site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ethopia, Somalia waa Qayb naga mida!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Ethopia, Somalia waa Qayb naga mida!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliruna

Sunday, January 14, 2001 - 03:23 pm
Dawlada Cadawga ah ee Ethopia waxay sheegatay si cad in Wadanka somalia yahay qayb iyaga ka mid ah ama falaagoowday ayna rabaan inay qabsadaan dhamaan Xeebaha badweynta hindiya iyo badda casba.

Waxay qabsadeen meelo badan oo xuduuda ah waxayna rabaan inay u gudbaan xeebaha iyagoo ku gabanaaya inay isticmaalayaan dekedeheena.

Bedelistii calanka Ethopia wuxuu ku tusinayaa inay calankeenii ku darsadeen calankoodii ama ay labadii Calan isu geeyeen 10kii sano ee aan Aduunka ka maqnayn taasoo ay la timi dawlada cusub ee Tigreegu oo dad badan oo Soomaaliyeed aaminsan yihiin inay aad uga fiican yihiin dawladihii hore ( XAYLA SALAASE & MINGIUSTU) kuwaasoo Tigreega xukunka uga horeeyey, laakiin waxaa xaqiiqo ah inay 1000 jeer ka khatarsan tahay kuwii ka horeeyey!

FIIRI CALANKA CUSUB EE ETHOPIA:

<img src="http://www.ethiospokes.net/Images/flg.gif"

Safiirka Ethopia u fadhiyana UN Cadulmajiid wuxuu sheegtay inay iyagu Somalia u metelayaan laakiin Cali Khaliif uu ka cayriyey shirkiina ka saaray!

Arimahaasoo dhami waxay ku tusinayaan Cadawnimada iyo gumaysiga cusub ee Amxaarada, waxyse Siyaasiyiin Soomaali isku sheeg ahi qirayaan inaynu AMXAARO saaxiibnimo naga dhexayso walaalayaal xagee bay ku ilaaween 3 1/2 Malyuun Soomaali ah Gumaysta ama Adoonsada.

Walaalayaal ka digtoonaada Ethopia iyo dabadhilifyadooda waa kuwa maanta ama shalayba (anadihii lasoo dhaafay) inagu soo hogaamiyey AMXAARADA.

Walaalkiin
SOMALIRUNA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali-runa2

Sunday, January 14, 2001 - 11:26 pm
Ku: Somaliruna
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu Somali wax u tuso sidaad wax u aragto, si markaas khilaafaadka aan salka lahayn ee la abuuray intay u illaawaan, dantii guud u arkaan. Isla markaana waddankeenna aan ka badbaadinno cadawyada faraha badan oo ay Xabashidu ugu horrayso.Nin Somali ah ayaa Xabashida Qarammada Midoobey u fadhiyaa la yiri oo weliba difaacaya dhibaatada ay Somalida ku hayso.Asagu gumeysiga waa aqbalay, markaasaa waxaa lagu siray Safiir noo noqo, ha!ha!ha!ha!ha!wax weynay la tahay - wacade dhiig somaliyeed waa kugu yaryahay- addoonsi qaatow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOMAALI DIID No 1

Monday, January 15, 2001 - 04:51 am
amxaaro hana qabsato. dareenkiina qaldan halkaan kala baxa waayi kuwa heedta sh/hoose iyo j/hoose amxaar maxeey inoo dhaamaan hantidii umadda boobay dhaca kufsiga iyo dilka kugu haya waqtigaan amxaar aniga inuu soo galo waxaan u maleynayaainey dan iigu jirto nin soomaaliya hadan soomaali gumeysanaya maxaa loo arki la'yahay amxaaro hatimaado hana timaado gumeysi-
gumeysi nooma dhaamo.
tan ethiopia awoodeeda waxa ay ku soo bandhigtay ERATAREA soomaaliyana maanta waxba lama ahan ee caayda iyo calan guboowga halaga daayo haddii kale muqdisho iyo inta u dhiman ayeey tagi oo waad daawateen sidii loo galay (eretarea).
sidaas iyo nabedgelyo.
kuwa hadda soomaali u kululaanaya..

magaca soomaali waa leysku siraa beri hore ayaa u dambeysay...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#Somalia First#

Tuesday, January 16, 2001 - 04:16 am
Ku: Somaliruna
Wadannimada hadey daacad kaa tahay hadalkeyga dhageyso.

