site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GABAR SOOMAALIYEED OO BASAASAD AH!.

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : GABAR SOOMAALIYEED OO BASAASAD AH!.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awil

Saturday, January 13, 2001 - 11:16 am
Wallee gaalo iyo wadamadeed la eed! hadaad lasacotaan iyo haddii kalaba waxaa dhawaan kadhacay waddanka Norwey, qiso foolxun oo loosoo adeegsaday gabar Soomaaliyeed oo Khadra lugu magacaabo, gabadhaass oo ay gaaladu usoo dirsadeen inay ku waxyeeleeyaan Muslimiinta iyo Islaamkaba ayaanan halkaan warkeeda naxdinta leh kusoo koobi karin, balsaad iila aragtaan foolxumada halkaa ka dhacday, waxaad gashaan. www.Mogadishu.com
kaddibna wixii figrada halkaan kusoo gudbi.

Alloow ilmihiina gaalo kadaaya mala inika waayay,
kaxaaxaabsha hadaad miraheedii haysaane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hadia

Saturday, January 13, 2001 - 11:53 am
Awil, arrinta maa noo sii faafaahiisid.
Haadii arrinta ee ku lug leedahay "gudniinka". Waa xaq in laga hortaago fal aan diinteenna na faariin. GUDNIINKA FIRCOONIGA AH MA AHA WAAJIIB IYO FAARAD TOONA.

Arrin kale hadeey jirto oo gabdhay ee ku xaad gudubtay Islaamka ama islaamnimo, inoo sheeg oo inagga jaahil bixi.

Dooni meeyno fidna waadayaal diinta ku dhuumanaaya!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAADIR

Sunday, January 14, 2001 - 10:01 am
GUDNIINKA FIRCOONIGA AH WAA QALAD. WAXAANA LOO BAAHAN YAHAY IN DADKA LAGA JAAHIL BIXIYO ARINTAAS.
WAXAA NAXDIN LEH NIN IMAM MASAJID KA AH INUU YIRAAHDO GABADHEEYDA AYAAN GUDAAYAA. DAD BADAN OO SHEEGANAAYA INEEY YAQAANIIN DIIN AYAA WELI U MALEEYA INEY DIINTEENU NA FAREEYSO INAAN GABDHAHA GUDNO.
WADAADA IYO KUWA SIDAA ISKU SHEEGAYA EE AAMINSAN GUDNIINKA FIRCOONIGA AH DIINTA SI FIICAN HA U BARTAAN.
ARINTA AH KA HOR TEGIDA GUDNIINKA WAXEEY U BAAHAN TAHAY OLOLE XOOG BADAN OO KU WAJAHAN UMMADA SOOMALIYEED. CULUMADDA WAA INEEY KA HADLAAN.
WARGEYSYADA IYO IDAACADAHA SOOMALIYEED WAA INEY KA HADLAAN.

BOQOLKIIBA INTA FAHANSAN IN DIINTU OGOLEYN GUDNIINKA WAA YAR TAHAY.
GABAR WAXEEY SAMEEYSAY WAA QALAD, LAAKIIN WAA INAAN ARINTA HALKAAS LAGA FIIRIN. WAXAA DHIBAATO BADAN DHAAWACA LAGU HAYO GABDHAHA LA GUDAYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARYAA

Sunday, January 14, 2001 - 08:05 pm
salaan all

In gudniinka fircooniga ah laga hortago waa wax wanaagsan waana caado xun gudniinka noocaas ah laaiik arinta uu walaalkeen Awil ka danqaday kana xumaaday taas ma aha ayaan filayaa waxayna ilatahay ma aydan akhriyin Article/Qoraalka gabadhaas laga qoray, ee meel dhow ayaad kasoo laabateen iyo intuu Awil qoray kaliya

War gabadhan waxay jaajuustay oo ay ceebaysatay guud ahaan dadkii Islaaamka ahaa gaar ahaana Somalida bal marka hore orda oo soo akhriya waxa laga soo qoray arrinta gabadhaas Khadra lagu sheegay

http://www.mogadishu.com/

halkaan kore gala fiiriya Linkiga dhinaca bidixda ah cinwaanka ay ku qoran tahay Basaasadii Somaliyeed
Mise waxaan hadalka isdiidsiinaya waaba tii wax soo duubtay(jaajuusadii)nafteedii lol

Waa nabdeey iyo dhaqankeenii wanaagsanaa oo la ilaaliyo meel lajoogaba

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.