site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxamad ingiriisoow afkaas ma adaa leh

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Maxamad ingiriisoow afkaas ma adaa leh
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Sunday, January 14, 2001 - 02:02 pm
waxaan aqriyay qoraal uu soo diray wariyaha Somalinet ee muqdisho ninka lugu magacaabo maxamed xaaji (ingiriis)oo uu kaga warramayo dacaayadaha ay idaacadaha soomaalidu ku hayyaan Ethiopia.
ma aanan jecleysanin sida uu uga warramay maxamed ingiriis arrintaas.
wuxuuku sheegay qoraalkiisa in dawladda Ethiopia dacaayadda lugu hayyo laga bad badiyay, Ethiopiana aysan ka jawaabin dhagna jalaq u siinin.
Maxammed waxaan leeyahay adiga waxay kaa maraysaa dacaayad Ethiopiana waxay ka maraysaa dil.
Ehtiopia soow ma aha tan maalin walba ku dilaysa shacabka soomaaliyeed dhulkooda, GEDO, Bakool iyo Bay, oo taageereyso hubkana u soo dhiibeeyso kuwa nabadda diidan oo waddanka burburkiisa wada 10 sano iyo ka badan maantana ummadda daaya laga kari la'yahay.
Ethiopia sow ma aha midda soo hubaynaysa Morgan iyo Shaati guduud oo weeraray Guddoomiyihii baarlamaanka oon hubaysnayn dagaalna u soconinoo qaraabadiisii booqasho uu aaday iyo gobolkuu u dhashay, ciidamada Ethiopia soow ma aha kuwa dagaannada ku leh GEDO iyo BAKOOL, oo afduubtay odayaal dhaqameedka qassabna uga dhigay inay saxiixaan heshiis u danaynayyo arrimeheeda.
Ethiopia soow ma aha tan Muuse suudi soo siisay hubka markuu dadka ku laayayna laayayna tahniyad iyo bogaaadin u soo dirtay.
Ethiopia soow ma aha midda diidan inay marnaba soomaalia dowlad iyo daggaansho ka dhalato.
intaasoo dhan inteey geeysatay Ethiopia ayaad leedahay maxaa loo dacaayadaynayaa iyo waa laga bad badshay.
Ethiopia waxay ka maraysaa dad dil iyo xasuuq adigana yaan la dacaayadayn ayaad leedahay.
MAxamadoow miyaadan soomaali ahayn? , mise arrintu waa af wax cunay xishoo oo waxaad ka mid tahay kuwa luflufka loo tuuray oo malafsanaaya.
Maxamed qoodhaa iyo xeredaa miyaadan soomaali ahayn?.
midda kale ma saasaad waddanka ku joogtaa ood xog ogaal ugu tahay waxa ka dhacaaya, maad iskaga soo tagtid meesha anakaa kaa oge.
ma waxaaad qorto ayaad weeyday markaad ummadda bur burtay oo loo diidanyahay inay cagaheeda ku istaagto aad dacayga la horjoogtid.
wariyenimadaada, soomaalinamaadada iyo kalsoonidaadaba mugdi ayaa ka galay umadda ilaa aad ka cudur daarato ama aad ka noqotana kaa bixi maayo mugdigaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOMAALI DIID

Sunday, January 14, 2001 - 03:59 pm
waxaa ayaan daro ah inaad maanta dhibka soomaaliya ka gubato. dowlad ma jirto waana mooryaan is uruusatay.hadana waajib kuguma ahan inaad kululaaro 10 sana kuwii hubka ku gaacayay ayaad ahayd iyo maato aan waxgalabsan .
c/qaasin iyo cali qaliifna waxay isku qarinayaa bus waxayna abuurayaan colaad aan jirin.
shalay maxaad uga hadli weyday.dadkii baydhabo laxasuuqey.
miyaadan ogeyn markii muqdisho hubka lagu garaacayay.
miyaadan ogeyn markii umada lagu xasuuqey beledweyn. oo maantana weli laga iloowin
kuleyl soomaalinimo waajib idinkuma aha ee
kasoo baxa gobolada islaameed.
itoobiya waxaa noga daran gumeysigan kula dhashay hadana waqti uu kaa tagayo aadan ogeyn hadana dowlad kugu noqdey.
markuu deerow uu u dirayo soo waani dadkaaga horta isaga muu iska bilaabo/
dh/mareeb muu tago iska daaye goboladaan muu kasoo saaro.
haddana wuu ku sharciyeeyay oo uu yiri waa ciidan qaran oo beeraha kama soo baxayaan.
marka intaadan dad wax usheegin tiina kasoo baxa
hana u maleyn inaan ku ataagayo ee run ayaan isu sheegaynaa iyo wax jira.
muusana xaq ayuu u leeyahay haduu xitaa lasoo dago waayo jihaad ayuu kala soo horjeedaa doqon wax magarato ah oo iska dhicis waxaan aheyn aqoon. bal muuse hub ayaa usoo degay qofka hor istaagi kara ama hor istaagey waayo?
abgaalna isaga ayeey u taal in uu mooryaan ka hor tago iyo in kale.balse raxanweyn dagaal ayeey u tahay iyo si walba oo ay uga hortagto mooryaan aan dowlad aheyn. xitaa hadaan itoobiya soo wadano waxaan ilaashaneynaa gobolkeena iyo xaqeena
intaas ayaan kaaga filam gubashO cidla ah...
magacaana waa leysku qaldaa .soomaali beri hore ayeey jirtey. intii isku dana ayaa israacday

