site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Wixii Dhiig lehoow kaca!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Wixii Dhiig lehoow kaca!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliruna

Saturday, January 06, 2001 - 02:34 pm
Assalaamu Calaykum;

Waxaan dhamaan walaalaha Islaamka ah iyo Soomaalida runta ah ee aan doorsoomin xasuusinayaa inay AMXAARADII mar kale soo dirsatay DABADHILIF si ay u damiyaan ama u bakhtiiyaan nuurka yar ee 10 sano kadib u iftiimay SOOMAALIYA.

Waxaan walaalaha MIDNIMADA jecel ee Soomaaliyeed ay ku dadaalaan kana digtoonaadaan siyaasada cadawga taasoo ah QAYBI OO XUKUN, meesha diinteena Islaamku inoogu yeerayso MIDNIMO iyo isku duubni.

Waxaan kaloo idinka waaninayaa inaad JIRRI, MOORYAAN, DAYDAY, iyo DHULJIIF garab u noqotaan, waxay qoraalkaygii hore Akhristayaashu igu tuhmeen inaan C/Qaasim ALLE ha ilaaliyo isaga iyo inta SOMALIWEYN jecele aanu isku Qabiil nahay oo aan ilmaadeernimo DAWLADA KUMEEL GAARKA ah ku taageerayo.

HADDAAAN ARINTAAS JAWAAB GAABAN KA BIXIYO SIDA WALAALO BADAN OO ILA MID AH OO MARKAY DAWLADAN KUMEEL GAARKA AH TAAGEERAAN NALOO MALEEYO QABALIYIIN, LAAKIIN NASIIB WANAAGA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYEED WALAAHI BAANAAN 5ta SOAMAALI LOO QAYBIYEY MID KA MIDA ISUGU IMAN EE AANU SOOMAALINIMO KU WALAALOOWNAY KUNA TAAGEERAYNO!

Waxaan haddaba QABALIYIINEEY idin weydiinayaa cidaan reerkaaga ahayn weliba intooda ugu damiir liidata mooyee cid kale ma idinla socotaa?

Walaalayaal waxaan idiin dardaarmayaa inaydaan QABIIL dooran ee aad QARANIMO iyo wada jir doorataan ha isku koobina meesha ama gobol yar oo reerkiinu dego ee usoo baxa nolol waasic ah iyo QARANIMO taasoo ADUUNKA oo dhami tix geliyo, sharaf doorta oo ogaada SOOMAALI inay mid tahay aysanna marna kala go'i karin.

Walaalayaal yaysan wadamada dadkeenii gumaystaa idin iloowsiin dhulka inaga maqan waa marka fegradeenu ku wareegaysato wax liita iyo meel hoose sida taageerida JUBALAND, BAYLAND, SOMALILAND, PUNTLAND,BANADIRLAND, HIIRAANLAND, LAND LAND LAND iwm.

Soomaali Weyn ha is raacdo!
Qabali iyo Qaybiye ha duloobeen.

Somaliruna

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.