site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

KARANLE IYO CEEL BUUR !!! ...

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: KARANLE IYO CEEL BUUR !!! ...
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIIL KARANLE

Saturday, January 13, 2001 - 08:46 am
bahda karanle iyo ceel buur aan camirno xag walba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoslaaye

Monday, January 15, 2001 - 01:59 am
Saaxiib waad ku mahadsantahay howsha aad inoo billowday waligoodba Reer-Ceelbuur waa lagu yiqiinnay inay goobaha ay ku kulmaan cammiraan waxaanse dhamaan walaalaha Karanle (Murusade) ka codsanayaa inay iisoo gudbiyaan Magaca Abwaankii Karanle ee gabaygaan tiriyey

Gabay

Nimanyahow guddoon gabay beryahan waan ka gaabsadaye,
garankeyga waa taan ka jaray gocashadeydiiye
xalaybaan gigtaan iri hurdada wax igu gaareene
halkaan uga gol leeyahayna waan idin garwaaqsiine
waxa guurka ii yaalla waan soo geddinayaaye

gablan weeye geel kuu dhaloon godol ka maaleynin
gablan weeye guga oo da,oon gooshin bixineynin
gablan weeye gabadhaa qabto oon gogosha kuu qaadin
gablan weeye gibinaad dhashoon guulba curineynin
gablan weeye geediyo nimuu gebi ku soo haaday
gablan weeye gaammigan yaxaas ruux gabraarsadaye
gablan weeye Gooshiyo ninkuu Aarku kala gooyo

xalay guul aroorkiyo anoo ciilku igu gaaxay
Anigoo gefkii layga galay aanan garan waayin
Anigoo gefkeygiyo gacmaha meel isugu geeyey
Anigoo gam,eynoo hurdada aad u kala guurray
Anigoo gasiinkiyo cuntadu iga gambuurowday
Anigoo gabdhaha reer tolkey go,ay haweeneynin
Anigoo garoob iyo sidii gabar xishoonaaya

gabbaldhac iyo waaberi haddaan guluf la heenseynin
gabbaldhac iyo waaberi haddaan gaas la bixineynin
ninkaa godobta kaa qaba haddaan gowrac lagu taagin
oon goynin hilibkiisa oon gumac la leefsiinnin
gebigeed adduunyadan gurracan waan isaga guuri

Karanlow haddaan guluf la xirin waan is gowricicye
wallaahaan gambooley nihiyo magaca guudleeye
waa inaan gambada qaato oo giisho madaxeyga
garbasaar inaan qaato oo soo galbado weeyo
guntiinada inaan soo xidhoon soo garsado weeyo
wallaahaan garooba nihiyo carmali joogta gurigeeda
wallaahaan gambooley nihiyo magaca guudleeye
wallaahaan gashaantima nahoon aara gudan weynay

garwaaxeysigii ka tegay iyo gogol ku jiifkiiye
gefka uma dulqaatiyo xumaan layla soo gala,e
gardarrada ma yeelloo xumaan waan ka gubannaaye
gumac gaaxsanaan jiray markaan godolka sii daayo
gebi dumay sidiisii markii la,isku soo guuro
waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane
.................................................
galiilyada i heysoo wadnuhu ila gariiraayo
xalay gelin dhaxaadkii dadkoo kama,sanoo jiifa
galleyrkiyo markuu galowgu ciyey gedaankiyo xoogga
gurxankeyga iyo riinkiyo guuxa lala yaabyey
gu hagaagayoo gala,da iyo geeddi la,i moodyey
goohaad madow iyo markaan geeydha bahal yeeshay
gaameesha iyo shaarubkiyo miciga soo giiray
sida goolka iyo goosha oo gibinnaddii haysta
oo laaga guuda galay iyo gebiyo hoostooda
oo gowsihiisiyo gacmaha meel isugu geeyey
nin galladay ninkii ganay libaax garaye ruuxiiye
ma guuleysto ruux iga gardaran guusha karanlaa leh

afartaa guddoon lagu hadliyo gocashadeydii dheh
go,aanuu nin weyn soo diriyo garasha waayeel dheh
gal xareda goob lagu nastiyo geed caleenbadan dheh
gogol caar leh guubaabin runa karanle guudkii dheh
guul iyo ayaan la,igu garay guluf la heenseeyey.