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABRIYE

Sunday, January 14, 2001 - 04:16 pm
saxaafada yaan loo gefin maxamed xaaji(ingiriis) run ayuu sheegay iyo waxa jira.
waxaase layaabay waayo soomaalida mugdiga ka gashay?hadana loo cududaaranayo
runta in la sheego miyaan la jecleyn oo been aan jirin iska dhaadhacsiino.
taas waa tii wadankeynu aduunka taariiq xun u galisay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 15, 2001 - 06:43 am
Saxaafadu maaha tii jirtey dowladii Afweyne oo dadka caburinaysay. Waa free waana halka wax oo dowlad isku sheega maanta la tartami karta khaladkoodana u sheefi karta. Ma waxaa sugaysay in wariyaha somalinet uu kuu soo gudbiyo waxaa jeceshahay inaa maqasho oo kaliya?

Ka baxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

run oogeh

Monday, January 15, 2001 - 10:27 am
ninka
soomaalinimo ilmadii yaxaaska u daadiyow itaanad xabashi uboodin miyaad adigu dabkan aad hurinayso horta bakhtiisid xabashiyi kuma weerarani adaa ubadkaagii qaarba maalin dubta oo aan waliba qiranayn beena aduunka kaga dawarsanaya ogow dadku waxaad aragto ka badan bay arki karaane ninka igriina xaal sii runtuu sheegee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Monday, January 15, 2001 - 03:09 pm
,,,,Maxamad Xaaji Ingiriis ma aanan aqoon se waxaan ku bartay Idaacadda Codka Beesha beryahan waxaan ku arkaa Maqaaladiisa Qaybta wararka ee Somalinet....


,,,,,Maxamed Xaaji Ingiriis, nin walaaba waa aragtidiisee waxaan u arkaa nin Soomaali ah oo wariye Caalami ah ee waxa uu soo warinayana garanaya,,oo si dhexdhexaadna ahi usoo wariya,,Maxamad waa wariye aad oga fog Propgandka iyo caadifadda qabaliga ah ,,,Waa wariye ayan isaga Qasneyn Warka iyo Cawaadifta iyo propoganka.


,,,,Garan maayo aqoontiisa (Maxamad Xaaji Ingiriis) se wuxuu iila eg yahay Wariye si aad ahi u bartay sida warka loo soo gudbiyaa eena mar walaaba dhexdhexaad ah,,,,,...


,,,,,Kolka GAF & QALAD weeyaan in reerka Dowladda ku dan gaarka ahi sheeganeysaa ay xagxagtaan ruux waloo runta ka dhawaajiyaa,,, Tuugadan is baheysatee ilaa Tiyeeegloow dabka la cararayee,, ee Daasaddan dabada maran la meereeysanaya kadin walaaba Dawarsi isku soo lammanshay!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KINIINI

Tuesday, January 16, 2001 - 04:59 pm
nefoqwkiniini run iyo aqiyaar nimo ayaad u hadashey
iskana jir h.gidir runta ma ogolee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEF DILE

Wednesday, January 17, 2001 - 04:38 am
...Neefoowkaniini, Neefoow, War Neefoow!!!
...Neefoow, Neefoow, War Neefoow!!!
...Neefoow, Neefoow, War Neefoow!!!

...Neefoow, War Neefoow!!!
...Neefoow, War Neefoow!!!
...Neefoow, War Neefoow!!!

...Nacalla qabe, Neefoow!!!
...Nacalla qabe, Neefoow!!!

...Net-ka ka niiqlee, Neefoow!!!
...Net-ka ka niiqlee, Neefoow!!!

...Naagaha waa ka neefinnaa, Neefoow!!!
...Naagaha waa ka neefinnaa, Neefoow!!!

