site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Wixii Dhiig lehoow kaca!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Wixii Dhiig lehoow kaca!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliruna

Saturday, January 06, 2001 - 02:32 pm
Assalaamu Calaykum;

Waxaan dhamaan walaalaha Islaamka ah iyo Soomaalida runta ah ee aan doorsoomin xasuusinayaa inay AMXAARADII mar kale soo dirsatay DABADHILIF si ay u damiyaan ama u bakhtiiyaan nuurka yar ee 10 sano kadib u iftiimay SOOMAALIYA.

Waxaan walaalaha MIDNIMADA jecel ee Soomaaliyeed ay ku dadaalaan kana digtoonaadaan siyaasada cadawga taasoo ah QAYBI OO XUKUN, meesha diinteena Islaamku inoogu yeerayso MIDNIMO iyo isku duubni.

Waxaan kaloo idinka waaninayaa inaad JIRRI, MOORYAAN, DAYDAY, iyo DHULJIIF garab u noqotaan, waxay qoraalkaygii hore Akhristayaashu igu tuhmeen inaan C/Qaasim ALLE ha ilaaliyo isaga iyo inta SOMALIWEYN jecele aanu isku Qabiil nahay oo aan ilmaadeernimo DAWLADA KUMEEL GAARKA ah ku taageerayo.

HADDAAAN ARINTAAS JAWAAB GAABAN KA BIXIYO SIDA WALAALO BADAN OO ILA MID AH OO MARKAY DAWLADAN KUMEEL GAARKA AH TAAGEERAAN NALOO MALEEYO QABALIYIIN, LAAKIIN NASIIB WANAAGA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYEED WALAAHI BAANAAN 5ta SOAMAALI LOO QAYBIYEY MID KA MIDA ISUGU IMAN EE AANU SOOMAALINIMO KU WALAALOOWNAY KUNA TAAGEERAYNO!

Waxaan haddaba QABALIYIINEEY idin weydiinayaa cidaan reerkaaga ahayn weliba intooda ugu damiir liidata mooyee cid kale ma idinla socotaa?

Walaalayaal waxaan idiin dardaarmayaa inaydaan QABIIL dooran ee aad QARANIMO iyo wada jir doorataan ha isku koobina meesha ama gobol yar oo reerkiinu dego ee usoo baxa nolol waasic ah iyo QARANIMO taasoo ADUUNKA oo dhami tix geliyo, sharaf doorta oo ogaada SOOMAALI inay mid tahay aysanna marna kala go'i karin.

Walaalayaal yaysan wadamada dadkeenii gumaystaa idin iloowsiin dhulka inaga maqan waa marka fegradeenu ku wareegaysato wax liita iyo meel hoose sida taageerida JUBALAND, BAYLAND, SOMALILAND, PUNTLAND,BANADIRLAND, HIIRAANLAND, LAND LAND LAND iwm.

Soomaali Weyn ha is raacdo!
Qabali iyo Qaybiye ha duloobeen.

Somaliruna

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Saturday, January 06, 2001 - 03:23 pm
,,,,,,Rabbi salli calal Xabiibi Muxamad wa calal aali min umumul karama'ee,,Salloow calaa Nabi,,, Salloow Calaa Nabi,,,Allahuma Sali wa salam wa baarak calaa Muxamad!!!!!


,,,,Waadhyaadhaheen faatixada inoo mara!!! Waa kanuu hadba gidaar isku soo qaaday''' oo Caawana Duco iyo Cabdi Khaasir ina Adeerkay mahan bey kaga yedhsiiyen!!!!!!


Goobti waale waaleed
Wiidaad ma seedaaw
Wallee day

Waraabe lugoow
Marba sidoo iin weeraaw
Mila widaayaaw


See kiila weelee
See Kiila weelee

,,,,Waaryaadhaheen ma waxbaaba ku gaaray waaxay waalaloowga iyo weelahashadu,,,mise Cidii Deeroow widaayoow baa ku soo gaadhay!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali#1

Sunday, January 07, 2001 - 10:46 am
Somaliruna, maxaad uu taageersantahay Cabdiqasin?
Ma la socotaa intaa goor uu ku xad guudbay qodobaadii lagu heeshiiya Carta?

Adeer anaga dooni meeyno fiidmawadayaal diinta ku adeeganaayo. Mamuulka DKMG sida iyo habka uu wax uu kale wada cid walb waa fahamtay. Ina-Salaadna waxuu ku socodaa sidii ninkii asaga soo tabaray.
Maxay tahay sababta uu warlords aan ka qayb galin shirkii cartee; uu ugu diraayaa hub iyo raashiin ( arinta kismayo). Maxuu Cabdi qasin oga baxay heeshiikii ahaa in baydhabo laga dhiigo saldhiiga DkMG? Waad ogtahay mamuulkiis sida uu ku socdo ee maxay tahay sababt aad uu daafeceeso?

Adiga ma Marexaan baad tahay? Mase waxaad leedahay agendaha Al-Islaax hala hir geliyo warka cadeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Sunday, January 07, 2001 - 01:18 pm
,,,Sow maaaha
,,,Noloshaadu
,,,Sow maahaa
,,,Magaceed be'
,,,Soow Maahaa


,,,,,Deeroow Neefneefsigaagaan la yaabanaa,, Caloosha, Futada ,,Walbaq Walbaqda,, Indhaha Cawiran,,, Deeroow maxaa ku helay la ismaba gaarine goormaad baqa cagta rogi lahayd,, Wallee Mujaahidiintii RRA oo halyeygoodiina uu horkacayo!!Daryaan soo rogmaday,,!!Alloow al Mujaahid Shaar Gaduud hayga qaadin!!!!!Kolkuu faraskiisu heenseesto uu Seeftiisiina Galka kala baxo,,,Alla Heybad weynaayeey,,,Fulay dulan badani u daranaa,,Doqon Deeroow dadkiisa laga adeejiyaa u daranaa,, Dhoohane aan wax ogayn u daranaa,, Kuwa Dowlad ku dan gaarka ahi u daranaa,,,. Musiibadan isa soo baheysate carrigii ku habsatay u daranaa,,....


,,,,Balcad iyo Tiyeegloow ha ku meereeysanine Raggeedi isku yaraha Jitaabi Cabdi khasaaroow,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Sunday, January 07, 2001 - 07:04 pm
hasugi waayin kuwa u adeegayo xabashida in talaabo sharci ah laga qaado, waxey gadanayaan dadkoodi iyo dalkoodi, waxey ku tunteen sharafti soomaalida sababtoo ah cunug kayar oo waligiisba qaxooti soomaaliya ku ahaa (males zanawi) ayey dabada udhigteen!!! ujeedada reer galbeedka ayaa eh in ay u adeegsadaan burburinta islaamka geeska africa.


DOWLADA INSHAA-ALLAH WAY GUULAYSANEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

run ma gafeh

Friday, January 12, 2001 - 09:04 am
kan aad madaxweynaha u haystaan waxa la yidhaa .cabdiqasab salid hora yuu qasbaa tamarba malah eh waxba u socon maayaan intuu jidkii siyaad barre ku jabay dabada haysto.run

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.