[Qof dantiisa yaqaan ceeb ma leh. Ethiopia danteeda bay ka shaqeynaysaa oo ah in ay somalia ka sameysato koox aan lid ku aheyn oo siyaasadeeda ku raacsan.

Shakhsi ahaan waxaan rumaysanahay inay ethiopia noqon karto cadowga kowaad ee somalia, taasina waxay ku xirantaha siyaasada ay somalia kula dhaqmeyso. Tan ay maanta kula dhaqmeyso somalia ma'aha mid labada dal u wanaagsan. Waxaa waajib nagu ah inaan dhamaan ka shaqeyno sidii looga hortagi lahaa siyaasadasi. Laakin maxaa xal ah? xageena ka bilaawi karnaa?

Midda kowaad, Waa inaan anagu midownaa. anagoo koox koox ukala qeybsan wax aan sameyn karno ma jirto, waxay noqonaysaa inaan daawano kaliya, taasi waaba haddii anan ka mid aheyn kooxda la shaqeysa. Marka midowgeena waa laga maarmaan.

Cidda kaliya oo maanta somalia midaynkarta waa shicibkeeda. Waxaa iga yaabiyay dad badan oo taageeraya dowladda cusub(gaar ahaan H/G, Marexan) oo ku haya dowlad aya na loo dhisay waa in laga dambeeyaa, ayagoo u jeedadoodu tahay inay ugu faanaan beelaha kasoo horjeeda DKMG(gaar ahaan majeerteen, isaaq iyo Raxanweyn). Aad ayaan uga xumahay qofwaliba noocas ah.

Shicibka somalia waa inay is afgartaan, shakiga iyo cabsida waa in laga baxaa si loo gaaro midnimo qaran.

Midda kale, Dawladda ku meel gaarka ah waa inay ka shaqeysaa midnimada somalia. Waa inay beelaha somalia ku nool ay u siman yihiin. Dawladda cusub hadaysan iska ilaalin khaladkii dawladii hore, waxay furayaan albaab ay cadowga nooga soo galaan. Waxaan leeyahay albaabada ay ka soo gali lahaayeen ha lagu xiro. Shicibka hala mideyo si wanaagsanna ha loola naqmo.]

[ Ethiopian kama aanan doorteen nin somali ah, xitaa haduu ninka somaliga ahi uu wax iigeystay]

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

taageeero

Tuesday, January 16, 2001 - 06:54 pm
somalia first nooloow 100% waa runtaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waddani NO.1

Wednesday, January 17, 2001 - 09:51 am
TO SOMALI DIID NO.1
saaxiib waxaan jeclaanlaa bal in uu ilaahay
ku tuso adiga gaar ahaan dhibka ay leeyihiin
Ethiopinka aad u ordaysid, waxaan in aad
ilaahay ka baryi lahayd in soomaalid gumasigooda
kuu soo celiyo
saaxiib dhibaatooyinka ay soomaalidu isu
gasatay qabiil ama cid aysan wax kusoo gaari
ma jirto.Somaalidu hadday is gumaysatu xataa
bin aadamnimo kama madhna.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali-runa2

Thursday, January 18, 2001 - 12:04 am
Aad & aad bay muhiim u tahay sida aad wada sheegteen (markii nala ka saaro Somali-diid) in shacab midaysan la helo, run ahaantiina waa haynaa.Shacabka Somaliyeed waa midaysanyahay ee Warlordska ayaa qori sanka uga haya meelaha qaarkood, waase wax dhammaan doona. Shacabkeennu Ingiriis, Talyaani, Faransiis iyo keligi taliyihii Siyaad Barre ayay cayriyeen, Warlord muxuu yahay marka. Dhibaatada Ethiopia waxayse noqon doontaa tii midayn lahayd Somali - bal u fiirsada ragow - Ilaahow run ka dhig.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.