...Naq aan ku siiyee kaalay, Neefoow!!!
...Naxar baan kula dhici, Neefoow!!!
...Amxaarna waa la naari, Neefoow!!!
...Nicmada Rabbaa bixiya, Neefoow!!!
...Ninkuu rabuu siiyaa, Neefoow!!!
...Deeroow nin weeyee, Neefoow!!!
...Nation Soomaaluu rabaa, Neefoow!!!
...Nabad caaddiluu rabaa, Neefoow!!!
...Shaatiguduudna waa nayl, Neefoow!!!
...Shacabka kama naxee, Neefoow!!!
...Amxaar buu naag u yahay, Neefoow!!!

...Calankeennu waa nuur, Neefoow!!!
...Dunidaa lagu nashrin, Neefoow!!!

...Soomaali waa soo naaxday, Neefoow!!!
...Nifaaq iyo neef naac yiri, Neefoow!!!
...Labadaba waa naceen, Neefoow!!!
...Naaqus adoo kalaa, Neefoow!!!
...Nabar baa kugu dhici, Neefoow!!!
...Neefoow war neefoow, Neefoow!!!

...Allahayoow Naaficoow, Naasiroow
...Neefkaas markaad qabato, Nuuroow
...Oo aad nabad na siiso, Naaficoow
...Ku naalloonnay nicmadadaada, Naasiroow

Neefyahow neefta weyn, Maxamed Xaaji waa nin goba oo Habargidir u dhashay, waxaan rabaa inaadan maalin dambe ammaanin sababtoo ah markay kuu caddaato inuu reerkaas u dhashay ayaad oran doontaa waa Yuhuud waxba garan maayo haddana saan aragnay baad u ammaaneysaa maxaa yeelay qabyaalad baa calooshaada iyo qalbigaaga qurmisay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 17, 2001 - 09:12 am
neefdilow war neefdilow..
neefdilow war neefdilow..
nefdiloow aan kuu nasteexeeye neefdilow..
neefdilow mooryaani waa ehelo naarade...
naafooyin iyo waxay cayrsadaan naagahoo kale
naanaabyo weeyo malahan nuxur islaameede
nabiibyiyo waxay ka adag yihiin nawi balaayeede.

waan sii wadi lahaa balse waxaaan iskaga daynayaa waxaan ogahay in aysan murtida ku fiicnay oo jawaabi karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 17, 2001 - 10:33 am
neefdilow war neefdilow..
neefdilow war neefdilow..
nefdiloow aan kuu nasteexeeye neefdilow..
neefdilow mooryaani waa ehelo naarade...
naafooyin iyo waxay cayrsadaan naagahoo kale
naanaabyo weeyo malahan nuxur islaameede
nabiibyiyo waxay ka adag yihiin nawi balaayeede.

waan sii wadi lahaa balse waxaaan iskaga daynayaa waxaan ogahay in aysan murtida ku fiicnay oo jawaabi karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Tuesday, January 30, 2001 - 02:31 am
Soomaali,

Maxamed (Ingriis), waa wariye aad iyo aad ula socda xaaladda ummaada Soomaali ey maanta mareeyso, taasna waxaa ii muujiyey sida uu u soo tabinaayo wararka dhexdhexaadka ah, ee qof Soomaaliga ah u baahanyahay in uu ka ogaado xaaladda dalkiisa ku suganyahay, gaar ahaan kuweena dibadda jooga oo aad ugu baahan wararkaas uu soo tabiyo.

Midda kale, eeda aad ku eedeeysay iima muuqato aniga, ee ku saabsan dowladda Ethopia iyo probagaandada socoto.

Aniga, dowladda KMG ah ayaan taageersanahay 100% laakiin macnaheedo ma ahan in saxaafadda xorta ah ey ku hadasho sida ey dowlada kmg ah, ey rabto .

Xabashidana, rag soomaaliyeed oo dalkaas magac ku leh bey saaxiib la tagay, ayageeyna xulafo yihiin deegaanadoodana qofkey keensadaan xaq-bey u leeyihiin ama Xabashi ha ahaado ama Carab.

Xabashi Cadow-waayena waqtigii la oran jiray maanta ilama aha. Daris baan nahay, khilaafkeenana waa in aan ku dhameeysanaa wado hadal hadeey noqon laheeyd dhulka ey hadda ku jirto ee Gedo ama kii hore ey naga haysatay ee Soomaali Galbeed ama Ogaadenia. Laakiin colaad dagaal uma baahnin xaaladaan maanta aan mareeyno, dowladda KMG ahna kuma raaci karo qodobkaas ah in Xabashi maanta probagaando lagu furo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Beledweyn

Tuesday, January 30, 2001 - 03:14 am
Maxamae xaaji ingiriis waa Saleemaan mooryaan waaye u adeega daba dhilifka Caqaasim iyo xusse ceydioid danahooda e waxba haaamini waa tuug tuug tuug weynaadey balse waxa ino balan ah oneday in musbaar madax looga kawiyo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.