISHODAA OO DADKAA QAXOOTIGINA BARISKA SIYA HA CAAYINA BELIEVE ME WAATA MASAAKINTIINI HARGEISA WAREERISAYE KOLBA LAXOX GUBATAY LASIYO. LOL
HORTA GAJO BADANIDINA MA DHEREGTAN??????
BARI DHWEYD TV'GA WATI GAJADI IDINKU SOO NOQON GADHAY. GUYS U MUST BE EXTREMLY CAYDH OH MY GOSH WALAHI WAN XISHON LAHA HADAN IDINKA AHAY. U KNOW WHAT MONTHS AGO $2 AYAN UGU RIDAY BOX LOGU BAHAYNAY ZONE 5 OH MY GOSH YOU SHOULD ZIP UP AND APPRECIATE MAY HELP.
OTHER WISE YOU WILL BE DEAD CAUSE U ARE HOME OF HUNGER AND POVERTY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rubactimira kedingeelkudoorsade.

Friday, February 16, 2001 - 12:08 pm
nAA DOQONYAHAY ogaadeen MEESHAADII UUN BAAD DACAYDA LAALAADIN XATAA HADII LA ISKU NOQDEE ADIGA MAR WALBA WAA KUU DEE MADAWE MAXAAD LA QAYLIN gARXJIS UUN BAA INTUU KOOSARAD tIMIRA KUU TUURO GEELA IYI NAAGAHA DACAYDA DHEER KAA DAREERSANE AGA AGA AGA AMINKAN DHADHANSHO GUD GUD-GUDUUDAA XAAR IIDOOR timirtuu sheegayaa HA HADLIN JAAHILADII UGAADEEN EE KU XAARTAY WASE XAAl baanu isasiinay futohalawash.UUUUUUUUUUUUUUSH hadal reer tolkaa uma banaana umana banaanaa jirin doqonyahay meeshan aad dacayda laalaadi ka kac.Awoowgaagii munaafaq qabyaalada badanaa la gubye yahuudyaw ugaadeen.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.