gooni daaqa cawlkiyo waxaa goodir iga yeelay
geedaha ugaadhiyo waxaan geri la sheekeystay
maroodiga gacanka weyn waxaan gibil ku heenseeyey
gardhaalaha shabeel iyo libaax gebi la jiifaayey
gabraa,ada galool uu mas galay garabka saartaaba
godin geedka lagu gooyn waxaan gacan horreysiiyey

gebi dumay garoon geed ka baxay gowla kala guurtay
geel aroora ceelkoo gallama geel-jir wada ooyey
gambooley cadhowdiyo hablaha guudka laga xiiray
odayaal ra,yiga goyn jirtoo geedka laga saaray
garbaduub rag loo giijiyoo gacantu naafowday
garoomaha rag lagu gowracoo dhiiggu gelelaabay
gumeysigu geddaasuu yahay iyo guul darriyo hooge
gardarrada ma yeelloo xumaan waan ka gubannaaye
waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane

gardarrada ma qaatee xumaan waan u gogol xaaray
gartu eex ha noqotee ra,yina laysla garan waayin
nabad wey gallowdoo samaan weynu kala guurnay
garyaqaannadoo idil markii gowrac lagu taagay
dhallinyarada goor iyo ayaan layga gummaadaayey
dumar aan wax gelin oo gacmahiyo naaska laga gooyo
gardarrada ma qaatee xumaan waan u gogol xaaray
gammaankeyga gaarka ah markaan gibilka heenseeyey
een galab carraabee dagaal ugu gacan-qaaday
gadhka feerki aan kaga dhuftiyo gowsahiyo daanka
gishaarada markii loo gogloo ganacya weyn taallo

geelii gendigu uu cunee wada galoofay
ee godolka laga waayey iyo caano laga gaaxsho
gufaanuhu hashii uu cuniyo shilin gabaarreyda
laga gaaryey laga gooy wixii gibilka boogeeyey
geedaha caleentaa cillaan gooni ugu foofsha
gurrinkeeda naaxiyo nirgaha gooni socodkeeda
guuraha habeenkii ka jira tuugga qaa-tahaye
bahal gowsa weyn iyo libaax gowracaa jira,e
waligeyba waan goobi jiray Karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane

sidii gaaggur geed lagu raroo gamashi dayreeda
ka gu,iyo gu,yaal badan waxay gudub u saarraato
shinnidoo galsheytiyo wuxuu malabku gaaneysto
markii galabta loo fuulo oo daarka laga gooyo
malabkii ku gaaxdiyo markii miidda laga gaaxsho
ninkey gaajo heysaba markii loogu gacan haadsho
Karanluhu geddaa weeye iyo gallad Ilaaheeye
baalshada macaan iyo jannaan gacan ku nuugnaaye
waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wa`adeere karanle

Sunday, January 21, 2001 - 12:08 pm
TO=
Qoslaaye waad ku mahadsan tahay sida aad u tirisay gabaygaan reerkana guul ayaan u rajeynaynaa & in cadowgood cagta hoostiis galo

Wiil karanle:

waad ku mahadsan tahay sida aad bage u soo bandhigtay waxaan ku leeyahay oo kuugu ogahay in aad sidaa tolka uga warhaysid

KARANLAA LACAAYOO HADAANA KABAHA LOO QAADIN
KAADI MOODAY BAAN AHAY HADAY XAAJO KULULAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bargaan

Monday, January 29, 2001 - 06:34 am
To= Dhamaan aquyaarta ku aftirsada beeshaan waxaan farxad leh sida sharafta leh aad usoo tiriseen gabaygaan oo ah mid meel wayn uga yaala beeshaan

waxaan rajeynaynaa guul & horomar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/lahi-barud

Tuesday, January 30, 2001 - 12:51 am
Reer-Ceelbuurow iga raalli ahaada maadaama aanan Abwaanka magaciisa heynin, qoftii taqaannana waxaan ka codsanayaa iney iisoo gudbiso
aqris wanaagsan.


Gabay

Kaafka gabay kalaan lagu hadliyo kafki wan dhigaye
Kalaybaan kifaaxoon hurdada kaam u soo dhigaye
Waxba gabaygu yuun iga kidmane waxan ku soo koobay
Karti adaa karaamiyo ismaqal karanle loo daaye
Kurba adag markey joogto ay xaajo kululaato
Kaalayaay raggii lagu yaqiin karanle weeyaane

Hannaan u guurkiyo haddaan koronka heenseeyey
Kidiriyo Seexowle iyo haddaan kaariyaba keenin
iyo koonfur niman yaallo iyo kulanka waadeerre
Kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
Kaaraha haddaan laysla dhicin kulanka baaruudda
Karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
Kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanim

Konton sano nin gaaroo adduun hawl kastaba keenay
iyo keey hawo koodu tahay kala korreeyaane
Kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
Karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
Kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin

Karni idil kornaylkaa watee kaarni lagu siiyey
iyo kuwa askari koodu yahay kala korreeyaane
Kaloonkoonka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
Kaaraha haddaan laysla dhicin kulanka baaruudda
Karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
Kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin

