site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma jiraa Soomaali daacad ah/haddey jiraan boqolkiiba waa imisa %

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Ma jiraa Soomaali daacad ah/haddey jiraan boqolkiiba waa imisa %
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Sunday, January 14, 2001 - 04:44 am
Ka did markii aan aqiriyey meelo kale duwan oo
soomaalida ku sheegeysato ayaan waxaan is weydiiyey in ay muhiim tahay in la ogaado
dadka inta soomaali daacad ah iyo inta aan
gaarin heerkaas.

waa rayi furan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Sunday, January 14, 2001 - 07:26 am
TO WADANI

s/c

somali daacad ah ama wadani ah weli may
dhalan, malaha waxay ka dhalan doonaan
jiilka soo socda, haddii ilaahay idmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIRBAAYE

Sunday, January 14, 2001 - 04:34 pm
soomaali daacada wuu jirey. hadana wuu jiraa.wuuna jiri doonaa. laakin mid- waxaan isku raacnay xaq darada xaqana waa laga tagey oo weliba inta badan.
qofkii runta sheegana xaasid ayaa loo arkay/
haddii jiil dambe lasugaayana sida walaalkay uu kor ku soo sheegay yaan lasugin oo dhaqamo badan ayaa dibada ka imaan doona iyo afaf kala duwan oo dhib iyana ku noqon doona la qabsiga wadanka iyo dhaqankeena..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Radamir

Wednesday, January 17, 2001 - 08:26 am
Anigu ma garan waxaad DAACAD uga jeedo.

Waxaan daacad u noqonkaraa Reerkega,Qabiilkeyga,wadankeyga,shaqadeyda,Bulshadeyda,asxaabteyda,jinsiyadeyda,iwm.

Intaasaa waxaa ka sii farcamaya dhowr qeybood oon qaarna daacad u noqon karro kuwo kalena ka soo horjeedi karo.

Anigoo jecel wadankeyga ayaan badbaado darteed daneynayaa in reerka aan ka dhashey wixii la qeybsado qeyb libaax ka helo. Ma ahan inaan qabaa'ilka kale necbahay, ma ahan inaan wadankeyga necbahay toona ee waa badbaado,dhawrid iyo cabsi igaga jirta qolada wax maamuleysa.

Haddii aan ogahay ina maamulku uusan marnaba ku xad-gudbeyn qoyskeyga,wixii xaq ay u leeyihiina ay helayaan waxaan qabaa in adeegsiga qabiilka oo si farabadan noogu milmay uu yaraan lahaa.

Ogowoo waxa aan ka cabsida qabaa waa in cidda aan ahay leygu dhibaateeyo ee aan wax leygu qeybin aqoonteyda,kartideyda,waayo-aragnimadeyda iwm.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 16, 2001 - 01:01 pm
Walaahay uma baahni inaan wadani noqdo oo maxaaba badahaasoo kale aniga igelinaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 16, 2001 - 06:51 pm
X--AHMAD: WARYAADA SOOMAALIYEY ISKA ILAALIYA QABIILKA SAC-ADKA AMA DIBI-CADKA IYO MAJEERTEENKA MAXAA YEELAY DAD LA,AAMINIKARO MA AHA WAA RUUFIYAANO URAYO.WAXAYNA DABADA KU WATAAN XABASHIDA, MA-OGTAHAY IN XABASHIDA AY ISTICMAASHO LABADAN QABIIL EE AAN KOR KU SHEEGNAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dadkeeda-Jecel

Monday, February 19, 2001 - 04:50 am
To You (last anonymous):

Laguma weydiisan waxii quran ah iyo waxii kale oo fiican..Aqri su aasha meeshay u jeedo before you answer... Waxaa noocaada oo kale waaye waxa na qaribay, oo naga soo haatiyay maanta wadankeena..

Wadani walaalo hadii aan kaaga jawaabo su aashada, walaahi runtii ilaahay uunbaa og hadii maanta wadani daacad ah jiro, maxaa yeelay daacad nimada waxay ka timaadaa qofta markuu diin iyo iimaan leeyahay ayuu daacad noqon karaa...Soomaali neh intaa waa lagu sheegaa laakiin waxaa naga tan badiyay waxii munaafiqiinta ahaayeen..Waxay neh aabayaasheenii ku maah maah heen "Badoo dhan hal malaay(kaluun) baa qurmiya(uriya))...

Hadalkiyoo kooban shirbaaye siduu horoay inoo sheegay, wadani daacad ah wuu jiri jiray, wuuna jiraa hada, wuuna jiri dooonaa....

Laakiin wadaniyoo wax lees weydiiyo ma xumee , adiga ma wadani daacad ah maad tahay mise?????

Waa iga talo qaado ama iska daa hadaad doonto, wax kasta oo wanaag ah oo aad maanta wadankaaga la rabtid ama dadkaaga , adiga ahoow kii wanaag u horseeda xumaantana ka soo horjeeda......

Jazaaa kalaa qayr..

S/Aleykum Warax matulaaah wa barakaad...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

professor

Saturday, February 24, 2001 - 04:21 pm
I BELIEVE, SOMALIA HAS MORE DECENT, HONEST PEOPLE THAN ANY OTHER NATION IN AFRICA. THE EXAMPLE IS OUR NEW PRESIDENT OF SOMALIA WHO WAS ELECTED OVERWHELMINGLY BY LARGE MAJORITY OF SOMALIS ACROSS THE NATION WHO MADE THEIR VOICES LOUD AND CLEAR. THE PROBLEM IS THE SOMALI PEOPLE WHO ARE PRESSURING OUR LEADERS TO PERFORM THE JOB THEY WERE ELECTED TO. WE MUST GIVE OUR NEW LEADERS A CHANCE TO LEAD OUR COUNTRY. THE SOMALI PEOPLE ALWAYS CRITISIZE THE LEADERS OF NOT BEING FAIRNESS AND HONEST TO THE SOMALI PEOPLE. THAZ A WRONG FEELING AND EXPRESSION.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

public

Saturday, February 24, 2001 - 07:46 pm
Professor has "PHD" in moryaan propoganda.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.