Kan diyaaraddaa kiciyayee hawada kiileeyey
iyo kuwa iskuul koodu yahay kala korreeyaane
Kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
Karanlaa la caayaye hadaan kabaha loo qaadin
Kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin

Kurus iyo ninkii kaahenooy kumbuska googooyey
iyo kii salool koob ku shubay kala korreeyaane
Kalooniga risaastiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
Karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
Kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin

Kan karoorka weyn goostayee kariska loo doontay
iyo kaan marteeda kaafin karin kala korreeyaane
Karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
Kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin

Karuur iyo ninkii kaafiyaay subagga kiileeyey
iyo key barqaada koodu tahay kala korreeyaane
Kalooniga risaastiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
Karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
Kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin

Korneyl ku sheegga ciisiyo waryaa kurayga xiireeya
Haddii uu kas leeyahay calina uma xisheen kiishe
Baashina kafeegiyo qamrada kurus ma moodeene
Nin tolkiisa kaaraha la dhici waaba kirishtaane
Kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
Kalooniga haddaan laysla dhicin kulanka baaruudda
Karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
Kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cooleey&reer waqooyi

Thursday, February 01, 2001 - 07:01 am
Dhamaan bahda karanle

Abwaanka magaciis waxaan ku maqlay

""WIIL KARANLE"

waana will degan degmada WARDHIIGLEEY
(XARARYAALE)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyr

Friday, February 02, 2001 - 03:26 am
TO:Coleey iyo Reer-Waqooye

Walaalayaal Waa runtiin oo wiilka gabyaaga ah waa Wiil-Karanle hawiiye balse waxa la is weydiinayaahi waxa ay tahay magaciisa,

haddii aad maqasheen wuxuu ka mid ahaa seddax wiil oo gabayo wadaagtay magacyadooda ka sokowna waxay kala ahaayeen,
1:Wiil-Ceelbuur
2:Wiil Iimey
3:Wiil Xararyaalle
haddaba anigoo waa hore furay page aan ugu magac daray Suugaanta-Ceelbuur isla markaana kusoo bandhigay wixii aan Ceelbuur macluumaad suugaaneed ka hayey ayaan kusoo daray laba gabay uu wiilkaasi tiriyey ilaa haddana waxaan raadinayey magaciisa waana waayey sidaas daraadeed waxaan dhamaan walaalaha Ceelbuur ka codsanayaa inay noosoo gudbiyaan Abwaanka magaciisa

C/lahi-barud waad ku mahadsantahay gabayga aad soo qortay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Saturday, February 03, 2001 - 11:18 am
Waan salaamayaa dhamaan karinle iyo ceelbuur waa halkaan ku dhashaye walaalayaal gabayada haku socotee yaa tixdan yar garanaya ninka tiriyey

Caku gaari waa taadan garan guurka kahoroobe
Caku geeri waataan laba xersi midkood geedka kahadleyne
Caku gaajo waataan u gaday ina galoof dheere

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Heri-diid

Tuesday, February 27, 2001 - 03:18 am
TO:Dhallinyarada Ceelbuur

SX-yaal salaan walaaltinnimo keddib waad la socotaan inuu qolka beelaha qurbaha nooga furraa boggii "Ceelbuur-sidee u taallaa" halkaas oo lagu soo bandhigay macluumaad la xariira degmada iyo dadkeedaba iyo murti iyo maaweelooyin taxane ahaa, nasiib darro boggii waa la xiray mana garanayo sababta, haddaba dhamaan walaalaha reer-Ceelbuur waxaan ka codsanayaa in arrintaas laga dacwoodo kolley uma maleynayo inay Somalinet soo celin doonto qoraalladii oo dhan waase in la'ogaadaa sababtii ku kalliftay inay xiraan bogii qiimaha badnaa ee qabyaaladda ka nasahnaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wabxo

Tuesday, March 13, 2001 - 11:05 am
Ogeeysiis waxaa la sameeyey home page cusub oo la yiraahdo Deyniile ee ku soo dhawaada.

http://www.deyniile.bizland.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caydiid

Friday, March 16, 2001 - 09:44 am
karinle ma dhurwaaybee dadka cuna xageebeey ku nool yihiin,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoslaaye

Saturday, March 17, 2001 - 12:59 am
ka daroo dibi dhal, SXB maad lahjadda Hiraab iskaga hadashid, maxaa ku waalay aad la qarda-jeexeysaa, tankale Karanle wuxuu yahay looma baahna inuu adigoo kale ogaado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoslaaye

Saturday, March 17, 2001 - 01:00 am
Caydiid


ka daroo dibi dhal, SXB maad lahjadda Hiraab iskaga hadashid, maxaa ku waalay aad la qarda-jeexeysaa, tankale Karanle wuxuu yahay looma baahna inuu adigoo kale ogaado.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.